Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

MAXAA KA TAQAAN KEYDMEDIA?

Webka KeydMedia waxey idiin soo bandhigeysaa, fursadna idiin siineysaa in aad ka faaiideysataan mashruuc warbaahin ee hindisihiisa la bilaabay 20 sano ka hor. Mashruucaan waxaa suurageliyey aqoonyahanno ku xeeldheer culuunta bulshada, sida siyaasadda, dhaqaalaha, warbaahinta, hiddaha, dhaqanka, fanka iyo farshaxanka.

KeydMedia waxaa loogu talagalay inuu buuxiyo kaalimihii ay banneeyeen hayadihii Qaranka ee burburay, sida Akademiyadii Fanka iyo Suugaanta; Wakaaladdii Filamada Soomaaliyeed; Madxafkii Qaranka iwm

  • KEYDMEDIA waa warbaahin casri ah ee madaxbannaan.
  • KEYDMEDIA waxaa uu ilaalinayaa anshaxa iyo haybadda saxaafadda.
  • KEYDMEDIA waxa uu idiin soo tebinayaa warar xiiso leh ee la soo xaqiijiyey.
  • KEYDMEDIA waa codka isbeddelka.
  • KEYDMEDIA cod lagu difaaco Xuquuqda Aadamiga.
  • KEYDMEDIA waa codka dadka aan codka lahayn.
  • KEYDMEDIA waxa uu dhiirrigelinayaa hanaanka Demograadiyadda iyo Nabad-ku-wadanoolaanshaha.

Wararka KeydMedia waxaa ku hawlan oo soo tebiya wariyayaal ku kala baahsan Dalka gudahiisa iyo dibeddiisaba.

Bogga KeydMedia waxa uu idiin soo bandhigayaa faallooyin iyo qoraallo ay curiyeen aqoonyahanno takhasus u leh.

KeydMedia waxa uu soo dhoweynayaa ráyiga dadweynaha iyo wixii aqoon-isweydaarsi iyo ráyi-wadaag ah.

Keydmedia waxa ka mid tahay baraha internedka ee soo jiita maqalka iyo muuqaalka xiisaha leh ee videoyada, Bostarada iyo Sawirrda Aslan.

KeydMedia waxa uu gacan ka geystaa isku xirka ganacsatada iyo macaamiishooda ee isku baahan.

back to top