10 Soomaali oo lagu Maxkamadeynaayo Jarmalka & Keydmedia oo Goobjoog ka aheyd
Hamburg (Keydmedia) - "Waa ku Qasbaneen!! Waa nalagu Qasbay" - Mudadaan Dambe waxaa ka socday Magaalada Hamburg ee Dalka Jarmalka Maxkamad lagu saaraayo 10 Burcad Badeed ah oo laga soo qabtay Gabolada Bari iyo Mudug.
Nimankaan lagu eedeeyay iney yihiin "Burcad badeed" ayaa marar badan lagu soo cel-celiyay in Maxkamada la hor keeno oo ey Go'aan ka gaarto Xukun Cinqaabta ee mudan yihiin.
Waxaa soo baxay Dhaliilo badan oo ey ugu horeeso Qaabka Maxkamadu ey u dhaceyso iyo Difaaca aan nuxurka laheyn oo u doodayo Qareenka ey Maxkamadu u qabatay inuu difaaco Nimankaas Soomaalida ah oo lagu soo eedeeyay Burcad Badeednimo.
Xusein Carab oo kamid ahaa eedeesanayaalka Maxkamada la hor keenay ayaa Wareysi gaar ah siiyay Wariyaha Keydmedia u joogo Dalka Jarmalka.
"Markii ey Maxkamadu u Qabato Qareen difaaca dambiilaha micnaheedu wuxuu u egyahay eedeesane aan isdifaaci karin" Sidaas waxaa u sheegay Wariyaha Keydmedia oo Goobjooga ka ahaa qaabka Maxkamada u dhaceyso Xusein Carab asagoo ku dooday dhoorjeerna ku celceliyay in lagu Qasbay Afduubka Markabka.
Xusein wuxuun ku saleeyay Doodiisa in ey Marki hore ahaayeen Dad xeebaley ah oo Kaluunka Quuta. Kadibnah maraakiibta waaweyn ey Xaalufiyeen Qalabkii ey Caruurtooda Quutka ugu raadsan jireen.
Ayadoo wareysigii Xusein wali noo socdo ayaa nalaka Kaxeystay asigoo aan noo dhameystirin Sababbihii ku Qasbay Burcad Badeednimada lagu soo eedeeyay.
Askarigu markuu naga kaxeystay Xussein wali cod dheer buu ku sheegayay in lagu qasbay "WAA KU QASBANEEN!! WAA NALAGU QASBAY, WAA KU QASBANEYN, CAALAMKA HALO SHEEGO WAA NAGULA QASBAY!!"
Arintaan ayaa waxey noqotay mid Ra'yulcaamka Jarmalka aan ka dagin oo sida Media-du u sheegtay aan u qaadan. Banaanka maxkamada waxaa ku sugnaa Dadbadan oo watay Boorar ey ku qoranyhiin "Dadkaan Burcad Badeed ma ahanee, waa kaluumeysato" "Gardaro ayaa ku soo Qabsateen" ama "Anakaa ka Mas'uul ah Burcad Badeeda" Boorar kale waxaa ku qornaa "Anakaa Dalkoodi iyo Degaankoodi Xaalufinay".
Xusein iyo Sagaal kale ayaa Bishii November 2010 ilaa Maantay saarnaayeen Maxkamada magaalada xeebta ah ee Hamburg, waxaana isla Maxkamadaan la hor keenay 71 jeer oo laysku waafiqi waayay Go'aanka cinqaabeed oo laga gaaraayo Dhalinyaradaas Soomaalida ah, wallow Garwadeenku Maxkamadu uu Qabo in lagu xukumo midkiiba 11 Sano oo Xarig ah.
Nimankaan waxaa lagu eedeenayaa iney bishi April ee Sanandka 2010 qabsadeen Markabka lagu magacaabo Taipan oo laga leeyahay Wadankaan Jarmalka.
Bishaan Bilaawgeed ayaan helnay Warar sheegaya in midowga Yurub ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan "Burcad Badeeda" Soomaalida ee ka ugaarsata badda Soomaaliya iyo badaha ku teedsan.
Xogtan hoose ayaa waxaa Qoray wargeyska kasoo baxa Dalka Jarmalka ee magaciisa la yiraahdo Frankfurt Allgemeine Zeitung, mana cadaynin wargeysku meesha uu ka soo xigtay xogtaan xaasaasiga ah ee muujinaysa in midowga Yurub ay qorshaynayaan weerar lagu qaado waddanka Soomaaliya gaar ahaana magaalooyinka ku yaalla xeebaha ee lagu tuhunsanyahay inay saldhigyo u yihiin burcad badeeda Soomaalida.
Philipp Wittrock oo ah Saxafi u dhashay Dalka Jarmal ayaa Keydmedia u sheegay iney Ciidamada Jarmalka iyo Fransiikuba ey marar badan Duqeeyeen Doomo ganacsi oo Soomaali u rarna, ayagoo Warbaahintooda ka sheegay iney Duqeeyeen Doomo Burcad Baded.
Halkaan ka Sii Aqriso Sirtaas! - Guji Meshaan
Wixii Faahfaahin oo Arintaas ku soo Kordha kala soco Keydmedia.net
Keydmedia.net - Xafiiska Berlin




More Article
- Maxaa hortaagan howlgalada Ciidanka TFG?
- Runtu waa Qanaacada Qofka! - Sheeko
- Talafi oo Muslimiinta Nabiga S.C.W Xusta ku tilmaamay Gaalo!
- Dhibaato hor leh & Kala Boobka Dhulka
- Feynuustii Fanka Soomaaliyeed ma damtay?
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.