Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 22 February 2015 | KON

Af-Soomaaliga Yaa Matala?

Shaakir Maxamed Cabdullaahi - Afka waxa uu ka mid yahay Astaamaha ama Qodobbada Madaxa laga tirin karo ee lagu baadi sooco Dhaqanka, haybta iyo Asalka ay Ummad ama Koox Dad ahi leedahay.

Teaser Image Af-Soomaaliga Yaa Matala?

Qeexid aan murugsanayn oo Afku leeyahay waa Ereyada iyo ulajeeddooyinkooda oo Ummadi ay isku garato.

Dadka Adduunka ku nool inta ayan baran qoraalka casriga ah ee afka (qoran) lagu keydiyo, oraah, sheekooyin, maahmaahyo iyo suugaan ayay afkooda ku waarin jireen. Mar danbe, waxaa la sameeyay buugaag lagu qoro xeerarka afka uu leeyahay iyo qaamuusyo (erey koobe) lagu ururiyo ereyada uu afku ka kooban yahay. Ummadaha casriga ah, shaqooyinka iyo waajibaadka dowladda ayay ku dareen ilaalinta, dhowridda, kobcinta iyo keydinta qoraallada afka, maaddaama uu yahay astaan u taagan aqoonsigooda, dadka kalana looga garto.

Af-Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka guunka ah, balse aan nasiibka u yeelan in mar sii hore la qoro oo far u gaar ah loo sameeyo. Dhowr bil ka hor, dabayaaqadii sannadkii tagey (2012) ayay ahayd kolkii la xusayay oo loo dabbaaldagyay xuskii afartan guuradii kasoo wareegatay kolkii afsoomaaliga qoraal rasmi ah loo sameeyay. Qornaan la’aanta Af-soomaliga muddo aad u dheer, waxay geyeysiisay in uu lumo dhaxal afeed, dhaqan fac weyn iyo taariikh afsoomaaliga HODMIN lahayd mar danbe.

Qoreyaasha iyo wax-aqoonta Soomaaliyeed, ee wax ka qora ama ka faallooda taariikhdii dawaladdii Kacaanka, waxay ‘qoriddii afsoomaaliga’ ku tiriyaan waxqabadkii ugu weynaa (ama mid kamid ah) oo ay xaqiijisay. Waayo? Berigaa wixii ka danbeeyay ayaa la karay in la qoro wax kasta oo kaabayay ama ka qeyb qaadanayay waaridda dhaxalkii afsoomaaliga (maanso, sheekooyin, dhaqamo abaaday, hab-nololeed, taariikh,…) Muddada ‘qaran burburka’ lagu sheego, afsoomaaliga wuxuu mutay dayac iyo daryeel la’aan mug weyn, sida wax kasta oo kaleba ay darrow u muteen. Afka, wuxuu u baahanyahay, sida caadiga ah, in uu la qoob-wadaago is bedbeddelka nolosha casriga ah; si taas looga lib keenona waa in loo helaa af-yaqaan xeel dheer oo u heellan heeganna u ah dejinta eray-bixintii uu afka kula jaanqaadi lahaa qalabka iyo fikradaha (dhaqan bulsho, dhaqan-dhaqaale, siyaasad, tacliin,…) uu hadba dadku nolosha kusoo biiriyo. Hawsha noocaan ah, inta badan, waxaa dusha u ridata dawlad.

Qarnigii tagey, qeybtiisa danbe, si guud, isbeddel weyn ayaa ku dhacay hab-nololeedka dadka adduunka ku dhaqan. Isbeddel weyn haddana dhaqsa ah ayaa hareeyay biseylka fakarka bani’aadamka ee ku qotoma wejiyada kala kaanka ah ee nolosha, sida dhaqaalaha, bulshada, siyaasadda, cayaaraha iyo madadaallada, millitiriga iyo ciidanka, isgaarsiinta, gaadiidka, caafimaadka IWM. Muddadaas, Soomaalida, marna socod-barad ayay ahayd, marna waa dawlad la’ayd.

Marka laga yimaado ama aan ka indho-laabanno, habaca iyo dib u dhaca Af-Soomaaligu waayuhu badeen waqtigaas aan soo sheegnay, horumarka ama erey-bixinta afka lagu soo kordhiyay ama lagu tarjumay erey-bixinno af shisheeye, la islama wada garan dadkuna iskama warqabin. Si kale, erey-bixin kasta oo qof ama hay’ad samaysay sidii la rabay dadka uguma dhex baahin, hadday baahdayna lama adeegsan. Si kasta oo ay xataa erey-bixinnadaas sax u ahaayeen, dadku fursad uma helin (sabab doontaba) in ay ka warqabaan ama ay adeegsadaan. Waxaana ugu wacan baan is leeyahay erey-bixinta oon il (source) midaysan ka imaanayn.

Tusaale ahaan, dad badan ayaa dadaal u galay sidii Ereyada Kombuyuutarka (qeybe, tubsheel!) iyo Kasmada la xiriirta ay erey-bixin ugu samayn lahaayeen, balse, (waana ka xumahay) dadaalkaas sidii la rabay miro-dhal uma noqon; Waayo sidii la rabay looma adeegsan Ereyda umana baahin.

Berigii ay Dawladdii Kacaanka Dalka ka arrimineysay wixii cusub ee Af-Soomaaliga quseeya, oo inta badan Akadamiyaha Dhaqanka ama Guddigii Af-Soomaaliga ka yimaada, dadweynaha, waxaa loo sii marin jiray Hay’adaha Dowladda ee kala duwan oo Shaqada ku leh, ama Dowladda lafteeda ayaa Xafiisyadeeda ka hirgelin jirtay. Balse, maanta, dadaal kasta oo la bixiyo waxaa caqabad ku ah oo ku hor go’an Midnimo la’aanta marjacii (meelo-dayeenkii) wax laga qaadanayay oo loo irkanayay.

Erey-bixinnada xiisaha leh oon ku arkay qaar ka mid ah Mareegaha Soomaalida waxaa ka mid ah

Haddeerin: Updating
Haddeersan: Updated
Haddeeri: Update

Tubsheel Dhabsaar ah: Laptop
Ogmo Farebeed: Digital Information
Qolofdaar: Hadware

Farsamaatiga Ogmo Tubsheel: Information Computer Technology

Kuwo kale oon idaacadaha ka maqlay waxaa ka mid ah:

Siyaasadaha Guntin-isku-giijiska ah: Austerity plan.
Bam guri-ku-samays ah: Homemade bomb
Fikir-curiye: Thinker

Haddaba, qof kasta oo Soomaali ah, gaar ahaan Dadka wax Qora waxaa la gudboon in ay baahiyaan Erey-bixinnada ugu caansan ee Dadka Afka yaqaan ay isku hawleen, inta laga helayo Dowlad Soomaaliyeed oo usoo gacan bannaanaata siisana Af-Soomaaliga maamuuskii iyo daryeelkii uu mudnaa.

Shaakir Maxamed Cabdullaahi
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Qormadaan waxaa markii ugu horeysay lagu soo daabacay bogga Keydmedia Online 14.07.2013

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top