Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 26 February 2015 | KON

CADLIGII I DULLEEYEY DOWNA LOO HELI WAAYEY, EE DIINTA LOOGA FOGAADAY

Ibrahim Abdi Geele — Gumeysigu waa la mamnuucay, waxaana gacantiisa ku mamnuucay Nabigeena Maxamed NNKH, wuxuuna gacantiisa ku xoreeyey inta la og yahay 63 benu aadam nool ah oo addoonsigii carbeed ku hoos jiray, Hooyadda Ummadda Islaamka ee ah xaaska Nabigeena Maxamed NNKH Ummu Caa’isha waxay xoraysay 67 Addoon u ahaa carabtii Berrigaas jirtay.

Teaser Image CADLIGII I DULLEEYEY DOWNA LOO HELI WAAYEY, EE DIINTA LOOGA FOGAADAY

Dhamaan Nabiga NNKH, Ummu Caa’isha, saxaabadda, iyo saaxiibadii Nabiga NNKH, waxay Xoreeyeen Addoomo kor u dhaafaya 39,237 Qof, waxayna ahayd markii ugu horaysay oo dagaal aad u adag lala galay addoonsigii ka jiray dunida carabta inta Risaalada Nabigeena Maxamed NNKH ay gaari kartay.

Waxaase indhahayga soo jiitay in qarnigan 21-aad uu jiro Gumeysigii ugu cajiibsanaa oo aan waligay maqlin, kuna fekerin taariikhda intaan noolaa inuu xitaa jiri karo, kana dhicin meel shaqsi soomaaliyeed uu joogo, waana dhacdo xanuun badan oo dareenkayga qaadday, igu beertay xalool xumo iyo niyad jab, taasoo cidkastoo dareen illaahay siiyey ila wadaagi doonto, ka nixi doonto, kuna qaracmi doono.

Arintani waxay ka jirtaa illaa iyo manta dalka Yemen, waxayna ka mid tahay meelaha ilbaxnimada ugu horaysay ee carabta lagu tilmaami jiray, laakiin waxaad dareemaysaa in Yementu tahay dadka ugu Jaahilsan, aan wali dunida inteeda kale ka war hayn, waxaana u sabab ah, collaadaha ku fogaaday ee gaaray boqolaal sano oo is xigay.

Yementu waxay qaxooti ku noqdeen dunida daafaheeda, laakiin sida ay qaxooti u noqdaan intooda badan dib ugama soo noqdaan dalka ay ka yimmaadeen sababtuna waa nolosha adag, iyo dhaqanka aan is badalinee collaadda ahliga ah oo Yemeni Taariikhda u leedahay intay waligeed jirtay oo hadba ninka laga adkaado, taariikhda laga masixi jiray, tusaale ahaan Soomaaliya waxaa xeryo qaxooti looga ooday DEGMADA SHIBIS, ama BILLAAJO CARAB, taasoo ugu dambayntii ay ku noqdeen deegaan, kana mid noqdeen soomaalida dalka deegaanka ku noqotay.

Sidaas si la mid ahna ay dunida ku yihiin, waxayna keentay in dadkii dalka ku haray  ku sii jiraan Jaahilnimada, iyo qabweyninka qabyaaladda, iyo kala daadsanaanta ku dhisan awoodda ugu saraysay Odayga ama Sheekhul QARYO waxay ugu yeeraan oo ka sareeya nidaamka wadajirta dalka, iyo dowladda, shucuubtuna ku xiran yihiin.

Juun 2010 ayaa waxaa Albaabadii addoonsiga  xariga u jaray wargeyska Almasdar ee ka soo baxa dalka yemen oo cidwaan ka dhigay “Yemen Addoonsi jiritaan kaliya maaha, ee waa sii kordhayaa”, Qormadaas markiiba la daabacay waxaa qalabkoodii qaatay Hayad lagu magacaabo Wethaq Organization for Human Right oo Markiiba meelaha lagu xusay u dhaqaaday sida waqooyi Galbeed ee dalka Yemen, waa ka mamnuuc in arimahaas si furan dhexdeeda loo daraaseeyo, loo daba galo, ama loo bandhigo, xeerka dalka yemen sharciyan ma ogola maxaa yeelay yemen xeerka joojinta addoonsiga waxay saxiixday 1950, haddan masuuliyiinta dowladdu, in laga hadlo arinkaas waa halis oo waxay u badan tahay, in rag sar sare ay ku jiraan kuwa addoon guryaha ku haysta kuna nool yihiin, mana doonayaan in addoomadaasi la xoreeyo, taas ayaana keenaysa in aan si furan loogu howl gali Karin, lana bandhigi karayn.

Wethaq Muddo 6 Billood ah markay daraasad wadeen waxay la kulmeen 190 Case oo ay ka heleen meelaha kala ah, Muharraq 116 Case ah, Aslam 61 Case ah, iyo Keydnah 13 Case ah.  Markiiba waxay noqotay arin baahsan, waxayna soo gashay warbaahinta, una gudubtay indhaha dunida, taasoo manta dareenka ay I galisay igu qasabtay inaan waqti galiyo,, kuna qolo afkayga hooyo, si aan u dareensiiyo, in dunidan casriga ah ee adoonsiga Maldahan ka jiro, laga heli karo, midkii ka horeeyey Nabigeena Maxamed NNKH, oo uu nool yahay, looguna dhaqmo siday ahayd taariikho 3000 oo sano ka badan.

Nazim Xanjoor waa wiil dhalin yar, ma yaqaano waxa Xornimo la yiraahdo,  addoonimo asaga iyo waalidkiisa iyo sooyaalka Taariikhda inta  ay jireen ahaan jiray dad la leeyahay, la kala iibsado, loona dhaqmo sida xoolaha oo kale, Naziim wuxuu ka sheekeeyey noloshiisa, wuxuu yiri markaan jiray 6 ama 7 sano, ayaa hooyadeey ii sheegtay inaan dhamaanteen wada nahay Addoon la leeyahy, ayna qasab tahay inaan raacno dadka aan adoonta u nahay.

Arintan waxaa dhexda u xirtay, una kitaabo qaatay Najiib Asaadi iyo Wardan soona gaarsiiyey illaa heer dunida loo bandhigi karo ayadoo ku jirta laba dhagax dhexdooda, ka shaqeeyey, iskuna howlay sidii arintani mar qura looga cirib tiri lahaa dalka yemen, waxayna soo bandhigeen hordhaca ugu horeeya, hordhacaas tusaalaha ah waa Nazim Manjoori oo Xornimaddii ugu horaysay albaabka u noqday, tusaalana looga dhigay asaga iyo walaalihiis la dhashay.

Najiim Asaadi iyo Wardan oo u dhaqdhaqaaqa Xuquuqul Isnaanka,  ayaa waxay balan la leeyihiin Nazim Manjoori la xoreeyey 2013, Nazim maadaama uu ku soo koray nolol Gumeysi baqdin xoog badan baa ku jirta, in yar ka dib wuxuu yimid halkii lagu balansanaa, wuxuuna salaamay dadkii meesha ku sugayey ee ay ugu horeeyaan Najiib Asaad oo xornimadiisa u sabab noqday iyo raggii la joogay.

waxaa loogu yeeray Nazim inuu ka sheekeeyo taariikhdiisa dadka uu la dhashay, walaalahiis Samiya xanuun badan uu kala kulmay, iyo sida ay wax u jiraan, Kulankaan waxaa goob joog ka ah, Television Al-jazeera Baaraya arintan, waxaana lagu xiray meesha kulanka ka dhacayo Camera Qorsoon si aan Nazim uga baqan.

Nazim ayaa ka sheekeynaya dhimashada ninkii lahaa qoyskii uu ka dhashay “waxay ahayd markii noogu darnayd oo uu dhintay ninkii aan Cabiidka u ahayn, waxaan ka mid noqonay dhaxalkii la qaybsanayey, waa nala kala qaaday oo ilmaha odaygii dhintay ayaa na qaysaday,  waxayna noqotay markii naysugu keen dambeysay aniga iyo waalidkay, walaalahay”, Nazim waa la iibsaday oo waxaa la wareegay ninkale taasoo keentay in taariikhda sheekadan uu u noqday albaabka lagu furay jabinta  Silsiladda iyo geynta xarigii gumeysiga, wuxuuna noqday jidka fududeeyey habraaxa dhacdadan xanuunka badan.   

Nazim waxaa waraysiga uu bixiyey ku dareensiinayaa sida Gumeysiga Asaliga ah uu yahay, ama u dooriyo nolosha aadamiga illaahay xornimada iyo qiyamka siiyey, waxaana la weydiiyey asagoo ilmaynaya wuxuu la ilmaynayo, wuxuuna ku jawaabay, “waa nolosha aan ku jirno, ama reality of my life, asagoo wajigiisa hoos aadinaya, maxaa yeelay ma awoodo inuu dadka wajiyadooda eego markuu arintani ka hadlayo, xanuunka haystaa waa inuusan la mid ahayn benu aadamka asaga la midka ah ee raga uu qabaanka u yahay ilmahooda ka hoos mariyey, asagoo isu haysta inuusan la mid noqon karayn sinaba dadka uu la nool yahay.

La soco Qeybta labaad ee qormada

Ibrahim Abdi Geele
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top