Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Monday 2 March 2015 | KON

CADLIGII I DULLEEYEY DOWNA LOO HELI WAAYEY, EE DIINTA LOOGA FOGAADAY - 2

Lagama sheekeyn karo dareenkay sawirayso inaad noqoto sida ehelkaaga loo kala iibsanayo oo lagugu xisaabto, oo inta suuqa lagu geeyo sida ariga iyo geela iyo nafcilayda oo kale, suuqa laguu keeno, kadibna nin cusub oo aadan waligaa arkin, ku iibsado, oo caafimaad iyo xanuun midna nasiib u yeelan weyso, tani waa sawirka uu bixiyey Mr. Nazim.

Teaser Image CADLIGII I DULLEEYEY DOWNA LOO HELI WAAYEY, EE DIINTA LOOGA FOGAADAY - 2

Su’aasha ugu adag ee anigaba I xanuujisay waxay ahayd marka la weydiiyey, adiga ma aaminsan tahay in lagu leeyahay, oo uu yiri “”Haa waa lay leeyahay”, waa lagu celiyey oo ma sida xoolaha “ wuxuu ku jawaabay, waa sida qasabka laygu aqbalsiiyey, kuna soo jiray”

Addoonsiga benu aadamka ee Yementu kama duwana sida xoolaha nool, “Addoonka la leeyahay, Guur ahaan, wax MEHER lama sameeyo, aroos iyo qaraabo looma baahna, mana laha oo waa mamnuuc inay is booqdaan, in wiilka hooyadii iyo walaalihii aad aragto,  waxaa kugu dambaysa marka la kala iibsado, lama soo booqan karo, mana xusi karo, ma awoodo inuu ka baxo meesha lagu og yahay, shaqsikasta oo la leeyahayna xeer difaaca ma jiro, qabiil iyo qolo, ama sharci dowladnimo, ama dhaqan kale oo badbaadiyaa ma jiro. Sidaas waxaa yiri Nazim oo  si calool xumo badan uga hadlay, asagoo baqdin ku jirto, indhahiisuna ilmaynayaan una sheegay Najiim Asaad.

Nazim ayaa sii raaciyey sida ay u xanuun badan tahay sida walaashiisa Samiya ula dhaqmay wiil 19-20 jir ahaa  "Waxaa la dilayaa walaashaa kula dhalatay, oo aad indhaha ka daawanaysaa, oo aadan waxba u awoodin, sida la doono loola dhaqmayaa, waxna kama tari karaysid, waayo asagaa iska leh, Nolol maaha tani" ayuu yiri Nazim.

Nazim Kulamo badan ka dib, waxaa ugu dambayntii la weydiiyey in walaalihiis meel ku sheego, wuxuuse ogaa dadka haysta inay adag yihiin wuxuuna sheegay in arintu aysan ahayn sida la moodayo, oo in walaalahiis loo tago mushkilo lagala kulmi doono, asagoo cabsanaya ayuu yiri, maya maya waa adag tahay oo layma ogola inaan walaalahay arko. Nazim waxaa la dhashay inta uu sheegay Shafiiq, Abdallah iyo Saamiya, dadka ay la nool yihiin inuu u tago waa dambi weyn.

Najiib Asaad ayaa ku adkeeyey inaysan wax dhibka ka imaan doonin, ugu dambayntiina xiriiro badan, iyo daba gal badan kadib, waxaa kulamo lala yeeshay deeganaddii ay walaalaha Nazim daganaayeen,  waxaana lala kulmay dad kala duwan oo addoomo ku haysta.

Kulamadaasi waxay ku dhacayeen qarsoodi, waxayna hanaan xigmadaysan oo laga illaaliyey in Yementan Hubaysan aysan dadka baarista iyo dabagalka ku jiraa aysan dhibaato uga iman karayn.

Wariye Omar al owky wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee arinta warsidaha ku qoray albaabadana u furay sanduuqii madoobaa ee Gumeysigu ka buuxay,  “wariye Omar wuxuu yiri goor galab ah ayaan u tagay sheikh aad loo yaqaano, oo aan kala kulmay arin qariib igu noqotay, waxaa ii yimid nin Cuntada ii keenaya, waxan cabana ii keenaya, meeshii aan seexan lahaana ii hagaajinaya, waxaan si lama fillaan ah u weydiiyey cidda uu yahay anigoo doonayey inaan ogaado maadaama uu ii adeegayey, waayo wuxuu iila ekaa nin muuqaal ahaan ka duwan sheekha iyo ehelkiisa, wuxuuna si lama filaan ah igu yiri, Addoonka Sheekha ayaan ahay ” Omar markiiba dowladdii ayuu la dhex galay, jawaab adag ayaa laga horkeenay, waxaana lagu yiri “ Case xir mar dambana yaanan lagaa maqlin, haddii kale dhibaato ayaad kala Kulmaysaa”

Markaan arintu dowlad cid dankaleh ma jirto, wiilkii yaraa ee Nazim waxaa gacanta ku dhagay Najiib Asaad iyo kooxdiisa arinta ku daba jirtay, waxaana loo sheegay inay meelaha uu garanayey ee dhibaatada ka jirtay ay isu raacaan, qorshahana lama socdo, Laakiin waa farxad aanu warba u haynin, waa in la soo xoreeyo Nazim walaalahii la dhashay, ee Shafiiq iyo Abdallah, wiilka yar Gumeysiga ayaa wadnaha ka qaaday in walaalihiis la xoraynayo ciyaar iyo riyo ayey la tahay, kama dagayso, wax caqligiisa ka dagaya maaha.

Muddo markii la socday waxaa loo tagay Mr. wardan oo ka mid ahaa raggii horay ula kulmay dadkii addoonsiga dhaqanka u ahaa, ayna ku adkaatay inuu ku guuleysto, laakiin waa arin sooyaalkeedu dheer yahaye, xooga waxay saareen xoraynta shafiiq iyo Abdallah, waxayna kulan iyo ka dhaadhicin badan ka ogolaaday ninkii dhaxalka u helay Shafiiq iyo Abdallah ee ay addoonka u ahaayeen, waa lala fadhiistay, waa loo sheekeeyey, waxa badan wuxuu ka hadlay in addoonsigu caadi yahay, oo wax dhib ah uusan u arkayn isaga, wuxuuna ku dooday inay nacasnimo u tahay inuu ka siidaayo addoomo uu leeyahay.

Ugu dambayntii waxaa laga dhaadhiciyey inuu xoreeyo, nasiib wanaag waa aqbalay waxaana laga saxiixay warqaddii TAARIIKHIGA ahayd KUMANAANSANO kadib Xornimo aan ninka la siinayo garanayn micnaha ay leedahay, iyo Ninka wax Xoraynayna oo dhaqan la jabiyey ay u tahay, waxay ahayd taariikh cidda u joogtay ku waayo qaadatay.

Muuqaalkan waa kala wareejintii Milkiilaha Benu aadamka iska lahaa ee dhaxal qaysigu ku soo gaaray, iyo dhalaankii sida xoolaha loo raacan jiray ee addoon asal ah ku soo waayo jirsaday illaa waalid iyo ab.!

Gaarigii Keeney Shafiiq iyo Abdallaha waa tagay, waana dhaqaaqay, wuxuu ka tagay Shafiiq iyo Abdallah, waxayna u badan tahay inaysan dib dambe isu arki doonin, u kulmi doonin, una lahaan doonin mustaqbalka inta ka dhiman, muuqaalka gaariga sii jeeda waa Milkiilaha xoreeyey wiilashii addoonta u ahaa, kana dhaqaaqay. Runtii waa dhacdo xanuun badan iyo taariikh adag oo uu wax ka badalay, markuu soo socday iyo markuu sii socdayna noqotay taariikh sidaas u kala duwan.

Naziim, shafiiq iyo Abdillahi dhamaan waa ciyaal yar yar, illaahay Gumeysigii sooyaalka ah kuwa ugu horeeyey ka dhagay, oo xornimadoodii ayadoon dhiig badan ku daadanin ummad u soo diray, nasiibna u yeeshay inay qarniga 21-aad boqolaal la addoonsado wali, kuwa uga nasiib badan ka dhigay, waa dhalin yaro, aan hooyo iyo aabe mustaqbal wax la yirahdo u sheegin, waa ciyaal hadda cid gacan qabaysaa aysan jirin,  waa ilma yar oo xornimadu dunida kula baahday, oo aan manta kadib beer u falin doonin, laakiin farxadda xornimadu tahay la qosol gariiray.

Sidexdan walaalaha ah, xafladoodii ugu horaysay ee ay qabsadeen waxay ka dhacday Geed saxara ah hoostiisa, waxay u ciyaareen sida dad Muusic u shidan tahay, waxayna ku qoslayeen bal sida ay cajiib iyo Riyo ula tahay xornimadan, waxayna qaar lahaayeen, tani waa Riyo, tani ma run baa.  Waxay ka sheekeysanayaan bal waxay sameyn karaan, waayahan cusub sida ay u wajihi lahaayeen, waxay doonayaa inay tijaabiyaan waxay micna leedahay xornimadan ay nasiibsanayaan ayagoo ku dhex nool bulshada  wali ka dhaqan tahay addoonsiga.

Shafiiq Xanjoor waa mid ka mid ah, labadii wiil ee la xoreeyey midkood, waxaa uu ka sheekeynaya xusuustiisa waxay waalidkii ula dardaarmeen wuxu yiri “intaynu jirnay waa nala lahaa oo adoon baan soo ahaan jirnay, waana ku dhalanay addoonsiga, dhaxal ayeyna noo leeyihiin, sidaas oo ay tahay, ma xusuusto hooyadeey, muddo dheer ayaan kala maqanahay, dabcan waxaynu iska ahayn addoomo la leeyahay, oo aan doorasho lahayn” .  waxaa la weydiiyey maxa u dhaxeeya addoon iyo qofka caadiga ah, wuxuu ku jawaabay “ilmaha caadiga ah, waalidkood bay la nool yihiin, waa faraxsan yihiin, waxay leeyihiin mustaqbal, cidda aan mustaqbalkaas lahayn waa aniga, haddaad guursanayso xaaskaagu waa addoon la leeyahay, shaqada addoontuna waa inay shaqeeyaan, waa intaas” Mustaqbal adiga micna ma kuu leeyahay, wuxu yiri “May, markaad addoon tahay wax micna kuuma laha mustaqbal”

Waxaa xusuusin mudan in uu jiro nin la xoreeyey intaan Documentary-gan aan la sameyn ka hor, laakiin nasiib daro markuu meel uu aado waayey, dib ugu noqday Ninkii gumeysanayey, maxaa yeelay dunida meel uu ka aado ayuu garan waayey, nolosha meel uu ka nasiibsado ayuu fahmi waayey, waana la keeni waayey nolosha xorta ah, waxaana u sabab ah dadkaas laga sheekeynayo oo sida uu sheegay Shafiiq aan ehel iyo qaraabo ay leeyihiin wax uun leh, ama meel dagan aan jirin, oo wiil iyo hooyadiis aysan aqoon isu lahayn, nasiib wanaag, 3-dan wiil aqoonta ka dhaxaysay iyo dhiiga walaalnimada xoogiisa, waxaad dareemaysaa inay dusha is kala socdeen, xitaa haddii ay dhici weysay inay kulmi waayeen noloshooda.

Maantase waxaa u beryey waa Cusub, ka qurux badan, ka iftiin iyo dhalaal badan, aan qof dunida jooga haysan, oo qof helaa qiyaas lagu cabira aysan u lahayn, waxayna kala weyn tahay, waxkastoo illaahay dunida dhigay, waana dareen aysan fahmayn, ciddaan wali xanuun gumeysan arkin, ee xoriyaddu ciyaar la tahay.

Waxaanse anigoo qoraa ah Is weydiiyey, su’aal igu adkaatay inaan jawaab u helo oo ahayd, sida ay wiilashaasi yar yar bulshada uga dhaadhicin lahaayeen in aysan addoon cidna u ahayn oo ay xor yihiin, kadibna ay ugu dhex noolaan lahaayeen ayagoo nabad qaba, caafimaad qaba, laguna xaq dhowri lahaa, jiraankooda iyo xornimadooda!!!

Illaahay baa mahad leh, ital noo siiyey inaan fahamno, una gudbino ummadda dhaqankan foosha xun, illaahay iyo Rasuulkiisaba ku diideen cidkastoo ku dhaqanta.

Ibrahim Abdi Geele
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top