Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 4 July 2013 | KON

Qaadku, Khamriga Waa Ka Daranyahay!

Keydmedia Online - Bulsho kasta oo meel kuwada nool waxay leedahay waxyaabo lagu Xasuusto oo markii la damco in laga Taariikheeyo ay muhim tahay in la xuso waxyaabahaasi, qeyb ka mida bulsho weynta Soomaaliyeed waxaa ay caan ku yihiin ka Ganacsiga Qaadka, cunistiisa iyo waiba in la gaarsiiyo meelo badan oo kamida Caalamka.

Teaser Image Qaadku, Khamriga Waa Ka Daranyahay!

Inkastoo Dhulka Soomaaliya uu yahay dhul ku fiican wax beerista haddana kamid ma aha in lagu beero maandooriyaha ay Soomaalidu caanka ku tahay ee Qaadka, hayeeshee waxaa si aada looga yaqaan isla markaana lagu beeraa waddamada ay dariska yihiin Soomaaliya sida Kenya iyo Ethiopia.

Waxaa la sheegaa in beeraha waaweyn ee lagu beero Qaadka ee ku yaal Waddanka Kenya ay intiisa badan ka shaqeeyaan dad Soomaaliyeed oo si xowli ah uga dar dar galiyay ka ganacsiga maandooriyahan kuwaasoo udhoofiya dalal badan oo ay ku nool yihiin dadka Soomaalida ah sida waddanka Soomaaliya iyo qaar kamida dalal ku yaal Qaaradda Africa oo ay kamid yihiin England, Nederland iyo Waddamo kale.

Haddaba iyadoo ay taasi jirto waxaan shaki ku jirin in waddanka ugu badan ee loo dhoofiyo qaadka uu yahay Soomaaliya waxaana lagu qiyaasay maalintii in la keeno qaad aad u tiro badan oo cadadda lacagta ku baxda maalinti ay ka badan tahay 10 kun oo dollar, inkastoo dadka udhuun daloola arrimaha ganacsiga ay sheegaan in cadadda lacagta ay intaasi ka badan tahay.

Si kastoo ay ahaataba waxaa jira dad badan oo iyagu ku hoos nool ka gancsiga qaadka waxaana sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa tirada dadka ka shaqeeya soo dhoofinta qaadka, dajinta iyo suuq geyntiisaba, dadka ka shaqeeya qaadka oo kaliya ayaa ah kuwo aad u badan oo isugu jira noocya farabadan, laga soo billaabo marka laga soo guro beerta illaa ay afka uga dhacdo qofka cuna qaadka waxaa jira dad aad u badan oo ka qeyb qaata sidii loo keeni lahaa suuqyada qaakd Soomaaliya.



Shaqaalaha ugu horreeya ee Qaadka waa kuwa ka soo gura beerta Qaadka waxayna qaataan mushaar yowmiye ah kaasoo ay kula xisaabtamaan dadka iskaleh qaadka oo isugu jira Soomaali iyo Kenyati, sidoo kale waxaa jira dad iyaguna ka shaqeeya dhanka xamaaliga oo diyaaradda keenta Soomaaliya iyo kuwa kale ee u dhoofisa Waddamada kaleba saara, waxaa kaloo ku xiga dad iyaguna ka shaqeeya soo dajinta markii la keeno garoonka diyaaradaha, waxaa xiga gawaari nooca loo yaqaan Mini bus-ka oo dadka ganacsatada ah geeya garoonka qaadka laga soo dajiyo ee No:50.

Waxaa jira sidoo kale dhallin yaro uqaabilsan ganacsatada qaadka dhanka xisaabaadka kuwaasoo kala xisaabiya qaadka sida uu u boxo iyo sida ay lacagaha usoo kala xaroodaan, waxaa soo raaca dhallinyaro yaryar oo iyagana ka qaraabta marka la keeno suuqa waxay ka dajiyaan gawaarida Qaadka oo ku jira jawaano waa weyn waxayna dhigan goobaha loogu talagalay ee lagu iibiyo, sido kale waxaa jira qaar kale oo kamida dhalinyaradaasi oo iyagu sii diyaariya goobaha la dhigo si loo iibiyo qaadka waxayna goglaan jawaano iyagoo har uga dhiga dalladaha qorraxda laga galo.

Waxaana ugu dambeyntii halkaasi ku iibiya haween iyo rag aan badneen qaadka oo si toosa uga sii iibiya dadka cuna maandooriyaha loo yaqaan Qaadka, iyadoo ay jirto in intaas oo marxaladod uu soo maro Suuq-geyntiisa ayaa haaddana waxaa jira dhibaatooyin farabadan oo umadda Soomaaliyeed ka haysta keenista iyo waliba cunista Qaadka.

Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee uu umadda Soomaaliyeed u geysto waxa kamida:

1) Hoos u dhac dhaqaale: Sida aan horay uga soo hadalnayba waddankeena soomaaliya malahan beero lagu abuuro Qaadka, waxaa laga keenaa waddanka aan dariska nahay ee Kenya, inkastoo beeraha ay ka shaqeeyaan dad Soomaaliyeed haddana inta badan qarashka ka soo xarooda qaadka waxaa afka u rita isla markaaa qaata dadka keenyaatiga ah oo isug jira dowladda, oo canshuur ka qaadata iyo dad kale oo leh dhul beereedka lagu iibiyay qaadka.

Sidoo kale diyaaradda keenta qaadka iyada lafteeda waa diyaarad laga leeyahay waddanka Kenya sida daraadeed ayey Kenyatigu u qaataan lacag aad u tiro badan marka la eego cadadda lacageed ee ka soo xaroota ka ganacsig Qaadka.

Caruurta ku dayacan Suuqyada Qaadka

2) Nolol-xumo ka jirta meelaha lagu iibiyo Qaadka (Nadaafad-darro): sida aan ka wada dharagsanahay suuqa lagu iibiyo qaadka waa mid nadaafaddiisu ay liidato, ma jirto cid si toosa isaga xil saarta wax ka qabashada iyo ilaalinta nadaafadda deegaanka u dhaw iyo midka lagu iibiyo, dadka gada qaadka iyo meelaha lagu iibiyo dadka iskaleh ee kireystayaasha labadaba ma ilaaliyaan nadaafadda deegaanka ay ku noolyihiin maalintii oo dhan isla markaana ay ku ganacsanayaan maalinta oo idil, qof kasta oo kamida ganacsatada Qaadka waxaa laga yaabaa in ay ku fakareyso maxaa kaa galay nadaafadda goobta uu ganacsiga qaadka ka jiro?

Arrintaasina waxaad dareemi kartaa marka aad si dhaba ugu kuur gasho xaaladda goobaha ay dadkaasi ku sugan yihiin, waxay indhahaygu qabanayeen maalin aan dhexmaray suuqa ugu weyn ee lagu iibiyo Qaadka caruur kamida kuwa ka qaraabta halkaasi oo qashin ina uu soo aruuriyay ku daadiyay meel aan sidaa uga fogeen halkii uu ka soo qaaday oo u jirta qiyaastii wax ka yar toban tallaabo, isla markaasina waxaa goobta ka agdhawaa dadkii ku sugnaa goobta lagu iibinayo qaadka gaar ahaan dadkii ku ganacsanayay halkaasi ma jirin cid la hadasha oo ku boorisa ama ku adkeysa cunuga yar ee qashinka la yiri qaad isla markaana ku daadiyay isla goobtii iyadoo aan xitaa ugu yaraan lagu dhiiri galin in uu gubo.

3) Mustaqbal-xumo boqolaal Caruur Soomaali ah ku nool suuqyada lagu iibiyo Qaadka: Waxaan aragnaa caruur farabadan oo iyagu ku sugan goobaha lagu iibiyo qaadka shaqooyin kala duwana ka haayo halkaasi, waxaan shaki ku jirin in caruurtaasi guud ahaan mustaqbalkoodii uu mugdi madaxa la sii galayo waayo ma haystaan caruurtaasi waxyaabo farabadan oo noloshooda aas aasi u ah oo ay kamid ataha waxbarasho Diini iyo mid maadi ah labadaba.

Caruurtaasi waxay ku fakaraan in ay soo helaan nolol maalmeedka maalintaasi waxayna isugu jiraan qaar ka soo toosa guryaha waalidkood oo iska dan yar ah isla markaana u ogol in ay soo qaraabtaan, qaar aan lahayn guryo oo darbi jiif iska ah kaligoodna nool oo an haysan meel ay dagaan iyo waalid daryeela toona, iyo sidoo kale qaar ka yimaada guryahooda oo ka soo carara wax barashada isla markaana suuqa sidaa ku soo gala.

4) Caafimaad-darro: Sida aan ka wada dharasanahay cunista qaadka waxaa laga dhaxlaa ama lagala kulmaa xanuuno farabadan kuwaasoo ku dhaca inta badan dadka cuna Qaadka, Dhaqaatiir farabadan oo aan wax ka weydiinay cunista Qaadka dhibaatooyinka ay u keenaan qofka xaaladdiisa caafimaad ayey noo sheegeen in qaadku uu qalajiyo qabsinada dadka sida saa'idka ah u cunana xanuunkaasi wuu ku soo dag dagaa, waxaa kalee oo uu leeyahay cunistiisu hurdo la'aan.

Qofka cuna Qaadka habeenkii oo dhan wuu soo jeedaa hurdo la'aan uu sababay dartiis ayuuna qofkaasi u soo jeedaa, mid kamida dadka sida aadka ah u cuna ayaan sidoo kale wax ka weydiinay dhibaatooyinka uu kala kulmay tan iyo wixii ka dambeyay goortii uu billaabay cunista Qaadka waxa uuna noo sheegay in xanuunada uu kala kulmay ay aad u badan yihiin waxaana kamida ayuu yiri "Hurdo la'aan, caajis farabadan, iyo cunno yari" intaas iyo inkale oo ka badan ayaa waxay ku dhacaan dadkaasi cuna Qaadka.

Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu soo daabacay: 03.09.2010

Iimaan Max’ed Jimcaale - Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top