Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 20 April 2015 | KON

Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

Bashiir Shiikh Maxamed Walaalayaal waxaan idiinsoo gudbinayaa qoraalkan oo ku saabsan shiidaalka Soomaaliyeed ee ku jira xuduuda Somaliya iyo Kenya annagoo hadda maqleyna Darbi aay Kenya ka dhiseyso xuduudda. Maba xumee, darbiga ma laarsiinayaa xuduuda rasmiga ah? Mase waa qorshe aay Kenya kaligeed wadato?

Teaser Image Dhul-badeedka Soomaaliyeed Wuu Leeyahay Soohdin Cabbiran

Magaceygu waa Bashiir Shiikh Maxamed, waxaanan ahay diblomaasi Soomaaliyeed oo ka soo shaqeeyay safaaraddii Soomaalida ee Stockholm xiligii uu safiirka ka ahaa halgamaagii weynaa ee ee Cabdulaahi Ciise Maxamuud (Alle ha u naxariistee).

May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, waxaan ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Chargé D'affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway (Eeg verbal note)[1].

Haddaba, aniga aad uga xun boobka iyo bililiqeysiga lagu hayo dadkeygii iyo dalkeygii hooyo ayay ila noqotay inaan walaalaheyga Soomaaliyeed u soo gudbiyo wixii waayo aragnimadeyda ah, aanan garab istaago walaalaha qalinka u qaatay sidii ay u difaaci lahaayeen dalkeenna iyo guud ahaan danaheennaba.

Waxaanan isku dayi doonaa aniga oo soo koobaya inaan idiin soo gudbiyo waxa aan ka ogahay sida uu ku billowday qorshahaan shidaal baarista ee ay Norway ka waddo Bariga Afrika, anagoo la soconna meesha halista ah ee maanta xaalku marayo iyo in hadda la isku dayayo in dhulbadeed ay Soomaaliya leedahay loo sharciyeeyo Kenya. Walow ay Qaramada Midoobay dhowaan hor istaagtay heshiiskii is IS-AF-GARAD, waxba kama jiraanna ay ka soo qaadday. Haddana weli waxaa taagan khatar weyn oo mudan in aad looga foojignaado. Waxaana beryahaan soo shaacbaxaya warar ka soo baxaya shirka Istanbul oo la leeyahay dhulbadeedka Soomaalidu soohdin sharci ah ma laha, lana leeyahay haddaa soohdin loo sameynayaa. 

Sidaan kor ku sheegnay Mudane Cabdullaahi Ciise (AHN)  oo markaas ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Stockholm (Sweden) ayaa soo qalqaaliyay heshiisna la gaaray shirkadda WESTERN GECO oo ay xarunteedu tahay waddanka Norway. Shirkaddaasi  sanadkii 1980kii ayay billowdahay in ay batrool ka baarto dhul-badeedka Soomaaliya ayadoo wajigii koowaad ceelal shidaal ka sahmisay Raas-Kamboni ilaa Baraawe. Wajigii labaadna Baraawe ilaa hoboyo. 

Baaritaankaas shidaalka lagu sahminayay wuxuu qaatay muddo laba bilood ah, kadibna si loo ogaado natiijadii ka soo baxday baaritaanka markabkii howsha waday wuxuu dib ugu laabtay saldhiggiisii STAWANGER –Norwey. Ka dib, waxay noo sheegeen  in baaritaankii ay ku guuleysteen qaybtaas dhul-badeedka Soomaaliya ee ay baareenna ay ka heleen  laba god oo aad u waaweyn. Waxay noo sheegeen in keydka bartoorka ee ku jira labadaas god uu ka badanyahay keydka betroolka ee ku jira waddanka Norway oo dhan, ayadoo Nowey lagu tilmaamo dalalka ugu keydka batroolka badan qaaradda Yurub.

Shirkadda WESTERN GECO iyada oo ku faaneysa guusha ay ka gaartay sahmintii batroolka ayay warbixin arrinkaas ka hadlaya ku qortay  Warside ( Bulletin) bishiiba mar soo baxa oo ay shirkaddu iska laheyd. Waxayna warkooda gaarsiiyeen shirkadaha batroolka baara si ay ugu muujiyaan guusha ay ka gaareen batroolkii ay Soomaaliya ka sahmiyeen.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960kii waxaa soomaaliya shidaal ka baaray shirkado badan oo ay ka mid yihiin : AMOCO, CONOCO, PHILLIPS, CHEVRON, SHELL-(PECTEN),  ARCO, AGIP, ENI, SINCLAIR,  Total-Fina-ELF (French company).  Shirkadahaasina waxay haystaan heshiisyadii ay la galeen xukuumadihii waddanka soo maray ilaa markii calanka la taagay. Waxayna shirkadahaasi iska leeyihiin xuquuqda shidaal baarista bad iyo berriba.

Shirkadahaasi markii ay heleen akhbaartii ku qorneyd warsidaha (bulletin) Western Geco wey baraarugeen oo Soamaaliya ayey isku wada shubeen, ayagoo ka doodaya kana soo horjeeda sababta shirkadda WESTERN GECO loogu oggolaaday in badda Soomaaliya batrool ka baarto. Waxayna shirkadahaasi ku doodeen in lagu xadgudbay heshiisyadii caalamiga ahaa ee lala galay.

Dowladdii Soomaliyeed waxaa khasab ku noqotay in ay si deg deg ah baaritaankii batrool uga joojiso shirkaddii WESTERN GECO, ayadoo heshiisku ahaa in ay baaraan badda Soomaaliya oo dhan. Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolarsiddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool. Halkaasna waxaa ku soo afjarmay rajadii ay Norway ka qabtay batroolka Soomaaliya.

Haddaba sanadahaan dambe Norway ayadoo ka faa’ideysaneysa qaska iyo dowlad la'aanta ka taagan Soomaaliya ayay markale isku dayday iney soo nooleyso damacii ay ka laheyd batroolka Soomaaliya oo ay weli ka samri la’adahay. Waxaase nasiibdarro ah in dowladda Norway ay arrintaas u martay waddo qaldan oo sharci darro ah. Waxaan la wada soconna in Norway ay sanadahaan dambe shidaal baaris ah ka wadday xuduudda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan kale oo aan la soconnaa kaalintii firfircooneyd ee Norway ku laheyd heshiiskii IS-AF-GARAD ee Kenya iyo Soomaaliya ay wada saxiixdeen. Arrinka kale ee la yaabka lihi waa kaalinta Qaramada Midoobay iyo ergeygeeda ah ee arrimaha Soomaaliya Ahmed Oloude Abdalla ay ku leeyihiin isku dayga lagu doonayo in lagu  booboo badda Soomaaliya. 

Waxaa sidoo kale la yaab leh shirka hadda socda (soo gabagaboobay May 23, 2010) waddanka Turkiga ee la leeyahay Soomaaliya ayaa bad loo sharciyaynayaa (ayadoo loo marayo kalluumaysiga). Maxay iskaga indhotirayaan kuwa arrimahaan aan laga fiirsan faraha kula jiraa heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya horay u gashay oo muujinaya in Soomaaliya ay leedahay xuquuqda batroolka badda ee ku jira ilaa 200 mayl-badeed (370km) ? Kuwa Soomaalida matalayaase miyeysan u warheynin in Soomaaliya ay leedahay xeerar si cad muujinaya xuduudaha badda Soomaaliyeed oo caalamku aqoonsanyahay, heshiisyo caalami ahna ay ku gashay?

Ugu dambeyntii waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si aad ah uga horyimaadaan iskudayada iyo heshiisyada lagu doonayo in lagu booboo dhulkooga iyo khayrkaadka ku jiraba. Ma jirto maanta cid noo maqani, waana in aan gacmaha isqabsanno kuna dadaalno wixii tabarteenna ah inaan ku difaacanno dalkeenna. Waxaa kale oo aan halkaan uga mahadcelinayaa walaalaha habeen iyo maalin u taagan sidii ay ummadooda uga badbaadin lahaayeen boobka iyo balaayada lala damacsanyahay.  

Bashiir Shiikh Maxamed
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top