Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 7 October 2012 | KON

Dilka Iyo Argagixintu Waa Kiro!

Ayuub A. Aden (Keydmedia Online) - Madaxda Dawlaadda iyo Hay'adaha Nabadsugiddu way la socdaan in falalka Argagixintu ay yihiin hawlo leh ujeeddoyin kala duwan: Qaar waa kiro Lacag la bixiyo oo lagu khaarajinayo Madax laga cabsanayo inay mudnaanta maskabka la wareegaan sidii: Prof. Ibraahim Caddou iyo Prof. Axmed C/llahi Waayeel.

Teaser Image Dilka Iyo Argagixintu Waa Kiro!

In dambiileyaashii la soo qabto Dawladdu waa ballan qaadday welina caddayna ma keenin!

Sidoo kale, waa wax la ogaaday in falalka Dawladdu ka dambayso aan dabagal lagu samayn, lamana helo ciddii ka dambaysa.

Ardadii lagu qarxiyey Hargaha iyo Saamaha, Dawladdu way ballanqaadday inay dabagal ku samaynayso welina lama hayo ciddii ka dambaysey, inkastoo ay wargeysyadu farta ku fiiqeen cidda ka dambaysey, waxayna ku salaysnayd in la argagixiyo Dawladda Turkiya inayna Muqdisho sal ballaaran ku yeelan lana wiiqiyo aqoonta kobceysa ee Koofurta Soomaaliya.

Yaa Col la ah Suxufiyiinta?

Al-Shabaab iyo Dawladduba Col bay la yihiin Saxaafadda Madaxa bannaan sidaas darteedna labaduba waa wada Ugaarsadaan. Madaxda Dawladda dhexdeeda ayaa is ugaarata, sidii tii ka dhacday Teatarka Muqdisho.

Wasiirro iyo Xildhibaanno ayaa lagu qabtay iyagoo Rasaas u wada Al-Shabaab oo Malintaas laga itaal roonaaday, haddana Dawladdu waxba kama qaban, waayo iyaguba Aargoosashada iyo Argagixisinimada ayay ka qayb-qaataan.


Taliyaha Booliska Sharif Shikhuna Oo Lagu Tuhmay Qaraxyada Muqdisho - EXCLUSIVE


Shariif Sheikh Axmad wuxuu oodda ka qaaday Maxaabiis badan oo Al-Shabaab ah Maalmo kahor inta ayna dhicin doorashadii Madaxweynaha. Maxkamad lama geyn oo laguma waayin dambigii lagu soo qabtay. Cafis laguma sii dayn oo ma ahayn Maxaabiis la Dhaqan-celiyey. Waxay ahaayeen Dad Dambigii lagu soo edeyey aan dhinac iskaga rogin oo Edeysanayaal-Maxkamad Sugayaal ah.

Waxaa surtowda in ay yahiin: Dambiileyaal  Xor ah oo weli wax dilaya. Waa maxay dantii laga lahaa?

Shariif Xasan wuxuu Madaxweyne Xasan Sheikh kala hadlay sidii Golaha Wasaaradda loogu dari lahaa. Markuu ku hungoobay wuxuu rabay waxaa  ku xigey Hoobiye Ummad lagu gumaado. Ummaddu dilkan waxay u aragtaa gaadmo carqalad ku salaysan oo lagu xumaynayo dawladda cusub.

Lama oggola jecaylka iyo kalsoonida Shacbigu u qabo Dawladda Dhallaanka ah iyadoo weliba aan hawlgelin. Ninka Xukunka xun wuu neceb yahay ninka xukunka wanaagsan. Ninka la neceb yahay wuu neceb yahay ninka laga sii jecel yahay, mana jecla in wax u hagaagaan.

Hay'adaha Caalamiga ah markii dawladdu ey ku cadaadisay inay Muqdisho u ruqaansadaan, qaswadeyaal Muqdisho Hay’adahaas u u fadhiya ayaa abuura xiisado Nabadgelyo darro keena. Maxaa ku xiga? Hay'adaha oo marmarsiiyo u hela inay ku andacoodaan: Muqdisho ama Gobolada dhexe lama tagi karo...! Nabadgelyo xumo ayaa ka jirta...! Shaqaalaha noo shaqeeya ayaa Naftooda halis geleysaa...! 

Dillalka iyo argagixisanimadu waxay noqdeen Ganacsi furan. Waxaa dhacda in Nin Madax ahu uu khaarijinayo Ninka ka sarreeya. Tusaale: Wasiir ku-xigeen baa haysta mashuurc ku xiran oggolaansho Dawladeed oo ay tahay in Wasiirku saxiixo, ku-xigeenka iyo Wasiirkuna aamin iskuma qabaan. Si Wasiir ku xigeenku u dhaxlo jagadii Wasiirka Lacag ayuu bixiyaa si loo khaarajiyo Wasiirka, sidaas darteedna mashruuciisa ayuu ku meelmarsadaa.

Dilka Qorshaysan oo lala beegto Suxufiyiinta, Madaxda Dowladda, Ardadii Turkiya Waxbarashada u tagi lahayd, Qarxintii Hoteel Shaamow, Qaraxii Hotel Muna, Qaraxii lala beegsaday Masaakiintii Isbitaal Banaadir hordhoobneed dhammaan waxay ahaayeen arrin Siyaasadeed oo lasoo Qorsheeyey.

Xataa Dhalinta Da’ada yar ayaa fahmeysa in ey ku jirto Xeelad dhagar ah, xaasidnimo ah oo ku salaysan in Muqdisho xasilloonida loo diido si Hay'adaha Caalamiga ah ay u guuraan Deegaano kale oo la muujinayo in “Nabad ballaaran” ka jirto.

Marka Nin Wasiir ah uu jagadiisii waayo, wuxuu adeegsadaa ficillada abuuraya xasillooni darro. Qirashada Al-Shabaab u xambaarato ficillada argagixisada ah waa kiro, dhaqaalana waa lagu siiyaa, magacna iyo tixgelina way u noqotaa, ficilladaasna waxaa ka dambeeya badanaa Madax ka tirsan dawladdii TFG-da. Waayo? Ma rabaan cid ka fiican inay Xukunka maamusho oo Magac iyo Muunad ku hesho.

Sidoo kale, weli Maamulka waxaa gacanta ku haya kuwii hore u marin habaabiyey Ummadda Soomaaliyeed. In badan oo Ciidanka kamid ah dhawr shaar bay sitaan: Mar teegaare Qabiil. Mar waa Al-Shabaab. Mar waa Ciidan Dawladed. Mar waa Calooshi u shaqayste la kiraysto. Haddana waxay sitaan direyskii Dawladda. Yaa Ciidanka sidaas ka dhigay? Madaxdii dawladda.

Ciidan barxan oo dawladeed ma ilaaliyaan Madaxda dawladda, oo Nin walba waxaa ilaaliya Ciidan katirsan beeshiisa. Dawladda ayaa Ciidankii ka dhigtay Ciidan Qabiil. Tusaale: Ciidanka PS lagu Magacaabo, dadka Muqdisho dagan waxey u yaqaanaan “Boowe Joogso” iyo “Arey Kooy”. Ninkii Ciidamadaas soo xulay ma diideysaan in wali Amarkiisu fulo xataa hadii uusan markaan Jaga muuqata Dowladda ka heyn?

Rajada Dadka Soomaaliyeed waxey noqon laheyd ayadoo arimahaas wax laga qabto oo Dadka naftooda iyo Maalkooda la amaan galiyo oo ey helaan Maamul Daacad ah oo Dadka u Adeegaya, waxey kaloo Dadku daneynayaan in Ciidamadaan Mooryaan Qabiileedka ah lagu badalo Ciidan Soomaaliyeed oo leh tabar iyo tayo ey Dadka ugu adeegaan.

Mudane Madaxweyne, Mudane R/wasaare, Dadku waxey Rajeynayaan iney arkaan kuwii dambiga galay oo Maxkamad lasoo taagay.

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top