Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Sunday 26 April 2015 | KON

Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! 2

Bashiir M. Xersi Waa Qeybtii Labaad ee Qormada Fulin hungo iyo hoggaan fashilan!, halkaan ka akhriso Qeybta koowaad — Xukuumaddan xubnaha ku jira waa 3 qaybood oo kala ah:

Teaser Image Fulin hungo iyo hoggaan fashilan! 2

1- Faraca cusub ee firka duqa ah leh: Waa xubno xilka ku helay kaliya magaca iyo abirtirsiimaha aabbahood, ee aan; aragti, feker, dadnimo iyo lahayn wax loogu xisho, aan ka ahayn inay nool yihiin. Qaybtan waxaa ugu horreeya isla madaxa xukuumadda RW Cumar Cabdirashiid Sharmarke, oo ka sokow, inuu ku FASHILMAY hoggaaminta xukuumaddii u horreeyey ee dawladdii Sheekh Shariif, uu magaca iyo maamuuska uu huwan yahay yihiin kaliya, inuu yahay Ina Cabdirashiid Sharmarkemadaxweynihii lagu qaarijiyey Laascaanood 15/10/1969kii, ee dhalisay inay xukunka marooqsadaan Askar Maroodigii musiibadan maleegay.

Waxaa marar badan maankayga soo martay murtidii eheed: “Geeriyeey, maxaad tartaa?” Ee ay tiri: “Nin boos waayey, ayaan meel u banneeyaa!” Mid kalana waxay tiraa: “Meel Aar ka kacay, Atoor fafariisay!” iyo tii kale ee leheed: “Ninna magaca Aabbihii muunaddisa ma buuxiyo!”.

Waxa uu meelaha iyo magaalka ku marmarayaa waa muunaddii Aabbihii iyo maamuuskiisiiyee, ma ahan mudnaan gaara ee isaga loo hayo. Murti baa leh: “Aabbaheeyaa GEEL lahaan jiray, anaa DOORO leh ayaa ka roon!” marka kuwani inay Geel iyo Dooro lahayn ka sokow, waxaa Cumar Cabdirashiid Sharmarke u dheer dhaqammo badan oo lagu bartay intii ahaa RW, oo ay mid tahay QABYAALADDA, EEXDA, NIN JECLAYSIGA iyo IIBINTA BADDA haddana, waliba waxaaba la leeyahay, waxaa loo soo celshay markan sidii uu koofurta fog u raacin lahaa Kenyo, oo Maamulka Jubba, ee Kismaayo xarunta u tahay, ee uu wax ka yagleelay uu Kenya ugu dari lahaa, sida uu BADDA u tagay oo kale, maxaa yeelay, haddaba, waxaa haysata Kenya, oo telefoonka aad Nayroobi ka soo qaadato, waxaad ku isticmaalee illaa Afmadaw. Yaab. Waliba hadda Nowray oo qaskan dhan dabada ka riixaysay waxay noo soo magacaabatay safiir.

XASUUSIN TAARIIKHEED; maadaama aan ka hadlaynno, Cumar C/rashiid, oo BADDII gatay, waa inaan xusnaa, Aabbihii C/rashiid Sharmarke iyo Cigaal, kaalintii ay ku lahaayeen, 1968dii, oo ay MW iyo RW kala ahaayeen, sidii faraha looga baxshay dhulka “NFD”.

Cumar, aabbihii C/rashiid Sharmarke iyo Cigaal ayaa Kenya la saxiixday wax lagu sheegay; “HESHIIS NABADEED!” Heshiiskaas oo ka dhacay CARUUSHA ee dalka Tansaaniya. Soomaalida Koonfur Bari ee gobolkaas deggani waxay cod aqbaliyad ah ku dheheen Soomaaliya ayaan raacaynnaa, iyagoo xitaa beelaha aan Soomaalida ahayn ee ilaa Mombsa deggan codkooda helay, markaa ayaa galab qura la maqlay in laga tanaasulay! Miyaa loo hanjabay? Miyaa la iibsaday? Ma wax aynaan ogeyn ayaa loo sheegay? Miyaa la qasbay? Ilaa hadda wax iiga qisooda xitaa ma helin. Qarni barkii ku dhawaad ka dib, wiilkii aabbihii uu dhulkaa baylihiyey, ayaa maanta inta BADDII iibshay, uu soo xaydxaydanaya inuu BERRIGIINA ugu daro!

La ye: “SINJI ma guuro Suulashana ha kaa galee!” haddii aabbihii NFD si dedban u baxshay, isaga oo gacan ka helay Cigaal, oo inta badan dadku kaligiis ku halqabsadan marka laga hadlayo dhacdadan ama ku eedeeyaan, ayaa waxaan maanta u taagannahay goobjoogna u nahay mar kale, wiilkii oo isla shaqadii aabbihii qabanaya! Ma dhammaystir shaqada aan qabyada uga tagay ayaa lagula dardaarmay? Malaha meherad iyo waxay u tahay xirfad in wax uun la iibsho DHERIYABA Alle ha ka dhigee! Murtidu waa tii eheed: “Ubadku hadday Aabbaha u ekaadaan hooyadu ku eed la’, Aabbuhuna ku uursan!” mid kale waa tii eheed: “Ninkii saantii iyo suuraddii aabbihii yeesha, sed uma dhimmana!”Talyaanigu waxay dhahaa: “Tale Padre, tale figlio” Carabtuna waxay tiraa: “Man Shaabaha abaaho famaa dalam!”.

Intaa kaliya ma ahan, oo qaarkood, magaca ay duggaalayaan, ee ay wax ku doonayaan waaba magac FONGORAN, oo bulshada Soomaaliyeed dhib iyo dhimaal u geystay, sida: Cumar Carte Qaalib, oo marka laga soo tago, lugtuu ku lahaa qaabdarradii uu dalku ku socday sanadihii KACAANKII KADEEDKA, ee Siyaad Barre (AABBAHA BURBURKA SOOMAALIYA) haddana, waxaa si fiican loogu xasuustaa, kaalintii uu ku lahaa sidii loo kala diray ciidanka Soomaaliyeed, oo markii JABHADUHU dalka soo galeen, uu yiri: “Askari walbaa BEESHIISA ha ku biiro!” oo ah runtii eray dhaawacay qarannimadii ewelba dheelligu galay, heer ay dhimatay!

Bal damiirka uu yeelan karo ama uu leeyahay qofka xil, hunguri iyo mansab ku doonaya magacaa dilan, maya, dhimman, muxuu yahay? Si kale, is weydii; karaamada ay leedahay bulshada dhimaalkeeda kii dhidbay, wali dhashiisa na sii dhib leh? Hubaal in aan ujeedku ahayn in qaladka aabbe galay ubadkoodu u qoollaanadaan, balse, midda meesha taali waa, ani ina hebel (lab iyo dhiddigba) ayaan ahay, wax ka baxsanna aysan jirin marka ay joogtid, miyaan loogu halqaban karin odagii iyo waalidkii dhalay, oon waliba la xusuusin karin wixii silac iyo Soomalhaad la soo maray, maadaama ay magacaa wax ku doonayaan? Aniga wayla qumman tahay, ee adna aqriste?.

Ku darso, saw qaaciddidu nooma ahayn; “Maxaad taqaan?” Iskama aannaan xoorin: “Yaad taqaan?” iyo “Ina ayaad tahay?” Haddii marka aan hirgalinno xeerka ah: “FARTAA TAQAAN, QOR ama AQRI” waxaad ii sheegtaan Aayadda ay qaadan karaan ilmaha Dhaylo ku korka ah ee aan lahayn Waayo aragnimo iyo waddaniyad lagu majeerto? Qaabka xulashada ma qancin beeleed baa? Ma mid bulsheed baa? Mise waa mid qofeed? Anigu ma garan.

Tusaale haddii qof hawlkar ah oo xafiis ganacsi, shirkadeed ama arshadeed oo uu horumariyey laga soo kaxeeyo, loona dhiibo shaqadiisii mid u dhiganta, waxaa laga sugi karaa waa inuu u guto waajibaadkiisa sidii looga bartay, balse, macnaha iyo miilanka ay kordhin karto, hebel baa i dhalay ama dhalay, maxay tahay?.

Waxaa la mida Ina Samatar, laga yaabee, in qaarkood la soo boodaan, waxaagu waa TAKOORID, maadaama si qalad ah kaligii Maxkamad loola beegtay, iyada oo ay joogaan dhammaan gacan ku dhiiglayaashii hor iyo hadda dadka dilay. Maya, xaajadu sidaa ma ahan, oo halkan garba siman iyo waxaa wax looga sheegayaa si ballaaran, oo aan qofna laga reebayn ama si gaar ah loo fogoynayn, iska daa in la soo dhawaystee.

Waxaan la yaabaa, kuwa xilka u dhiibaya, ee ugu riyaaqsan, ma is weydiiyeen; waxa ay dheer yihiin malaayiinta Soomaalida ah, ee aabbayaashood aysan xil xaaraana ah iyo xukun xoog ah qaban, bal taa cagsigeed ay har iyo habeen u taagan yihiin sidii bulshadu hore ugu dhaqaaqi leheed? Aniga run ahaan illaa iminka waa iga degi la’dahay.

Haddaba, suuragal ma tahay, inaan aragno sanado ka dib, ilmaha madaxdii hore, oo siyaasadda dhexboodaya, iyadoo la leeyahay, waa ilmihii madaxdaa? Qoraa sare Cabdiwaadir Cismaan Maxamuud, ayaa nasado ka hor qoray, qomro eheed; “Dhaxal Siyaasadeed”.

2- Dhiigga cusub ee la dhayalsaday: Xukuumaddii Cabdiwali iyo labadii tan ka horreysay ee aanba KALSOONIDA helin, waxaa loo riday waxay eheed, xerta Xasan xilalka ha laga xayuubiyo, oo Cabdi Wali taa waa ku hungoobay. Hal Wasiir buu badal is lahaayee, isagii ayaa la badalay. “Meel aad MAJAHEEDA tahay, MADAXEEDA la iskama dhigo!” ee waligaa waa la KHAADUMEEYAA, Ubbada iyo Rummaygana waa la sidaa, si laguu dallacsiiyo ama aad ugu yaraan u hesho dhacdhac iyo dhaqaale, haddii aadan Khaliif iyo gaari karin Kaadir.

Markii hore hal bay diiddanaayeen la yiraa: Faarax C/qaadir, saa markii dambe loo keenay laba, oo loogu soo daray mid hore isaga tagay, illeyn anagu FASHALKA ayaan ku shaqaynnaaye, oo dadka FASHALMA dadka waa ka jecelnehee. Hadda waxaaba loo wadaa inuu madax ka noqdo Maamulka laga dhisayo Gobollada Dhexe. Tii xigtay, laba ayey diideene, saa saddax looga soo dhigay.

Waxaa la yiraa: “Waxaan ku hurayn habaar laguma jersho!” ama “Wixii aan ku hurayn waa la harakeeyaa!” Hadday ewel hal wasiir ka cabanayeen, hadda saddax iyo ka badan qarsoon ayaa ku jiree, sidee laga yeelayaa? Faarax bay diideen, saa Fahad Yaasiin loogu badalay, in kasta oo haddana, laga reebay, waliba uu jabadka ku jiro. C/kariim Guuleed ayey diideen, saa Odowaa loogu badalay, walibana Caynte loogu soo daray, bal is caynsha waa yehee.

Anigu waxa aanan garan Faarax iyo Guuleed ma waxay ka LIITAAN Cumar Cabdirashiid Sharmarke, maxaa loo diiday? Horta, yaa diiddan, oo hortaagan, illeyn awood qaybsugu waa beel asal ahaane, sida aan ognahayna, beelahoodu ma diiddanee? Yaab.

Fisha qayta xigta ee qormada.

Bashiir M. Xersi

.(JavaScript must be enabled to view this email address)

www.bilediraac.wordpress.com

 

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top