Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 23 December 2012 | KON

Geelloow: Horumarin Af Mise Horseed Aafo?! - Qeybtii Sadexaad | By Bashir M. Hersi

By Bashiir M. Xersi - Qaybtii Kowaad ee Qormada [Halkaan ka Aqriso Qeybta Kowaad ee Qormada] waxaan ku soo qaadaadhignay Saddaxdii Shir ee Jabuuti ka dhacay iyo aafada ka dhalatay, aan kuu soo kooboo ku xasuusiyee.

Teaser Image Geelloow: Horumarin Af Mise Horseed Aafo?! - Qeybtii Sadexaad | By Bashir M. Hersi

Shirkii Soomaali u horseeday colaadda dagaalka sokeeye, ee ahaa dhismihii Dawladdii MANIFESTO ee Cali Mahdi Maxamed looga dhigay Madaxweyne, ee uu ka gadooday Gen Caydiid iyo xulufadiisii ay isla soo jabhadeeyeen, toban sano ka dibna, AFAR iyo BAR ayaa Jabuuti noogu deeqday, kuma ekaysane, waxay ku takri fashay inay u madax bannaanaatahay magacaabista qayb ka mid ah Baarlamaanka, siddeed iyo toban sano ka dibna waxay soo horseedday baarlamaankii TIRA BADNE TAYO YARE, ee 550 Xildhibaan ahaa.

Qaybtii labaad ee qormadana waxaan ku eegay sida Mudane Geelle u doonayo inuu noqdo NABADDOONKA Soomaali, isagoo inta badan u maraya waddooyin qalloocan. Qaybtan saddaxaad ee qormada, uguna dambayn doonta, waxaan ku eegayaa qaabka looga qaybgalay shirka afka, anoo kala qaadi doona dadka jooga, muujin doonana qalad horoo loo galay oo mar kale lagu celshay.

Dhanka kale, haddaan intaa ku simo hannaanka BEELEED ee shirka loo joogo, aan in yar ku laabto wafdiga ka soo qaybgalay shirka, dhanka aqoonta iyo garashada AFKA, DHAQANKA, HIDDAHA IWM aqriste, is weydii; wafdiga ma mooddaa inuu yahay intii la rabey oo keliya? Iyadoo haddana  la isu keenay dad aan isku maqaam iyo isku maamuus ahayn dhinaca afka iyo dhaqanka.

Taariikhdu waa asal ma doorshe aan marnaba la indho saabi karine, Hadraawi, Kadare, Xasan Ganay, Dhoodaan, Mansuur, Afrax, Boobe iyo inta la halmaale ee shirka fadhida, waa dad  afka iyo oraahdiisa u ehel ah, hadday noqoto aqoon suugaaneed iyo mid qoraalba, ee maxaa loo keeni waayey, oo looga tagay PROF CABDILLAAHI DIIRIYE GUULUUD “CARRAALE” oo ah Qoraagii curiyey MIISAANKA MAANSADA SOOMAALIDA, DANJIRE SHARIIF SAALAX oo ka mid ah khabiirrada afka Soomaalida, MAAY iyo MAXAA TIRI labadaba, soono noqday madaxa AKAADEEMIYADDII FANKA iyo SUUGAANTA iyo WASIIRKA WAXBARASHADA, Axmed Yuusuf Hawd, oo ah qoraa qalin macaan, wax bandanna isku hawlay SOOYAALKA SUUGAANTA Abwaan Maxamuud Cabdillaahi Ciise  “Singub” iyo Abwaannada dhalinyarada ah, ee  caanka ku ah taariikhda, hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ee kulansaday eray bixintii hore iyo tan danbaba. La dhihi karee, badankood waa cudur daarteen oo waa la martiqaaday, haddana, waxaa hubaal ah in magacyada qaar aanba warqad casuumad loo gayn. Ma garan waxaa looga gol leeyahay dadkan la isku sidkay oo aan isku tolmayn, taariikhduna xusi doonto, xagaldaaciska meesha yaalla:

Aan sii xoojiyee, inta maqan ka sokoowe, inta joogtaa ma isku halbaa? Kadare iyo Aamina Muuse, Hadraawi iyo Boobe, Xasan Ganay  Dr Jaamac Muuse Jaamac, Prof Cabdalla Maansuur iyo Axmad Faarax Cali "Idaajaa" Prof Siciid Saalax Axmed iyo Maryan Caarif, Xasan Cabdi Madar iyo Axmed Aw Geeddi? Ujeedkaygu ma ahan inaan qof wax ka dhimo ama aan wax u dhimo, haddana, aniga isugu kay aadi waaye magacyadaa, hubaal in dhammaan afka si uun ula xariiraan, haddana sida, ayaan isu dhigmin, shirkuna middii ugu adkeyd ee af ku saabsan ayuu ka hadlayaa.

Haddii af la qorayo ama qaamuus erayo qeexaya la qorayo, guddiga hirgelinaya ee u hawlgalay ma Soomaali oo dhan ayuu ka kooban yahay, mise waa nin gotey oo goosaartay! Oo adiguna guddoonso ku leh? Waxaa hore la isula qirey in DHIGAALKA AFKA DHEELDHEELLIN ku jirto, haddiise la dheellitir bixinayo ma Jabuuti iyo kooxo si gaar ah u shaqaysta ayaa tiri kara ama keligood horumarin kara? Ma sanad iyo labaa lagu dhammeyn karaa afka umadda Soomaaliyeed? Su’aalahanoo dhammi waxay rabaan jawaabo, Gobollada dalka ee la oran jiray Soomaaliya 18kii Gobol Khubaro ka socota oo af guri walba taqaan, MAAY iyo MAXAA TIRI ama aan iraahdee, Soomaali Galbeed, Waqooyi Bari, Bartamaha, Koonfur Bari iyo Koonfur Galbeed, gobollada Koonfurta fog ee Gaarisa,  cilmi baaris  af iyo dhaqan dhammaantood laga sameeyey miyey jirtaa, lana oran karo waxaa la gaaray waqtigii la bandhigi lahaa? Af Soomaaligase ma la helay cadadka erayadiisa, kuwa ah Soomaaliga iyo kuwa la Soomaaliyeeyba, tiro guud?.

Weydiimaha aan ka haroo mid muqaddas ah oo laga maagay aan kuu marsho, aqriste, shirkan waxaa ka maqan Soomaali barkeed, maxaan ka wadaa? Waxaan uga dan leeyahay, shirka waxaa ka maqan dadkii mateli lahaa Soomaalida Koorfurta fog, aan qeexee, labada SHABEELLE, labada JUBBA iyo BAAY iyo BAKOOL, aan si cad u dhehee, waxaa shirka ka maqan dadkii mateli lahaa LAHJADDA MAAYGA, korna aan ku xusay in uu ka maqan yahay shirka SHARIIF SAALAX, kolleey kali ma ahan, oo dad badanoo caynkiisa ah way jiraan, yaase raadsaday? Ma waxaa wali la doonayaa in la sii joogteeyo oraahdii ahayd: “SOOMAALI IGULA HADAL!” sidii inuusan isagu Soomaali ahayn ama sheekadii ahayd: “REER WALLA WEYN!” in kastoo ay dib ka ballaarsheen, ee adba qiil kale u yeel.

Haddaad doonayso ammaan qaabkii laguu ammaani lahaa baa la raadshaa, ee ammaan aan waqtigeeda la gaarin Doobbiga looma cusho. Aqriste, middan muhimka ah ila wadaag, oo ah, in labada Kaligi Taliye Mudane Geelle iyo Maxamamed Siyaad lagu ammaano in midna Far Soomaaliga qoray, kan kana hooy siiyey baarayaal afka ku hawllan, is weydii; ma tahay ammaan ay mudan yihiin? Qofku wax walba oo uu sameeyo, waxay kala noqdaan; Waajib saarnaa ee uu gutay iyo Is xilqaan uu isu taagay buuxin kaalin Bulshadeed. Haddaba, kaalintay noqonaysaa labadan, ha lagu ammaane?.

Gunaanad iyo gabagabo

Haddaba waxaan uga socdaa intaasoo sheeko ah, in qof walba Af guriga reerkodu ku hadla ama tuulada uu ku soo barbaaray u yaqaan af Soomaali, oo warqadda uu qorayo ama xafiiskiisa ka baxaysa ku qoraa, mana jiro af dhexdhexaad ah ama dhigaal umadda oo dhami ka dhaxeeya.

Halkaa waxaad ka garan in uusan jirin qoraal la isku raacsan yahay, balse, uu jiro keliya qoraal Soomaali ah oo nin weliba sida uu doono u qoro.

Waxaa kaloo jira erayo deegaanba si looga yaqaan, oo mararka qaarkood dhaliya xagxagasho iyo dirir, in kastoo sidii Xornimada loo qaatay la is dhexgalay, si fiicanna la isu sii dhexgalay burburkii ka dib, taa oo wax weyn ka badashay garashada eray kala duwanaanshaha.

Waxaan qabaa in la gaaray waqtigii ay Soomaalidu ku midoobi lahayd Guddi loo saaro oo baaritaan qota dheer ku sameeyn lahaa, is waafajinta afka, dhaqanka iyo dhigaalkaba, iyagoon dhinacna u xaglinayn.

Wax yaabaha is diiddan waxaa ka mid ah, qofbaa lagu leeyahay hebel waa nin af soomaaliga ku xeeldheer, haddana, gobollada qaar marti ka noqonaya, hadduusanba AFCELIN u baahan, illeen ninka Waqooyi ku koray, hadduu Gobollada Dhexe yimaad, hubaal inuu helayo erayo badan oo aan gaddigaa laga adeegsan, hadduu Baydhaba tagana, adba bal qiyaas?.

Deegaan welba wuxuu leeyahay; ciyaaro, heeso, suugaan iwm, waa yar tahay dad intaa wada yaqaan. Dhammaan deegaannada dalka oo dhan, marka qolo walba iyo gobol walba dadkooda suugaanta, afka, dhaqanka iyo taariikhda ku xeeldheer ha la xulo,  hana la wada maro deegaannada Soomaalida, illeen gobol walba waxaa laga helayaa af Soomaali iyo erayo aan laga helayn gobollada kalee, markaas ayaa la heli karaa 50% afka, Qaamuusna loo jeesan karaa.

Dhanka kale, waxaa jirta isku dayo hore loo billaabay, oo ku saabsan sidii afka loo casriyeyn lahaa, loona qabadsiin lahaa Makiinadaha casriga ee Computerku ugu horreeyeo, waxaa ka mid ah in la sameeyey “Hingaad-saxaha afka-Soomaaliga” hawshaa waxaa qabtay: Inj. Maxamed Ibraahim Mursal, bal liilkan hoose ka sii eeg.

Gabagabadii Shirkii Jabuuti waxa ugu muhimsan ee ka soo baxay waa in la furo Akademad afka daryeesha la furo iyo in Guddo ka soo baaraandega la magacaabo, labada tallaababa waa muhim, ee midbaa hore u furnaan jirtee, dawladina dhalataye, taa maxaa laga yeelayaa?.

Saw ma mooddid in waqtiga laga hordhacayo, illeen dawlad awood leh haddii la helo, hubaal in waxa ugu muhimsan ee ay qabanaysaa tahay dib u hawlgalinta xaruntaase, midda kale, Jabuuti Nus Malyan ayaa lagu qiyaasaa macal Carafta, haddana, sida wax u socdaan af ka baxsan.

Ugu dambayn

Intaa ka dib, waxaan dhihi lahaa: Mudane Geelle, afka aad doonayso inaan hormariso ee lagu hadlo, sawtan dadkii ku hadli lahaa lagu dilayo diyaarado ka so duula deegaan aad madax ka tahay? Af ha noo dambeeyee, ha kaa nabad galaan Soomaalida, intay dishay diyuuradaha ka soo duula dalkaaga ka badan ciiddane, ee magaca Soomaali baan kugu dhaarshee, naga daa duqaynta!

Dhanka kale, waxaan ka codsanayaa waxgaardka shirka jooga, in Mudane Geelle la gaarsiiyo farriintan ah, inuu naga daayo Dollarka uu na dhaafsanayo, illeen diyaaradaha duqaynta gaysanayaa waxay ku yimaadeen heshiis uu la galay kuwa duqaynta fulinayee, oo haddaa heshiisku ma bilaahsbaa? Isma dhihin.

Baadida nin baa kula daydaya, daalna kaa badane
Aanse doonihayn inaad heshaa, daa’in abidkaaye
Dadkuna moodi duul wada dhasheen, wax u dahsoonayne
Dallo ma laha Aakhiro haddii, loo Kitaab dayo’e.

Abwaan Qamaan Bulxan

Dhammaad.

F.G: Ujeedka Qormadan ma ahayn in madax, masuuliyiin iyo mudunayaal wax loogu dhimo. Ujeedka baa ahaa, dhacdo warin, dhambaal dhigid, iyo dhaayo fur. Qofkii isu arka ama u arkay inay si kale tahay, taa ha ka kaalayo, illeen marna dhaleecayn wax dhista la waaye, anna uma dhargashane.

By Bashiir M. Xersi - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top