Guul, Maal ama Jacayl - Keebaad Dooran laheyd? - Sheeko xiiso leh! - by Keydmedia
Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Islaan baa Gurigeedii kasoo baxday, waxayna aragtay sadex Oday oo Guriga hortiisa fadhiya oo haraad kamuuqdo, weyna la yaabtay oo waxay kutiri "Waxaan dareemayaa inaad safar tihiin, baahina idin hayso ee soo gala Guriga si'aad noola cuntaan waxa aan haysano"
Odayaashina waxay weydiiyeen Ninkaagii majoogaa? Waxayna ku jawaabtay "Maya, banaankuu jiraa". Ayakoo yaaban ayee Waxey ku dheheen "Masoo gali karno, Ninkaagii haduu maqan yahay"!
Galabtii markuu yimid Ninkeeda waxey u sheegtay Qisadii Odayaasha, wuxuuna kuyiri "Usheeg inaan imid, soonana gali Guriga" Xaaski ayaa Odoyaashi intee u tagtay ayee ku casumtay iney soo galaan, iyagiina waxay ku jawaabeen "Mawada gali karnee, mid naga mid ah Adiga iyo Ninkaagu doorta"
Mid kamid ah ayaana soo baxay oo yiri "Ani waxaa lay dhahaa Guul, saaxiibkeyna waxaa layiraahdaa Dhaqaale/Maal, kan sadexaadna waxaa layiraahdaa Jacayl"
"Marka Adinku doorta midka soo galaayo Gurigiina"!
Islaantiina waxay kulaabatay Ninkeedii, waxeyna u sheegtay Jawaabtii Odayaasha. Ninkii wuxuu yiri "Haduu warkaasi run yahay, u yeer Maal waxaan rabnaa inuu faqriga naga saaro, gurigeenana hodanimo kabuuxiyo"
Iyadiina waxay tiri "Ma waxaad rabtaa inaad dhib la'aan Dhaqaale hesho? Aan u yeerano Guusha, iyadaa hodanimo nagaarsii-naysee"
Gabartoodii oo dooda dhagaysanaysayna waxay tiri "Soo mahaboona inaad Jacayl u yeertaan?
Waxay qaateen taladii Gabarta, waxayna weceen/ kuna marti qaadeen inuu soo galo Guriga Jacayl!.
Jacayl markuu soo istaagayna Labadii kalaa (Guul iyo Dhaqaale) wey soo daba galeen! Islaantiina waxay tiri "Waxaad iga codsateen inaan mid kaliya doorto, hadana waad soo wada kacdeen, ee maxaa jira?"
Waxayna ku jawaabeen Labadii kale "Hadaad dooran lahayd Guul ama Hodannimo, kaligii baa ku raaci lahaa, lakiin meelkastoo Jacayl aado waxaa raaca Guul iyo Nolol wanaagsan"
Maxayeelay jacaylka ayaa dhaliya Guusha, Maalkana Guushaa keenta, oo Qiimo badan maleh Maal aan guuli ka horaynin! Sidoo kale wax Qiima ah maleh guul aad ka dhalisay Shaqo aadan Jeclaanin, kuseexanin kusoo kicin fikirkeeda!
Hadaba Guul iyo Horumarkasta waxay kabilowdaan Jacayl iyo Hilow ku dhaca Qofka, kuna dhaliya fikir badan, dadaal xoog badan, karti dheeraad ah, wax qabad habaysan, intaa kadib ayaana lagaaraa Guul, Wanaag, hodanimo, Farxad iyo Raaxo qiima gal ah.
Qofkasta oo sheegta inuu gaaray Guul uuna horay u caashiqin ugu fikirin, wuxuu kujiraa dhalanteed ama Riyo.
Hadaan nahay Ummad Soomaaliyeed-na waxaan wada ognahay inaan raadino Guul aan dusha kaga dhacno oon kuhelo qaraabanimo, qixitaan, shaxaad, eexasho, xatooyo, Qabiil iwm. Waana mida nadhigtay haalkan aan Maantay naalo, oo waxaa naga dhumay Map-kii aan kugaari lahayn Guusha iyo Wanaaga aan wada raadinayno.
Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
.(JavaScript must be enabled to view this email address)
More Article
- Safaarad Dadkeedii Gadatay! Xogta KM
- Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!
- Sergente Mahiga iyo Dastuur ku sheegiisa waa Fashilmeen!
- Jen. Dhagabadan: C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!
- Daawo Video: “Dad Leegada kamid ahaa ayaa dhinaca kale la shaqeynaayay”!
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.