Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 10 September 2012 | KON

LIVE: Doorashada Madaxweynaha Somalia

Muqdisho (KON) - Keydmedia Online Toos Ugala Soco Doorashada Madaxweynaha Ee Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho. Live Stream.

Teaser Image LIVE: Doorashada Madaxweynaha Somalia

Natiijada Hordhaca Ah: Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa Xassan Sheikh Maxamuud.


LIVE Blogging: Doorashada Madaxweynaha - AQRISO

HOOS KA DAAWO LIVE STREAM-KA


Free desktop streaming application by Ustream


Kulanka Baarlamaanka oo Furmay iyo Doorashada M/weynaha oo dib u Bilaaban Doonto 14:30 Waqtiga Moqadisho

Muqdisho (KON) -Waxaa iminka furmay kulanka sagaalaad ee Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo qayb ka ah kalfadhiga koowaad oo lagu dooranaayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa iminka si rasmi ah uga furmay xarunta Iskool Buluusiya

Kadib markii la kala habeeyey mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Proff. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu ku dhawaaqay in uu furmay kulanka Baarlamaanka.

Intaasi kadib waxaa kulanka lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka waxaana akhriyey Sheekh Shaacir oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadda waxaa khudbada furitaanka jeedinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya Proff Maxamed Cusmaan Jawaari oo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ku saabsan in la ilaaliyo xeerka doorashada Madaxweynaha.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa uga baaqay dhamaanba qeybaha kala duwan ee Musharixiinta, Xildhibaanada iyo ka soo qeyb galayaasha inay ilaaliyaan doorashada

Hoos ka Daawo Streamka!


Aqriste Boggaan kala soco Doorashada Maantay oo Toos ah


Live video from your iPhone using Ustream


Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xarunta Iskuul Buliisiyo oo Ay Doorashada Ka Dhaceyso // 10:46

Muqdisho (KON) - Wararklii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno xarunta Iskuul Buliisyo oo ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo sheegaya in hadda ay wada xaroodeen Murashixiintii iyo guud ahaan Xildhibaanadii baarlamaanka.

Xaalada xarunta Iskuul bulisyo hadda waxaa la isku diyaariyay sidii ay u bilaaban lahayd doorashada Madaxweynaha oo maanta qaab qarsolodi ah uga dhici doonto xarunta dugsiga tababarka ee Jenaraal Kaahiye.

Wariye ku suggan xarunta ay doorashada ka dhaceyso ayaa inoo xaqiijiyay in hadda aysan waxbo dhimaneyn oo howsho ay wixii hadda ka dambeeya laguda gali doono doorashada.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho


Iskuulada Muqdisho ayaa Xiran Saakay // 09:47


Askar Ajaanib ah oo la keenay Goobta Doorashada // 09:31


Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay // 04:28

Waxaa aad loo adkeeyay Amaanka magaalada Muqdisho oo ay Maanta ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya, ayadoona uu hakad galay qaar kamid ah isu socodkii dadweynaha ee magaalada.

Waxaa la joojiyay baabuurtii dadweynaha iyo kuwii sida gaarka ah loo lahaa ee adeegsan jiray wadooyinka Maka Al-mukarama iyo wadada Buundooyinka marta ee gasha Xamarweyne, sababta wadooyinkaasi loo xiray ayaa ah doorashada oo maanta ka dhaceysa xarunta dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Bulisiyo.

Ciidamo isugu jra Boolis iyo Militari oo Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ka tirsan ayaa la dhigay isgoysyada iyo xaafadaha ku dhadhow halka ay doorashada ka dhaceyso ee Iskuu Bulisiyo.


Doorashada  - Warbixinta Saakay // 04:23 (Waqtiga Muqdisho)

Waa Subax subaxyada kale kaga gedisan, saaka guud ahaan Soomaaliya waa subax nasiib uyeeshay in baal uu ka galo taariiqda Soomaaliya waayo waa maalintii ugu horeysay ee Soomaaliya gudaheeda ay ka dhacdo doorasho madaxweynenimo oo xor ah.

Afar iyo Labaatan musharax ayaa ku loolamaya shaqsiga ku guuleysanaya hogaanka dalka.

Doorashada ayaa xarunta dugsiga Booliska ee Iskuul Bulisiyo ee magaalada Muqdisho ka bilaaban doonto saacadaha soo socda kadib marka uu dhameystirmo tirada Baarlamaanka ee ka qeyb galeya fadhiga maanta lagu doorana Madaxweynaha.

Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajo Wanaagsan ka qaba in si xasiloon oo ay cadaaladi ku dheehantahay doorashadu u dhacdo.

Cismaan Bibaax Aaden oo ah Afhayeen guddiga doorashooyinka Madaxweynaha oo saaka hadlay hadlay ayaa sheegay in aysan wax dib u dhac ah aysan ku imaan doonin xiligii loogu talagalay inay dhacdo doorashada.

Afhayeen libaax oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in la diyaariyey sanaadiiqdii cod bixinta dhanka kalena mar uu sharaxayey qaabka doorashada ay udhaceyso ayuu sheegay in wareega koowaad hadii uu helo hal musharax saddex meelood laba meel tirada Baarlamaanka uu isaga noqon doono hogaamiyaha Soomaaliya hadii lawaayana waxaa loo gudbayaa wareeg kale oo ay ku tartamayaan afarta musharax ee ugu horeysa afartaas ayaa labo labo loo kala reebi doonaa, iyadoona labada musharax ee wareega saddexaad ugudubta uu madaxweynaha Soomaaliya noqon doona musharaxa codad badnaada.

Sikastaba, saadaal kala duwan ayaa laga bixinayaa musharaxa  ku soo bixi doona loolanka loogu baratamayo qabshada jagada madaxweynenimo ee Soomaaliya hayeeshee xaqiiqda lagu qanci doona ayaa soo bixi doonta gaba gabada doorashada maanta.


Shariif Xasan “Anigu waxaan u codeynayaa Sheekh Shariif” // 09.09.2012 - 21:13

Muqdisho (KON) - Shariif Xasan Sheekh Aadan Gudoomiyihii hore ee Baarlamaankii Dowladdii hore haddana kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in asaga uu u codeyn doono Shariif Sheekh Axmed, waxaana uu hadalkaan ka jeediuyay munaasabada Shariif Axmed lagu taageerayay oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay inay taageeraan Sheekh Shariif Sheekh Axmed codkoodana ay siiyaan, isagoona intaasi ku daray in hadii Sheekh Shariif markale la soo doorto uu dalka ka saari doono dhibaatada 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Sikastaba, labada Shariif oo ah labo nin oo aad isugu dhow ayaa waxaa dhowaan wada gaareen heshiis ah in Shariif Xasan Xildhibaanada taageersan uu siiyo Sheekh Shariif si hadhow marka uu Sheekh Shariif guuleysto uu Shariif Sakiin Wasiir ugu magacaabo.

Keydmedia Online ayaa Labo Maalmood kahor Xog kasoo heshay Heshiis Qarsoodi ah oo Labada Sharif Wada gaareen.

Halkaan ka Aqriso:


Keydmedia Exclusive: Labada Shariif oo Heshiis Qarsoodi ah Wada Gaaray!


Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho

 

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top