Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 29 January 2015 | KON

Ma dhaqaalaha Turkigaa Xalaal ah mise kan reer Galbeedka iyo UN-kaa Xaaraan ah?

London (KON) - Ayaanle Xuseen Cabdi. Ilaahay Turkiga nagama qaado, Ilaahayow Ordugan cimrigiisa raaji, Alla yaa isagoo kale inoo dhaliya iyo erayo lamid ah waa hadal haynta dad badan oo Soomaali ah ay maanta kumuujiyeen baraha bulshadda.

Teaser Image Ma dhaqaalaha Turkigaa  Xalaal ah mise  kan reer Galbeedka iyo UN-kaa Xaaraan ah?

Marki waagu dilaacay warka ugu weyn ee aan shaqsiyan daneynayay wuxuu ahaa booqashada uu Ordugan ku imanayay Soomaaliya.

Aad baan uga maqsuuday sida wanaagsan ee dowladdu u soo dhaweysay zaciimkan martida inoo ah oo kamid ah hogaamiyaasha ajnabiga ah ee Soomaalida ugu qoran baalka baluuga ah ee Calanka u eg.

Waxaan is weydiiyay sababta Turkigu u kasbaday kalsoonida Soomaalida marka la barbar dhigo reer Galbeedka oo Balaayiin  dollar kubiya Soomaaliya?

Waxaan is irri tolow ma  lacagta Turkigaa ayaa Xalaal ah oo tan reer Galbeedkaa Xaaraan ah mise wax kalaa jira.

Marki aan rog rogay waxaa isoo baxday in Turkigu aanu ka dhaqaale badneyn  Reer Galbeedka  ee uu sameeyay hal arin oo h tan uu ku kasbaday quluubta Soomaalida.

Turkigu waxa uu ugurmaday Soomaaliya xilli addag oo ah waqtiga ay Soomaalidu u taqaano rag kala reeb. Oo ah waqtiga lakala garto geesiga iyo fulayga , gacalka iyo cadawga ama saxiibka iyo nacaska oo ah waqtiga colaadda iyo abaarta.

Turkigu waxa uu quudiyay kumannaan Soomaali ah gargaarkana waxaa fulinayay inta badan shaqaale Turkish ah uma dhiibin hay’adaha gargaarka UN-ka NGO-yada lamidka ah iyo xitaa dowladda Soomaaliya.

Si lamid ah Turkigu waxaa uu dhisay wadooyin, dhismayaal dadweyne iyo Garoonka weyn ee Muqdisho waxaana fuliyay shaqaale Turkisha ah kumana aaminin howshaas dowladda ama Qandaraaslayaal Soomaali ama kuwa shisheeye midna.

Anniga ahaan sidaa ayaan u arkay sababta Turkigu u qabtay wax muuqda aduunyada kalena ugu guul dareysatay Soomaaliya.

Waxaa kaloon aaminsanahay runtuna tahay in dowlad Soomaaliyeed wixi loo dhiiba aanay sidda ay tahay u fulineynin horayna ugu fullin waqtigan,  ma oggi in ilaahay jiil cusub inoo dhalin doono.

Inta aanu Turkigu faraha lagelin wax u qabashada Soomaaliya waxaa uu si xalaal ah u darsay Sababta dalka iyo dadka Soomaaliyeed sidan ugalay.

1.     Reer Galbeedka iyo UN-ka oo Soomaaliya ka dhigtay Mashruuc aan dhamaad lahayn xisaabna ka dambeeynin.

2.     Madax iyo dowlad aamin ah oo aan Soomaalidu waligeed yeelan.

Hadaba hadii aduunyadu inta Turkigu gartay garan lahayd Soomaaliya mar hore ayay bad baadi lahayd mana gaarneen heerka aan joogno ee dadkeenu gaajo u dhintaan.Waan ka xumahay in aan sidan u hadlo laakin waxaan ku kalsoonahay xadiis-kii Nabigeena (CSW) ee ahaa Xaqa sheeg dacarba ha ahaadee.

 Ilaahay baa wixi run ah og. Ayaanle Xuseen Cabdi

Keydmedia. Net

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top