Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 4 October 2014 | KON

Ciid Wanaagsan!

Nairobi (KON) - Warbaahinta Keydmedia Online waxey Aqristayaasheeda ugu Hambalyeneysaa Munaasabada Ciidul Adxa. Ciid Mubaarak, Ciid Mubaarak.

Teaser Image Ciid Wanaagsan!

Dhamaan Goboladda Dalka ayaa Saakay si fiican looga ciiday. Waxeyna ayagoo Gacmaha isgalinaaya ku dhawaaqayeen Erayada Raxmadu ku dheehantahay ee Ciid Mubaarak.

Waa Sanadkii Afaraad oo ey Keydmedia Online (KON) Aqristayaasheeda ey si kal iyo Laab leh ugu soo gudbineysay Tahniyadda Ciida Barakeysan. Waxeyna KON u rajeyneysaa Guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Muslimiinta Soomaaliyeed oo Mudo Rubuc Qarni kor u dhaaftay dareenkoodu ku noolaa Walaac ka imaanaya Colaada u jeedo badanta ah ee ka Ololeysa Dalkooda Hooyo.

Waxaana Rajeyneynaa Ciidaan Ciideeda kale iney Carada Dalka Soomaaliyeed isku badasho Nabad iyo Barwaaqo.

Tafaftiraha Guud ee Warbaahinta KON Cali Saciid Xasan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed Sanadka kan xiga in ay Nabad, guul barwaaqo iyo horumar ay ku gaaraan.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Maamulka Warbaahinta, kan Shaqaalaha iyo kan Taageerayaasha Qiimaha badan ee KON waxaan hanblayo ku aadan Munaasabadda Ciida hawada u marinayaa Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan” sidaa waxaa yiri Tafaftiraha guud ee Keydmedia Online - Cali Saciid Xasan.

Dhamaan Shaqaalaha Keydmedia Online oo ku kala sugan dunida daafaheeda waxa ay Hanbalyo kal iyo laab ah u dirayaan Shacabka Muslimiinta ah ee ku nool dunida daafaheeda gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u rajeynayaan in alle uu ka dul qaado dhibaatada, Colaada, Gaajada allaheynah noogu badalo Nabad iyo Barwaaqo.

Ciid Mubaarak, Nabad ku Ciid, Ciid Mubaarak!

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top