R/wasaaraha Haddii uu-san Waalneen waa Xishoon lahaa - by Dr. Ali. A. Hirabe
Dr. Ali. A. Hirabe - Barnaamijka Cusub ee uu wato Cabdiweli waa mid laga dhaxlay Cabdullaahi Yusuf oo aanan biyo lagu dhaqin, waxaa umada aay la yaaban tahay hab-dhaqanka R/wasaare C/weli oo aad mararka qaar is leedahay sow ninka ma xishooda miyaa?
Xishoodka waa Qeyb ka mid ah iimaanka weliba xishoodka waa wax lagu amrri jiray xitaa ummadihii naga horeeyey, haddii aad dib u fiiriso waxaa uu ahaa nin mucaarad ku ah maxkamadihii dalka ka hanno qaaday 2006 waxuuna xiligaas u ololeeyn-jiray kuna faraxsanaa gumaadka Ethiopia ee magaalada Muqdisho iyo hogaanka C/aahi Yusuf oo Qabiiliga ahaa.
Dib u aqri maqaalka magaciisu yahay Prof Cabdiweli weli maxaa u wehliya Aqoontiisa 1,2,3, waxaa umada ogtahay shirkii Garowe in uu ahaa mid xaaraan ah sabbabta oo ah Somali oo dhan kama soo qeeybgelin, qodobada ka soo baxay waa kuwa aay mudneeyd in xildhibaanada baarlamaanka ku meelgaarka ahi go'aanka noocaan oo kale aay gaaraan not Faroole iwm.
Ilaah baan idinku dhaariyee ma mudan tahay in dastuurkii qabyada ahaa ee la dhahay waa la soo dhameeystiray anaga oo og in Somali aayan ka warqabin meel lagu dhameeystiray iyo cida dhameeystirtay hirgelintiisa in 1000 qof cod u qaadaan ??? ma Somali ayaa 1000 ah ??
In 4,5 lagu noqdo ama laga gudbo maaha mid Faroole iwm aay mudneeyn in lagala tashato balse xildhibaanada ku meelgaarka ah ayaa lahaa awoodaa sabbabta oo ah Kenya iyo Jabuuti waxaa awooda iyo xukunka Somalia lagu qeeysaday qabiil dhalay 550 xildhibaan.
Somalida waxaa aay leedahay indheergarad aqoon yahan, siyaasi, culumo , dhalinyaro macnaha noocwalba oo aadahana leeyahay,dhamaan umada waxaa aay aragtaa xishood la´aanta C/weli ee hogaamisay ama ku qasabtay in uu baarlamaanka iyo xulashada gudoomiyaha baarlamaanka Madoowe Nuunow diido, awoodaasi xagee ka keenay ??
Dastuurka ku meelgaarka ahi 71 qodob xagee kaga qoran tahay sharci r/wasaaraha u ogoloonaya in uu faro gashto baarlamaanka ??? sow lama dhihi karo waa aqoon dari iyo xishood la´aan,haddii xishoodka dhinto xaywaanka wax kama duwana qofka.
Waxaa umada aay la yaaban tahay in bisha May Dastuurka qabyada ahaa aay cod u qaadayaan 1000 qof, in bisha Jun la dhameeystiri doono xulashada xildhibaanada qaranka 225 sow dhalanteed maaha,kuwa hada jooga ee isku dilaya xaqa iyo xaqdarada ayaa mudneeyd in aay qaataan tiro-dhimista iyo xiliga xildhibaano qaran la sameeyn karo.
Roadmapki baarlamaanka lama geeyn, shirkii gacan ku rimiska ahaa ee Garowe baarlamaanka lama geeyn, dastuurka la soo dhameeystiray baarlamaanka lama geeyn xagee u socdaa C/weli sow lama dhihi karo xishood la ´aan ayaa ku hogaamineeysa ama ku qasbeeysa in uu ku dhaqaaqo wax umada aay ka xishooto Somali koleey waa aay arkeeysaa Faroole iyo C/weli burbur cusub ayaad Somali u horseedeeysiin Punland kama faaiideeyso haddii aad islaheeydeen Puntland ayaa ka faaiideeysa.
Shariif waxaa jirtay xili uu carfayay oo la lahaa shariif amiir iwm maantase waa urayaa sabbabta oo ah waxaa ka fogaaday cadaalada umada Somali waxaana uu noqday nin halgankii umada dib u cunay garan waayay in umada aay leedahay asagana uu ka ahaa hogaamiye kaliya balse kursiga ayuu umada ka doortay,wallow kursiga nina uusan dhaxal u laheeyn. Alow sahal umuuraha!
Dr.Ali.A.Hirabe - .(JavaScript must be enabled to view this email address)
More Article
- Maxaa hortaagan howlgalada Ciidanka TFG?
- Runtu waa Qanaacada Qofka! - Sheeko
- Talafi oo Muslimiinta Nabiga S.C.W Xusta ku tilmaamay Gaalo!
- Dhibaato hor leh & Kala Boobka Dhulka
- Feynuustii Fanka Soomaaliyeed ma damtay?
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.