Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 20 February 2013 | KON

► Report: Khilaafkii Beesha Gadabuursi iyo Jabhadda SNM | Daawo Video Cusub

DAAWO VIDEO CUSUB / Top Secret (KON) - Cali Saciid Xasan Report-yadiisi faraha badnaa ayaa kamid ah Wareysigaan oo uu la yeeshay Saraakiil Sare oo ka tirsanaa Ciidamda Soomaaliya inta aysan Cumar Caarte iyo Cali Mahdi ku dhawaaqin in Ciidamda Soomaaliya ay isku dhiibaan Jabhadaha.

Teaser Image ► Report: Khilaafkii Beesha Gadabuursi iyo Jabhadda SNM | Daawo Video Cusub

Arintaas ayaa u horseeday Burburkii ku yimid Ciidamda Dowlada Soomaaliyeed, waayo Ciidankii ayaa waxaa la yiri isku dhiibay Jabhad Qabiil.

Cali Saciid Xasan wuxuu Wareysigaan Saraakiishaan kala ah: Sareeye Guuto Yuusuf Talacle, Gaashaanle Sare Eng. Maxamed Mayrane Warsame, G/Sare Maxmad Nuur Faahiye, G/Sare Maxamed oo ah Gudoomiyaha Jabhadda SDA, Eng. Cumar C/llahi Handi  kula yeeshay meel la yiraahdo Farjano, Gudaha Itoobiya 11. Febraayo 1991.

Wareysiga waxaa kamid ah Su'aalo ay isweydaarsadeen Cali Saciid Xassan iyo Saraakiishaan oo la xariira Qilaafka u dhaxeeya Beesha Gadabuursi iyo Jabhadda SNM.


► Dagaaladii Sokeeye | Xaqiiqadu waa tanaa! Daawo Documentary Film - SIR!


Sariikiishaan waxay Wareysigaan kahor ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho, waxayna iskaga soo baxeen Caasimada sidaan horay usoo sheegnay markii Kooxda Manifesto ay yiraahdeen Ciidamadu ha isku dhiibaan Jabhadaha.

Haddaba, Su’aasha ayaa ah: maxaa laga dheehan karaa muuqalkan aad daawanaysid iyo kuwa la midka ah? Maxa laga faaa’iiday dagaaalladii sokeeyee ee uu dagaalkani ka mid ahaa? Maxaa laga dhaxlay duullan beelaad iyo dirir qabiil? Miyeysan muuqan inaan wali lagu cibra qaadan wixii la soo maray ee diif iyo dacar ahaa? Miyeysan waajib ahayan in laga hortago dagaal walba oo magac qabiil wata? Miysan muqaddas ahayn, in laga feejignaado colaad huriyayaasha labaatankii sano ee la soo dhaafay dagaal walba dhexda uga jiray, ee walina ka dhex muuqda Colaad kasta?


Ma Daawatay: Xusuuqii loo geestay Magaalada Baladweyne 1991-dii | ► Daawo Documentary Film


Keydmedia ujeedadeedu ma ahan inee Tiraahdo Qoladaas ayaa Qaldaneed, Qoladaas ayaa Saxsaneed, ee ula jeedadu waxey tahay oo kaliyah in ey idiin soo gudbiso Maalintaas, Goobtaas wixii ka dhacay iyo sida ey wax u dhaceen. Mid ka xanaaqa iyo Mid ku farxaba waa Dhacdo Taariikhda Soomaaliyeed maalin soo martay.

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net



Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top