Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 4 January 2013 | KON

Sheekh Shakuul “Kenya iyo Itoobiya xaq bey u leeyihiin in ay Jubbooyinka ka hadlaan!”

Keydmedia Online - Deegaanka Jubbooyinka ee ay Ciidanka Kenya iyo Maleeshiyaad-Beeledka Raaskambooli iyo kuwa Qabqable Gaandi Gacanta ku yahaan, oo maalin walba tacaddiyo ka dhacaan ka dhan Aadamaha, ee sigu jira dil, dhac, boob, kufi IWM, ayaa waxaa ku soo darsoomay inay u doodaan Dawladaha jaarka ee ku leg leh faragalinta Deegaankaa, ee kala ah Kenya iyo Itoobiya qaar wata magacyo Wadaaddo.

Teaser Image Sheekh Shakuul “Kenya iyo Itoobiya xaq bey u leeyihiin in ay Jubbooyinka ka hadlaan!”

"Sheekh" Maxamed Ibraahim Shakuul oo dhawaan Waraysi baxshay ayaa ku sheegay in “Kenya iyo Itoobiya xaq ey u leeyihiin in ay Jubbooyinka ka hadlaan!” isagoo sii raaciyey: “Dad ayaa uga dhintay, waxaana oggol Dastuurka iyo Dimoqoraadiyadda”

Isagoo dhibsanaya in wax laga sheego Kenya iyo Itoobiyo ayuu yiri: “Ninkii diidana waa DOQON! Waana mahadsanyihiin Kenya iyo Itoobiya!”Waa Su'aale ma la hubaa in Nin SHIIKH ah ay ka surtowda imu Gumeysi iyo Gaalo u Calan haatiyo? Jid buu leeyahay Ninkii ka shakiya Raga KHAMIISKA sacuudiga iyo Cimaamada Falastiinka ku Xaragooda.

Waaba su’aale yaa xaq u siiyey Kenya iyo Itoobiya? Waxaase xusid mudan in Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul uu saaxiib dhaw la yahay Sheekh Umal iyo Sheekh Shubile.

Wax lala yaabo ma ahan marka aad eegto inta magac wadaad sheeganaya ee haddana u hadla sidii qof ajnabi ah oo kale ama waxan loo yaqaan falanqeeye.

Shakuul, wuxuu Imaam Masajid ka ahaan jiray Maraykanka Gobalka Tennessee. Wuxuu kudhawaad 10 Sano degan yahay Kenya.

Waxaa Hotello, Suuqyo iyo Guryo ganacsi kala dhexeeyaan "Sheekh" Maxamed Cabdi Umal iyo "Sheekh" Maxamuud Shibile. Sida kale Shakuul, Sh. Umal iyo Shibile waa isku Qabiil, isku Urur Saaxiibbana waa yihiin. 

Dad badan ayaa qaba in "Sheekh" Maxamed Ibraahim Shakuul ka mid yahay Dadkii Itoobiya u dhiibay Jamhaddii Soomaali Galbeed arintaasna waxaay u keentay inu ka helo Dhaqaal Fara badan oo waxaa lagu tiriyaa "sida la sheegay" inu ka mid yahay 10 Nin oo Soomaalidaa uguna Taajirsan dalka Kenya.

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Haddaba, Halkaan ka Dhagayso hadalka Shakuul

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top