Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 23 January 2012

SYL - Madaxdii Qaranka Soomaaliyeed

DAAWO VIDEO CUSUB (Keydmedia) - Filimkan oo ka kooban dhawr Qeybood isla markaana qeybtiisan ay tahay 15 Daqiiqo ayaa waxaad ku arki doontaa muuqaalo aan abid lagu bandhigin Warbaahinta kuwaasoo muujinaya howshii SYL iyo dadaalkii xornimo doonka.

Todobaadkaan waxaan idiin soo Bandhigeynaa Tacsidii Marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988-dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaalay Muqdisho. 

Geeridii Cabdullaahi Ciise Maxamuud waxba kama beddelin jiritaanka magaciisa iyo karaamada bulshadu u hayso, wuxuuna halqabsi u yahay inta ay ku jirto qiiro wadaninimo iyo daryeelidda ummadda Soomaaliyeed.

Sawirka boggan ku muuqda waa tusaale muujinaya Madax kamid ah intii faraha badnayd oo kasoo qayb-gashay tacsidii marxuum Cabdullaahi Ciise Maxamuud bishii Maarso, 1988dii oo lagu dhigay gurigiisa ku yaala Muqdisho.

Waxaad Filimka ka arkeysaan Nin Doorkii Soomaaliyeed Sida: Jen. Cali Ismaciil , Avv. Maxamuud diirshe, Jen. Cali Xashi Cilmi Barre, W/r. Maxamed Haji, G/dhexe SYL Mudane Ladane, Beel Daaje Afbalaar, Mudane  Axmed Dahir, D/jire Cali Xaaji xaashi, Dr. C/maan Xaaji Muumin, Mudane  Cali C/lle Danan, Kon. Abshir Kaahiye, Mudane Cali Kulmiye , Mudane Salaad Cali Busley, Cabdirixmaan Cabdulle, Jen. Abuukar Aftooje.

Mudane Saadiq, Mudane Aswad, Mudane bashiir Sh. Xusein, Shiekh Maxamed Imaan, Cali C/llaahi  Ciise, G/dhexe SYL Maxamed Axmed Ottavio, Jen. C/raxman Warsame (Caare), Dr. Cali Samatar (Cali Baar), Xaaji Cilmi Cali Bulaale, Mudane Maxamed Cowl , Avv. C/llaahi Cosoble, Mudane Ayaanle Maxamed Siyaad, Prof. C/raxman Warsame Cilmi, D/jire C/llaahi Axmed Caddow, Mudane Xassan Cabdi Kheyre, Abwaan Cabdi Bashir Indhabuur, G/dhexe, SYL Maxamed Axmed Muuro, G/dhexe SYL Xassan Giyaajo, Dr. C/llaahi Xasan Kabalabi, Mudane Cali Kulane Abtidoon.

Mudane Xasan Lugey, Mudane Nero, Kon. Eng. Cismaan Kulmiye Cilmi, Marwadi Marxum C/allahi Ciise: Faadumo Cabdulle Marbuud, Marwadi Marxum C/allahi Ciise: Ruqiyo Sheikh Xusein , Gabadha Marxuumka:  Xaliimo Cabdullahi Ciise, Dr. C/raxman Maxamed Jaamac, Jen. Cabdi Sugule, Xaaji C/ramxan C/dille Ismaacil.

Keydmedia.net

More Article

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top