UN-ka Dib ha usoo Celiyo Barakacayaasha Soomaaliyeed! - Keydmedia Report
By Prof. Mohamoud Iman Adan- Keydmedia - Virginia, USA - Saddex meelood meel kamid ah Shacbiga Soomaaliyeed waa cadh iyo Barakaceyaal ku nool ciirsiga UN-ka iyo sacab hoorsiga Hay’adaha Caalamiga ah. Cid kasta halala kaashado, hase yeeshee UN-ku waa inuu Barakacayaasha iyo Qaxootiga dhulna ka qaxay dib Dalka ugu soo celiyo oo la dajiyo deegaannada inta Al-Shabaab laga xoreeyey oo hadda nabaddu ka jirto oo dib loo degi karo.
Yaa u codaynaya dib usoo celinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha?
Waxaa xilka saran yahay TFG-da oo ay tahay inay u codayso oo dhaqaale u raadiso sidii dadkaas loo soo celin lahaa.
Waa in baarlamaanku u codeeyo sidii Barakacayaasha iyo Qaxotiga loo soo celin lahaa. Waa in UN-ku olole u gala sidii ay dunida ugu bandhi lahayd maalgelinta iyo soo celinta dadkaas. Waa in tallaabada arrintan ay ka timaadaa dhinaca madaxda iyo xildhibaannada Soomaaliyeed. Waqtiguna waa maanta ee ma ahan mar kale.
Dhibaneyaashu ma sugi karaan waqti kale. Boqol kun oo qoys oo la maalgeliyo oo dalkooda lagu soo celyo kama badna ilaa Siddeed boqol oo Malyan oo Doolar. Dawladaha Muslimka ah oo hodanka ah intaas toban jibbaarkeed way ku filan yihiin. Ha lala kaashadu dawladaha Hodanka inay qaybsadaan qarashaka dibusoo celinta Qaxooiga iyo Barakacayaasha.
Barakacayaashu waxay u baahan yihiin Lacag yar oo maalgelin faraqabsi ah si ay u aduudashaan nolo cusub iyagoo ku nool deegaankooda oo weliba si weyn uga qayb-qaadan doona waxsoosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, siiba xagga tacabka Beeraha iyo Xoolaha.
Bixinta Dhaqaalaha barakacayaasha lagu taakulayn doono xagga dibucelintooda, dibu dejintooda iyo maalgelintooda waa Qarash mar qurah la bixiyo oo laga Rajo qabo in UN-ku suurageliso, hay’adaha Caalamiga ahna loo xilsaaro agaasimidda mashruuca dibu-dejinta iyo hanaqaadidda hawlgalka Barakacayaasha.
UN-ka iyo Dawladda Soomaaliyeed waxay yeelan doonaan nabadsugidda iyo kormeerka hawlaha dibu dejinta.
Si looga kaaftoomo xagga gacan ku haynta quudinta iyo dabadheeraatay, waa in Barakacayaasha helaan maalgelin yar oo mar qurah baxda oo dadkaas loogu gargaaro, kuwaasoo hadda kasoo kaabsaday macaluushii haddana diyaarka u ah inay kusoo noqdaan deegaanadooda, siiba deegaamada laga xoreeyey Al-Shabaab ilaa 2-da Sano oo ugu horraysa.
Barakacayaashu waxay isugu jiraan dad ku noolaan jirey saddex qaab-Nololeed: Beeraley, xooldhaqato iyo kuwo isugu jira beeraley iyo Xoolo-dhaqato. Qiyaasta maalgelinta ey Keydmedia sameesay oo Qoys walba u baahan yahay kamid-ahnah qaybaha Bulshada Barakacday waa sida hoos ku faah-faahsan:
1. Qoyska Xoolo-dhaqato ah:
50 Neef oo ah ceesaamo iyo 5 orgi // 50xUSD 50 // USD 2,500.00
1 Rati oo Qoysku ku guuro // 1x “ // 700.00
Taakulayn Raashin ku filan Qoys dhan 5 Carruur ah iyo 2 waalidkood ah
Muddo 1 Sano ah inta Arigu ka curtaan oo caano ka yeeshaan // 1,200.00
Agabka Guriga, arratir, daawo... iwm. oo mar qurah ah la bixiyo // 300.00
Dibu-celinta Qoyska (Carruurta 5x$50+2x$100 waalidka ah) // 450.00
Hoy Aqal Somaali ah // 350.00
Qarash lama filaan ah oo u digma 10% $ // 545.00
Wadaarta guud ee ku bixi karta Qoys la sugay Mustaqbalkiisa -> USD 5,995.00
Qoyska Beeraaleyda ah oo raba Nolol beer ku salaysan:
6 Sac (qaalmo) iyo 1 Dibi // 7x$ 500 // 4,200.00
Hal Dameer oo Reerku dhaansaado kuna xammaasho // 1x$40 // 400.00
20 Digaag ah oo 2 Diiq ku jirto // 20x$2 // 40.00
1 Aqal cariish ah oo saddex Qol ah // 1x1,500 // 1,500.00
Agab Qoys, Raashin Qoys 1 Sano ah, Daawo, Arradtir Agab Qoys, iwm Iskuduub // 1,500.00
Qarash lama filaan ah oo u dhigma 10% wadarta guud // USD 800.00
----------------------
Wadarta guud oo qoys beeraley ah ku filan -> USD 8,800.00
Qoys isugu jira Beeraley & Xoolodhaqato:
20 Ceesaamood o ay wehilyaan 2 Orgi // 20x$ 50 // 1,000.00
20 Digaag ah oo leh 2 Diiq // 20x$2 // 40.00
5 Neef oo l’o ah oo uu ku jiro 1 Dibi // 5x$500 // 2,500.00
1 Dameer (aroorid & Xammaal) // 1x$500 // 500.00
Aqal Cariish ah oo Saddex Qol ah // 1x$1,500 // 1,500.00
Agab Qoys, Raashin Qoys 1 Sano ah, Daawo, Arradtir Agab Qoys, iwm Iskuduub // 1,500.00
Qarash lama filaan ah oo u dhigma 10% Wadarta guud // USD 704.00
------------------
Wadarta guud oo qoys beeraley ah ku filan -> USD 7,744.00
Macag weyn iyo Sharaf bay u noqon laheyd haddii UN-ku hirgeliyo Qorshaha sidatan u eg, mana waayin farsamooyin lagu kasbi karo maalgelinta Qaxootiga & Barakacayaasha Soomaaliyeed Dalka loogu soo celin karo.
Laakiin Su'aasha waxa waaye: UN-Ka ma rabtaa iney Soomaaliya wax u tarto?? Waa MAYA!
Prof. Mohamoud Iman Adan - Keydmedia.net - Virginia, USA
.(JavaScript must be enabled to view this email address)
More Article
- Safaarad Dadkeedii Gadatay! Xogta KM
- Duubabka Puntland Muqdisho Double Moral!
- Sergente Mahiga iyo Dastuur ku sheegiisa waa Fashilmeen!
- Jen. Dhagabadan: C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!
- Daawo Video: “Dad Leegada kamid ahaa ayaa dhinaca kale la shaqeynaayay”!
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.