Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Wednesday 25 February 2015 | KON

Waa laguu Yaqaan!

Keydmedia Online — Waa Dood furan oo qofkasta soo geli karo, waxaayse caqabadi timi goob-joog la’aantada waqtigaas tegay ee arinku dhacaayay, "wixii tegay tiigsimaad maleh" - Waa Sheeko kooban oo uu Qoray Xasan A. Shire.

Teaser Image Waa laguu Yaqaan!

Goobtu waa derbi hore u ahaan jiray makhaaxi shaaha laga cabbo muddo laga joogo toban sanno ka hor,  waxaa isugu yimo meeshaas in ka badan  afar dhalinyaro ah,  & Xaajo Odey da’duna waasoo goddey, Dadku waxaay wada sugayaan gaadiid la raaco,  (Gaaddhi yar).

Waxaa lagu yaqaana dadka somaalida ahi waxaa inta badan muran ka dhaliya waxa soo  dhacay, Taariikh hore & arinka  markaas cusub. Waase laaynagu ibtileeyay inaan ka fikirno maxaa soo socda mustaqbalka si loo sadaaliyo,  waayo? waay ku adagtahay dadka afka Somaaliga ku hadlaa badbaadada duruufaha imanayaa sidoo looga gaashaaman lahaa, waxa arinkani u egyahay inaan ku dhaxalnay dhiig ahaan & barbarin ahaanba, sidoo kale waxaay u egtahay waxaan muddo faro badan kala dhaxalaaynay, waxaad dareemi kartaa sidaay habsanka u gelisay dad faro badan.

Hadal waa ka dambeeyee qofka dhibi la kulantaa  waa uu werwer & walaac badanyahay, Dhiilo fara badan ayaad ka dareentaa, waxaadna moodaa qofka in maamul goboleedyo calooshiisa lagaga dhawaaqaayoo, sheekadani waxay ku bilaabantay qormadan soo socota, waxaana hormuud ka ah Aabihii markaas Odeyga ka ahaa meeshaas, ama da’ahaan ugu weeynaa, wuxuuna ku bilaabay sidan:

“kuye, dadku dhib badanaa shalay casarkii anoo taagan meelaan ka fogaayn iskuulkii hore e farsamadda gacanta ee  qabyadda ahaa tan & dawladdii somaaliay  markaay dhacday, burburkii ka bacdina  waa la bili-liqaaystay,gobtaas anoo taagan waxaa igasoo hor baxay dumar baacsanaaya nin waayeel aha ama Da’I hayso, qaaylo dheer ka bacdi waxaan waaydiiyay,  war maxaa dhacay? “shalay ayuu guriga noogusoo dhacay”, oo xagee degantihiin?  “Waxaanu deganahay  guryihii dawladda  ee ku yaalay xeradii ciidanka Cirka, halkaas oo aay yaalaan dadkii agoomaha ahaa ee ku jiray ciidamadda Somaaliya” haa gartay oo ma-waxaad jaar tihiin ninkii caanka ahaa ee Walambe kana mid ahaan jiray cidamadda nabad sugidda ee hadeer iska tabaalaysan, “haayo kani waa Tuugoo, horena waxa uu ahaan jiray Askari ciidamada Badda ah waana ninkii doontii Masaarida soo qabtay ee lagaadhi waayay” jawaabo caynkaas ah ayaay igu jawaaben Xaawalaaydu.

Adeer idinku maxaad ahaaydeen? Ayaan dib ugu celiyay haweenkii  “Waxaanu nahay fanaanintii Durudur ee sanadkii heesihii dambee hirgaly ku jiray” mid ayaa sidaas u jawaabtay, “Anigana waxaa I dhashay Fanaanada caanka ahaady ee Hebla”   iyagoo sheekadii taagan tahay ayaa waxaa meesha soo maaray laba xidhigle Sare Jajuub, war iska warama? Waa nabdoonaan  iyo wacad Alle, “waxaa dhacay ma ogtihiin?”, Maya! “Idaacadda ma dhegaystaan  miyaa??: VOA mise  BBC da?? “VOA !”.

Adeer ma dhagaaysano waxaa hasytaa dad kale oo hore u ahaan jiray wanaag neceb, :gartay, hadda BBC-da ka warama iyadda??  “Ka darro dibi dhal, iyaddu warkeedu waa kuture kuteenee,   kolaay war ma jiree hadaanad dhegaaysan idaacadda ku baxdaa FM NO.

intaas "ninkii oo niyad jab war sheegisi gashay ayaa u bilaabay sidan" waxaa saaka la wareeystay  Gaas-Gaab oo ka hadlay arimaha Somaalida  sheegayna in dhowaan somaaliya hagaagi doonto, waayo?  hadddi  Hebel, iyo Hebel  caalamku la tashaddo iyagana lala xajooddo, keligood ayaa  Somaalida yaqaanaana”  oo adeer weli dadku ma waxaay u xidhan yihiin hebl iyo hebel, iyo hebelo dhintay???   “war naga tag dadku waa xayawaane ma cidkale ayaay haystaan”!! waa jawaabta uu ku fal-celiyay Odeyga Idaacadda wareegta.

Odyegii o oo sheekadii wada ayaa dood kale dhalintii dhex dhigay oo adeer “ Qolama ayaad tihiin? Waan iska duryamayoo ileeyn war ayaa u gaajo badanee,  aan is baranee yaad kasoo jeedaa?! “Aniga waxan ahay reer hebel, hebelna wa reer hebel, waa isku dadkii oo ma kala fogin yarkaas uun ayaa inagu dhex koray, oo isaguna waa inaga, qolo ahana inagma fogga mar hadii…………”!.

Sheeko cusub,  oo adiga yaa ku dhalay  “waxaa I dhalay hebel”, waa nin qaali ah waxaa uu ahaa ciidamadd  Dhulka jibaaxa wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Ruushka, “Adeer “Anigana waxaa I dhashay Heblo, oo ahaayd saraakiisha ciidamada guul wadayaashaa”, adigana   yaa ku dhalay? “hebel oo ahaa sarkaal ciidamadda Tangiyada ahaa markii dambena Jabhaddaas ka mid ahaa”,  anigu iyo dhoowr kale waxba maanan oran waayo xiddigo waqtigodii dhacay ayaan u aragnaa arimahan lagu abtirsanaayo, waxaanu isku daynay inaan baadhbaadhno wax magac gaar aanu u leenahay, mid ayaa iga horeeyay oo yiri aniga waxaan ahay hebel waxaana ahay sarkaal u sheqeeya Wasaaradda Caafimaadka, “ adeer goor xun ayaad ksuoo beegantay” odaygii ayaa ku jawaabay.

Ku darsoo Odeygan, laftigiisu Sarkaal ayuu ahaan jiray hadda se diif ayaa ka muuqata, dadkana isaga ayaa ugu caay &  bakhsid  badan, magac ayuu ku sheqeeystaa, dantiisiina waa uu ka tegay,  waxaanse ka yaabay markii jiibta la isla jaan qaadaay, oo marka wax la is waaydiiyaba laaysugu jawaabay “ isaga ayaa kuu yaqaan, & hebel waa laguu yaqaan”, dhankaayga ama dhanka asxaabta qaar waxay nagu noqotay Afkiibaa juuqda gabay, waxaase I farxad badnaan lahaayd in dadku iyagu gaadhaan guulo mustaqbal, waaana jawaab ama sawir ina tusaaya hanyarida dhalinta, maaha dhamaaantood, waase intooda badan.

Sheeko yaanan kugu daalinee, Aabahana barbartiisuna maaha inaad cidla fadhiisato, ee waxaa uu ku barbaariyaa inaad dadaasho, waxqabsato si aad usoo gaadho heerkiisa ama ka sareeysa, Aabo kasta ama hooyo kasta Alle abalkiisa ha guddo, Janadda fardoowsana ha geeyo, Inagana tallo ayaa inala gudboon.

Is fahan la’aan yaa ka dhacday, waxaa yaab leh inaad dugsato magaca Aabahaa, ha gaboobo ama ha dhintee, waxaase loo baahanyahay in tariikhda la kaaydsho oo aay magac uun noqoto, hadiise aad is tiraahdo waxkasta ha kuu qabato waxaad gabaysaa kartidaadii, waxaadna wiiqaaysaa inaad adigu magac sameeyso, sheekadani waa sawir tusayaa dhacdooyin joogta ah, umase u dhicin si aan goob-joog nimo ah.

W/Q: Xasan A Shire
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Article

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top