Shirka London waa in looga Hadlo Sunta Nuclearka oo Cegaaga Xeebaha Soomaaliya!
Keydmedia - Waxaa Xeebta Magaalada Hobyood kusoo caariyeyey Haan mug weyn leh oo ay ku jirto Sunta dilaaga ah oo loo yaqaan “radiation waste.” Suntaas waxaa soo fogeeyey warshadaha Dalalka horumaray oo diiddan in sun noocaan ah ay Dalalkooda ku qubaan.
Qabyo Qaybsan!
Bashir M. Hersi - Noloshu mar waa kali (Qof, shaqsi, nafar, IWM), marna waa lammo (ama labo “lammaane”) “Kow lammaa ka roon”, maahmaah ayaa dhahaysa, marna waa koox (urur, midow, isutag, iskaashato, IWM), mar kalana waa wadar (Bulsho, ummad, shacab, dad, IWM), intuba ma kala maarmaan, “kali” kama gooni noqon karo inta kale (urur iyo bulsho).
NIN KU DILAY HAR KUUMO JIIDO!!
Avv. Xussein Diiriye Afrax - Dowladda Ingiriiska oo Gummeysiga taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu masab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto, sidaas daraadeed-na waa in marna Dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax Jil-jileec u muuqdo ama naxariis...
Yaa U Maqan Maxaabiista Soomaaliyeed & Qaxootiga go’doonsan
Keydmedia - Ha ka filin xubnaha TFG-da oo wadata basaboor shisheeye oo u timid bililiqo hanti qarameed sidii ka dhacday 17dii Bishii Jannaaio 2012 oo Madaxda Dawladdu ku qamaaneen boobka biro dug ah oo 21dii sano yaalley Dekedda Muqdisho.
Maalinta “Valentine’s Day” Maxay tahay? & Diinta Islaamku ma ogoshahay Maalintaas?
London (Keydmedia) - Maxaad ka taqaan maalinta Jaceylka Aduunka? Diinta Islaamkuse ma ogoshahay Maalinta in la weyneeyo oo loo dabaal dago? Waxaa naxdin ah in maalinta taarikhdu tahay 14 February oo ku beegan maalinta isniinta ah ay dad Muslimiin ah ay xusayaan Baadari Christan ah geeridiisa iyo Wax ay caabudi jireen Roman kii hore!.
Keydmedia wey ku Su’aashay ee Adigu hada ka Jawaab! - Imtixaanka Bulshada! - Part 2
Keydmedia wey ku Su’aashay ee Adigu hada ka Jawaab! - Keydmedia waxaa farxad weyn u ah in Bulshweynta Soomaaliyeed oo Da’ walba leh ay nala arkayaan walaaca laga qabo aayaha Dadka & Dalka oo aan weli helin hormuud qarameed oo lagu kalsoonaan karo oo ummadda Hoggaamiya.
Shirka London: Shirqool iyo Luggooyo
Bashir M. Hersi - Sida Qarankii u qallibmay, waxaa Soomaaliya loo qabtay dhawr Shir, dhammaan ku suntanaa nabadeyn, waxaase jiray qaar loogu yeeray wadatashi, aanse nabaddu marna ka marnayn.
Qoridda Dastuurka, Xulka Xildhibaannada & Tirakoobka Ummadda - Qeybta 2-aad
Abdullahi O. Ahmed (Keydmedia) - Aqriso Qabta 1-aad - Go’doonka Bad La’aanta Xabashida - Tixgelinta Tirakoobka Deegaamada - Xeer-jajab iyo awood Dawladeed midna kuma laguma qoondayn karo jaangoynta tirada Xildhibaannada Baarlamaanka Qaranka soo geli doona. Tiro Xildhibaan oo dhan 225 oo Dawladdu wadato kuma salaysna xeer Bulshadu waafaqsan tahay.
Qoridda Dastuurka, Xulka Xildhibaannada & Tirakoobka Ummadda - Qeybta 1-aad
Abdullahi O. Ahmed (Keydmedia) - Waa inay dhammaystirmaan kahor inta aan la dooran Afhayeenka Baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo Madaxweynaha Dalka. Haddaba, ummadda Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan tahay in muddo gaaban lagu soo gabagabeeyo Dastuur - Qaran oo Dalka lagu xakumi lahaa, kaasoo ah hawsha ugu culaabta badan oo kamidka ah yoolka qorshaha ku Qeexan “Road Map-ka.”