Ma ogtahay Waqtigu in uu Qaali yahay!!?
Ahmed Abdulahi - Sanad baa dhamaaday, mid cusub baa bilawday! maxay kadhigantahay? Maxay nagu dhalin kartaa? Maxaanse ka faaiidaysan karraa? Waxaan wada ognahay inay nolsheenu tahay maalmo, usbuucyo, Bilo iyo Sanado laysku daray. Markasta oo ay maalini tagtana cimrigeeenii waxaa tagay qayb aan noosoo laaban doonin ilaa Maalinta Qiyaamada laga gaaro.
Riyadii Dowlad Goboleedka Jubbaland Halkee Maraysaa?
Ku-taamida dhismaha dawlad goboleedka Jubbaland waxaa uu ka horeeyay Puntland iyo kuwo kale oo aad u mugac dheer. Waxayna noqotay arritnu “Caynabaa ka biyo dhow” oo had iyo jeer waxaa hareeya dagaal iyo muran xoog leh. Sadexda gobol ee Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe weeye kuwa lagu wado in maamulkaasi ka hirgalo. Waxaa dhamaantood gacanta ku haya kooxda xag-jirkaa ee Al-shabaab ee Soomaaliya. Balse waxaa jira dadaal ka soconaya dalka Kenya ayna hormuud ka tahay dawlada Kenya.
Yaa ku hardamaya Gobollada Koofureed?
By Prof. Mohamoud Iman Adan- Virginia, USA - Gobollada koofureed waxaa laga dhigay deegaan qulqulato colaadeed iyo xasarad siyaasadeed mar walba ka aloosan yihiin oo dadka deegaannadadaas ku abtirsada ay is-maandhaafsan yihiin. Muddo labaatan sano ah ayaa ficilladaasu joogto noqodeen, adduun-weynuhuna sawirkaas ayuu hadda maanka ku hayaa. Arrintaasu waxay hadda noqotay dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo gaamurtay.
Keydmedia iyo 6-dii bilood ee la soo dhaafay.
12-June 2010 ayeey aheyd markii si toos ah ay u howl bilowday warbaahinta keydmedia waxaana tan iyo dharaartaasi ay waday soo gudbinta barnaamijyo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, warar, Faalooyin iyo Maqaalo dhamaantood ka hadlaya xaalada Dalka ee dhinacyada Siyaasadda, Waxbarashada , Caafimaadka iyo arimaha bulshada intuba.
Amisom: Nabad Ilaalin mise Iil Badin?!!
Dr. Bashiir M. Xersi ( Italy) - Haddaad argagixiso u taqaan wadaad gardheeroo daara qarxiya kaliya waa lagu habaabiyey!, haddaad u taqaan wiil madaxa laga xadoo isqarxiya kaliya Adna madaxaa lagaa xaday!, haddaad u taqaan mina aasayaasha kaliya waad qaldan tahay, haddaad u taqaan tiroyar dile kaliya waa lagu duufsaday!. (Qoraaga).
Xildhibaanimoow Xaal qaado!!! (Video Cusub)
Dr. Bashiir M. Xersi ( Italy) - Qormadan waxaan ugu magacdaray heesta kooxda qayladhaan”Xildhibaanimoow xaal qaado” , oo runtii Anigu aan ka helo heesahooda, maadama ay ku sooo beegmeen xilli aad u xassaasi ah, waa kooxdii labaad oo nooceeda ah ee Soomaaliyeed, sanado ka hor waxaan si fiican uga wada dharagnay heesaha bararujinta kooxda caan baxday ee “Waayahacusub”, oo heeso wacyogalin ah dadka ku harqisay, xilli iyana loo baahnaa, maanta waxaan jeclaan lahaa inana waxyar ka iraa heestaa iyo sida loola falgalay, ama wixii laga yiri.
Baarlamaanka Soomaaliya: Dhado roob noqon weysay (Daawo Video & Hees)
Soomaaliya waxay dhex maquuraneysaa 20-sano in ka badan oo bur bur ah isla markaana ay wehliso isbaaro siyaasadeed oo birteedu tahay “DOON MEYNO, HALA RIDO, LOOMA DHAMO” iyo erayo kale, waxaana liiska hore ee talada fadhiya dadkii ay aheyd in loo talaya, taasina waxay noqotay caqabad lagama gudbaan ah.
Mr. Faroolow: Dhaqankii jabhadaha iyo Colaada dib ha ugu celin Soomaali!!
Dr. Ismail Malaas - Waxaa la yaab leh weliba fajac iyo amakaag in Dr C/raxmaan Shiikh Max’ud Faroole madaxweynaha puntland iyo Soomaaliyoo idil uu u celiyo waayadii dhaqankii jaahiliyadda, weliba tii carbeed ee isir naceybka, liidida iyo heyb sooca ku dhisneyd, waxaa ii hubaal ah in aqoonyahano fara badan oo reer puntland in ay ka yaqyaqsoodeen hadaladdii uu C/raxmaan Faroole uu u jeediyay dadka reer puntland maalintii ciidul adxaha, khudbaddii faroole waxay heyb sooc ku sameysay dadkii puntland, waxayna tafaraaruq iyo kala tag u horseedeysay ummadda Soomaaliyeedoo idil oo dhibaato ku heysay dowlad la’aanta.
FASHIL KU YIMID DULAALIINTA ARIMAHA SOOMAALIYA
Qaaradda Afrika waxaa la gaday oo go’doomiyey NGO-yo oo afka qalaad lagu yiraahdo (None governmental organizations) oo macna ahaan noqoneysa ururo aan dowli aheyn, waxaana ururadan ay yihiin kuwa dalaaliin ka ah barnaamiyo loogu magac daray horumarin oo ay Hey’adaha reer galbeedka iyo Maraykanka taaba galiyaan.