Dastuurka Maamulka Puntland iyo Dastuurka Qabyo Qoraalka Waa Qayaano Qaran!
Dr. Ali. A. Hirabe - Akhristow ma Aqrisay Dastuurka Maamulka Puntland lagu asnixiyay mise ogtahay in Dastuurkaa uu yahay mid qayaano Qaran ku ah Midnimada Umada Soomaali?
KEYDMEDIA
Dr. Ali. A. Hirabe - Akhristow ma Aqrisay Dastuurka Maamulka Puntland lagu asnixiyay mise ogtahay in Dastuurkaa uu yahay mid qayaano Qaran ku ah Midnimada Umada Soomaali?
Keydmedia - Dunidu waxay leedahay Saylado badan oo Ganacsi oo badeecada lagu kala gato Qiimuhuna maalin walba heer buu gaaraa. Sayladahaas waxaa kamid ah: Kuwa xadeeya qiimaha dahabka, shidaalka, raashinka, ka ganacsiga badeecadaha iyo sarrifka lacagaha culus, xoolaga nool iyo hilinkooda, iwm.
Bashir M. Hersi - Murti ayaa dhahaysa: “Aqool xumo abaar ka daran” mid kale waxay leedahay dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay leedahay ninna waxaa laga sheegay inuu yiri: “Maantoon Talo haayo Tabar ma hayo, maalintaan Tabar haayana talo ma hayn!” Cabdi Malow na waxaa laga sheegay inuu yiri:
Abdirahman A. Ilmi (Keydmedia) - Keydmedia waxaa soo gaaray dhaleecayn uu Nin la yiraahdo Cabdullahi Faarax (Diihaal) uu ka fidiyey Safiirkii TFG-da u fadhiya Magaalada Roma Mudane Nuur Caadde.
► DAAWO VIDEO CUSUB (Keydmedia) - Aas-Qarameedkii Allahu u Naxariistee Marxuum Cabdullahi Ciise Maxamud ee Xabaalaha Qaranka Muqdisho lagu Aasay 1988. - Filimkan oo ka kooban dhawr Qeybood isla markaana Afar Qeybood aan hore u soo Saarnay ayaa waxaad ku arki doontaa Muuqaalo aan abid lagu soo Bandhigin Warbaahinta nuuc kastoo ay tahay kuwaasoo muujinaya Howshii SYL iyo Madaxdii Qaranka.
Aduunyooy xaalkaa ba'. Ma aha markii ugu horaysay Taariikhda Aduunka iyo midda Soomaaliyaba ay soo maraan Hogaamiye-kooxeedyo dhinac mara oo diida caqliga toosan iyo hanuunka Rabi. Kuwaasoo isku maleeya in iyaga uu Rabi u doortay inay hogaamiyaan Bulshada ay ku dhex nool yihiin siday doonaana ka yeelaan.
Bashir M. Hersi - Beri hore ayaa nin socoto ah, ku soo baxay Geel barrin bannaan daaqaya, hadduu dhinacyada eegay, qof la jooga Geela waayey, ayuu af labadi dhawaaqay, oo yiri: “War Geela yaa la joogooy?” wax u jawaaba ayuu waayey, aan ka ahayn codkiisa oo ku soo laba dhacay ama ku soo laalaabtay.
Ayuub A. Aden (Keydmedia) - Keydmedia waa Safxad dhexdhexaad ah oo u codaysa inta aan codkoodu dhaafin deyrka aqalkooda oo cadkooda cid kale xalaalaysatay. 100 kiiba 95% Akhristeyaasha Keydmedia waxay ku cod bixiyeen in Safxaddanu tahay cod qarameed oo aan lagu suuradayn lab-lakaca qabyaaladeed, waxayna ku wajahan tahay:
By Prof. Mohamoud Iman Adan (Keydmedia) - Virginia, USA - Qabiil waa magac, mana xumaan karo haddaan lagu xumaan falayn. Waa magac, sida qurac, maroodi, buur, Guuleed iwm. Qabiilnimana waa ficilid. Sida Qabiil weyn, qabiil tiro yar, qabiil xun, qabiil xoog badan, qabiil laandheere ah, qabiil laan-gaab ah, qabiil wanaagsan, qabiil takooran, iwm.