Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 13 November 2014

Propaganda: Afar Sababood oo Muujinaya in Masawiraddan ay Been Abuur yihiin

Keydmedia Online — Waxaa Todobaadkaan lagu faafiyay Shabakad Sanadkaan bartamihiisi la aas-aasay SMS-yo la sheegay in ay is-dhaafsadeen Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Faarax Cabduqadir.

Teaser Image Propaganda: Afar Sababood oo Muujinaya in Masawiraddan ay Been Abuur yihiin

Safxadaan oo la hirgaliyay 26.07.2014 oo Qarisay Meesha laga leeyahay iyo Cida Mas'uulka ka ah ayaa sheegtay in ay heshay SMS-yo ay is-dhaafsadeen Madaxweynaha DFS iyo Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya.

SMS-yadaan oo lagu soo qaaday Qaabka loo yaqaano Screenshot ayaa lagu tilmaamayaa oo lagu shabadeynayaa in ay Labadaan Mas'uul is-dhaafsadeen Bishii Janaayo Sanadkii 2013 ilaa Bishii Janaayo Sanadkaan 2014.

Kadib markii ay Keydmedia Online ka shakisay in Mas'uuliyiin Qaran ay Qaabkaan u wada xariiri karaan, si sahlana loo heli karo sirtowda ay Maamulka ku wadaan, ayaa Arintaan waxaa wax ka weydiinay Maxamuud Xirsi Fanax oo kunool Magaalada London ee Dalka UK, kuna taqasusay Culuunta Computer Science.

"Screenshorkaan waxey u badantahay in lagu qaaday Telefoon Qadiim ah oo ka horeeyay kuwa Maanta la isticmaallo sida Galaxy S4 ama S5 oo Qofwalba Maantay uu Gacanta ku heysto"

Keydmedia Online ayaa baaris ku sameysay 'Fariimahaan' la sheegay in ay is-dhaafsadeen Labadaan Mas'uul iyo Safxadda lagu faafiyay.

Afar Sababood uu Muujunaya in Masawiraddan ay Been Abuur yihiin:

1. Qaabka Masawiradda loo qaaday

Sababta Koowaad waa Qaabka Masawiradda loo qaaday oo ah (Screenshot). Screenshot waa Masawir laga qaadaya Telefoonka ayadoo la adeegsanayo isla telefoonka laftiisi. Marka Screenshot waxaa qaadi kara oo gudbin kara Qofka markaas Isticmaalaya Telefoonka.

2. Qaabka uu Qoraalka u qoranyahay:

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu kasoo qalanjabiya Jaamacada Ummada Soomaaliyeed oo markaas aheyd Jaamacad Waxbarashadeedu sareysa, wuxuuna isla Jaamacaddaas ka ahaa Macalin kadibna wuxuu Hay'adda UNICEF u qaabilsanaa Qeybta Waxbarashada. Dr.Faarax Cabdulqaadirna waa Nin Aqoon leh oo Waxbarashada Heer jamaacadeed ka gaaray.

Marka Ninan muddo kusoo jiray Culuunta Heer Jaamacaddeed Qaabkaan Qaladaadku ka buuxo wax ma u Qori karaan.

3. Qaabka loo Save gareeyay Masawiradda.

"Hadii Android (Waa Operation Systemka) laga qaado Screenshot wuxuu ku keydinayaa (Save) isla Telefoonka Masawir ah .PNG file, oo u qoran sidatan [Date-Time]. Masawiraddaan aad i tusiseen waa .JPEG Computerka looga shaqeeyay" Ayuu yiri Maxamuud Xirsi Fanax.

4. Madaxweynaha wuxuu Isticmaalayay markii noogu dambeesay Samsung Galaxy S4, telefoonkaasna markii laga qaado Screenshot waxaa Qeybta kore kasoo baxaysa Magaca iyo Telefoonka Qof lala xiriirayo, Calaamada Telefoonka iyo Calaamada "Qashinqubka" (Trash) laakiin Masawiradaan la faafiyay waxaa ka maqan Calaamadda "Qashinqubka" (Trash) tasina waxey na tusineysa in Screenshorkaan aan laga qaadin Galaxy S4 ama S5.

Sababahaas aan kor kusoo sheegnay siiba mida Qaabka SMS-yadda ay u qoranyihiin ayaa waxey dhalineysa tuhunka ugu weyn oo ah Qof wax soo bartay in uusan Qoraal nuucaan oo kale aan laga filan karin.

Waxaase hubaal in howshatan ay kamid tahay Campaignka ballaaran oo iskugu jira Propaganda loo gudbinayo Jaraa'dika iyo beesha Caalamka, oo mudadaan dambe oo dhan ay wadeen Taageerayaasha Raisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Maxamuud.

Aan dib u xasuusano Been Abuurkii kasoo yeeray Raisul Wasaaraha oo ahaa in Taliyihii Ciidanka Booliska Jen. Maxa'ed Sheekh Xasan la sumeeyay, kadibna cadaatay in ay tahay wax kama jiraan oo tii Alle u timid.

In Taageerayaasha Raisul Wasaaraha ay ku handadeen "In Baarlamaanka uu dhiig ku daadan doono, hadii Mooshinka la geeyo". Sidii ay sheegeen ayeena u dhacday oo waad aragteen 11.11.2014 wixii ka dhacay Baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa la isku dayay in la Qaarijiyo Xildhibaan Prof. Dalxa oo Habeenkii intaan la Qarxin kahor yiri "Mooshinka waa Xaq, waana la geynayaa Baarlamanaka".

Waxaa Isla Maalintaas Buuqa iyo Qaska uu ka socdo Baarlamaanka Toogasho lagu dilaya Taliyihii Laanta Socdaalka Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Shalay waxaa la dilay Ku xigeenka Gudoomiyaha Degmada Howl-wadaag dhinaca Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Kenya oo tiri Xiriirka ayaan Soomaaliya u jareynaa, Ciidamadana waan kala baxeynaa Kismaayo.

Mareykanka oo yiri Shirka Dennmark kama soo qeybgaleyno.

Arimahaas oo dhan isku soo duub-duub oo waxey kamid yihiin Dagaalka Wajiga Cusub lasoo baxay oo ku socda Guud ahaan Koonfurka Soomaaliya Gaar ahaana Beelweynta Hawiye.

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top