Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Tuesday 16 June 2015

Cadawga Ethiopia iyo ceebihii ay ka geeysteen Ceelgaabta!

Dr. Shakuur X. (KON) - Sida la og yahay Ethiopia waxaa gacanta ugu jira dhul baaxad leh, oo soomaaliyeed. Waxay qormadu ku qotontaa, qaybka mid ah dhulka Soomaali Galbeed ee Ethiopia gumeysato gaar ahaan dhulka Ceelgaab laysku yiraahdo, oo ah dhul ballaaran.

Teaser Image Cadawga Ethiopia iyo ceebihii ay ka geeysteen Ceelgaabta!

Ceelgaab waa deegaan ka tirsan dhulka soomaaliyeed, ee ay gumeysato Dowladda Ethiopia. Dhulkan wuxu ka tirsan yahay gobalka Qorrexeey, ee isla dhulka Ethiopia gumeysato.

Ceelgaab waa qaybaha ugu ballaaran ee gobalka Qorrexeey. Waxaa dhulkani sarraxa ku hayaa ama uu xaduud dhaw la leeyahay, goballada Hiiraan iyo Galguduud, ee dhaca bartamaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Bilic ahaan. waa dhul dalxiiseed, indhuhu ku doogsadaan, buuralleey ah, lehna waadiyaal biyaha keena, xilli roobeedka iyo balliyo biyaha celiya, xilli roobaadka. Waa dhul ku waanagsan ku dhaqidda xoolaha, daaqsinka, doogga iyo cawska.

Ceelgaab, waxaa ku taal buurta ama jiirta ugu dheer gobalka Qorrexeey, oo loo yaqaan “Lafta Caalwayn” buurta Caalwayn, waa buur aad u quruxsan, oo barwaaqo ah gu' iyo jiilalba. Buurta Caalwayn in badan ayaa lagu tilmaamay suugaanta Soomaalida.

Fannaan Xuseen Shire Jaamac “Ciyaar jecel” ayaa ku yiri heestiisii “Wilisiqo

Asaga oo ammaanaya dabcan gabar uu jecel yahay, doonayana inuu kula dalxiiso dhulkaas qurxan:

 “Cadceed foodda joogtiyo

Casaan ii dillaacdaay

Cirkoo soo da'aayiyo

Roob soo carfaayay

Dhirta oo cagaarkii

Cirifyada ka soo baxay

Oo cawaystay dhibicdoo

Qurux lala cajabayaay

Yaa Buurtii Caalwayn

Ama Ceel Habreed iyo

Ceel gaab dusheediyo

Coomaad ku kumariyoo

Carradeennii Hiiraan

Kuugu tumo ciyaaraha.

 Intaas kuma koobna suugaanta lagu cabbiray buurta Caalwayn iyo dhammaan deegannada Ceelgaabta ee Abwaan Ciise Siyaad “Ciise Dheere” oo ah Abwaan caan ka ah dhammaan dhulkaas iyo Goballada Dhexe ee dalka, ahna Abwaan u dhashay Ceelgaabta lana dhacsan bilicda buurta Caalwayn, lana hadlaya nin ay suugaan wadaag ahaayeen, dhalyana ahaayeen, oo lagu magacaabo Cali Cabdi, oo la ii sheegay in hadda ay dileen kooxda gumeysi kalkaalka Ethiopia, ee xasuuqa ka gaysatay Ceelgaabta, oo uu u qafaalnaa muddo laba todobaad ah.

Abwaan Ciise oo la hadlaya Cabdi ayuu yiri:

 “Carra lagu dalxiisiyo haddaan, ciidsan kuu baydsho

Ceelgaab ha dhaafine nagaa, cirifyadeedoo dhan

Caalwayn jafkeediyo Caloow, Ceel Habreed laasim

Ceebliyo halkaa kula mushaax, Caaggan taad doonto.

 Intaa oo kaliya ma ahan buraha quruxda u saaxiibka ah, ee ku yaal Ceelgabta, oo aadka u bilicdasan, ee waxaa ka mid ah, buurta Waardiyahay,

Buurta Dhextaal, buurta Saaxood, Sackuxaar, Jiircali iyo qaar kaloo badan.

Waa dhul isugu jira, magaalooyin yaryar, dhul daaqsimeed xoolaha u wanaagsan, carrasan ah, udug iyo carfoon badan marka uu barwaaqaysto.

Xilliyada jiilaalka iyo xagaaga xoolalleeydu ama dadka reer guraagu ihi kama hayaamaan, oo kama guuraan, geeddi iyo haantaa-wilifna ma galaan.

Waa dhul leh, balliyo iyo barkado, oo biyaha celiya, sidoo kale, waa dhul si fiican u soo baxa xilliga barwaaqada, taasina waxay meesha ka saartaa geeddi iyo hayaan, maadaama  barwaaqadii roobka dhalatay lagu nacfiyo jiilaalkiii.

Magaalooyinka  ku yaal Ceelgaabta, oo aad u fara badan runtii, waxaa ka mid ah, Lababaar, Qalqalooc/Ulasan, Baarmagoog, Baarsiyaable, Ceelhabreed, Saaxo, Xindhawreed, Xaarxaar, Garasle, Biyocaddo, Cadaaddhagax, Cadaad-ciid, Cadaad-laasoole, Labagalle-yaal, Dhugiile, Dhurwaayaale, Sariiro, Ismadhaqa, iyo qaarkaloo badan.

Ceelgaab: waxaa daga beelwaynta Hawiye, gaar ahaanna, beesha Habargidir oo ah beesha ugu ballaaran ee dagta deegaannadaas, sidoo kale, waxaa wax ka daga beelaha Xawaadle iyo Udeejeen.

Waxaa jiray dagaallo waqtiyaal hore ka qarxi jiray Ceelgaabta, kuwaas oo u dhexeeyay, xoolo dhaqato ka soo kala jeeday beelaha Hawiye iyo Daarood, gaar ahaanna, Ogaadeen iyo Habargidir, kuwaas oo la xariiray ciddii dagi lahayd, awood iyo magac ahaanna u hari lahayd deegaanka.

Waxaa dhacay dagaalla dad badani ku hoobteen, sida: Feera qumumux, Dhiiqa wayne, Hoogayeyste iyo qaarkaloo badan, oo dhacay xilliyo kala duwan.

Waxay ii sheegeen dad waayo arag u ahaa iyo goob joogna arrimaha iyo deegaanka Ceelgaabta in ay waqti hore dagganayd beesha Habargidir, halka beesha Ogaadeen gaar ahaanna kuwa Ethiopia ku hoos nool ay isku dayi jireen in laga raro Habargidir deegaanka xaduudda la leh dalka  Ethiopia aysanna xaq u lahayn in ay sii daganaadaan, hasa aatee ay dhicisowaday in taasi hirgasho, maadaama deegaanka ay u dhasheen beesha la rabo in xoogga looga raro. Wixii waqtigaas ka dambeeyay wuxuu ahaa dhulku, carro nabad ah, maadaama ay beesha Ogaadeen ku guuldarraystay inay dagaal iyo dirir kula wareegto deegaanka, maadaama aan xabbad iyo xoog waxba looga qaadin beesha Habargidir.

Dadka daggan ayaa ku xirnaa nolol ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Goballada Hiiraan iyo Galguduud, haba yaraatee, wax macaamil ah kalama dhaxayn Ethiopia iyo kooxda u shaqaysa, ee diirka soomaaliga ah leh. Waa dad aaminsan midnimada Soomaaliya iyo in ay Ethiopia gumeysato dad iyo dal soomaaliyeed. Waxay ahaayeen dad ayagu is maamula oo aan manfac iyo maqoorad ka sugin Xabashi iyo qolada u xareysan.

Saddexdii bishan lixaad ee sanadkan 2015 ayeey si bareer ah ugu soo duuleen deegaanka iyo dadkii dagganaa, koox daba qoodhi ah, oo u afduuban Ethiopia, watana magaca iyo midabka soomaaliga ah, balse, ka been sheegay mar haddii, ay yihiin duul raalli ka ah gumeysiga iyo gardaduubka xabashida, oo maanka iyo maskaxda uu ka qabsaday.

Dhibaato maal iyo moodba leh oo aan loo aaba yeelin ayeey ka geysteen deegaanka Ceelgaabta. Wuxu ahaa xasuuq galay taariikhda, oo ay ku naf waayeen dad gaaraya ku dhawaad boqol qof, halka dhaawucu ahaa mid xisaab la’aan ah.

Dadka la xasuuqay ayaa u badnaa dad birma gaydo ah, oo u badan dumar, carruur, waayeel iyo dad cuuryaamiin ah. Waxay kooxdaasi gubtay maal  ganacsiyeed iyo magaalooyinkiii ay ku ganacsanayeen dadkaasi shacabka ah, sidoo kale, waxay dileen oo aan loo aaba yeelin xoolaha nool, halka qaarna ay dhaceen, sidoo kale, waxaa wali gacanta cadawgaas ku jira dad nool oo ay ku haystaan xaqdarro iyo u nuglaada gumeysiga uun!

Sababaha loogu soo duulay dadkaas waxaa qayb ka ah arrimaaha kor ku xusan ee la xariira ka madax bannaanida la dhaqanka iyo la dheefsiga Xabashida iyo wixii u adeega magac kasta hawataane.

Waxaa taa dheer ama ku lammaanan, oo garab socota, waa in beesha Hawiye guud ahaan iyo gaar ahaan beesha Habargidir laga qixiyo deegaanka ay qarniyo qarniyo deeganeed. Ma ahan kaliya meesha ay ka socoto qixinta kuwo Xabashida u adeega, ee waxay ka dhacaan meelo Soomaaliya ka mid ah sida Jubbooyinka, oo Axmad Madoobe, oo Xabshida jawaad u ah, uu maalin walba dhac, boob, dil iyo afdub ka gaysto, haddana, xabsi weyn u furtay sidii uu dadka deegaanka ugu wada xiri lahaa!

Midda ugu dambaysa, waxaa habboon in aan sooyaalka la iska indha tirin, ee lagu wax qaato, maadaama sanado badan la isku dayey in beesha Hawiye laga qixiyo deegaan ay leedahay Itoobiyaba ha ku dhexyaallee, iyadoo marna qabiil la isugu dayo Ogaadeen kaliya, marna la isku dayayo iyada oo la kaashanayo awoodda Itoobiya ee maamul, maantana ay marayso in lagu soo duggaalo awoodda ciidan ee Itoobiya.

Itoobiya ha ogaato beeshan laga adkaan waayee, idinka yaan la idiin soo adeegsan in aad beel Soomaaliyeed waxyeelle gaarsiidaan, idinka oo u danaynaya beel kale, oo xaqdarro, dhul boob iyo dhul ballaarsi ku socota.

 

Dr. Shakuur X.

Keydmedia.Net

 

 

 

 

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top