Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 14 June 2014

Dagaallada Shabeellaha yaa hurinaya?!

Suldaan Axmed Sheekh Maxamed — Inta aan ka Jawaabin su’aasha Qormada, waxaan rabaa inaan wax kaaga sheego arrimo muhim ah, oo taariikh aysan dad badan aqoon u lahayn, kuwana ay kas iyo maag u qarinayaan, maxaa yeelay, wixii jiray cidna ma tiri karto, oo dadka dhan ayaa wada, haddana, waxaa la isku dayayaa in buuq iyo borobogaando lagu baaba’sho.

Teaser Image Dagaallada Shabeellaha yaa hurinaya?!

Maalmaan waxaa siyaabo kala duwan looga hadlay dagaallo u dhexeeyey labada beelood ee walaal ah ee Habargidir iyo Biyamaal ee wada dega Gobolka Shabeellaha Hoose, oo magaala madaxdiisu tahay Magaalada Marka.

War dheer gali maayo, muran iyo dood aan dhammaad lahaynna inaan idin ku wareeriyo ma rabo, maxaa yeelay hadal wuxuu ku qiimo badan yahay yaraanta iyo inuu yahay mid kooban, sidaa awgeed, waxaan cuskan doonaa dhawr qodob oo aan u arko inay muhim tahay inay dad badan ogaadeen, si ay u bartaan xaqiiqda dhabta ah, eek a jirta gobolka, beentana looga daba tago iyo dacaayadda la faafiyey.

1. Shabeellada Hoose beesha Habargidir inay Beero ku leedahay iska daaye, waxaa daaqa Xoolohooda deegaankaas, oo Ilaahey ku beeray in ka badan shan iyo tobon Jiil. Haddaba, beel deenka deggan intaa oo sano, ma idin la tahay in maanta lagu yiri deegaanka waxba kuma lihid, kuwa sheekadaa raqiista ah adeegsada ama faafsho waaba kuwa aan deegaanka iyo dadka daris midna lahayn.

2. Maamulka Magaalada Marka Komesaariyihii ugu horeeeyay, ee xilkaa qabta wuxuu ahaa nin Habargidir ah, waxaana la dhihi jiray: Axmed Guure Maamul oo Niman  Burcad ah oo Bari qandaraas ka soo qaatay lana soo hubeeyay ay ku dhex dileen Beertiisa, oo ku taal Magaalada Shalanbood, asaga oo 90 Jir ah iyo Wiil uu Awoowe u yahay. Haddaba, dadka magaalada iyo gobolka taariikhdaa ku leh, sidee ku dhacday in maanta la yiraa waxaa tihiin dool iyo dad aan u dhalan deegaan? Yaab.

3. Magaalada Shalanbood waxaa heer degmo soo gaarsiiyay Nin Habargidir ah oo la yiraahdo: Axmed Dabahaye (Cayr, Habar Aji) asagaana ugu horreeyay wax Daga magaaladaa, ka dibna Magaalo ayuu ka dhigay. Haddaba Dhashii Axmed maanta inay la yiraa magan xitaa kuma tihiin dhulkii Aabbahood uu deegaamyey saw ma ahan fal gurracan iyo dhacdo xun?.

4. Gen. Dhagabadan oo ahaa Abaab duuliyihii hore ee ciidanka qalabka sida, ayaa labo boqol oo nin oo Dir sheegtay soo hubeeyay, asagoo ula jeeday in ay Al-Shabaab la dagaallamaan, maadaama ay Shabaabku dileen 2 la dhalatay Gen. Dhagabadan. Balse, nasiib darro hubkii Alshabaab in lagula dagaalo Wasaaradda Gaanshaandhigga looga soo qaaday waxay noqotay in lagu baacsado beelo deggan gobolka.

5. Ugaarsiga lagu hayo Beesha Habargidir ee ka socda Shabeellada Hoose waxaa ka dambeeya silsilad isku xiran sida Dagaal ooge Axmed Madoobe, Gaandi, ina Cabdirashiid, Faroole iyo Niman Magaca Dir sheegta oo uu dhuuxa ka galay naceyb isirka Habargidir. Adigu si weydii waxa nimankan Bari ka soo jeeda iyo Itoobiya ka galay inay qalalaaso ka dhalshaan deegaankaa iskana horkeenaan dad walaalo ah oo wada deggen? Run ahaan waxaa arrin aan ahayn in lala yaabo, maxaa yeelay sidan oo qayaxan waxay ku hayaan deegaanka Jubbooyinka, ma ogtahay in ina Cabdirashiid loo xilsaaray inuu soo xulo golaha xilalka ka qabanayo maamulka Jubba?.

6. Waxaa la abuuray in ka badan 11 blog (website) oo magacyo deegaanka Sh/Hoose sheegta, oo ayse dhammaan wada hagaan waxna ku qoraan dad ka so jeeda Gobolka Bari, say qiiq iskugu qariyaan oo soo qora kaliya tannaago iyo Propoganda.

7. Waxaa habboon inn laga digtoonaado in Hawiye iyo reer Samaale ay ku dhicaan dabinka ay la damacsanyihiin reer Faroole iyo Xulufadii aan kor k usoo sheegnay, maxaa yeelay, qaskan gobolka ka taagan waxaa dabada la riixaya nimankaase, taas waxaa kuugu daliil ah, rabshaduhu waxay billowdeen markii xilka laga qaaday Gen. Dhagabadan oo marna fulinaya qorshahaa gurracan ee Garoowe laga soo maleegay, marna ka xun xilka laga qaaday, ee kula dul dhacay dadka ay dariska iyo xigaalada yihiin.

Dagaallada ka socda ama ka soo cosboonaaday Sheebbalaha, waxaa dabada ka riixaya eeddeedana iska leh, qolyahan ay ka midka yihiin:

1- Beesha Daarood, oo xaaraan ku haysta Kismaayo, markaana doonaysa in inta aan la soo gaarin ay fidno abuuraan. Waxaa la yaab ah wax aka galay Majeerteen oo Bari jooga waxa ka socda Shabeellaha, deegaan iyo dadna aan ku lahayn, saw ma ahan faduul iyo fidno abuurid. Intaa waxaa sii dheer, sheekada beenta ah ee ay maalmahan ku wadaan Axmed Madoobe, balse, illowsan inay ahaayeen Majeerteen kuwii sanado ka hor Itoobiyaanka ka iibsan jiray wiilshada Ogaadeen, Alla maxaa la abaal dhacayaa! Ogaadeenoow, bal waxa aad soo sheegteen dhib aad ka tabaysaa Habar Gidir, haddii aysan jirin, saw ma habboona inaadnaan labada beel ka dhex abuurin xumaan?!

2- Beesha Direed, waxaa la yaab ah, goorta Biya Maal Dir noqdeen? Maxaanba taa kala yaabi, haddiiba Isaaq u soo tafaxaytay inay dagaal galaan. Maxaa ka qaybgalshay Xuseen Carab Ciise shir looga hadlayo Shabeellada? Arrintaa waa inay Habar Gidir si fiican indhaha ugu haysaa, waliba si gaar ah dadka falalka caynkaa ah samaynaya, maxaa yeelay, inay deegaannadooda ka soo taagana ma ahan wax la qaadan karo inay qasaan degaannada Habar Gidir iyo kuwa ay wax ka degto.

Anigu waxaan la yaabanahay Isaaq waxay leeyihiin waan goosannay, dhinacna wada hal midnimo soomaaliyeed ayaa laga tuugtuugayaa, dhinaca ugudaran uguna dhibka badan, balse, aysan dadku dareensanayn ayaa ah waxay Baarlamaanka ku leeyihiin 66 xubnood, kamana qaybqaataan sidii Isaaqland loogu soo dari lahaa Soomaaliweyn, ee waxay u soo dirsadeen oo wakiil qarsoon uga yihiin inaysan koonfurtu degin, oo aan dowlad la helin, si aakhirka Isaaqland loo aqoonsado, maadaama koonfurtu degi weysay oo dowlad noqon weysay, haddana waxay dhooban yihiin hoteellada Muqdisho wax horu mar ah kama shaqeeyaan waxayna ka shaqeynayaan iska horkeenka qabaa’illada, amni xumada Muqdisho, is hortaagga horumarka Muqdisho, mooshin lagu cuuryaaminayo dalka, dadka iyo dowladdaba, waxayna si hoose u taageeraan wakiilladooda kuwa qarsoon iyo kuwa muuqdaba ee reer nabad diid. Waxaana ku talin lahaa shacabka, siyaasiyiinta waxgaradka iyo xubnaha baarlamaanka ee ka wakiila ah dadka reer koonfureed inay fadhiga ka kacaan inta goori goor tahay.

Tan kale, anigu waxaanba qalad u arkaa 66 da xubnood ee Isaaqland aan metelin inay ku sii jiraan baarlamaanka markii dowladdu laheshiiso reer waqooyiga, toos ha ula yimaadaan kuwo ay ayagu soo wakiisheen iyo wixii kaloo markaas power sharing lagu heshiinayo. Inta ka horreysana calooshood u shaqaystayaashaan hoteellada Muqdisho dulmiga iyo qaran dumiska la fadhiyo halayska qabto go aana halaga gaaro, haddana ku darsaday colaad hurinta iyo Habar Gidir nacayn, waa yaabe, goorma ayaa Habar Gidir wax u dhibtay, daris lama ahan maamulna lama wadaagin waligeede?.

3- Alshabaab, oo ka faa’iidaysanaya malleeshiyo beeleed caraysan, oo isla sida beelahan sare ku xusan  oo kale u adeegsanaya qabyaaladda iyo bara kicinta ujeed gurracan sidii ay ugu gaari lahayd. Waxaa la xaqiijiyey in Alshabaab si toos ah u hubayso kana garab dagaallanto Malleeshiyadaa.

4- Quwado shisheeye, oo ay kow ka yihiin Itoobiya oo ogsoon dhibkii Beesha Habar Gidir iyo Qawmiyadda Hawiye u geesteen Amxaarada dagaalladii ka dhacay Muqdisho iyo koofruta, ee ay markii dambee iyadoo jabkeeda qarsanee ay isaga baxday dalka. Sidoo kale, Kenya, oo Iyana rabtay inaan loogu imaan Jubbooyinka, ayaa doonaysa inay ku mashquuliso dadka Shabeellaha. Waxaa intaa sii dheer kuwa kale oo Maraykanku ka mid yihiin, oo isna xasuusan xanuunkii Beesha Habar Gidir ku dhigtay dagaalkii Oktoobay 1993dii, iyo maydadkii laga dilay.

5- Dawladda, oo uu ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Cabdiwali, oo aan rabin in nabad ay ka dhalato deegaanka, oo mar walba u gabrbiya hal bee loo kali ah, sidaa awgeedna ay Beesha ka fiirsan doonto taageerada ay siiso xukuumaddiisa iyo wada shaqaynata dhexmari doonta, haddii aan wax laga badalin  hannaanka dawladdu u maaraynayso dhibaatada Shabeellaha.

Ugu dambayn, waxaan baaq u jeedaya Waxgaradka, Cuqaasha, Ugaasyada iyo Aqoonyahanka Beesha Habar Gidir, inay wada hadal toos ah la furan beelaha ku lugta leh dagaalka, maxaa yeelay Habar Gidir iyo Biya Maal waa is yaqaanniin muddana daris waa ahaayeen, oo dhibku ma ahan iyaga, ee waa kuwa dhagta wax ugu soo sheegaya, ee soo qatalaya, dabadana ka riixaya, marka waa in kuwaa si rasmi ah iyaga loola hadlo, si loo ogaado waxa ay ka damacsan yihiin hawshan gurracan ee ay wadaan, ama si rasmi ah dagaal loo iclaansho, haddii wada xaajoodku hirgali waayo, maxaa yeelay, Isaaq waa kaa Dhulbahante ku gumaadaya Taleex iyo Buuhoodle, marka nimaan shantaadu kaa dhicin sharci kaama dhacsho!

Suldaan Axmed Sheekh Maxamed | Keydmedia Online Exclusive
Suldaanka Beelaha Habar Gidir, Marka, Shabeellaha Hoose

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top