Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 27 December 2012

Daraawiishi Yaa Ay Ahayd?

W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” - Maalin dhowayd baan akhriyay buug cusub oo lagu faaqiday sida gurracan ee wax looga yidhaahdo Ina Cabdalle Xasan iyo daraawiish. Buuggaas oo ciwaankiisu yahay Sooyaal: Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu Ahaa Mise…?

Teaser Image Daraawiishi Yaa Ay Ahayd?

waxaa qoray Cabdiraxmaan C. Faarax “Barwaaqo” (Hargeysa, 2012), waana dood goorteeda la joogo. Ma aha buug taariikhdan lagu baadhay, waxa uu se ku eg yahay burinta waxyaalo si gef ah loo soo tebiyay, taas oo inagu baraarujinaysa baahida loo qabo qorista habboon ee arrimaha daraawiisheed.

Anigu muddo dheer waxa aan arkayay, soomaalida kalena i la arkaysay, niman aad mooddo in ay arrintaa iyagu qandaraas ku qaateen. Haba ku qaateene waxa ay u soo gudbiyaan si aan hagaagsanayn; si aan mar run ahayn oo raadraac sugan lahayn, mar kalena foolxun oo xadgudub ka buuxo.

Taariikhdaa soomaaliyeed nimankaasi waxa ay u rogeen wax la mid ah wixii geeljiruhu kolka ay caanaha ka dhergaaan isu sheegsheegi jireen, ee hebelkooda iyo reer hebelkooda ku macaanayn jireen, hebelka kale iyo reer hebelkiisana ku maagi jireen. Xaaladda sidaa u cayn iyo bayd wareegtay in wax laga qabtaa waa waajib. Buuggan cusub oo halkaa loo la dan lahaa, anigu maanta halkan kaga hadli maayo, waxa aan se marmarsiinyo uga dhiganayaa ka hadlidda daraawiishi dhab ahaan cidda ay ahayd.

Si ay u suurtowdo taariikhda daraawiisheed in si uun la isu la garto, horta bal waa in la isla meeldhigaa ururkaasi qabiil iyo qoomiyad ka uu ahaa, dabadeed haddii uu qabiil noqdo sidaas lagu ogaadaa loogana hadlaa, haddii kale indho soomaaliyeed lagu eegaa. Maanta wax badan oo la isla fahmi la yahay waxaa keentay arrinka oo labadaa dhinac marba mid loo rarayo. Taas ayaan isku dayayaa in aan qoraalkan xal ugu raadiyo. Horta se inta aynnaan arrinka u gelin, wayddiin la isku mari la yahay, oo ah Maxamed Cabdalle Xasan qofka uu ahaa, warcelinteeda aynnu ka soo dhex ururinno bulshada soomaaliyeed:

”Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waxa uu ahaa wadaad mujaahid halyey daacad ah oo soomaalida gobaynayay, dawlad soomaaliyeedna dhisayay, isla markaas oo soomaalida kale ahayd gaalo iyo gumeysiraac”. Mar kale ”Maxamed Cabdalle Xasan waxa uu watay xer soomaaliyeed oo qabiilooyin badan ka kooban oo isku raacday dariiqada Saalixiya, soomaalida kalena waxa ayu arkeen gaalo dhiigeeda iyo dhaqaalaheedu Diinta Islaamka ku bannaan yihiin”.

Mar kale ”Ina Cabdalle Xasan waxa uu ahaa horor waalan oo dhiigga iyo xoolaha bulshada xalaashaday, isla markaa jidaystay afxumada uu u geysto dadka sharafta leh qabiil, rag, dumar, culimo, odayo, iyo mayd intaba, aad ayuuna uga fogaa dhaqanka diinta iyo caadooyinka soomaalida”.

Mar kale ”Ina Cabdalle Xasan fikirkiisa diineed ilaa bilawgiiba waxaa ku jirtay xagjirnimo weyn oo ay culimadii soomaalidu aad u la yaabeen, goor dambe ayay se taasi gaadhay meel aan caqliga fayoobi rumaysan karin”. Mar kale “al-Shabaabka aynnu maanta aragno ayaa dhaama daraawiish, waayo waxyaalo argagax leh oo ay kuwii hore samayn jireen kuwani ma sameeyaan”. Mar kale ”Sayid Maxamed Cabdalle Xasan waxa uu doono ha ahaado, sida uu doonana ha u dhaqmee, waxa uu ahaa qabiilkayaga, sidaa darteed soomaalida kale waannu ka xignaa oo ugu faanaynnaa”.
Intaas oo aragtiyood iyo in kaleba Maxamed Cabdalle Xasan waa laga haystaa oo laga yidhaahdaa.

Aqoonta iyo bisaylka ay qorista taariikhdu u baahan tahay oo aad inoogu yar, iyo erayga ”taariikh” oo badankeenna weli inoo ah waxa uu qof ku tolnimo xigaa dhacdooyin hore kaaga sheego, ayaa keenay in aynnu arrin qudha siyaalahaa aadka u ka la duwan wax uga dhahno.


Iyada oo ay run tahay ummad ahaan weli in aynnaan ku guulaysan in la isku raaco sooyaal iyo astaamo isir oo lagu midaysan yahay, haddana ma jiro qof kale oo soomaaliyeed oo sida Ina Cabdalle Xasan arrinkiisa loogu muransan yahay. Ninkaasi in kasta oo uu sii mootanaa qarni kudhowaad, haddana sida looga hadlo, ee loo jeclaado ama loo necbaado, waxa aad mooddaa in uu weli isagii oo nooli ina dhex taagan yahay. Waa arrin caddaynaysa qisada daraawiish iyo Maxamed Cabdalle Xasan in ay ahayd dhacdo culus oo isirka soomaalida aad u taabatay. Sida ay sheegeen qaar ka mid ah suxufiyiintii shisheeye ee xilligaa dalka yimid, raggii ku noolaa carrigii ay daraawiishi joogtay ama ka dhowayd waxaa colaaddaa ku dhintay qiyaas ahaan saddex meelood hal (33%).

Halaaggaasi waxa uu gaar ahaan ku dhacay reerihii ay daraawiishtu haysatay ee ku le’anayay arxandarrada gacanta Ina Cabdalle Xasan, marna qabiilooyinkii ay isaga colaatameen, mar saddexaadna dhirbaaxooyinkii Ingiriiska. Taa waxaa la mid ah barakac, dulugle iyo silic soomaali badan haleelay, bad ilaa webi. Dhulka u dhexeeya Doollo, Webi Shabeelle, Xeebaha Bari, ilaa Togdheer, dadweynihii ku dhaqnaa Ilaahay uun baa xaalkiisa ogaa maalintii daraawiish la jebiyay.


Iyada oo ay sidaa tahay ayaa weli la la yahay cid dhab isugu xilqaanta qorista taariikhdaa, oo u soo gudbisa si hagaagsan oo ka duwan male’awaalka iyo sheeko xariirada la caadaystay. Waxba tari mayso, meelna gaadhi mayso, ta weli la wado ee ah dhacdadaa in loo adeegsado borobagaando siyaasadeed iyo xin qabyaaladeed.

Taa waxaa u marag ah ujeeddadaa waqtiga loo huray, dhaqaalaha dawladeed ee lagu bixiyay, iyo dadaalka faafineeda ee la galiyay, iyo sida ay weli u tahay wax aan macno lahayn oo ilmaha yari ku qoslo. Waxaa la gaadhsiiyay in ay caawa odayaal waaweyni rumaysan yihiin “gabadh uu Ina Cabdalle Xasan dhalay baa dayuurad Ingiriis dhagax ku soo ridday”, iyo ”goob ay daraawiish iyo gaalo isku dileen baa gorgor ka yimid oo la dooxay calooshiisa laga helay 500 oo ah xiniinyo rag oo uu soo liqay”.

Waa ta iyada oo aan la la xishoon la dhaho ”wax alla wixii daraawiish ahaa waa awliyo barakaysan oo gefka ka dhawrsan, wax  alla wixii soomaali kale  ahaana waa gaalo ay dhiiggooda iyo dhacoodu bannaanaayeen”. Waa ta iyada oo aan la la khajilin carruurta soomaaliyeed la maqashiiyo ”daraawiishi waxa ay ahayd tol soomaaliyeed, tolalka kalena gaalada ayay u adeegayeen ” (xitaa haddii mararka qaar haybta carrabka laga daayo). Waa ta keentay gabayadii Ina Cabdalle Xasan in la xusho oo inta ujeeddada laga lee yahay la daabaco inta kalena la qariyo.

Heerka qoomiyadnimada dadyowga iyo sida bulsho nafteeda u aragto waxa ugu fudud ee lagu qiyaasi karaa waa tirada iyo baaxadda waxyaalaha ay wada sheegato ee ku wada dhaadato. Xaaladda soomaalidana iyada oo taa lagu qiimaynayo maxaa la wadaagaa oo loo siman yahay, maxaa se reernimo loo ka la lee yahay? Hubaashii ma aha laba weli shuqul isku leh. Xitaa afka iyo suugaanta oo ah waxa la isugu dhow yahay wada lahaanshahooda weli loo ma bisla.

Nin ka mid ah dadka Maxamed Cabdalle Xasan dusha ku sita, ee qabiilooyinka kale colaadintooda u adeegsada, ayaa beri la iiga sheegay hadal aanan ka filayn. Qisadaasi waxa ay ahayd in ay jirto tix maansada Hadraawi ka mid ah oo uu ninkaasi yidhi waan jecel ahay. ”Oo waa tixdee?” ayaan wayddiiyay ninkii ii sheegay. ”Waa tixda gabayga ah ee la yidhaahdo Durdur.” Haa, waa tixdii uu Hadraawi ka tiriyay cawayskii uu ka qalinjebinayay Lafoole sannadkii 1973. Qof aan aniga ahayni malaha hadalkaa caadi ayuu u qaadan lahaa, laakiin anigu caadi u ma aqaadan ee run ahaantii aad baan ugu qoslay. Waxa aan la yaabay, oo weliba aad uga argagaxay, sida fudud ee aan fikirka caynkaas ah guntiisa u arki karo.

Sida la wada yaqaan, maansada Hadraawi waa webiyo rogmanaya oo wada cajab iyo amakaag leh. Waa wada falsafad riddo fog, af soomaali hodan ah, iyo hidde-aqoonnimo qurux badan oo ciddii maanso iyo murti jecel samada u la baxda. Waxaa ka buuxa tixo naxariis iyo jacayl ah, kuwo sifaynta nolosha iyo waayaha ah, kuwo aqoon iyo fikir ah, kuwo daljacayl iyo dadjacayl ah, kuwo guubaabo iyo halgan ah, kuwo talo iyo tusaale ah, iyo jaadad kale. Dhinacyada dadnimo ee maansadaa marka la isku wada daro, ma jirto taariikhda isirka soomaaliyeed mid kale oo lagu dhererin karaa. Hadalkaasi ammaan madhan ma aha ee waa run hor imanaysa qof kasta oo waxa ”suugaan” la yidhaahdo jecel.

Haddii ay sidaa tahay, maxaa Durdur u gaar ah ee lagu xushay? Warcelinta aan mid labaysaa jirini, ee iga qoslisay, waa in ay tixda ku jirto ammaan Ina Cabdalle Xasan ku saabsani. Ammaantaas oo aad u dheer waxaa ka mid ah:

Wuxuu yidhi darwiishkii Taleex barasho waa doore:

Dagaalkaan abaabulay raggii duubka wada qaatay
Daaraawiishta nimankii la baxay waxan u sii daayay
Daliilkii Ilaah iyo waxaan diinta ugu dhaarshay
Xeer labadibleeyiyo waxaan daawo ugu yeelay
Waxaan daabcad iyo soodh af badan ugu durduuraayay
Haddii duullan loo baxo waxaan ula dardaarmaayay
Kolka ay dareeraan waxaan duco u taaraayay
Waxaan duhur Ilaahay baryee tiriyay deeqdiisa
Waxaan “Daa’imow” idhi habeen doqonta oo jiifta
Darfooley la ii dhigay waxaan gees isaga duubay
Dug madow waxaan keli ahaan umal la dooyaystay
Dibnahayga waxaan ciil saqdhexe foolasha u daayay
Dawankaygu qaylada wuxuu gelinna dayn waayay
Dood iyo heshiis iyo waxaan nabad u diidaayay
Waxaan duubi weynow sengaha ugu dullaalaayay
Dirkii Xiin-Finiin iyo waxaan seef isula doontay
Dabkaan shiday waxaan gaal cad dilay dabatadaan laayay
Dabayl ii cadgoysiyo waxaan kiciyay duufaanno
Danab iyo hillaac iyo waxaan weedh isdaba joojay
Dillaalkiyo gumaystaha waxaan gooyay dabarkooda
Dulmadoobe iyo Cayn waxaan dhiigga ugu daadshay
Nolol dalab leh oo jaban waxaan geeri uga doortay
Gobannimo daryeel baan lahaa dawladnimo taage
Doorkiyo barbaartaan lahaa dawliska u dhiibe
Deegaanta Hawd baan lahaa goray ha daajeene
Maatada ha deeqdaan lahaa sidigta Doolaabe
Dadkii dhaxal la’aa baan lahaa doogga haw hadho’e
Shanta kala dab raacdaan lahaa degel ha ooteene
Dakharrada bogsii baan lahaa doogta kugu taalle
Ha yeeshee sidaan damacsanaa Daayin odhan waaye
Dagaallamaye daad xoog leh iyo daafi bay ridaye

Halkii laygu duugiyo anoo jiifa duni hoose
Ayuun baa daboolkii sanqadho iga dul qaadeene
Calankoo deldelan baa habeen daaha lay furaye
Danwadaag heshiis iyo israac darammal yeedhaaya
Laba deristayoo guul heshoo dawladnimo qaatay
Dadkiiyoo xornimo iidayaa daawo lay yidhiye
Dawaad iyo waraaq baan ka helay meel docdayda ahe
Hambalyada intaan deexday baan taarar soo diraye
Dibnahoo qoslaayaan gam’oon seexday dabadeede.

Waa meerisyo qurux badan oo ku dhisan dhalanteedka ay suugaantu lee dahay. Waa samo-jacayl abaabulan oo foolxumooyin la ogaa lagaga tanaasulay. Waa dareen ka turjumaya garasho fog oo aan hanfadennimo ahayn ee ujeeddo qorshaysan ku abbaaran. Waa raacid tubtii caddayd ee ay mar hore xagaafeen abwaannadii Hadraawi ka da’da weynaa sida Axmed Ismaaciil Diiriye “Qaasin”. Haa, Qaasin waa kii maalintii dawladnimadu iftiintay tabtaa Hadraawi tab la mid ah u yidhi:

Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaadhsiiya
Allow yaa dadkaagii yidhaa dawladnimo qaaday
Allow yaa dabbaaldegiyo farax kala dul eedaama
Fardaha yaa dirkii Dhooddimeer doona faraciisa
Allow yaa darmaan farataqaan duqa u heenseeya
Allow yaa duleeddada Taleex uga dammaashaada
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga dahsoonaaye
Ha daawado dadka u hiiliyiyo doogga soo baxaye
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
In dariiqadii nooshahoo dihine soo gaadhay
Oo uu dabkuu shiday rag kale dogobbo sii saaray
Allow yaa af lama daaliyee daacad ugu sheega.

Isagana taasi ka ma ahayn hanfadennimo iyo fudayd. Ka ma ahayn in uu illawsanaa xaqiiqada Ina Cabdalle Xasan iyo wixii ay isaga iyo aabbihii soo ka la muteen. Ka ma ahayn dhiig la’aan iyo ficilo la’aan uu cadawgiisa ku dhisayo, waxa ay se ka ahayd hayaan soomaaliyeed oo uu u lallabay in guryosamo lagu dego. Waxaa laga guuri lahaa heerkii qaybsanaanta: Dhulka ololay uubaha la qoday uunka kala guuray (1957). Waxaa loo guuri lahaa dhulka ummadaha kale u hayaameen: Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf Diillintii Guraye (1967).

Sidaas ayay wada yeeleen dadkii horseeday waddaniyadda, dawladnimada iyo ilbaxnimada cusub ee soomaalidu. Aabbihii Tacliinta Soomaaliyeed, Maxamuud Axmed Cali, afkiisa ayaan ka hayaa guubaabinta soomaalida iyo midaynta niyaddeeda ee Ina Cabdalle Xasan lagu soo darayo, isaga oo weliba taa cajalado maqal ah ku duubay. Waddadaas ayay wada mareen Yuusuf X Aadan, Cabdillaahi-Qarshe, Xaaji Afqallooc, abwaan Timacadde iyo intii kaleba.

Si loo mideeyo jidka, dareenka iyo taariikhda soomaalida maalintaa ka la qubnaa, wixii yaraa ee la haystay waa la weyneeyay, wixii qalloocay waa la toosiyay, wixii la isku diiddanaana waa la aasay. Waxa uu ahaa go’aan ogaan ah oo halyeynnimo ah. Gef iyo ficilodarro ma ahayn ee waa si ay ahayd soomaalida oo dhami in ay yeesho si loo noqdo dad quluubta iyo ujeeddada ka midaysan oo isku dhan u socda. Taladu waxa ay ahayd in cirkaa la geeyo qof wal oo maalin uun soomaalinnimada eray u yidhi ama dhagax u tuuray. Maxaa se dhacaya haddii taa la wada yeeli waayo oo dadka qaar intoodii la hadhaan, sidii uu Cabdulle Raage ku yidhi Maxamed Siyaad Barre: Adigaa intaadii la haray kugu abbaarrayde.?

Maxaa dhacaya haddii ay dad soomaalida ka mid ahi dawladnimada qudheediiba ka dhigtaan fursad ay toodii reernimo ku soo nooleeyaan? Waxaa dhacaya wixii dhacay; wixii geyiga soomaaliyeed ka dhacay ee aan cidna looga sheekaynayn.

Siyaalaha gurracan ee taariikhda Maxamed Cabdalle Xasan looga hadlay, ee buuggan cusubi dib inoo xusuusiyay, waxaa ugu daran reeraynta iyo xinka. Waxaa kale oo ka mid ah sida loogu xadgudbo maamuuska iyo milgaha qof wal iyo cid walba oo ay Ina Cabdalle Xasan isdiideen. Taa waxa aynnu ka soo qaadi karraa dhambaalka caanka ah ee sheekha Maxamed Saalax, oo ah sheekhii ijaasada (oggolaanshaha) Dariiqada Saalixiyada Ina Cabdalle Xasan soo siiyay.

Sida la isku wada raacsan yahay sannadkii 1908 ayay dhawr ka mid ah culimadii soomaalida ugu waaweynaa Maka u kicitimeen si ay sheekhaa uga soo warramaan Ina Cabdalle Xasan kii uu isagu soo diray waxa uu dalkii iyo dadkii soomaaliyeed fasahaad geliyay iyo dhibaatada uu ku hayo. Taasina waxa ay keentay sheekhu in uu warqad aad u qallafsan u soo diro Ina Cabdalle Xasan, taas oo gaadhsiisan in Dariiqadaba laga saari doono haddii uu joojin waayayo fawdada iyo waxa uu dadka muslinka ah ka dhex wado. Warqaddii iyada oo la badiyay ayay dalka timid, waxaana gacanta loo geliyay culimadii soomaaliyeed intii la gaadhi karayay, si ay uga hor tagaan burburinta uu ninkaasi diinta ku hayo iyo gumaadka uu dadka ku wado.

Haddaba kooxda taariikhdan sida ay doonto u walwalaaqdaa warqaddaa waxa ay ku sheegeen beenabuur aan jirin. Waxaa beenabuuray, ayay yidhaahdeen, culimadaa Sheekha Maka u tagtay iyaga oo gumeysi u adeegaya. Si ay jiritaanka dhambaalkaa u beeniyaan, ama u duraan, waxa ay hindiseen, ama dad hindisay ka soo qaadeen, hadal xilkasnimodarro ah oo sheegaya culimadaa soomaaliyeed kolkii ay sheesh Maxamed Saalax Maka ugu tageen, isaga oo musqusha ku jira in ay shaabbaddii ka xadeen, dabadeed warqad beenabuur ah oo Maxamed Cabdalle Xasan u daran ku dhufsadeen.

Kooxdani ma hayaan wax caddayn ah oo ku saabsan culimadaa ashkatada ahi in ay waxaa ku kaceen. Waa godob aad u weyn in culimadaa sharafta leh lagu eedeeyo tuugnimo, gacandhaaf iyo saqajaannimo, iyada oo waxa loo socdaa tahay in la sababeeyo dhawrsanaanta iyo sarraynta Ina Cabdalle Xasan.

Meelkadhaca iyo aflagaaddada joogtada ah ee kooxdani u geysato dadka soomaaliyeed waxaa ugu caansan hadalka nuxurkiisu yahay “soomaalida aan daraawiishta ahayn oo dhami xor ma ahayn, caqli ma lahayn, diin ma lahayn, gumaysiga ayaana waxa uu doono u sheegi jiray”. Fikradda sidaas ah ee garashada iyo xaqdhawrka ka fog ayaa keentay culimadii doonaysay in ay Ina Cabdalle Xasan dadka iyo diinta ka qabato in lagu sheego dad iyagu bilaa diin ahaa oo gaaladu waxa ay doonto u yeedhiso.

Culimada ay sidaa uga hadlaan waxaa ka mid ah sheekh Cabdalle Shixiri oo ahaa Xaaji caalim ah oo markii hore daraawiish tiir adag u ahaa, markii dambe se aakhiradiisa u baqay oo damiirkiisu siin waayay in uu waxaa ku sii jiro, kana toobad keenay, dabadeed ilmihiisii iyo ooridiisii sidaa Ina Cabdalle Xasan ku qashay. Waxaa kale oo ka mid ahaa sheekh Ismaaciil sheekh Isxaaq oo ahaa caalim weyn oo dalka caan ka ahaa, kana mid ahaa culimadii Ina Cabdalle Xasan ka eriday Berbera ka dib markii uu masalooyinkii diineed ee la isku khilaafay ka garbixi waayay. Kuwaas ayay kooxda taariikhdan majare habaabisay habeen iyo maalin aflagaaddo iyo gaalaysiin la daba taagan yihiin.

Fadqalallaynta taariikhda daraawiisheed waxa aad looga shaqeeyay xilligii madaxnimada Maxamed Siyaad Barre.

Tobannaan nin oo Xamar fadhiyi jiray oo isku hayb ahaa oo khasnaddii saboolka ahayd ee Qarankii Soomaaliyeed laga masruufi jiray, waxa keliya ee ay ka shaqayn jireen waa dib u qaabaynta iyo qabyaaladaynta taariikhda, hiddaha iyo suugaanta. Siyaasaddaa foosha xun danta qudha ee laga lahaa waxa ay ahayd ka la faquuqidda reeraha. Halkaa ayaa tii daraawiishtana la mariyay.

Kooxda qaddiyaddan dadka ka xigsata waxaa u caado ah wax wal oo ninkaa iyo soomaali kale isku maandhaafeen in ay yidhaahdaan “Sayidka iyo dadkii gumaysiga u adeegayay…”. Laba nin baa taa ku sii ba’an laguna yaqaan. Nin waxaa lagu magacaabaa aw Jaamac Cumar Ciise. Ninka kalena waxaa la yidhaahdaa Axmed Faarax Cali “Idaajaa”. Ninkan dambe waxaa fursad tolnimo siiyay kelitaliye Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa askarigii Soomaaliya ka talinayay kinigii u dhexeeyay 1969 iyo 1991, kaas oo ay siyaasaddiisa udubdhexaad u ahayd reeraynta iyo geeljiraynta wax walba oo soomaalidu wada lahayd. Halkaas ayay iskaga lug dareen isaga iyo Idaajaa oo aad ugu wanaagsan suugaanta jaadkaas ah ee la doonayay in reeraha lagu ka la qaybiyo oo la isku diro. Halkaas ayaa aw Jaamacna la iska soo raacay, kaas oo isaguna jacaylkii uu Ina Cabdalle Xasan iyo daraawiish u qabay meel u helo.

Axmed-Idaajaa garaadkiisa taariikhaynta hiddaha soomaalidu waxa uu la heer yahay inta badan bulshada uu afkeeda ku hadlo, taas oo ka muuqata sida arrimahaas wax looga wayddiiyo. Heerka hoose ee ee qaybinta ah ee uu ninkaasi taariikhda iyo hiddaha uga hadlo waxaa ka daran in aanu waxa uu sheegayo ku salayn xaqiiqo sugan oo meel loo raaco iyo dabagal leh. Inta badan waxa uu taariikhda ka sheegaa male’awaal uu isagu sawirradeeda, dhacdooyinkeeda, erayadeeda iyo duruufaheeda soo allifo. Ma jiraan, inta badan, cid lagu kalsoon yahay oo uu waxaa ka soo wariyay, ama meel ay ku qorrayd oo uu ka soo akhriyay, iyada oo aad haddana mooddo in uu goobtaa taagnaa. Run ahaantii wax badan oo uu ninkaasi sheegaa waxba kaga ma duwana sheeko faneedda suugaaneed ee inta dhacdo run ah lagu saleeyo dabadeed khayaali lagu dareeriyo.

Tacliinta oo inagu yar ayaa keentay “taariikh” in aynnu u naqaan waxa uu qof aynnu isku hayb nahay dhacdo hore inooga sheego. Sugnaan iyo caddayn loo ma baahna, waa se in ay dareenkeenna raalligelisaa, cayaayirba ha iska ahaatee. Taas ayuu Axmed-Idaajaa ka faa’iidaystay.
Aw Jaamac Cumar Ciise isagu waa oday soomaaliyeed oo dhab ahaantii wax xeeriya, mana talaxtago ee wax buu la hadhaa. Waxaa se la dhihi karaa waxaa qaadatay duufaantii daacuunka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre. Ninkani isaga oo Maxamed Caballe Xasan sabab uun u jecel ayuu la kowsaday qabyaalad siyaasadeed oo meel baas wax u wadda, dabadeed isaga oo og iyo isaga oo aan ogaynba taas baa la tagtay. Taliskii Maxamed Siyaad Barre kolkii uu dhacay, Aw Jaamac wax door ah buu ka beddelay sidii gurracnayd ee uu Ina Cabdalle Xasan iyo daraawiish uga hadli jiray. Tusaale ahaan barnaamijyadii ay BBC:da af soomaaligu sannadkii 2000 kaga hadli jirtay taariikhda soomaalida iyo qarnigii tegay, waa jeerkii kowaad ee la maqlay isaga oo Ina Cabdalle Xasan dhaliil ka sheegaya.

Isaga oo sidaas ah ayay wadaadka mashaqo aan tii hore ka yarayni la soo daristay. Isaga iyo qoraalladiisii uu jeclaa ee uu boorsada ku sitay waxa ay mar kale magan iyo marti u noqdeen kelitaliye kale oo la yidhaahdo Ismaaciil Cumar Geelle. Aw Jaamac Jabbuuti ayuu isu dhiibay, halkaas ayaana buugaagtiisii loogu daabacay. Laakiin Ina Geelle wax bilaash ah ma bixiyo, sidii aan Maxamed Siyaad Barre wax bilaash ah u bixin jirin. Kelitaliye waliba cod uu dadweynaha ku sixro ayuu doonayaaye ma u haysaa? Haa, aw Jaamac maanta ninkaa dadkiisa madaxa kaga taagan ayuu gelinka hore iyo gelinka dambeba ammaanaa. Intaas uun ma aha ee isaga dartii ayuu qoraalladiisii hore dib u furfuray oo wax ka beddelay. Ugu yaraan beddelid halis ah ayuu Cabdiraxmaan-Barwaaqo buuggiisan innagu tusay.

Diiwaankii maansada iyo taariikhda Ina Cabdalle Xasan, ee uu aw Jaamac Cumar Ciise ururiyay, waxaa ku qoran tixda caanka ah ee ay soomaalida badankeedu taqaanno. Waa tixda uu dagaalyahankaasi ugu talagalay in uu ku maago gabyaagii ay xafiiltanka lahaayeen ee la odhan jiray Cali Jaamac Haabiil, ha yeeshee uu soomaali oo dhan ku caayay. Ina Cabdalle Xasan tolalka uu tixdaa ku aflagaaddeeyay waxaa ka mid ahaa qabiilka Ciisaha, kaas oo uu ku yidhi: Ciisaha bakhtiga hiigayiyo haqay midgaan baa leh.

Caydaasi ka ma duwana wixii uu ninkaasi reeraha kale oo dhanba ku yidhi, ha yeeshee aw Jaamac kol haddii uu Ina Cumar Geelle magan u yahay, waxa ay la noqotay in aanu wax san mooyee wax silloon dhegtiisa maqashiin. Sidaa darteed meeriskaa gabayga ah macnihiisii wuu dooriyay, waxa uuna qoray: ”Ciise wuxu ula jeedaa Ciise Muuse – Habar Awal”! Soomaaliyi meel ay joogtaba qeexiddaa waa ay ku qoslaysaa. Laakiin aw Jaamac waa ay ka suurtowday. Dabadeed waxaa qasab ku imanaysa iswayddiin ah: Aw Jaamac imisa wax oo taa la mid ah baa ka suurtoobay muddadii dheerayd ee uu dadka soomaalida wax uga sheegi jiray Ina Cabdalle Xasan iyo daraawiish? Imisa jeer buu sheegay wax uu Maxamed Siyaad Barre ama cid kale ku raalligelinayo?

Daraawiishi, haddaba, ma ahayn qolo gaar ah, dadkii ka soo horjeedayna ma ahayn qolooyin gooni ah. Daraawiish waxaa noqon jiray qof kasta iyo cid walba oo doonta. Waa been, waana qabyaalad liidata, fikradda aadka loo faafiyay ee ah in ay jireen qabiilooyin gaalo ah ama gaalo-raac ah, iyo qabiilooyin mujaahidiin ah oo kuwa kale ka diricsanaa.

Waa wax aan sal lahayn laakiin fidinteeda lacag iyo waqti aad u badan lagu bixiyay. Hayb ahaan qolada uu Ina Cabdalle Xasan ka dhashay, ee maanta taariikhda daraawiisheed lagu rarayaa, waa dadkii ugu darraa ee la dagaallamay, ee cawo iyo dharaar doc kasta weerarka kaga hayay. Ma jirto soomaali kale oo ay wax weyn isyeeleen kolka laga reebo dagaalkii ugu dambeeyay ee lagu jebiyay.

Xumaanteed iyo samaanteedba, nimankan daraawiish reereeyay waxa ay ka fogeeyaan soomaali xitaa suldaankoodii jabhaddaa u dhintay, halka ay ugu abtiriyaan tolal aan awowyadood maalin qudha colaaddeeda u nasan. Waxaa jira tolal awowyadood ku dhowaadeen in ay gumaadka daraawiisheed ku dabargo’aan, oo haddana maanta magaca daraawiisheed la boodbooda oo iska dhiga in ay wax u yihiin.

Waxaa jira tolal ay nimankaasi daraawiish ku godobeeyaan, haddana aan weligood wax daraawiish la yidhaahdo indhahooda saarin. Waxaas oo dhan dad quluubta ka buka oo musharka ku qaadan jiray baa ka shaqeeyay oo bulshada ku dhex faafiyay ee wax iska dhacay ma aha.

Tusaalaha ugu fudud ee aynnu waallidan ku eegi karraa waa ta aniga iyo awowyaday. Awowgay hooyo oo ay Ina Cabdalle Xasan isku hayb iyo isku degmo ahaayeen, iyo awowgay aabbe oo aanay waxba isu ahayni, bilawgii ilaa dhammaadkii meel ayay daraawiish uga soo wada jeedeen, sutida ayay u wada hayeen, oo isku dhufays ayay kaga ridayeen, waayo geelashoodii iyo naftoodii ayay uga maaro waayeen. Sidaas ayay isu gaashaanbuursadeen ilaa ninkaa iyo xertiisii la baabi’iyay. Iyada oo ay sidaa ahayd, maanta ilmo abtiyaday oo dhan daraawiish baa lagu sheegaa oo duub cad baa loo wada xidhay, anigana waxaa la i yidhi ”awowgaa la cadaab”.

Haddii ay haddaba tebinta taariikhdii daraawiisheed siyaalahaa aynnu soo aragnay iyo siyaalo ka daran loo qarribay, maxaa la gudboon umadda soomaaliyeed ee ay sharkeeda iyo khayrkeedaba wada khusayso? Waxaa la gudboon in ay badbaadinteeda u gurmato, oo dib qorto, iyada oo laga gudbayo heerka ujeeddaynta, male’awaalka, iyo geeljiraynta, loona gudbayo baadhid dhab ah, raadraac sugan, iyo ilaalinta xeerarka taariikh tebinta. Meelaha la midka ah dhiganahan cusub ee Cabdiraxmaan-Barwaaqo ayaa arrinta laga ambaqaadi karaa.

W/Q. Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd” - .(JavaScript must be enabled to view this email address)
Qalinleyda © Weedhsan Corporation

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top