Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Friday 29 May 2015

Dhalinyaro noocee bay ahaayeen Ragii Aasaastay SYL

Qore: Cabdulahi Ibarim, (KON) - Ururka SYL, Waxaa aasaasay dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u da’yar, Kuwaas oo u adkeysan waayey dhibaatadii uu Gumeysigu ku hayey Umadda Soomaaliyeed haddii ay ahaan lahayd dil, xarig, kufsi, dhac iyo waliba qeybin dhuleed. Waxa ayna ujeedadoodu ahayd sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen heeryadii Gumeysiga iyo waliba dhibaatadii uu ku hayey Umadda Soomaaliyeed.

Teaser Image Dhalinyaro noocee bay ahaayeen Ragii Aasaastay SYL

Dhalintan da’da yar ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii ay u sameyn lahaayeen urur gabonimadoon ah oo soo afjara joogistii uu dalka joogay Gumeysigii qaashimka ee ku dhaqmayey siyaasadda qeybi oo xukun. Dadaal dheer ka dib, Waxaa u suuragashay Alla mahaddii in ay furaan Xisbigan SYL taariikhdu markii ay ahayd May 15, 1943. Kaas oo ugu danbeyn horseeday in la helo Qaran Soomaaliyeed oo xor ah, Islamarkaana ka kooban labo qeybood oo ka mid ah dhulkii uu Gumeysigu kala qeybiyey.

Dhalinyaradan, ayaa ahayd dhalinyaro ku shaqeyneysay Soomaalinimo, Waana sababtaasi sababta ay ugu suuragashay in ay gaaraan hadafkooda. Waxaadna mooddaa runtii  in ay ka nasiib badanaayeen kuwa maanta jooga, Maxaa yeelay waxa ay ku noolaayeen kuwaasi bulsho garaneysa waxa ay dooneyso, Islamarkaana ay u kala soocan yihin cadow iyo saaxiib halka maanta ay wax walba isku dhexqasan yihiin oo aad mararka qaar maqleyso walaalaheen Itoobiya. Waa yaabe goormaan Itoobiya walaalo noqonay aaweyse 77 dhulkii maqnaa ?

Maadaama ay u soo halgameen sidii loo heli lahaa Qaran Soomaaliyeed oo mid ah, Islamarkaana madax banaan. Hadaba sow nagama mudna inaan u duceyno, ka sheekeyno wanaaggooda, ka qorna buugaag, Islamarkaana barno caruurteena sida ay umaduhuba sameeyaan ? Alaylehe waa haa.

Marka aad dib u fiiriso taariikhda umadaha, Waxaa runtii kuu soo baxaysa in ay dhalinyaradu tahay xoogga ugu horeeya ee umadaha ka difaaca Shisheeyaha ku soo duula. Waxa ayna sidoo kale dhalinyaradu yihiin kuwa ugu horeeya ee ajiiba dacwada Anbiyada, Taasna waxaa daliil u ah sida ay Saxaabadu u garab istaageen Nabiga Salalaahu Calayhi Wasalam markii la soo saaray, waayo Saxaabadu waxa ay u badnaayeen dhalinyaro.

Maadaam ay dhalinyaradu tahay qeybta ugu muhiimsan ee mujtamic kasta oo dunidan ku nool, Waxa ay runtii u baahan tahay in il gaar ah lagu fiiriyo, Islamarkaana laga ilaaliyo waxyaabaha baabi’iya mustaqbalkooda sida jahliga, qabyaaladda iyo waliba qeybaha kala duwan ee balwadda sida Jaadka oo kale. Waxa ay sidoo kale dhalinyaradu u baahan tahay in wax la baro, Islamarkaana la siiyo shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda waaba haddii la awoodee.

Ugu danbeyn markaan hadalka soo uruurino, Dhalinyaradaasu waxa ay ahaayeen kuwa ka duwan kuwa maanta joogo, maxaa yeelay waxaa soo barbaariyey waalidiin aamisan midnimo iyo wadajir Soomaaliyeed, waana sababtaasi sababta ay u guuleysteen halka kuwa maanta joogana lagu barbaariyo federaal, foor boynti faayf (4.5) iyo waliba kala goyn Soomaaliyeed inkasta oo ay jiraan dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka caafimaad qaba cuduradaasi halista ah.

Mar kale waxaan leenahay dhalinyaradaasu wey ka nasiib badnaayeen kuwa maanta jooga, waayo waxaa soo barbaarieyey waalidiin ay la weyn tahay Soomaalinimadu, Islamarkaana kala garanayo cadow iyo saaxiib. Hadaba ku soo dhawaada magacyada dhalinyaradaasi, da’dooda iyo waliba meelihii ay ku dhasheen.

1. C/qaadir Sheekh Saqaawadiin, Waxa uu ku dhashay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool sanadku markii uu ahaa 1919-kii, wuxuuna xilligaasi jiray 24-sano.

2. Max’ed Xirsi Nuur {Siidii}, Waxa uu ku dhashay magaalada Mareeg oo ka tirsan gobolka Galguduud sanadku markii uu ahaa 1915-kii, xilligaasi wuxuu jiray 28-sano.

3. Yaasiin Xaaji Cismaan Sharma’arke, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadkii 1917-kii, xilligaasi wuxuu jiray 26-sano.

4. Xaaji Maxamed Xuseen Max’ed, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadku markii uu ahaa 1917-kii, xilligaasna waxa uu jiray 26-sano.

5. Cismaan Geedi Raage, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkii 1925-kii, xilligaasna waxa uu jiray 18-sano.

6. Dheere Xaaji Dheere, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadku markii uu ahaa 1926-kii, xilligaasna waxa uu jiray 17-sano.

7. Daahir Xaaji Cusmaan, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadka markii uu ahaa 1925-kii, xilligaasna wax a uu jiray 18-sano.

8. Cali Xasan Maslax, Waxa uu ku dhashay degmada Hobyo ee gobolka Mudug sanadku markii uu ahaa 1927-kii, xilligaasna waxa uu jiray 24-sano.

9. Maxamed Cali Nuur, Waxa uu ku dhashay degmada Shangaani ee ka tirsan Gobolka Banaadir sanadkuna waxa uu ahaa 1927-kii, xilligaasna waxa uu jiray 16-sano.

10. Maxamed Faarax Hilowle, Waxa uu ku dhashay Mareeg oo ka tirsan gobolka Galgaduud sanadku markii uu aha 1925-kii, xilligaasna waxa uu jiray 18-sano.

11. Xaaji Maxamed C/llaahi {Xayeesi}, Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir sanadkuna waxa uu ahaa 1918-kii, xilligaasna waxa uu jiray 25-sano.

12. Huudoow Macalin Cabdulle, Waxa uu ku dhashay degmada Mareeray ee gobolka Sh/Hoose sanadku markii uu ahaa 1926-kii, xilligaasi waxa uu jiray 17-sano.

13. Maxamed Cusmaan Baarbe, Waxa uu ku dhashay degmada Baardheere ee gobolka Gedo sanadku markii uu ahaa 1910-kii, xilligaasna waxa uu jiray 33-sano.

W/Q:  Cabdulahi Ibarim .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Keydmedia.Net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top