Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 12 January 2013

Dhulkeena Dhudhun Waa Ka Dheer!

Mahdi Ismaaciil (Keydmedia Online) - Waxaa mudan inaan Ilaahay ku mahadino, maadaama uu inaga abuuray ummad isku af, dhaqan iyo diinba ah, taasoo Qoomiyaadka adduunka ku dhaqan badankood aanay haysan.

Teaser Image Dhulkeena Dhudhun Waa Ka Dheer!

Wuxuu kaloo Eebe inagu galaday Dhul baaxadiisu la egtahay 657.657 km² oo si walba inooga badan, haddana waxaa jira khilaaf mar walba soo noq noqda oo ah maamul u samaynta Gobalada Dalka.

Yaa mudan, yaase xaq u leh iney Gobalada Dalka ka taliyaan ? waa Su'aal u baahan inay Bulshadu ka doodo ! Waxaan soo marnay burbur, qaran jab, qaxootinimo iyo dagaal sokeeye oo dabadheeraaday aafo weynah inoo gaystay. Waxaanu nahay Wadanka kaliya ee Adduunka 20 Sanadood bilaa Dowlad ahaa.

Sababta ay dhibaatooyinkaasi inoogu dheceena waxaa sal u ah oo ay ku qotontaa Cadaalad daro dhexdeena ku timid, si hadaba khaladaadkeenii aan u saxno waxaa haboon in gafkeenii shalay ku cashar qaadano.

Shacabka Soomaaliyeed waa Dad is-yaqaan oo isku deegaan iyo degmo ah, si walbana isugu dhex jira, sidaa awgeed Gobol walba dadka dagaa waa Bulsho aqoon weyn isku leh. Waxaase Dadka kala fogeeyay waa Koox dan gaar ah wadata.

Yaa mudan, Yaase Xaq u leh iney Gobalada Dalka ka Taliyaan?

Maanta Dalkii waxaa ka curatay Dowlad si Domokraatik ah losoo doorty oo rasmi ah, taasoo inoo horseedi karta inaan soo ceshano qaranimadii iyo haybadii aynu lahayn. Sidaa awgeed hawlaha culculus ee xukuumadda horyaal ayay ka mid tahay iney Gobalada u samayso maamulo hoos yimaada Dowlada, iyadoo arrintaasi kala tashanaysa dadka asal ahaan ka soo jeeda ama u dhashay deegaanadaas.

Bulshooyinka Gobaladaasi ku dhaqana waxaa iyaguna waajib ku ah iney soo xushaan dadkii u matali lahaa maamulka Gobalka. Dabcan waxaa la iska ilaalinayaa oo ay Waajib tahay in laga fogaado Xaqiraada, waana in marwalba la tixgaliyaa Rabitaanka Bulshada Inteeda badan ayadoo la ilaalinayo Xuquuqda inta laga tirada badanyahay. Hadii taas lagu dhaqaaqo waxaa loo gudbi karaa in Mabda'a Siyaasadeed lagu bohoobo ama lagu walaaloowo.

Dabadeedna Labada dhinac (Dowlada iyo Dadka Dagaanku) oo wada jira waa inay si buuxda ugu dhawaaqaan cidii hogaanka u qaban lahayd. Taas ayaana lagaga bixi karaa siday aniga ila tahay khilaafka dheeraaday ee hadba soo laba kaclaynaya.

Waana tankaliya ee lagu gaadhi karo qaranimo buuxda, ummada Soomaaliyeed maaanta way ka dharagtay, dagaal, Mad-fac, barakac, khilaaf iyo is-qab qabsi. Waxaa kaliya ee aynu maanta u baahanahay waa hogaamiye daacad ah oo Dalkiisa ka saari kara masiibada ku habsatay.

Sidaan horey usoo sheegnay Cadaaladu waa Furaha Nabada, hadii Nabad la helo Hormar baa la gaaray, hadii Hormar la gaaranah Midnimo Soomaaliyeed oo aan liiq-liiqan ayaa udbaha loo taagay.

Dhulkeenu dhudhun ka dheer.

Mahdi Ismaaciil - .(JavaScript must be enabled to view this email address) | Keydmedia Online  - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top