Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 8 March 2014

►  Dumarku Waa Calansidaha Ummadda!

Prof. Mohamoud Iman Adan - Keydmedia Online — Cadaw ma laha oo Dumarku waa Calansidaha Ummadda Soomaaliyeed. Waa kuwa dhaliya xiriirka ehelnimo iyo isku dhafka bulsho. Waa macallinka afbara ubadka, haddana barbaariya. Waa ilaaliyaha Hantida iyo hab-waanaag Maamulka Qoyska.

Teaser Image ►  Dumarku Waa Calansidaha Ummadda!

Waa kalkaaliyaha ragga iyo taakulaynta deriska. Maaraynta hufan, bilicda san iyo baraaraha qoysku gaaro iyagaa dhaliya, haddana ammaanta raggaa isa siiya. Sidatanu xaq-soor bulsho ma ahan ee caddaalad-xumada dumar lagu hayo dib haloogu noqdo

Bulshada & Meekhaanka Dumarka

Dumarku waa udub-dhexaadka bulshada Soomaaliyeed. Kala guursashada iyo xididnimada ayaa ummadda isaga dhiga ul iyo diirkeed, iyagaana ammaantaas iska leh. Gabadhu beel way ka dhalataa mid kale way u dhaxdaa ayadaana gunudda xiriirka laba qoys, labo reer iyo labo beelood.

Hormuudnimada hooyada waxaa markhaati cad u ah inay jiraan beelo ku abtirsada magacii hooyadood, haddana beel kale kasoo jeedday. Isir-wadaaggu ma dhinto oo muddo dheer buu soo taxnaadaa, wax badan ayaana laysugu taraa. Abaalka dumar bulshada u galo ma loo tixgeliyaa?



Dumarka & Halgankii Xornimo doonka

Dumarku xubno kuma lahayn dhallinyaradii 13kii SYL oo Hoggaanka u hayey gobonimadoonkii lagu guulaystay, haddana halgankoodu halkaas kama maqnayn. Xilqaadnimada iyo xaas-walwaalidnimada qoyska ka sokow, Qayb libaax baa dumarku ka qaateen halganka gobonima doonka oo qaatay muddo 17 Sano. Dhiiggoodii, waqtigoodii iyo hantidoodii bay u hureen waana dhaliyeen goolkii xornimada. Haddii dumar halgankaas ka maqnaan lahaa, haddii abaabulkooda iyo mashxaraddoodu goleyaasha SYL ka jiri lahayn, haddii caraadintooda iyo taakulayntoodu ay gaabin lahayd, gobanimadooniddu ma laxaadsateen. Libinta gobanimada lagu dhaliyy rag gaar uma ahay ee waa la wadaagay ee sidaas maloo qeexay?

Xornimaa la qaatay, dumarkuna waa u mashxaradeen waana bogaadiyeen. Waxaa ku filnaatay halgankoodii inuu mirodhalay. Maxaa loogu abaal-guday? Ma la qiray dumar wuxuu galo iyo wuxuu gudo? Dadaalkoodii mala qiimeeyey? Xubintii maamulka dawladnimo ay xaqa u yeesheen mala siiyey? Nafti-hurenimadoodii mala taariikheeyey?

Siiba Gobollada Koofureed, dumarku waa dadka barkiise, haddayna ka badnayn, ee miyaa taas la inkiri karaa? Cadkii Dumar lahaa waa la saabiley oo waxaa la siiyey broo-talyan. Gorgortan gumaystuhu la yimid baa keentay in jaalkoodii meelo lagu gufeeyo, dawladda Talyaaniguna ay kabto dawladda dalaandalka ah ee Soomaaliyeed. Dawladnimadii la qaatay dumar waa ku hungoobay, Iyaguna uma codayn ragna wax uma garan. Tagta daayo timaadda qabo, baa hal kudhagga raggu noqday. Caddaalad sugiddii dawladeed alif bay ka xumaatay, dibna looma sixin...! Hadda goori goor ma tahay in xaqa la sugo? 

Rag Keliyuhu Caddaalad Ma Dhalin Karaa?

Siiba Gobollada Koofureed, kaalintii dumar soo cayaaray iyo mirihii dawladnimada ay ku yeesheen rag baa wada qaybsaday. Raggii shalay xornimada hortaagnaa oo gumaysi kalkaale ahaa baa ka sokemaray kuwii mudanka u lahaa inay maamulka dawladeed ka qayb-qaataan. Kuwii Shalay horseedka xornimo-doonka dhabarka ka tumaatiyi jirey baa loo dhiibay kafaddii caddaaladda. Dumar waa quustay waana iska qaanacay. War maxay ku dambayn ba dumar halqabsi u noqotay ilaa maantada aynu joogno. 

Dumarka & Kacaankii 21dii Aktoobar  

Dawlad Kacaan ah baa dalka ka dhalatay, waxayna qaadatay nadaamka hantiwadaagga, kaasoo fara sinaanta dabaqadda bulshada. Waa' cusub baa durmarka u baryey, waana lasoo dhaweeyey, siiba xagga xaq-sooridda, shaqo-siinta iyo tixgelinta guudba. Hase yeeshee, dib looma taariikhayn doorkii firfircoonaa ee dumar gobanimaddoonka kasoo qaatay. Soo dhaweynta iyo horumarka dumar helay rag uma wada riyaaqin, hase yeeshee seefta kacaanu af bay lahayd. “Ishii bugtoy ku bikaacso,” baa dumar halhays ka dhigteen.

Bulsho Kabidda Dumarka

Aabuhu dhalmada wiilka habayn qura ayuu ku leeyaha, korniimadiisana waa ka qayb-qaataan ilaa wiilku isku filnaansho gaaro. Wiil kasta oo ku dhinta geeri aan garawsho ahayn, hooyadu waa ka murugootaa cid kastaba haka dhashee; kii ay dhashay ama ehel u ahaydna waa u baroordiiqdaa ilaa ay god ka gasho. Burcad buu noqday oo hanti buu soo ruqsaday, aabbuhu waa u riyaaqaa oo wiilkaygu waa “dirac” bu ku ammaanaa, hooyana waa ka walwashaa oo waxay tiraahdaa war maxaa ka dambayn.

Wixii ka dambeeyey burburkii iyo barakicii soo jiitamayey1990 ilaa maantada aynu joogno, kalkaalinta iyo babbaanita bulshada dumar baa ragga uga taagroon oo ka qaata door lixaad leh.  Ehelka iyagaa isu keenaa, haddana soo taakuleeya iyadoon abtirsi dhib loo raacin. Siiba dumarka qurba joogta ahu waxay quudiyaan inta nugulk ah oo dalka ku hartay. Waa naas irmaan oo buuxiya doorkii dawladu lahaan jirtey. Siiba Gobollda Koofureed, inta dumar xusluduubka ugu jirey siday danyarta u gargaari lahaayeen, raggu beentookhid iyo kala jiidasho weel maran bay qarni barkiis ku lumiyeen, welina xal nabad dhaliya gacanta kuma hayaan...!

Dumar iyo Daacadnimo

Maamulka dawladnimo karti iyo daacadnimo ayuu ku tanaadaa, kaalintaasna dumar baa kasoo dhalaali kara. Daacadnimo rag hoodo uma aha ee dumar baa ehel u ah. Dumarku fagaare la buuxo been kama sheego, dadb colaadeedna ma huriyaan. Dumarku ma laayo kumanyaal wiil oo aan weli curan si uu darajo u gaaro.

Dumarku uma hanqaltaago waxayna lahayn, mana xadaan hantida ummadda ka dhexaysa. Waa lasoo arkay kumanyaal rag ah oo lagu soo eedeeyey laguna xiry xatooyo xoolo dadweye, haddaana lama heli karo qof dumar ah oo tuugonimadaas lagu xanto. Inta raggu ku faano, dumarku waa ka xishoodaan. “Waxaadan lahayn ku mintid, wax kugu filan baad heli doontaaye,” waa loollan xadgudub ah oo ragga ku gaar ah, dumarnkuna ka fiyow yahay.

Maamulka dawladnimo ee dumarku hoggaamiyo, haddana ku tanaaday nabadayn iyo horumar bushadeed waxaa markhaati cad u ah haweenka reer Ruwaanda. 1994tii xasuuqii beelaha Ruwaanda ka dhacay Soomaali masoo main mana soo mari doonto. Dhacdadaas wixii ka dambeeyey, dumar baa xilkii dalka la wareegay, waayo raggiiba geeri bay u bateen. Sida Gobollada Koofureed, Ruwaanda dumarka ayaa ragga ka badan, iyagaana gacaat ku haya nabadda iyo horumarka dalkoodu gaaray.

Boqolkiiba toddobaatan iyagaa barlamaanka u badan, inta badanna, shaqo kasta oo Ruwaanda ka socota dumar baa maareeya. Wax kale iska daaye, ciidan baa Ruwaanda noo soo dirtaa na kala ilaaliya si aanaan isu-layn. Dumarka Ruwaanda kama qiiro iyo tayo badna kuwa Soomaaliyeed ee baraarugsanaanta iyo is-xilqaamidda ayaa laysku dhaafay. Hala soo booqdo hana loo kuurgalo wacdaraha dumarkaasu dalkooda ay ka sameeyeen. Tanu waa yaabe...! War dadkayaga ayaa nolosha looga samraa?

“Nin buka boqol u tali” bay Gobollda Koofureed maanta ku sugan yihiin. Wadaad iyo waranle wax kordhinwaaye, waddankuna waa naga dhexeeyaa. Dumarku ha faaqidaan waxa nabadda hortaagan, hana ogaadaan meesha ay xididdada ku hayso. Hala baadi goobo danta laga leeyahay xasarad abuurka ka taagan deegaamadaas.

Dumar & Dawladnimo

Nolosha miyyi loo eego, dhacdada reerka iyo tan dhexamarta bulshadaba waa door rageed, iyagaana horbooda meelmarinta arrimahaas, waxaana kamid ah kara: Colaad dhalinta, duulaan dumidda, shirka iyo wadaxaajoodka, garqaadidda, xaalbixinta, nabadcurinta, iyo diyo bixintaba. Waxaa kaloo kamid ah: Ceelqodidda, soo dhaaminta, sahaminta, sumadaynta xoolaha, gudidda wiilasha, u xoologoynta ehelka, gabdho-bixinta iyo sooryo qaadashada, guurka iyo yaradbixinta wiilasha, martisoorka socotada, iibka iyo ganacsiga, iwm. Inta badan dumarku hawlahaas waa ku lifaaqan yihiin oo waa ka qaybqaataan, hase yeeshee cod buuran kuma laha. Xaqiiqadu waa tan: Maamulka qoyska iyo maaraynta reerka dumarka ayaa ku xeeldheer, iyagaana ku leh, waana loo ogsoon yahay.

Habkii magaalo iyo maamulkii dawladnimo waa la dhalan rogay. Hab-nololeedkii miyyi ka jirey baa hadda raadweyn ku yeeshay noloshii magaalo oo maamulkii dawladanimo rag buu u afduuban yahay. Maamul waa hibo dumar, ha ahaado mid miyyi ama mid magaalo. In nabad lagu noolaado dumarkaa ku leh, haddana lagama qayb-geliyo. In danyarta loo adeego, lana dhiso adeegyada bulshada dumar baa ku leh, haddana lagama talo-geliyo. In daacadnimo iyo dariswanaagnimo bulshadu ku wada nolaato dumar baa ku leh, haddana lama tixgeliyo. Dawlad-curinta iyo maamulkeeda rag saami uguma dhicin ee waa la marooqsaday, dumarkuna kama dabaaqtamin. Dumarku waa inayna ciidda madaxa ku aasan oo ismoodsiin doorkii ku habboonaa oo nabadaynta iyo xasilinta gobollada koofureed ka qaandan lahaayeen.

Gunaanad

Haddii jiilka da'dhexaadka maanta ah ay nabad iyo dawladnimo dalka curin waayaan, jiilka ka dambeeya oo loo kala turjumi doono, hidde iyo dhaqan-wadaanga ahayn, heshiis iyo is-afgarad  Soomaalinimo lagama sugi doono. Cayninta gobollada koofureed waa arrin u taal dumarka Soomaaliyeed, wax badan bayna qaban karaan, waxaana kamid ah:

  1. In Dumar isila tashado, samaysto cod qurah, abuuraan Kayd Dhaqaale iyo barnaamid lagu baadigoobo xasilinta xasaradaha nabad-diidka ee ka aloosan Gobollada Koofureed iyo xal-u-helidda damaca siyaasadeed ee danaysteyaashu isku hardinayaan.
  2. In Dumarku curiyo aragti cusub oo xal u noqon karta dibu-heshiisiinta arrimaha siyaasadda ee gobollada Koofureed, iyadoo lagala tashanayo: Waxgaradka bulshada, aqoonyahanka, Culamaa-u-diinta, siyaasiga daacadda ah, samajeclaha ummadda, iwm.
  3. Haddi kooxaha is-haya xal nabadeed oggol yihiin haloo kala dabqaado si loo heshiisiiyo xukunka dawlanimana loo qaybsado iyadoon wax la kalajiidan. Geed dheer iyo mid gaabanba dumar ha u fuulaan nabad-raadinta iyo xasilinta deegaamadaas. Haddii taasu socon weydo, dumarku ha samaystaan maamul howl-fulineed oo arursan, isla markaana ha adeegsadaan cid kasta oo ka taakulayn karta, xagga hawl-qabadka, ra'yi bixinta iyo aabaabulka wacyigelinta ummadda.
  4. Inay dejiyaan isla markaana fidiyaan aragtidooda ku wajahan nabadaynta Gobollada Koofureed oo qoraalladooda kusoo bandhigaan is-gaarsiinta caalamigaah, sida: BBCda, VOA, Sharqul-Awsad, iyo jaraa'idka ugu cod-dheer dunida inteeda kale, sida: NY Times, Washington Post, Coriere della Sera, Standard iyo Nation, The Inquirer, Al Ahram, iwm. 
  5. Wufuud xal-doon ah ha u diraan ciddii diyaar u ah qayb-qaadashada xasilinta Gobollada Koofureed, ha ahaato xag wadatashi, xag taakulayn, xag u codayn talo nabadda dhalin karta. Ha lala kulmo kooxaha iska soo horjeeda oo isku haya xukunkun kala-jiidashada. In talo iyo dhedhexaadinba laga doono walaalahooda Puntland iyo Somaliland. In    looga sii gudbo la tashiga iyo xal u helidda ciddii diyaar u ah soo dhaweynta iyo u hambalyaynta dumarka, sida: African Unity, IGAD, UNka, Arab League, Islamic Organization, Barlamaanka ECda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykaanka, Barlamaanka Hoose ee Maraykanka, Vatican, iwm.
  6. Inay ku kalsoonaadaan dadaadkooda isla markaana u samraan, kana tallaabsadaan hagardaamooyinka iyo jid-gooyada loo dhigi doono. 
  7. In Dumarku baadi goobaan sidii kaalmo dhaqaale loogu fidin lahaa dibu-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ee Gobollada Koofureed oo nabaddu ka jirto si rajada dadku usoo noqoto shaqana loo helo.

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net [Qoraalkaan waxaa Bogga Keydmedia Online lagu so daabacay August 2010]


Prof. Mohamoud Iman Adan - .(JavaScript must be enabled to view this email address) - Keydmedia Online Correspondent

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top