Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 6 May 2013

Faalkii ShiIkhul Kulli // Felegow run sheeg – Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg

Abdulkadir Osman “Aroma” - (KON) - Cali iyo cambaro ayaa labaatan jir isku guursaday waxaa jirkooda ku duxay caashaq dhiigga iyo dhuuxa ku milmay. Waxay noqdeen qoys maal adduun, mood iyo noolba Alle ku galladay, waxaa Alle dhacaankooda ka beeray oo ay isu dhaleen 10 wiil iyo 5 gabdhood oo wada hanaqaaday, Alle-na ku mannaystay xoolo iyo ubad.

Teaser Image Faalkii ShiIkhul Kulli // Felegow run sheeg – Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg

Waa sida dhaqanku yahay ee carruurtii qof kasta jees gaar u degay buu noqday, aabbe iyo hooyo-na waa laga guuray. Waxaa isku soo haray odaygii iyo afadiisii oo aan haysan ubad ay weheshadaan, dabadeed Cali ayaa jeclaystay in xaaskiisa Cambaro ay dhasho mataano loogu waqlalo “Ladan iyo Looyaan oo noqda guro-dambeed”.

Dhowr habeen saqdii dhexe salaatulleylkii ayuu sacabada doogtay kuna dheeraaday Alle bari ujeedadiisu tahay Allow aniga iyo Cambaro naga dhex beer Ladan iyo Looyaan aan weheshano oo mustaqbaka noqda halyeeyo lagu hirto oo haybadooda geyiga oo dhan laga tixgeliyo.

Alle barigii Cali ugu duceystay “Ladan iyo Looyaan” ma noqon aqbal iyo ijaabo. Cali ma quusan wuxuuna wanan gaada balaxoobey u loogay culumo laga tuf qaato oo duraamo kadib qoyska ugu duceeyey mataano “Ladan iyo Looyaan”, taasna samada lagama aqbalin. Cambaro oo  gugii 70-tanaad u buuxsamey riximkeeda Alle uur cusub kuma beerin, xaylkii astaanta uurka ahaana waaba laga waayey.

Cali iyo Cambaro oo aan marnaba ka quusan deeqda Eebbe, waxay galeen safar dheer oo lagu soo wareegay qubuuraha la siyaarto, waxayna sharad kasoo galeen xarigna ku xirteen qabuuraha kala ah: Sh. Cali Maye, Sh. Aweys, Sh. Ooyaaye, Sh. Nuur Xuseen, Sh. Biyamaalow, Sh. Murjaan, Sh. Maana-muufo, Sh. Abbaay Sitiyeey, Sh. Berkaan, Sh. Maadey, Sh. Farxaani, Sh. Xintire, Sh. Seylici, Sh. Aw Barqadle, Sh. Xuseen Baali-yaalle iyo ugu dambeystii Sh. Ferji oo qabrigiisa ay ka dhisan tahay dhagax ay ku fariistaan haweenka ubad doonka ah. Qabuurahaas sharadkii lala galay, xargihii lagu soo guntay iyo ciiddii laga soo cantoobsaday, midna wax ma tarin oo Cambaro uur ma yeelan. Rejadiina waxay ku biyo-shubatay ‘islaan dhaliweyday Aleelo ku waalatay’.

Irdo jiqa iyo albaabo xiran iyo rejo la’aan ayaa muuqatay, talo waa cadaatay tan oo kalena lama fileyn. Cali iyo cambaro waxaa loo sheegay inuu jiro nin ku xeeldheer “faalka iyo felegga, cilmi qeybkana wax weyn ka yaqaan” oo la yiraah Shiikhul Kulli. Faaliye Shiikhul Kulli si fudud looma helo oo wuxuu u kala gooshaa gees-ka-gees geyiga Soomaalidu degto, daanta woqooyi degmada Ciise Madoobe ilaa daanta Koofur Galbeed degmada Reendiinle.

Faaliye Shiikhul Kulli waa Sh. Cabdulqaadir Jeylaani oo kale oo dhulka taako-taako ayuu u jooga, meel walbana xaadir buu ku yahay, haweenka iyo humbaniduna aad bey u jecel yihiin oo faalkiisa u aaminsan yihiin. Cali iyo Cambaro ayaa galab casir-liiqii cir-gaduud maqrib ka hor u yimid Shiikhul Kulli, toyasho wareysi kadib waxay u sharraxeen muraadkooda oo ah in Cambaro dhasho mataano “Ladan iyo Looyaan” loogu waqlalo.

Shiikhul Kulli jawaabtii lama daahin oo si degdeg ah ayuu fooxa idanka ugu riday, dhulkana faraha ugu mudmuday. Shiikhul Kulli wuxuu Cali weydiiyey Cambaro da’deeda. Cali wuxuu yiri Cambaro oo ifka timid abaarti cagweyn, deyrtii duumaale ee ka dambeysay, gugii yaxoob dheere ee ku xigay, 73 sano ayaa u go’day.

Shiikhul Kulli fooxii iyo faalkii ayuu ku laabtay, waxaana u soo baxay “xayl go’ay kadib xubbi carruur lagu dhalo ma jiro” wuxuuna yiri cillad haweenka u gaar ah oo la yiraah “menopause” xayl la’aan ayaa asiibey ee Cambaro carruur dhalimeysee “Alle iyo Awliyadiisa eed ha-dhex dhigin”.

Haweeney 73 jir carruur mataano ha dhasho waa damac waalli daran ah, waa 80 jir ku duceystay Allow dib ii abuur oo labaatan jir iga dhig, waa damiir xumo doqonnimo cuskan, waa riyo maalmeed iyo rejo meehanaaw. Sebenka fowdada siyaasiyiinta Soomaalida waxaa asiibey cudur la mid ah caashaqii Cali iyo Cambaro ku calmadeen maatanaha “Ladan iyo Looyaan”. Walow dhowr dumar ah damacaasi galay, siyaasi beeleed 50 nin sare u dhaafay ayaa caashaqay jagada madaxweyne, nin kasta tuulada tolki dego ayuu durbaan ka tumay, wuxuuna sheegtay madaxweyne aan maamul iyo manfac midna lahayn. Sheegashada xilka madaxweyne xad-dhaaf bey noqotay, malaha wax xun oo laysku caayo ayey mardhow noqon doontaa.

Ragga ku waashay mar i dhaha madaxweyne waxaa ugu daran qurbajoogta maqaayadaha fadhi-ku-dirirka ka sheekeysa. Geedigii dhul Gaalo lama mahadin, haweenkii awood badan bey yeesheen waxayna la wareegeen kaalintii ragga. Haweeney hinaastay ayaa albaabka ka xiratay odaygii, dharkiisii oo bac-madow ku jira ayey dibedda u dhigtay. Ninkii oo dantu baday inuu bac-madowda tuurta saarto ayaa isla hadlay kuna geeraaray (mar haddaan waayey marwo suubban mirihii jannada, ma waxaan waayey madaxweyne beeleed iyo haween ii mashxarada)

Ragga sheegta xilka madaxweyne iyo kuwa damacaasi ku jiro ee weli u xusulduubaya waxay maqleen inuu jiro caalim la yiraahdo faaliye Shiikhul Kulli oo la weydiiyo sida loo noqdo madaxweyne waara iyo muraad adduunyo oo dhan. Faaliye Shiikhul Kulli oo dhulka taako-taako ugu jira meel kastana xaadir ku ah, raggii madaxtinimada doonayey ee ku waashay mar i dhaha madaxweyne, saf dheer bey u galeen, nin kasta wuxuu ku dadaaley inuu sheekha ka farxiyo si uu muraadkiisa ku helo, gobollada woqooyi ayaa fooxa iyo faalka laga soo billabay, waxaana ku horreeyey hoggaamiyaha geesta woqooyi geyiga Soomaalidu degto:

Hoggaamiyaha: “Belbela iyo Buurta-dheer”: ayaa billaabay oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: markuu felegga eegay, fooxana ku riday, dhulkana ka faaliyey wuxuu yiri; waxaa kusoo baxay (Akowkii Baanku waa buuxsamee, Alle ka cabsoo aakhiro ka feker)

Hoggaamiye: sheekh hantideyda xisaabi laguma oran ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (cimaamad cas, wiil afduuban iyo calan madow ayaa mucaaradka dhex taagan ee digtoonaw)

Hoggaamiye: kumanyaal ciidan shisheeye ah ayaa dalka jooga oo cid wax iga qaadi kartaa ma jirtee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Sheekhul Kulli: waxaa kusoo baxay (ciidammada shisheeye fisqi iyo AIDS bey soo kordhiyeen)

Hoggaamiye: laga soo billaabo 1991 maal iyo maskaxba waan gelinay xallinta mushkiladda Koonfurta, welina fari kama qodna dhibaatadii ee sidee looga siraad koraa bal taas sheeg.

Sheekhul Kulli: waxaa kusoo baxay (burburka Banaadir waa baraaraha Belbela ee naxariiso oo noqo dilaal ka mici qabow shisheeyaha).==

Barasaabka: “Godey iyo Gaashaamo” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: Waxaa kusoo baxay (wadajir iyo midnimo waa wedkii dili lahaa Beesha Galbeed)

Barasaab: eegga 30 malyuun meel laysuguma keeni karo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Beesha Galbeed haka qaraab doonato: Adis Ababa, Nairobi, Kismaayo, Xamar, Garoowe & Hargeysa; oo yaan meelnaba lagu qadin)

Barasaab: waxaasi faal maahee ku noqo oo miyaan Beesha Galbeed xataa qado ku lahayn Marsada Belbela?

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay laba beyd oo isbarkan (libaax anteeno dheer ayaa Belbela jooga oo aad u feejigan, lagama yaabo in Beesha Galbeed dilaal ka hesho iyo meeris gabay oo leh “Balaf waxaan ku haystaa, beri inuu waraabuhu, dameeraha ka baqan jiray”)

Barasaab: guri kastoo geeska Afrika ku yaal Beesha Galbeed waa inay miraaftoo miriqshaaleyso, waxaadna leedahay Beeshu waxba kama helaayo Marsada Belbela, awoowgi Alle naar waxaad tahay sixiroole aan faal aqoone na dhaaf.

Horjoogaha: “Harawo iyo Hariirad” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Soomaaliya maahan qashin-qubkii qurbe-joogta iyo fuley qaxay meeluu ka qaraabto)

Horjooge: Barfasoor Af-Ingiriis yaqaan oo indhaha ummad u fura hadduu yimid ixsaankii ma eed buu dhalay, fadlan ku noqo faalka oo sheeg hoggaamiyaha xilka ku habboon.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (qurbe-joog hawlgab ah Soomaaliya kama helo hoggaamiye qaran, waase ka heli karaa garoob xusul-baruur ah oo go'a la huwata iyo xeeb hawo diirran leh)

Horjooge: Maamulka dalku aqoonyahan PHD haysta buu u baahan yahay ee looma baahna kooxda Af-Carbeedka timirta kusoo tuugsata ee faalka ku noqo oo sheeg aqoonyahanka mudan xilka.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (guud ahaan beesha gaar ahaan Barfasoorka jago jacayl u jeellan ha fahmeen halkudhegga leh “Diiriye duq uma qalmee, dad baa laysu dumaayey”

Horjooge: Derajo sare iyo duqba waan istaahilnaa ee sedkii beesha meel saar oo faal ku noqo runna ka sheeg.

Shiikul Kulli: waxaa kusoo baxay (xisaabiye iyo karaani waa sedkii beesha, ka sare maya).==

Hoggaamiyaha: “Saaxil iyo Salaxley” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (sambuus afar gees leh oo ah in lays waafajiyo: aqoonsi la’aanta iyo beentii gaas dhegoolaha loo sheegay, maamul xumada iyo heerka shaqo la’aanta oo ah 90%).

Hoggaamiye: mar haddaan Koonfur ka xorownay oo durriyadda binu Haashim maanta calan leedahay waanu u dulqaadaneynaa darxumo kasta iyo aflagaadada saxaafadda “Sex Tourism in Sky-land” ee waxaasi faal maahee ku noqo.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (dib u soco – hore u soco – dib iyo horeba u soco – darandoori taagnaw, Allow maxaa daal la kororsaday)

Hoggaamiye: heesta darandoori taagnaw waxaa lagu maaweeliyaa gaas dhegoolaha ee waxaasi faal maahee ku noqo.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (xiriirka Koofur iyo Woqooyi waa ‘abeeso uunsatoo dabagaalle aroostay’).

Hoggaamiye: inaan markale nala dagin oo aan abeeso na aroosin waanu ka feejiganahay ee waxaase faal maahee ku noqo.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Gabooyahya hallaga duceysto iyo USP halla martiqaado).

Hoggaamiye: Durriyadda binu Haashim gaagaabta iyo garaabada iyo Gabooye midna lama gorgortamaan ee nacasyow tag faal iyo feleg waxba kama taqaanide. “Libin nin holliyaa hela”==

Horjoogaha: “Boocame iyo Ballicad” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hantidaada haaf sii tolka, si nolosha bulshada loo hormariyo)

Horjooge: Lacag layma weydiiyo oo weligey 100 dollar ma bixine, waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (quraacda tolku waa Garoowe, cashaduna waa Hargeysa, qado ma jirto oo xilliga qadadu waa safar iyo socod carsaanyo)

Horjooge: walow xoolihii yaraadeeen haddana tolkey qado aan hilib geel lahayn kuma noolaan karaan ee maxaa talo ah?

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (ciiddoo bariis ah iyo baddoo caano ah haddii laysku daro beesha ma deeqaan)

Horjooge: Sow ma ogid Hargeysa-Garoowe-Xamar inay isku raacsan yihiin qadada iyo qaadka tolka in si joogto ah meel loo saaro, ee markale ku noqo faalka oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (shalay soo noqonmeysee beeshu haku duceysato “iimaan iyo qaneeco” isla markaana halla habaaro raggii beesha iimaanka ka qaaday, waa ina-Catoosh iyo ina-Shaqlan Warfaa).

Horjooge: Habaar iska-daaye labada hoggaamiye taallo ayaa looga dhisayaa tuulo kasto tolku dego, masawirkoodana waxaa la sudhi jees walba aqalkiisa. Waa labadii hoggaamiye ee sharaftay halgameyaashii Gaalada la jahaaday isla markaana abaalmariyey ubadkii ka farcanmay.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (waxaad barato waa baaskaa, booli iyo sedbursina laguma bulaalo. Dawaco meeshey macal ku cuntey macaluul ugu dhimataa ee Soomaali la sinma far-soo-dheer baad tihiine).==

Hoggaamiyaha “Halalow & Haybooqan” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (damacaaga doorasho ku shubashadu waa dagaalkii tolweynuhu ku kala tegi lahaa).

Hoggaamiye: qof miisaan culus leh oo tartanka iiga guuleysan karaa masraxa kama muuqdo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Soomaali waa siman tahay oo tolkaa mudnaan gaar ah maleh ee yaan lagu dhibin madaxda saree qaranka saxiixa warqadaha rejo gelinta)

Hoggaamiye: tolkey sed libaax bey xaq u leeyihiin maxaa yeelay waa “Tuutsigii” ka talin jirey dalka oo la lama simi karo “Huutuuga iyo Hoomadii” loo talin jirey ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (madax iyo maalqabeen wiilashaadu ku jiraan oo xabsiyada caalamka ku dambeyn doonta sidii ‘Manuel Noriego’ sababtoo ah qaniimadii laga helay maraakiibta Jiriifka ah ayaa laysku haystaa)

Hoggaamiye: waxaan xiriir qotadheer la leeyahay ragga dunida hoggaamiya maanta iyo madaxda Maafiyada oo hal tin laygama jari karee, markale faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Sirdoonka Talyaaniga“SISMI” waxaa yaal fayl ay ku qoran tahay wiilkii Cawrala Wadhooyo shaqada Bankiga qortay waa adeege daacad ah oo la aaminsan yahay).==

Horjoogaha: “Bandiiradley iyo Afbarwaaqo” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin kaligi turub ciyaaray oo misna dheeshii ku badiyey kaligi)

Horjooge: nin kaligi turub ciyaaray yuu la ciyaaray oo ka badiyey? Sarbeebtaas tolkey waa fahmi karaa ee faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (meel dhexe ha meereysane, dhiig wadaag noqo oo ‘Koofur’ Ximan iyo Xamur raac ama dhaqan wadaag noqo oo ‘Woqooyi’ Burtintle iyo Bacaadweyn raac, labada saf mid ku biir)

Horjooge: Maamulladii Afduubkii iyo Dhegaweyne kadib tolkey waa ka hanweyn yahay inuu qolo kale la shirkoobo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Hoobal kaligi jidbooday, jiib iyo wilisiqo, jaalaabuteys iyo shamal, ciyaar jaanta iyo sacabka laysla helay waa irdo jiq ah, jid iyo jaho diid, waxayna la mid tahay nin kaligi turub ciyaaray).

Horjooge: dad iyo duunyo, xeeb iyo xoolo, udub iyo albaab, mood iyo nool intaba tolkey taajir buu ka yahay oo lagama yaabo inuu qolo kale hoos tago ee beyd dhergane baabkiis sheeg?

Shiikhul Kulli: afarta beynu-jaho inaad mid ku biirto hadaad diiday, waxaa kusoo baxay shirib leh (canshuur qaade janno jidkeed kuma joogo, haddana uma jeelqabo).==

Muftiga Saree: “Kooxda Ahlu Siyaaro wal daneysi” ayaa ku xigsaday oo yiri walow aan ku shaqeysano ishaaro iyo qilaawo, sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (Ahlu Sanaawi wal Jallaafo waa agoon aabbe Miles ka dhintay).

Muftiga: Suufi xadreeya oo Alle ku tiirsan agoon ma noqdee, waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa idiiin soo baxay (xadrada xabbad hallagu beddelo oo shacabka halla xasuuqo).

Muftiga: mashruucaas mar hore ayaan billaawnay ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay halkudhegii dagaalkii 77 ee ahaa (intaan wareerkiyo waaqle imaan, Alla Gaashaanle wacnaayaa).

Muftiga: wareer kastoo yimaad waan is difaaceynaa ee bal markale faalka ku noqo.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay asal-raac noqda oo dib u billaaba: (ishaaradii iyo islaamihii loo xersi-xiri jiray, werdigii iyo wanan qalashadii, siyaaradii qabuuraha iyo Suldaan u duceyntii).==

Jinni Boqorka: “Kooxda Sharwadeen Shuftire” ayaa ku xigsaday oo yiri walow aan ku shaqeysano qarax iyo xabbad, sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (nabad iyo nolol-diid, naxli ururay waa nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday)

Jinni Boqor: Jabhad jahaad doon ah oo diin iyo dar-Alle ku diriraya nuurkoodu ma dhaco ee faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (qandaraaskii diin ku qaraabashada qalqal baa galay ee qorshe cusub halla allifo).

Jinni Boqor: waad hurdeysaan ee ku bishaareysta qaraxu inuu qarni soconayo ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (carruurtii sixirka la cabsiiyey suuxdintii waa ka tooseen oo markale siriqda halaagga kuma dhacayaan).

Jinni Boqor: Looma ooyaan lagu liibaano weligeed la waayi-maayee ee warmoogow faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa idiin soo baxay (kalluun af yaxaas galay kadabki waa go’ay)==

Horjoogaha: “Ceelgaal iyo Ceelcali” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (Hiiraan waa magac gobol ee naaneys Joodax maahan).

Horjooge: tolkey sidaas waa ka hanweyn yihiin, waxaana ku jira rag ku xeeldheer faalka & felegga ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (beelaha deggan bari iyo galbeed haddaan sedkooda la siin, qarax iyo qalalaase ka yimaad kooxda nabad iyo nolol-diid filo)

Horjooge: waxaad u egtahay jaahil aan waxba ka aqoon faalka ee markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg, haddii kale waxaan la tashanayaa Xaaji Ontorow oo Kumbutarka xariif ku ah.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hal qabiil oo gobol ama magaalo dhisa waa la waayey oo ‘multicultural’ ayaa dal ku dhismaa ee taas garwaaqsada)

Horjooge: Silac iyo darxumo, qax iyo qaxooti ayaa la degay reer Hiiran, hadda la garwaaqsay midnimo iyo walaaltinimo ee side looga siraad kori karaa qaraxyada kooxda nabad iyo nolol-diidka ah.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay: shirib leh (hadday ka deyso duumadaani, haw digleynin dood labaad)==

Baasha Saree “Beelaha Federaalka” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa la garanwaayey suryada aad kasoo dustay ee sallaanka kasoo kortay ee faalka ka hor si loo ogaado inaad u qalanto xilka, halxiraalahaan ‘IQ’ ka jawaab.

Baashe: soo-daa insha-Allaah kuma mergan doonee.

Shiikhul Kulli: waxaan Alle abuurinoo ifka yaal ma ogtahay?

Baashe: Alif Qur’aanba lama abuurinoo waa eray Eebbe oo taas waan ogahay “Qur’aanku waa kelimullaahi ee maqluuq maahan”.

Shiikhul Kulli: si wacan baad u asiibtay “IQ iyo Burjiba” waad sarreysaa ee muraadkaagu muxuu yahay?

Baashe: waan socon waayey ee yaa lugaha igu dhegan, ee bal faalka iyo felegga wax ka sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin dayoobay mar buu doqon hurda iyo damul-jadiid hiil ka doontaa).

Baashe: dad baraarugay oo dowladnimo raba difaac lagama waayee ee bal faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (gaashaanqaad goof ku dirirsan iyo guurti afku dukaanle ah gurmad lagama sugo ee taas haku habsaamin)

Baashe: Soomaali tiro badan baa i garab taagane, faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay halkudheggii Kacaanka Kuuba ee ahaa (hoy-hu-hunguri la’aan iyo horumarinta heesaha iyo ciyaaraha waa laba haboo is diidan)

Baashe: horumarinta seddaxda daruurig ah ‘hoy-hu-hunguri’ waan ku talo jirnaaye ee bal faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (kaadir habacsan oo karti-daran oon waxar jaban loo aaminin ayaa kaalintii qaranka buuxiyey ee wallee reer aan ogahay ma guuro. Beyd Garbaraar baab kaluu sheegay "A party proletariat and asinine yes-man can’t be technocrat administrators and political strategist" Jaamaci Kacaandiid ah, Guulwade Kacaan ah’ ayaa ka wanaagsan waa jidkii Siyaad Barre ku jabay)

Baashe: Hubaal waa la guuri ilaa guryosamo la dego geeddigu waa guure-socodleyn oo waddani geyfan baa wadi ee faalka ku noqo oo meesha sartu ka qurunta sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (abaar rag waa arrin la’aan, abaar qoysna waa ubad la’aan, abaar geelna waa ilko la’aan, oo murti baa leh. rag arrinka ayuu ka kacaa, awrna araxda ayuu ka kacaa. Beyd Caynsane wuxuu sheegayaa la-taliyeyaal aragti gaaban inay kugu meersan yihiin, sidaas awgeed xaalku waa wallee reer aan ogahay ma guuro).

Baashe: Si aan uga fogaado sunta iyo jallaafada fidno-wadeyaasha hunguriga weyn, waxaa dantu igu kaliiftey oo aan miciin-biday “ushaada ninkaad ka qaadan kartaa loo dhiibtaa”: gambooleyda, gaagaabta, reer goleedka iyo gurboodka SIMAD ee faalka ku noqo oo sheeg sidii maamul hufan oo haybad leh loo hirgelin lahaa?

Shiikhul Kulli: Waxaa kusoo baxay (walow labadii Korneyl ka dhigeen naafo dhul-yaal ah haddana waraabe rabaayad ma noqdee, Allaa ku waafajiyey oo waad assibtay in darka dowladda laga dheereeyo “Ex-Mataanaha Mudug” oo taariikhiyan ku caanbaxay mushkilad falkin iyo annaga ayaa mudan..Beyd Gudbane baab kaluu sheegay, Ex-Mataanaha Mudug in la qab-jebiyo oo maamulka laga fogeeyo waa mudan yihiin waana muhiim, waxaase inkaar iyo ayaandarro ah markey maamulka ku milmaan qolo lagu yaqaan seddax kala daran “caqli aan xishoon, calool aan dhergin &  caar-deysan”)

Jookarka: “kooxda Jaakad Jeebdheer”: ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (nin 80kii seexday siyaasad beeleedka sebenka lama socon karo)

Jookar: ma seexan ee si hoosaan hawlaha ula socday ee waxaasi faal maahee ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (iska baashaal oo been ha sheegin runna ha sheegin waa barnaamij ku cusub baaxaadegga siyaasadda)

Jookar: Har iyo habeenba waan hurdo seegay oo si hagar la’aan ah ayaan ugu hawlanahay horumarinta iyo dib-dhiska dalka hooyo ee faalka ku noqo oo beyd saxa sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (dastuurka Afrika waa “one man rule” hoggaamiye aan laga daba-hadlin inta kalena hantidiisa tahay, ku-xigeen iyo la-taliye waa magac-u-yaal aan wax hawl ah qaban ee kursiga iska kululee)

Jookar: war anigu kursi kululeeye maahi, kartida iyo waayo-aragnimada, haybadda iyo gole joogsiga wacan ka sokow, hawlaha qaranka aniga ayaa kala haga oo cirka iyo dhulka kala hayee, awoowgey Timacadde ku tumaatiye faalka ku noqo oo runta sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay shiribkii 1960-yadii ee ahaa (ditoorkii deyrka Faadno ku dabranaa, anigu dooranmaayee ‘daf iyo miriq’ ha dardaro).==

Garwadeenka: “Golaha Yooyootanka” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (barwaaqada Baydhabo Jannaay qof ka barakacay oo Boosaaso qaxooti ku ah belaayo madhaafto).

Garwadeen: col iyo abaar bey ka barakaceen ee falka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (hal qarni oo halgan adag ah waa laga yaabaa in tolkaa beelaha kale tiigsato)

Garwadeen: dib-u-dhacaas sidee looga siraad kori karaa, maxaase aniga ila gudboon?

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay laba mid yeel (ama sidii Shariif sacabka doogo ama sidii Shaatigaduud saanad qaado oo tolkaa xoree oo horumari).==

Malaaqa: “Xeebta Jasiira iyo Xaliima Hayte” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (77 jir taarig ah oo Mudug ku aasan ayaa ku habaaray oo maskax farad ayaa ku asiibey, 77 jir taarig ah waa qumay oo habaarkiisa lagama kaco)

Malaaq: oo shiikhow maxaan ka bi’iyey oo aan inkaarta ku muteystay?

Shiikhul Kulli: ciidankii Itoobiya ee odaygu watey Disembar 2006 markey Koofurta qabsadeen mudaharaad liddi ku ahaa ayaad London ka abaabushay, ha-yeeshee November 2011 markey qabsadeen Bay/Hiiraan kama hadlin oo il-xun kuma eegin ee taasi sow maahan mabda’ la’aan iyo daneysi?

Malaaq: inaan sidaas yeelo xaq baan u lahaa oo hoggaamiye aan isku hayb nahay ayaan hoggaanka u rabay, halgankaasna waan ku guuleystay oo xilka aan maanta hayo ayaan ku muteystay ee faalka dhig oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay halkudheggii Jamaal Cabdinaasir ee ahaa (Masar bariis waa loo beeri karaa ha-yeeshee dad difaaca looma beeri karo)

Malaaq: halkudhegaas ma fahmin ee bal markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay seddax beyd oo isbarkan (Rag tashaday cir tararay waa toli karaa taako labadeede -- Daarood Cali duco Abgaal kuma degana doy iyo buur -- Jameecadii Abshirya Aadanaa jowrfalkii hore ku jabtee ka joog)

Malaaq: shiribkana ma fahmin ee bal markale ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (bulsho kala qoqoban, caasimad qeybsan iyo khad cagaaran).

Malaaq: oo taasi sidee bey ku dhici kartaa sow ma ogid in feleg meeray oo wax walba is beddeleen oo qolo hubeysan tahay qolana sacabooley tahay.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (guulwade xiinkiisa ka dheereeya, gulufkiisa guuldarraa laga dhaxlaa)

Malaaq: waxaas aad tixday midna kama fahmin ee fadlan ii fasir.

Shiikhul Kulli: macallin ugu wanaagsan waa waqtiga, waxaa ku fasiri doona waqti iyo waayaha adduunka.==

Horjoogaha: “Kuudhaa iyo Kamsuma” ayaa ku xigsaday oo yiri sheekh fooxa ku rid faalkana dhig.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay erayadii Joomo Keenyaati yiri 1963 ee ahaa (NFD is a part of Kenya, markale Uhuuru Keenyaati ayaa 2013 yiri Jubbaland is a part of Kenya)

Horjooge: waa laga yaabaa Jubbaland inay noqoto (buffer zone of Kenya) laakiin lagama yaabo Jubbaland inay noqoto qeyb Keenya ka mid ah ee markale faalka ku noqo oo beyd sax ah sheeg.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (siyaasiyiinta NFD ee qandaraaska ku qaatay dhoofinta dhuxusha waa dhammeynta xoolaha Jubbaland).

Horjooge: waxaad tahay warmooge aan waxba la socon, xoolihii dabargo’ bey ku dhow yihiin oo hadda waraabaha ayaa la qashaa oo wankii beddelay, teeda kale dagaalkii 77 kadib waxaa soo degtay AAYAD leh Soomaali hays disho oo dalka halla burburiyo, aayaddaas ayaa weli socota oo dhuxusha lagu dhoofiyaa, welina sooma degin AAYAD leh Soomaali ha heshiiso oo dalka dib haloo dhiso, ee falka ku noqo oo sheeg sidii looga siraad kori lahaa silica taagan.

Shiikhul Kulli: waxaa kusoo baxay (xaalufinta deegaanku waa xabaashii noolaha iyo dal milki-guuray oon dad lahayn). Sheeko masraxiyeedkii Shiikhul Kulli intaas ayaan ku hakiyey maanta, waxaanse kusoo gunaanadayaa gabay murti leh balse aanan aqoon ninka tiriyey:

Seben tegay mid wali soo socda iyo saakay waxa jooga
Saddexdaas waqti baan xaal adduun lagu sifeeyaaye
Soo noqod ma jiro wixii shalay saarufoo tegaye
Waxa Saad-dambiyo berrina Saadirkaa garane
Waxa taladu kuu suuban tahay subaxad joogtaaye

Fiiro Gaar ah: Kooxaha Suungaanleyda waxaan ka codsanayaa inay qoraal masraxiyeedkan u beddelaan muuqaal masraxiyeed.

Abdulkadir Osman “Aroma” - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top