Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 1 February 2013

Garaadka Garsooraha - Qisadii 3-dii Cabdalle

Dr. Axmad Cabdulahi (Keydmedia) - Waxaa jirijiray Qabiil la yiraahdo Bani Carafah, laguna bartay Aqoon iyo Caqli dheeraad ah. Oday Qabiilka kamid ah ayaana lagusii bartay Abwaanimo dheeraad ah, wuxuuna dhalay 3 Wiil, wuxuuna ubixiyay Sadexdoodiiba Cabdullahi, sabab aan lagaranaynin owgeed!

Teaser Image Garaadka Garsooraha - Qisadii 3-dii Cabdalle

Mudo kadib Adaygii waa dhintay, wuxuuna Qoray dardaaran uu yiri: Cabdalle wuu idhaxli, Cabdalle ima dhaxlayo, Cabdalle wuu idhaxli!

Wiilashiina markay Akhriyeen dardaarankii Aabahood way fahmi waayeen wayna isqabsadeen, oo mayna garanin kan aan Aabe dhaxlaynin! Talo raadin badan kadib, waxaa loo sheegay Garsoore jooga tuulo fog, oo caan ku'ah Aqoon iyo xeelad dheeraad ah, waxayna goosteen inay isaga u tagaan.

Jidkii waxey kula-kulmeen Nin baadi goobaya Riti kadhumay, wuuna weydiiyay, Cabdalihii Kowad wuxuu Ninkii weydiiyay "Ratigu ma il buu la´yahay? Isna wuxuu ku jawaabay: Haa!

Kii Labaadna wuxuu weydiiyay: Ratigu ma Daba go'an yahay? Isna wuxuu ku jawaabay: Haa!

Kii Sadexadna wuxuu weydiiyay: Ratigu ma Lug buu la´yahay? Isna wuxuu ku jawaabay: Haa!

Ninkiina waxaa u cadaatay inay arkeen maxaa yeelay tilmaamihiisii oo dhan wey shegeen. Iyagiina waxay dheheen ma anaan arkin, isagana waxaa u cadaatay inay xadeen, madaama ay tilmaamihiisii oo dhan shegeen.

Markay diideena wuxuu yir: Waxaan idinku dacweyn-nayaa Qadiga, iyagiina waxay dheheen isagaaban usoconaaye Soobax naraac.

Markay u tageena waxaa loo sheegay Labadii Qiso, markuu dhagaystayna wuxuu amray. inay Maanta iska nastaan.

Shaqaalihii wuxuu amray inay qado usamayso, Midkalenah wuxuu amar kusiiyay inuu kormeero intay Cuntada cunayaan.

  • Cabbdalle 1-aad wuxuu yiri: Gabarta Qadadaan soo karisay waa Xaamilo!
  • Kii Labaad wuxuu yiri: Hilibkani waa Hilib Ey, ee ma aha Hilib Ari!
  • Kii Sadexaadna wuxuu yiri: Qadigani kuma dhalanin Meher alaal ah!

Qadimkiina Warkooduu dhagaysanayaa. Maalintii Labaad Qadigii wuxuu weydiiyay Qadimkii, maxaad maqashay? Wuxuuna u sheegay Labadii hore waxay dheheen.

Qadigiina wuxuu utagay, naagtii Cuntada soo karisay wuuna weydiiyay inay uur leedahay, waxayna isku dayday inay inkirto, isna wuxuu yiri: Igama qarin kartide runta iisheeg, weyna qirtay inay uur leedahay.

Kadibna wuxuu u tagay Ninkii loo xilsaaray inuu marti galinta sameeyo, wuxuuna weydiiyay maxaad usoo Qashay Ey? inkiraad dheer kadibna, wuxuu yiri, maana helin Hilib Ari, tasaana igu qasabtay inaan keeno Hilib Ey.

Kadibna Qadigii wuxuu sii weydiiyay khadimkii maxaakale, khadimkiina wuxuu yiri waxba, Qadigiina wuu shakiyay, wuuna ku adkeeyay inuu usheego, wuxuuna u sheegay inuu Cabdalihii 3-aad yiri Qadigu waa wacal/ ibnu Sinaa.

Wuxuuna goostay inuu hooyadii weydiiyo Arintaas xaqiiqadeeda, hooyadiina wey isku naxday weyna inkirtay, insa wuu ku adkeeyay inay runta usheegto.

Dood dheer kadibna waxay qiratay Hooyadii, inuu dhalay Nin ay gogol-dhaafa ulatumatay. Aadbuuna uga xumaaday arintaas,  waxaana kasii yaab badan sida uu arintaas Cabdalle ku ogaaday.

Qadigii wuxuu soo aruuriyay Sadexdii Cabdalle iyo ninkuu Ratigu kamaqnaa, wuxuuna weydiiyay Cabdalihii 1-aad, sideed ku ogaatay Ratigu inuu il la'yahay? Wuxuuna ku jawaabay: Neefka isha li´i wuxuu caleenta kacunaa dhinaca uu wax ka arko oo kaliya, ana meeshuu Ratigu kudhumay waxaan arkay inuu hal dhinac oo kaliya caleenta kacunay, marka waxaan ogaaday inuu il la´yahay.

Kadibna wuxuu weydiiyay Cabdalihii 2-aad, sideed ku ogaatay inuu Ritigu daba goan-yahay? Wuxuuna ku jawaabay: Geelu markuu saxaroonayo dabada ayuu ruxaa, kadibna saxarada labada dhinac buu ukala tuuraa, ana waxaan arkay meeshuu Ratigu kudhumay inay saxaradu halmeel ah ku dhacaysay, waxaana gartay inuu daba go´naa!

Cabdalihii 3-aadna wuxuu weydiiyay sideed kugaratay Ritigu inuu lug la´yahay! Wuxuuna kujawaabay; waxaan arkay inuu lugta dhulka sifudud udhigayay, waxaana ii cadaatay inuu lug jiis kayahay. Wuuna kuqancay warkoodii, wuxuuna kacodsaday ninkii Ritigu kamaqnaa inuu iska boxo.

Intaa kadibna Qadigii wuxuu weydiiyay 3-dii Cabdale sideed ku ogaateen islaantii Cuntada soo karisay inay xaamilo ahayd? Wuxuuna yiri Cabdalihii 1-aad; Rotigii naloo keenay dhinac wuu kabolol sanaa, dhinaca kalana aad buu uyaraa, marka waxaan gartay gabarta inuu foorarku dhibayay, oy xaamilo tahay.

Cabdalihii 2-aad wuxuu weydiiyay sideed ku ogaatay Hilibku inuu ahaa Hilib Ey? Wuxuuna yiri: Hilibka Ariga, Loda iyo Geelu waxay isugu xigaan sida tan= laf, hilib iyo baruur, hilibka Eyguna wuxuu uyalaa sidatan= laf, Baruur iyo Hilib.

Kadibna waxaa lasoo-gaaray arintii ugu khatarsanayd, wuxuuna weydiiyay Caddalihii 3-aad sideed ku ogatay inaan ahay; Garac/ Orfane/ ibnu sinaa? Wuxuuna yiri; waxaad nadaba dhigtay nin jasuus ah, oo nakor-meera, taasina waa tilmaan ay iska leeyihiin dadka gogol-dhaafka iyo xaraanta kudhashaa!

Qadigiina wuxuu yiri Qofka xaraanta kudhashay waxaa garan kara kan lamidka ah, ee isna xaraan taasoo oo kale kudhashay. Waana Adiga Wiilka aan aabihii dhaxlaynin, maxayeelay waxaad kucalool-gashay gogol dhaaf ay hoyadaa samaysay!!

Taasina waxay kamid tahay Qawaniinta uu Ilaahay ku dhisay aduunyada:

    Tuuga waxaa garan kara oo xeeladiisa fahmi kara, tuug kale oo isaga lamid ah.

    Qofka dhagaha l´a, waxaa fahmi kara, qof sidiisoo kale isna dhaga l´a.

    Qofka sharafta iyo qiimaha leh waxaa qadarin kara qof isaga lamid ah oo sharaf leh.

    Eyga waxaa dhaqda qof tilmaamaha eyga qayb kaleh.

    Khayr qabaha Rabbi wuxuu tusiyaa khayr qabe isaga lanooc ah.

    Dhagar qabaha waxaa laxaaltami kara, mid isaga lamid ah, ama kasii shar badan.

Dr. Axmad Cabdulahi - Editor of society, health and education policy for Keydmedia
.(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top