Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 21 November 2012

Hadalkii Madaxweynaha ee Jubbooyinku Ma Gar Ayuu Ahaa, Mise Gar Darro?

By Warsame Gaabane - Soomaalidu waxey leedahey murti badan oo ku saabsan garta, waxaa dhici karta ereygaas Asalkiisi hore in laga keeney in dadka garta gooyaa ahaan jireen dad Odayaal ah oo Rag gar leh. Waxaa kaloo dhici karta in laga wado in Qofku garkiisa u dhiibto dadka kala xakumaya isaga iyo Qofkey is heystaan.

Teaser Image Hadalkii Madaxweynaha ee Jubbooyinku Ma Gar Ayuu Ahaa, Mise Gar Darro?

Iney garashada iyo garaadka ka soo jeeddana way dhici kartaa.

Haddaba maahmaahyada badan oo garta kus saabsan waxaa ka mid ah:

  1. Gar waa loo Islaam
  2. Gaal dil gartiisana sii
  3. Nin kaligi garramey iyo nin dhul ganey midkoodna ma gefo
  4. Gar darraale ma guuleysto.
  5. Iyo kuwo kale oo badan oon lasoo koobi karin...

Aan garta Ilaahey taqaanna u Bandhigno hadalka Madaxweynaha

Madaxweynuhu wuxuu Yiri:

“Marka hore dhulka halla wada qabto oo halla nabadeeyo, meel kasta oo la qabtana hallaga sii dhiso Maamullo howsha sii wada oo Degaankaa. Markii sal muggi loo fariisto oo si miyir ah loo tashan karana dadku haka tashadeen haddey maamullada isku darsanayaan iyo haddii kale. Dowladda dhexena hasii dhammeys tirto sharciyadii federaalka oon hadda Mabda'a kore maahane aysan ka ool sharciyo qeexan oo lagu dhaqmi karo, dowladduna arrimahaas oo dhan iyadaa arbiitere ka ah oo ka waayeelineysa oo dadka u dhex ah”.

Wuxuu kale oo Madaxweynuhu tilmaamey inuu diiddanyahey in Magac Qabiil iyadoo la adeegsanayo dadka Degaanka taladooda faraha laga bixiyo oo Dad dhexda uga soo dusey ay iyagu qaataan taladii.

Hadalkaas Miyaa leh ceeb iyo wax lagu duro haddii iimaanjiro?

Mise Dadka Qoriga Caaraddiisa doonaya iney Ajendahooda iyo Rabitaankooda ku meel mariyaan ayaa dhalliil mudan?

Yaa Arbiitere ka ah shirka Kismaayo?

Dowladdii Dadka ka dhaxeysey waa la iska diidey oo nama soo geli karto ayaa la yiriye yaa dadka u dhex dhexaad ah oo kala saaraya markey is qabtaan? Yaa soo xulaya ergada? Yaa meel marinaya wixii lagu heshiiyo oo sharciyadna siinaya awoodna ku meel marinaya?

Dadka iyagu isku ah dadkii wax doonayey iyo kuwii meesha arbiitaraha ka ahaa miyaa intaasoo dhan isku fulinaya? Haddey hal beel iyadu isi soo waafaqdey oo go,aan gaartey in maammulka Jubooyinka la dhiso, ma beeshaas ayaa iyadu noqoneysa midda beelaha kale u go,aamisa waxey doonayaan iyo qeybtey ka helayaan?

Yaa u noqonaya beelaha arbiitere u dhaxeeya oo wax u qeybinaya markey is fahmi waayaan?

Dadka hadlayaa waxey u hadlayaan sidii in gobolladaas hal beel oo hal Go'aan leh deggantahey Dowladduna ay beeshaas u diiddantahey xuquuqdeeda!

Xaqiiqduna sidaas way ka baddalantahey ee waxa meesha yaalla waa beel ka mid ah beelaha dega gobolladaas dad ka mid ah ayaa doonaya iney ku muquuniyaan dadka kale oo ama ku beel ah ama beelaha kalaa, iyagoo dadka ajendahaas watana ay isticmaalayaan awoodda Kenya!

Markey sidaas sameeyaanna labo qalad ayey gelayaan oo marna dadkii oon raalli aheyn ayey doonayaan iney ku qasbaan rabitaankooda, dhinaca kalena waxey halis gelinayaan madax bannaanidii dalka oo Kenya ayey siinayaan dowrkii dowladda soomaaliyeed yeelan laheyd.

Magaalada Laascaanod waxey ku jirtaa Gacanta Somaliland, dadka kasoo jeedana intooda badan sidaan maqleyno raalli kama ahan iney ka mid ahaadaan Somaliland. Arrintaasna waa arrinta ugu muhimsan oo caqabadda ku ah gooni isku taagga Somaliland oo waxey daliil u tahey inaan bulshadu isku wada waafaqsaneyn gooni isku taaggaas. Oo gooni isku taagga waxaa keeni lahaa in la tix geliyo rabitaanka bulshada, mana dhici karto in bulshadii qeyb kaloo ka mid ah lagu tunto xuquuqdooda oo qasab iyo qoor qabad loogu daro Somaliland iyagoon dooneyn!

Laakiin waxaa Cajiib ah inaad aragto isla dadkii dooddaas ku doodayey oo difaacaya in Jubbooyinka ”Aqlabiyadda” halka Qabiil ah ay aqlabiyadnimadooda ku muquuniso inta kale! Isla dastuurka ay cuskanayaan ayeyna ku taallaa “labo gobol iyo ka badan oo is oggol iney maamul goboleed dhisan karaan”.

In dadku is oggolyihiin iyo ineysan is oggoleyn in la ogaado wax adag ma ahan horta oo meeshii la is oggolyahey qeylo bdan kama yeerto. Arrimaha madaxweynuhu sheegeyna waa duruuftii suurto gal ka dhigi laheyd in dadku rabitaankooda oo xor ah ay waxey doonaan ku doortaan.

Xornimo wax lagu dooran karaa mak a jirtaa Jubbooyinka?

Gobollada Maamulka loo dhisayo intooda badan Shabaab ayaa heysata oo qofkii shirkaas ka qeyb gala dileysa. Inta soo harteyna Kenya iyo maleeshiyo la socota ayaa heysta. Sidee ku suurto geleysaa marka in lagu doodo dadkii gobolladaas ayaa sidaas doonaya iyadoo aysan duruuf saamaxeysa iney dadku si xorriyad ah wax ku doortaan?

Madaxweynaha hadalkiisu waa talada saxdaa oo looga badbaadi karo in arrinta la marin habaabiyo oo loo isticmaalo xoog iyadoo si deggan oo sharaf leh lagu xallin karo.

Kismaayo iyo Jubbooyinku meelna uma socdaan oo ma cararayaane dadka deg degtu ka muuqato maxey ka ordayaan oo ay u sugi la'yihiin in arrinta la bisleeyo oo la abuuro jawi nabad ah oo caafimaad qaba?

Ma waxey ku fakarayaan iney xoog ku abuuraan duruuf Siyaasadeed oo aan laheyn meel laga maro sida Somaliland iyo Maamulka Puntland?

Haddey sidaas ku fakarayaan way qaldeen xisaabta, sababtoo ah Maamulka Puntland iyo Somaliland waaqicoodu wuxuu qaatey inuu noqdo sida uu hadda yahey wax ka badan 20 sano, sidaasoo ay taheyna sharciyan iyo waaqiciyan labadooduba arrintoodu ma ahan mid laga gaarey xal kama danbeys ah oo la isku waafaqsanyahey.

Marka dhinac kale laga eegana duruuftooda Bulsho iyo u dhowaashahooda Caasimadduna way kala geddisanyihiin.

Marka si Miyir ah oo Caafimaad qabta hallooga Fakaro Hadalka Madaxweynaha oon u Arko inuu yahey sida Saxdaa oo xalkuna ku jiro. Sidee kula tahay Adiga?

Ra'ayigaaga kusoo Hagaaji: .(JavaScript must be enabled to view this email address) | http://www.facebook.com/Keydmedia ama .(JavaScript must be enabled to view this email address)

By Warsame Gaabane - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top