Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Wednesday 2 October 2013

HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN

Ibraahim Sh. Cabdiweli (KON) - Qoraalkaan waa 3 Qeybood | Sida laga dheehan karo magacyada beelaha Soomaalida, waxay u egtahay 30-35 fac ka hor, colaad iyo abaaro ku baahay geyiga geeska Afrika in la kala qaxay kadibna la noqday gaashaanbuur koox-koox laysu garabsaday.

Teaser Image HAWIYE WAA DHEGOOLE DHIBAN

Gaashaanbuur ama koox kasta waxay la baxday magac la yiraah Afar iyo Adeer oo Soomaali oo dhan ay iska hidde-raacday. Tusaale kasoo billaaw geesta Woqooyi-Galbeed, beesha Gudabiirsaay waxay ka kooban tahay gAfarta Samaroon iyo adeerkood Gobeh ilaa geesta Koofur-Galbeed beesha degta waxay ka kooban tahay gafarta Absame iyo adeerkood Gelimeysh marka laga reebo beelaha Raxanweyn oo iyaguba ka kooban koox-koox sida (boqol hore, boqol dhexe & boqol dambe iwm) dhammaan beelaha Soomaaliyeed waxay ka kooban yihiin afar iyo adeer.

Sida muuqata magaca afar iyo adeer mar waxaa loo la jeeda waxdaaniyada Alle Inallaah witri wa yuxibo witrun marna wuxuu cuskan yahay gKuhaan iyo Asraarh oo afarta iyo adeerka sida qaalibka ah waxa ugu tiro yar adeerka, taasina waa arrin ku dhisan feleg iyo faal laysku lamaaniyey.

Gaashaanbuurta afar iyo adeer waxaa ka feer dhashay magac beeleed tilmaama koox diimeed iyo xirfad shaqo. Waxaa ka mid ah (Tumaal, Gaboy, Jaaji, Lelkas, Sheekhaal iyo kuwo kale). Erayga maal wuxuu tilmaamaa hanti iyo shaqo laysku lamaaniyey sida: Afmaal, Muruqmaal, Tumaal, Biyamaal, Caana-maal, Birmaal, So-maal iwm. Farsamayaqaannadii ka shaqeysan jirey birta waxay la baxeen Tumaal.

Sidoo kale ugaarsatadii wax ku dili jirtay fallaarta, maadaama agabka gamuunada laga qaado loo yaqaan gaboye, ninka ku gabraartana la yiraah gaboy. Ugaarsatadii waxay la baxeen Gaboye, walow sebenka fowdada beelaha laga tirada badan yahay “minority” oo dhan laysku sidkay loona bixiye Gaboye, xataa Tumaalkii & Yibirkii. Sidoo kale Jaaji waa kooxaha ka jillaabta badda oo had iyo jeer biyo dhanaan ayey ag-degan yihii oo waa Jaan-joog.

Taariikh oraaheed waxaa lagu sheegay wadaad la oran jirey Sheekh Muumin inuu geyiga Soomaalida dugsiyo badan ka yagleelay, xertiisiina ay la baxeen magacyo kala duwan, waxaa ka mid ah: Xerta Sheekh Muumin oo qarniyo ka hor Buurhakaba deganayd, gadaalkii dambe waxay ku milantay jufada Naasiya ee Eelay. Shabeellaha Hoose ilaa Shabeelaha dhexe, xertii Sheekh Muumin maanta waxaa loo yaqaan “Diinti Waaq & Diinti Naafic” hadda waxay hoos-tagaan dalladda guud ee Hawiye oo shirkii USC ee Luulyo 1991 ka dhacay Hoteel Guuleed ee Jeneraal M.F. Caydiid loogu doortay Guddoomiyaha USC, Diinti Waaq & Diinti Naafic waxay ka mid ahaayeen 48 qabiil oo Dr Xuseen Kadare ku sheegay inay yihiin Hawiye, waase markii ugu horreysay ee bulshadu maqasho magacaas.

Odayaasha ku taqasusay ab-ableynta abtirsiga beelaha, sida ay sheegeen Sheekkh Muumin wuxuu deegaanka Mudug ka uruuriyey arday diinta barata, markey badteenna waxay la baxeen Xer ama Xerta Sh. Muumin. Nin reer Hiiraan Galbeeed ah oo turjubaan u ahaa Guddoomiyighii “DC” 1920-yadii maamulayey degmada Gaalkacyo ayaa wuxuu la saaxiibay wadaad ay masaajidka isku barteen. Muddo markii rafiiq la ahaa waa lays haybsaday oo weydiinta waxaa ku horreeyey wadaadkii reer Mudug. Wuxuu yiri, saaxiibow yaad tahay, ninkii reer Hiiraan wuxuu ku jawaabay Gaaljecel baan ahay ee adigu yaad tahay, wadaadkii isna wuxuu ku jawaabay waxaan ahay Xer.

Dood baa dhexmartay, wadaadkii wuxuu yiri waan arkaa inaad had jeer Gaalka la socoto ee kuma weydiin sida aad Gaalka u jeceshahaye waxaan ku weydiiyey haybtaad qabiil. Turjubaankii Hiiraan ka yimid isna wuxuu yiri, aniguba waan u jeedaa inaad tahay Xerow oo kuma weydiin xer-qur’aan iyo xer-cilmi midka aad tahay ee waxaan ku weydiiyey haybtaad qabiil. Ismaandhaaf mugweyn ayaa raggii dhexmaray.

Magacii Xer toban sano kadib 1930-yadii wuxuu isu beddelay Lelkas oo macnahiisu yahay “kii la jarebaray, ama la tababaray ama leyliga qaatay ee hoggaansamey” soddon sano kadib 1960-yadii wuxuu isu beddelay Tanade Daarood oo waxaa lagu biiriyey tolweynaha Daarood. Magaca Tanade ma jiraa mise ma jiro? Sheeko oraaheedku waxay tibaaxeen Tanada Daarood inay ahayd haweeney u dhaxday Ciise Madoobe oo ubadkey dhashay ay ka mid yihiin beesha Awroone oo ka tirsan seddaxda tol-raac ee beelaha Ciise Madoobe.

SHEEKHAAL mise SHIIKHYAAL

Waxba yaan arartu ila durkine aan idin dulgeeyo halka diiradu saaran tahay oo ah Sheekhaal ma dhalashaa mise waa magac la dhoodhoobay? Odayaasha ku xeesha-dheer ab-ableynta iyo taariikhda qowmiyadda Soomaalida waxay isku diidan yihiin asalka dhalasho ee beelaha sheegta haybta Sheekhaal oo doodu waxay ku saleysan tahay seddax aragti oo aad u kala fog.

  1. Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin oo dooda cuskiyaan, Sheekhaal meel kasta dunida haka joogtee in ay ku mideysan yihiin todobada ilma Faqa Cumar: (Loobege, Qudub, Xasan, Cismaan, Cabdiraxmaan, Abiib & Ali). Abtirkooduna ku arooro: (Faqa Cumar→Qudbaale→ Sacad→ Daa’uud→ Martile→ Hiraab→ Daame→ Gorgaarte→ Hawiye) aragtidaas 95% Loobege ayaa rumeysan.
  2. Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin oo ku doodaan culimo kasoo haajirtay Jasiiradda Carabta oo Soomaaliya u timid diin fidin, kadibna ku heshiiyey inay ku abtirsadaan Abubarka Sadiiq “RC” aragtidaas 95% Qudub iyo Aw Xasan ayaa rumeysan.
  3. Isir-yaqaannada qaar waxay aaminsan yihiin kuna doodaan magaca Sheekhaal inuu tilmaamo xirfad shaqo, ayna la mid yihiin: (ururka dhaqaatiirta, ururka macallimiinta, ururka xirfadleyaasha ee birmaal) isla markaana haba yaraatee in aysan jirin hayb qabiil iyo abtirsi oday la yiraah Sheekhaal, balse beryahaan dambe la dhoodhoobay magac beeleedka Sheekhaal si ay saami ugu helaan xilalka qaranka, aragtidaas waxaa rumeysan dad tiro badan (Sheekhaal iyo Soomaali kale).

Aragtida Isir-yaqaannad ka sokow, odayaasha Hawiye waxay aaminsan yihiin kuna doodaan Sheekh Loobege inuu ahaa waacid iyo diin fidiye, gees-ka-gees geyiga Soomaalida dugsiyo ka yagleelay, Soomaali tiro bandanna diinta baray. Xertiisii intii aflaxday ee cilmiga diinta Islaamka ka gaartey Mufti iyo Buuni barakeysan, waxay diin fidin u tageen gobollada dalka oo dhan, waxayna noqdeen sheekh hebel, sheekh hebel, sheekh hebel; bulshada dhexdeeda laga xurmeeyo oo gabadha qurxoon loo guuriyo, wanka doosha weynna loo loogo.

Sheekh hebelkii iyo Sheekh hebelkii waxay noqdeen SHEEKHYAAL kala shaqo tegay, oo murti baa leh seddax is dhashay maalin bey kala tagaan: Tumaal, Sheekhaal iyo Waraabe. Tumaalku maalintuu wiilkiisa baro sida toorreyda loo deeleeyo wey kala guuraan oo ninba gobol ayuu hooso ka furta, meselan haddii odaygu hooso ku lahaa Ceeldheer oo ahaa Tumaal Wacaysle, wiilku wuxuu u guuraa Ceelbuur oo wuxuu noqdaa Tumaal Murusade. Gabyaa Ayax-dhowre wuxuu yiri:

Caaqibo Tumaal waa intaan cududu weynaane,
Cooshada ii qaad maandhow intaan kala caraabeyno.

Wiilka Sheekhaal maalintuu noqdo xaafidul Qur’aan, qoyskiisa waa ka guuraa oo meel kale ayuu u qaraab doontaa, meselan haddii odaygu dugsi-qur’aan ku lahaa Godey oo ahaa Sheekh Ogaadeen, wiilku wuxuu u guuraa Boorame oo wuxuu noqdaa Sheekh Gudabiirsey.

Sheekhyaal diinta bara Samaroon oo ku midoobay Sheekhaashta Xeebjire, Sheekhyaal diinta bara Ogaadeen oo ku midoobay Sheekhaashta Qudub, Sheekhyaal diinta bara reer Shabeelle oo ku midoobay Sheekhaal Aw Xasan, Sheekhyaal ku milmay kalluumeysatada xeebta Shabeelaha Hoose oo ku midoobay Sheekhaal Jasiira ama Gendershe. Guuto camalo badan iyo ninba xeeladi ku xoogsay ayaa Xertii Sheekh Loobege noqdeen, gurmad iyo gargaar kama dhexeeyo, wax-isi-siin iyo isweecaansi haba yaraatee kama dhexeeyo, ayaandarro kooxiba kooxda kale ayey Asmo iyo Asraar ku ridaa goor iyo aleyl iyo gabbal-dhac kasta.

Sida loo badan yahay hooyo kasta waxay ubadkeeda kula dardaarantaa in aysan goor maqrib ah dhexmarin xaafadaha Sheekhyaal si ay uga badbaadaan “Asmad iyo Asraarta” ay isku gamayaan. Sheekhyaalka qoraalkan ku xusan waa xertii ee kuma jiraan reer Loobege, maxaa yeelay waa dad la yaqaan dhiig iyo dhalasho halka nasabkoodu kasoo jeedo.

Guji Meshaan: Halkaan ka Aqriso Qeybtii Labaad ee Qoraalka

Ibraahim Sh. Cabdiweli (Abu Xaniifa) - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Keydmedia Online - Editorial Desk - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top