Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 28 March 2012

Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga - By Bashir M. Hersi

Bashir M. Hersi - Beri hore ayaa nin socoto ah, ku soo baxay Geel barrin bannaan daaqaya, hadduu dhinacyada eegay, qof la jooga Geela waayey, ayuu af labadi dhawaaqay, oo yiri: “War Geela yaa la joogooy?” wax u jawaaba ayuu waayey, aan ka ahayn codkiisa oo ku soo laba dhacay ama ku soo laalaabtay.

Teaser Image Imaamnimada Shariif iyo Allaahu akbarta Mahiga - By Bashir M. Hersi

Mar kale ayuu ku celiyey, isagoo kor u ciyay, haddana waayey qof u warcelisa, saa intuu neef dheer jiiday naqaskana iska saaray yiri: “Istaaq furullaahi, illeen Geela Anaa la joogay!”.

Aadanaha waxaa haga xeer iyo xukun, iimaan iyo aqli, akhlaaq iyo Anshax, saddax ayaase waxay yihiin horyaalka xakameeyaha Aadanaha, oo kala ah: DHAQAN, DIIN iyo QODOB, midka hore, waxaa saldhig u ah dhaqamada aadanaha ku nool dunida, kala duwanaasho xooggan ayaa ka jira, haddana intii isku dhaqan ahba waa isku caado iyo camal.

Dhaqanku wuxuu ku qotomaa xeer, yaa dajiyey? Sidee loo dajiyey? Maxaa loo dajiyey? Waa weydiimo u baahan qoraal gaara, sababtoo ah, xeer wuxuu dhashaa marka ay dhacaan isqabqabsi, dagaal iyo xadgudub, si loo xalliyo ayaa xeer lagu xakameeyo dadka isku dhaqanka ah la dejiyaa, tusaale ahaan Odoyaasha waxaa halhays u ah inay dhahaan marka ay gar galayaan: “Xaajadu ma ugubaa mise waa ab laga soo gaar? Ma bar xoolaa mise waa beer?…IWM”.

Midka dhexe, waa amarro xagga Eebbe ka yimid, ay tahay in loo fuliyo sida ay u yimaadeen, waxaa dadka soo gaarsiiya Nabi ama Rasuul, waa farriimo dadka lagu badbaadinayo, laguna saxayo qaladaadka ku jira dhaqanka aan sare ku soo sheegnay, maadaama uu asal isagu yahay.

Kan ugu dambeeya ee sadaxaad, wuxuu ka kooban yahay, isu gayn dhaqankii iyo diintii, lagu biiriyo waxyaabaha cusub, ee aan ku qeexnayn labadaa, xeerar is badbdala ee ku dhisan hadba baahida jirta iyo sida loo nool yahay, kaliya ma ahan, waxaa jira xeerar caalami ah, sida kuwa badaha, cirka, ganacsiga IWM.

Xeer kale ayaa jira, oo la yiraa: “Xeerka Kayntka” waxaa ku dhaqma xoolaha, mid walbaa midka uu ka xoog badan yahay ayuu cunaa, haba ku qasbanaado oo dani ha u gayso, maadaama uusan calaf iyo cunto ka maarmin, haddii kale uu dhimanayo, haddana waxaa halkaa ka jira tacaddii aad u ballaaran.

Haddaan dulmarka intaa ku joojiyo, aan gudogalo dulucda faallada, muddo bil laga jeego, mudane Mahige ayaa waraysi ku sheegay in madaxtooyada ay qabsadeen urur diimeed la yiraa: Aala Sheekh, isagoo dhaliisha u waday inay madaxtooyada iska maamushaan saaxiibada madaxweyne Shariif, balse, madaxweynaha ayaa sidii lagu yaqaannay iska hadaaqay, sheegayna in Mahiga ay Maradu ka dhaday, eray bixin siyaasadda ku cusub.

Hadalkii Mahiga aad ayaa loo dhaleeceeyey, lana billaabay mudaharaadyo ka dhan ah, oo ay hormuud ka ahaayeen isla kuwii uu lahaa madaxtooyada ayey qabsadeen, waxaa horkacayey mudane Dhicisow, ha ka tagin Dahir Geelle, oo ku hadlay magaca ururka “Daljir” dhammaan waxay diidanaayeen in Mahiga soo hadal qaaday urur diimeed, waxayba ku sheegeen in Mahiga diinta meel uga dhacay, ama wax ka sheegay.

Hubaal inaan arrinta sidaa loo wada arkin, waqtiga ayaa kala saare ehe, waxaa geeriyooday madaxweynii hore ee Soomaailiya mudane C/laahi Yuusuf Axmed, aaskiisa waxaa loo xilsaaray guddi qaran, hubaal inay ahayd tallaabo fiican, balse, ma u dhammaatay sida loo billaabay? Ma ku idlaatay sidii loo abaabulay?.

Anigu ma doonayo inaan Marxuumka wax badan ka dhoho, oo isaga ayaa iska dhahay intuu noolaa, mana doonayo inaan naxashkiisa ka dul naanaaleeyo, balse, sida wax u dheceen waa qasab in loo sheego, dhaliil iyo ammaan waxay wadataba, iyadoon cid gaara ah loo alalaasayn, haddaba, marka hore Alle ha u naxariisto inta dhimatay, bal maanta isagaa Naxashka ku jiree isaga ducuda aan ugu horraysiinno, ku xigiya kuwii gacantiisa ku baxay, kuwa gacan kale ku baxaay iyo kuwa aan ku bixinba.

Sanadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “wadaadka Wadanka ha laga

qabto” qormadu waxay ku dulmeerasay madaxweyne Shariif, ka dib markii uu saxiixay wixii ay baxsheen “Kampala Accord” balse, sida muuqato hadalkaa meel cidla ah ayuu ku dhacay, oo cidna ma dhagaysan, haddana, af nooli hadal kama caagane, aan mar kale ku celsho war wadaadka yaa naga qabto, illeen wax walba dhaanyee, diin, qaran, dhaqan iyo dhaqaale.

Anigu waxaan la yaabanaa markuu habeennadii tagay guurada ku dhexqaaday magaalada Muqdisha, dad badan waxay dheheen hurdada ayaa ka guurtay, oo waa isku mashquulinayaa, qaar kale waxay dheheen wuxuu xiiso u qabaa tuutaha ciidanka, oo jecel yahay inuu mar walba xirto, oo hadduu maalintii gashto lagama garanayo waardiyihiisa ama ciidanka uu la socdo, sidaa ayuu habeenkii u doorbiday.

Macnaha ugu macquulsan ee laga baxshay ayaa ah, inuu tiigsanayo sooyaal hore oo suubban, maadaama arrinta guure habeenka uu caan ku ahaa Cumar Ibnu Khaddaab, madaxweynihii labaad ee dawladdii Muslinku yeelato, waliba waxaa jira dhacdo habeen ka qabsatay guurayntii uu waday, oo raad ku reebtay, haddaba, su’aasha ayaa ah, xaggay isaga egyihiin Shariif iyo Cumar? Guurada hubaal, in kastoo aysan isku ujeed ahayn.

Taa kaliya ma ahan waxaa looga yaabay Shariif, wuxuu doonayaa inuu salaad kasta bixiyo, uuna imaam noqdo, buufiska uu qabay inuu Imaam noqdo, isla markii uu madaxtooyada madaxa soo galiyey, shaqadii uu qabtay ee ugu horraysay waxay ahayd inuu MASJID ka dhexdhisay, dabcan salaadahana cidi ugama tImaaddo, mararka qaarna wacdi booje ah kama marna, oo uu dadka ku baabo.

Sida ku cad sawir laga soo qaaday Janaasadii lagu dukanayey madaxweyne C/laahi Yuusuf, waxaa salaadda bixiyey madaxweyne Shariif, oo isagu sida dhaqanka u ah doonaya inuu wax walba safka hore uga jiro, Jabhadnimo sida C/laahi Yuusuf, Jananimo sida Indhacadde, Profnimo sida Gaandi.

Safka xigay madaxweyne Shariif, waliba ku aadanaa dhabarkiisa, waxaa taagnaa Mahige, oo sida sawirka ku cad gacanta bidixi u korraysay, taa oo ah xeer ka baxsan salaadda ay fartay diintu, haddaba, su’aasha ayaa ah: Mahiga ma Muslimaa mise ma ahan? Ani ahaan waxba iigama xirna, hubaal inaysan dad badanna waxba uga xirnayn, balse, dhaqan ahaan iyo diin ahaanba ma suuragalbaa in Janaaso Muslin uu safka hor ka taagnaado nimaan Muslin ahayn?! Waliba aan si qumman isu qaabin, aqriste bal liilkan hoose daawa.

Dabaa ku doodaya haddii C/laahi Yuusuf noolaan lahaa ee safka dhinac uga jiri lahaa, inuusan ogolaadeen in Mahiga ama qof kale oo aan xayndaabka ku jirin uu safka soo galo, haddana, dad badan ayaa shaydaan ka aaminsan, Shariifna Sheekh u aaminsan, aqriste bal adoon caadifadaysnayn ka feker dhacdada, hubaal inay wax badan daahfur u tahay ama ay dad badan u noqon doonto baraarug.

Ila wada xasuusta ergagii ka socday Qaramada Midoobay xilligii Maxkadaha mudane François Lomseny Fall, wuxuu la dukan jiray wadaadada, mudanahaa iyo Mahiga ma isku midbaa? Xagga xilka hubaale, haddana inuu siyaabaha qaar iyo safafka qaar soo galo miyeysan ahayn in yac laga yiraa? Yaase ka dhahaya?.

Midse aan kaa qanciyo aqriste, waxaa jira wadammo badan oo ay wada dagaan dadyow kala diimo duwan, markii qof sare ka dhinto, maamuuska iyo ambabixinta waxaa iska leh dadka ay isku diinta yihiin, waxaana la isugu wada yimaadaa xabaasha oo ay dhammaan ka soo wada qaybgalaan, oo mar walba hagidda iyo hawraarta ay gacanta ugu jirto dadka ay isku diin yihiin, haddii uusan diin laawe ahayn, oo ballantu noqonayso guriga laga qaado ilaa xabaasha, ama uusan dhihin maydkayga ha la gubo, oo salaanta iyo tacsidu ku ekaanayso gurigiisa.

Dhacdadaasi dhaqan iyo diin midna laguma tixgalin, waxaase la sameeyey wixii la doono, waxaanse doonayaa inaan arrin kale halkan ku muujiyo, Shariif saw maanta ku dukan maayo ninkii uu shalay gaalaysinayey? Saw u ducayn maayo illeen salaadda Janaasada

ayaaba intaa ehe ninkii uu shalay gaal waaye lahaa? Haddaba, miyey suuragal tahay in maalinna waa gaal inuu dadka ku dhoho, maalinna uu salaad ku dukado?.

Dhanka kale, aawaye wadaadadii madaxa nooga waalay waxay ku sheegayeen Fatwada, ee lagu gaalaysiinayey C/laahi Yuusf iyo dawladdiisii? Sheekh Cumar faaruuq isagu waa geeriyooday Alla u raxmado, maalintiisiise Anigu wax baan ka dhahay, waxaan doonayaa kuwa nool inay wax ka dhahaan ninkan Xabashida dalka ku soo hoggaaminaya? Kaliya ma ahan ee waliba saf Janaaso ku soo daray nimaan muslin ahayn! Ee haddana waxba la dhahayn, yaab.

Ugu dambayn. Shariif mid ayaan dhihi lahaa, Mudane dadka wax u reeb, wax walba ha isku dayin inaad hormuud u noqoto, dalka dhan ayaad hormuud u tahay, Siilaanyo iyo Somaliland inay kugu daba fayleen shirkii London ma ku deeqi waysay? Fadlan xoogaa arrimaha dadka say u kala mudan yihiin ugu dhaaf, xeerka ayaa sidaa qaba, diinta ayaa dhigaysa, xukunka ayaa qeexaya.

Midna mahige ayaan leeyahay, ha malayn in Soomaalidu wada yihiin nacasta kuu ogolaatay inaad saf la joogsato xilli Janaaso loo taagnaa, ama ay yihiin kuwa gafuurka duubta ee gawraca masaakiinta, xusuuso inay jiraan dad kula xisaabtamaya, xeer iyo xukunnna kula tiigsan doona, xilna inaad sii hayso aan marna kuu ogolaan doonin.

Midna waxaan leeyahay Soomaalida, sida maydka dushiisa loo wada sinnaa, la ahaa garbo aan gan is dheerayn, ayaa loo baahan yahay in wax loo qaybsado, aan marna nalagu sii dhaqin 4.5 iyo waxa la midka ah, dadku waa dhammaystiran yahay ma jiro qof dhimman ama beel qabyo ah, dhanka kale, xilka aan u dhiibanno qof noo dhawra dhaqanka iyo diinta, haddii kale maalin walba waxaa lagu jirayaa waxbaa la dhaamay iyo waxbaa la halleeyey.

Bashir M. Hersi - .(JavaScript must be enabled to view this email address)


Mas'uuliyada Qoraalkaan waxaa iska leh Qofka ku Saxiixan!


Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top