Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Sunday 7 June 2015

Kadib, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamulka Juba: Maxaa soo baxay?


(KON) By Mohamed Odowa. Maamulka Juba ee Kismaayo ayaa xariirka u jaray dowladda Soomaaliya ee fadhisa Muqdisho oo aduunku aqoonsanyahay. Waxaa muuqata in Soomaaliya meeshii aan roob ka sugeynay inay ceeryaamo soo muuqato, waxana dalka ku soo biiraya hoggaamiye kooxeed cusub ama kooxo siyaasadeed oo Kenya iyo Itoobiya kala matalaya.

Teaser Image Kadib, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamulka Juba: Maxaa soo baxay?

Maamulka Juba waxa hoggaaminaya kooxo Soomaali ah laakin ay hoos ka maamusho Madaxtooyada Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.  Maamulayaasha Juba oo isku arka xoog cusub oo dalka ku soo biiray, waxay ku dhaqaaqeen go’aan dad badan oo Soomaali ah ay mudo ka filayeen markii ay sheegeen inay xariirka u jareen dowladda Soomaaliya oo iyaduba aan wax ixtiraam ah markii horeba ku haysan maamulkaa iyo Kan Puntland intaba.

 Dad badan ma aaaminsana in Maamulayaasha Juba ay wax ka bedeleen nolosha deegaanka tan markii ay soo galiyeen dhulka jubooyinka Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyey xad-gudub badan oo ka dhanka deegaanka iyo dadka. Waxana dhawaqaan cusub uu sii xoojin karaan shakigii hore looga qabay Madaxda Maamulka Juba.

 Alle ha u naxariisto, Soomaaliyaddii hore: Maamulka Juba waxa aad dabada uga riixaya Kenya iyo toobiya waxana ujeedadu tahay in Soomaaliya laga dhiso dhawr dowladood oo kala socda markii la rabana la iska hor-keeno. Inta badan go’aanada Maamulayaasha Juba waxay ka yimaadaan dhanka Kenya, kamana muuqato calaamad Soomaalinimo iyo rabitaan dowlad Soomaaliyeed. Fursad ayey al-shabaab  u tahay in Maamulka Juba uu qaato go’aan sidaa ah oo uu xariirka u jaro Soomaaliya inteeda kale. Waxaa kale oo ay fursad siinaysaa ggo’aamkaasi kooxo badan oo markii horeba u arkeyey maamulka Juba mid ay wadato dowladda Kenya.

 Ujeedada ugu weyn ee Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Maamulada sida kan Juba waa in ay mar walba ku dhex jiraan siyaasadda Soomaaliya islamarkaana ay ku dhexyeeshaan dad u fuliya danahooda siyaasadeed ee gobolka. Maxaad ula yaabaysaa haddiiba ay Baarlamaan Soomaaliyeed yihiin inay diidaan wax ay u arkaan sharci daro oo ah  sida dad badan u arkaan Baarlamaan ku sheega Juba oo dhaliyey khilaaf kii hore ka xoog badan.

 Maamulayaasha Juba waxay dadka ugu goodinayaan dagaal sokeeye. Laakin taasi ma ahan xal waxaana muuqata in xitaa aysan xariir dhaw la lahayn Maamulka ka jira Baydhabo oo iyana ku eedeeyey kan Juba cadaalad darro. Dowladda Soomaaliya ee Madaxwayne Xassan Maxamuud waxay ku socotaa wadada dowladdii Liibiya martay markii xulufada Mareykanku ay rideen hoggaamiye, Qadaafi.

 Bartamaha Soomaaliya waxaa xarumihii dowladda la wareegay, kooxda hubeysan ee Ahlu-sunna waljameeca oo dad badan ay u arkaan inay tahay koox-diimeed quyar socod ah. Xagga danbe waxa ka xiga Puntland oo isku aragta inay tahay dowladd-Madaxbanaan.

 Koofurta Hoosena waxa ka soo baxay Maamulka Juba oo iyana aaminsan in ka amar qaadashada Muqdisho ay kaga wanaagsan tahay, inay wax ka dhagaystaan Madaxtooyada Kenya. Xagga Baydhabana waad maqli doontaa, dhawaqooda iyo iyagoo sheegaya in dowladda Muqdisho ay xariirka u jareen. Filo arrintaa: Baarlamaanka loo dhanyahay ee fadhigiisu yahay Muqdisho waxay qaateen go’aankii ugu wanaagsan oo ay ku tijaabinayaan awoodooda dastuuriga ah iyagoo ka hor-yimid wax u muuqday inay yihiin shirqool Kenya ay soo amaamugtay oo ah Baarlamaan madaxbanaan oo uu yeesho dhulka jubooyinka iyo Gedo oo hadda ama, Jubaland, (sida loogu Yeeray)

 Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meel mariyey guddiyada xaduudaha iyo doorashooyinka waxana ay hadda sugayaan in Baarlamaanka la horgeeyo.Maamulka Puntland ayaa qarka u saaran in arrintaas awgeed ay xariirka u jaraan dowladda Soomaaliya. Intaan wax ka qorayey arrimaha Soomaaliya ma arki maalmo ay kaga xanuun badan tahay Soomaaliya waqtigaan. Waxan arki jiray dowlad-dowlad kale xariirka u jarta laakin waa wax nagu cusub inaan aragno Maamul ama gobol dowlad uu ka tirsanyahay oo, la aqoonsanyahay xariirka u jaraya. Taa micnaheeda cid walba oo qoraalkan aqrisa hoos ha u eegto. Soo markaa kuu soo biximayso in Soomaaliya ay ka jiraan dowlad-yar yar oo markii ay rabaan kala fur-furaya iyagoo qaar kood xanbaarsan siyaasaddaha dowladdaha Kenya iyo Itoobiya.

 In itoobiya aysan Soomaali dowlad u aqoonsaneyn waxa kuu xaqiijinaya, markii wasiirkii Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad uu Jigjiga u tagay inuu la fadhiisto Maamul heer gobol oo uu kala hadlo arrimo quseeya dagaalo ka dhacay xaduuda, Gobolka galgaduud uu la wadaago Aaaga Shanaad ee Itoobiya maamusho.

 Soo ma fiicneyn in qaab-laba dowladood loo wada hadlo oo ay wada hadlaan Itoobiya iyo Soomaaliya? Haaa: laakin La soco Itoobiya waxay qoonsantahay in Soomaaliya aysan hal dowlad lahayn oo ay tahay maamulo yar yar oo iyaguna is-diidan dariska diidan oo ay tahay in mid walba gaarkiisa qol-mugdi ah lagula shiro. Haddii aan si Kooban kuugu sheego Ujeedada Kenya, Itoobiya iyo IGAD waa in ay aduunyada u muujiyaan in Soomaaliya aysan lahayn dowlad wax maamusha dadkeeduna uu yahay dad aan Ismaamuli karin Islamarkaana aan dowlad dhexe ku midoobi karin, sidii horeba ay ugu guuleysteen xoogagaas shisheeye inay Soomaaliya ugu yeeraan "A failed State".(Dal Guuldareystay)

 -----Dhamaad

N.B. Maqaalkan waad daabici kartaaa, kaamana gadna ama ma ahan mid loogu talagay inaad iibsato. Kaliya waa inaad aragtida qoraalka waxba ka bedelin marka laga reebo inaad saxi karto wixii qalad xagga Makiinada la xariira (Typo-erros)

Sidoo kale dad badan ayaa isku dayey inaad si qalad iigu soo jawaab celiyaan iyagoo ka xanaaqsan qoraalada af-Soomaaliga ah ee aan mararka qaar sameeyo. Walaayaaal markii horeba waan ogaa intaana qorin ka hor in dadka dhan aysan I wada amaani doonin laakin hadda aan la I wada caayi doonin. Ka suxufiyiin ahaan waa caadi inaan dadka ka careysiino mararka qaar kood markaan aragno siyaasi si xun wax u maamulaya:

Sometimes, Journalists have to fan the flame!

Mohamed Odowa .(JavaScript must be enabled to view this email address) Mogadishu-Somalia.

 

Keydmedia.Net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top