Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Wednesday 22 April 2015

Soomaaliyey Kenya Hantidiina kala soo baxa intey goori-goor tahay!

Keydmedia Online Kenya waxay noqotay good alaqgaleen ah, waxaana lasoo daristay wacdaro cartamaya oo ay kamid yihiin: Musuqmaasuq gaamuray, Al-Shabaab oo hadda yeelatay qadiyad ay ku dagaasho, Musuqmaasuqa oo si baaxad leh uga hanaqaaday Soomaaliya iyo laaluuska oo hareereeyey maamulka Dawladda Kenya.

Teaser Image Soomaaliyey Kenya Hantidiina kala soo baxa intey goori-goor tahay!

Sidoo kale

  • Hanti bililiqo u badan oo ku milantay ganacsi Kenya
  • Ciidanka nabadgelyada Kenya oo aan u faajignayn sugidda nabadgelyada qarankooda
  • Gafaneyaasha Soomaaliyeed oo jiifa hoteellada Kenya oo khatar ku ah kala furfuridda qabaailka reer Kenya
  • Khatarta Kenya iyo Soomaaliya uga iman doonta madrasayaasha iyo jiilka khamiisyada dhaadheer

War maxay ku dambayn...?   

Aaya-xumida Hantida Maalgashiga Soomaaliyeed

Tacabka Soomaalidu waa baylah waxaana lagu maalgeliyaa deegaan aan loo sahamin. In hantida loo sahamiyo meesha lagu abuurayo waa lagama maarmaan oo waxaa lasii oddorosi karaa in maalgelinta dalkaas lagu samaynayso ay ku badbaadi karto macaashna ka dhalin karto. 

Waxaa dhab ah in hantida Soomaalidu ku tacabto Kenya inay tahay baadi irmaan oo hadba ay ku nafciyaan cidda Gacanta ku haysa awoodda maamulka dalka Kenya. 

Rag iyo dumarba-Soomaalidu-waxay hoodo u leedahay inay hanti baaxad weyn leh ku tacabto degaan aan la hubin inay ku badbaadi doonto. Laguma tanaado ganacsiga lagu abuuray lab-lakac, bililiqo ku qarsasho, ku dayasho, iyo dameeru dhaan raacday. 

Waxaa taas kasii daran inaan la samayn guddi ganacsato ka kooban oo rugta ganacsiga iyo wasaaradda ganacsiga Kenya gacansaar la yeesha oo garab iyo gaashaan u noqda samatabixinta hantidooda si ay u helaan gurmad siyaasadeed marka hantidooda lagu xadgudbo.

Waxaa kaloo taas kasii daran, in ganacsiga Soomaalida ee qurbajoogto ku salaysan yahay xiriir xigtonimo, gobolaysi iyo qabyaalad ee uusan ahayn mid ku salaysan dan guud oo ay wadaagaan ganacsatada dalka Kenya lagu maalgashto, sidaas darteedna ay ahayd inay wada difaacdaan. 

Waa wax la yaab leh in hanti-abuurka Soomaaliyeed uu ku salaysan yahay qar- iska tuurnimo bareer ah oo kan maanta taajirka ahu uu  berry cayr yahay. 

Soomaaligu kuma kalsoona ganacsiga la luudiyo oo wuxuu ku khamaaraa hantidiisa si uu ribix badan ku helo muddo gaaban gudaheed, hadduu ku khasaarana fadhi ku-dirirka ayuu ku biiraa. 

Lama jecla in la adeegsado aqoonta iyo waayoaragnimda dhaqaale-abuurka inta aan maalgelinta lagu saamayn deegaan ayna ku tarmi doonin. 

Si kastoo ay u jiraan ganacsato baaxad weyn leh oo hanti ballaaran ku maalgelisa dal ajnabi oo aan lahayn siyaasad xasilloon, haddana nadaamka ganacsiga Soomaaliyeed wuxuu ku salaysan yahay hab garab-raratonimo. Kama hiilgurtaan habkii ay ku ganacsan jireen oo uma gudbaan heer warshadayn fudud oo looga sii gudbo warshadayn heer dhexe ah iyo kwo ballaaran. Kii saabuun iibin jirey uma gudbo inuu maalgelin ku sameeyo warshad fudud oo saabuunta samaysa. Kii dharka Alindiga farsamayn jirey uma gudbo inuu maalgelin ku sameeyo warshad fudu oo dharka samaysa, iwm. 

Maalqabeenka dunida kale ka ganacsata waxay adeegsaataa aqoonyahan dhaqaale marka ay maalgelin ku samaynayaan deegaan shisheeye oo nadaamka siyaasaddiisa dhaqaale iyo tan bisaylka bulshadiisu ayna weli nagaan, si loo sii oddoroso khasaaraha ama macaashka ku iman kara hantidaas la maalgeliyey iyadoo si cilmayaysan loo fannidayo. Waxaa lasii oddorosaa dalka aad maalgelinta ku samaynayso. Waxa la darsaa hab-maamulka dawladda, dunta isu haysa bulshada dalkaas ku nool, samatabaxa qaabka maalgashiga iyo laaluush-qaadashada 

  • Siyaasadda dalku ma tahay mid nagaatay? 
  • Ma waxaaka ka jira loollan-hoosaad qabyaaladeed oo curin kara dagaal sokeeyey?
  • Ma waxaa iman kara xiiso nabadgelyo-xumo oo sababi kara in maalgashiga la dhaco ama laaluush-bixin lagugu wiiqo? 
  • Hantida iyo hantiiluhu ma yeelan karaan karaamayn aadaminimo, nabadgelin iyo badbaadin hantiyeed?
  • Ma jiraa sharci dawladeed oo dammaanad qaadaya kalsoonida maalgashadaha? 
  • Sharciga maalgelinta shisheeye ma sugayaa badbaadinta hantida maalgashiga shisheeye? 
  • Haddii hantida maalgashi la dhaco ma jiraa caymis lagu soo kabsado?

U Sahaminta Maalgashiga:

Dhaqanka miyyiga oo aanu kasoo wada jeedno tixgelin weyn buu siiyaa in loo sii sahamiyo in reerka loo sii sahamiyo deegaankii loo  rari lahaa, maalgashiguna waxba taas kama duwana :

  •  Deegaanku ma leeyahay baad iyo biyo?
  •  Ma la hubaa nabadgelyadiisa?
  •  Intee raysku qodan yahay?
  • Qaniin iyo dugaag ma leeyahay?
  • Daaqsintiisu waa sidee?
  • Dhacar dambe ma leeyahay?

Sidaas oo kale, waxaa la sii qiyaasaa waxa maalgelintaasu ku dambayn karto:

  • Khasaaraha maalgelintaas ku iman karta iyo waxa ay dib kala kulmi doonto. 
  • Waxaa lasii odorosaa xaaladda siyaasadeed iyo midda dhaqan dhaqaale ee dalkaas ku iman karta? 
  • Dalku cadaw ma yeelan karaa? 
  • Xiise diimeed oo isku-dhac keenta ma curin kartaa daagaal sokeeye? 
  • Ilaha dhaqaalaha ee markaas ka jira ma guri karaan?

Qiyaasta 92% hantida uu Soomaaligu dal shisheeye ku maalgeliso waa kayd qaran oo  burcadnimo lagu kasbay ama ka yimid xatooyo faro-dhuu-dhuuban lagu xaday oo laga kasbay khasnaddii dawladda Soomaalia. Sida ay u badan tahay, waa hanti lala soo dhuuntay oo qarsoodi ah oo maalgelinteda aan loo meeldayin.

Dalka ajnabi oo Soomaalidu maalgelinta ku samaysato looma kuurgalo waxa uu ku dambayn doono. Maalgelinta Kenya lagu sameeyo waa khamaar. Waa hilib ceeriin oo dugaag geed u saran. Waa hanti Gacanta ugu jirta ciidanka nabadgelyada Kenya oo mushaarku ku yar yahay. Waa dhib jira haddana maalqabeenka Soomaaliyeed ayna k acaban. Daarta lafaheeda adiga ayaa iska leh hase ahaatee faa’iidada ka timaada waa lala wadaagaa. Waa arrin dhibkeeda le hoo ah labadaran mid dooro: Inaad daartii iime jaban kusii iibiso oo aad dalkaagii ku maalgashato iyo inaad jeebka cadaw ku nagaato.

Qaranka Kenya

Waa bulsho qabiilnimo ku dhisan oo aan lahayn qiiro waddaninimo oo ay wadaagaan. Waa dal lagu adeegsado laaluushka iyo leexsashada hantida qaranka. 4 wiil oo l-Shabaab ah baa khalkhaliyey awooddii qarankii dhammaa ee Kenya. Ciidankii lasoo diray waxay ku qaadatay 8 saac oo ku hawlgalay gar iyo gondaqabasho, waxayna hawlgaleen markii askarigiiba lagu soo taakuleeyey $30 doolar

Looma sii sahamiyo maalgashiga hantida lasoo biliqaystay. Kan wata ma rabo in la ogaado inuu haysto hanti burcadnimo lagu kasbay, mid uu soo boobay, sidaas darteed looma meel dayo halka ku habboon in lagu maalgashado. Waxaa u sahlan inuu daar dheer ku dhiso oo ijaarka ka gurto. Sida caadiga ah, hantida la soo boobo ama la xado way gashaa dhul. Lama ogaado in ay jiri karto meel kale oo lagu aamini karo. 

Qiyaasta wax ka yar 1% ayaa leh hanti ay waalidkood ka dhaxleen. Sidoo kale, wax ka yar 7% ayaa leh hanti ay dhididkooda ku tacbeen. Sidaas darted, daar kasta oo dheer oo laga dhisay Muqdisho, Kenya, Uganda ama Durban waa hanta booli kazoo jeeda.

Khatarta Madrasada

Weerarka iyo walaaca siyaasadeed ee dunida manta ka aloosan waxaa keenay wadaad-xume diinta afduuba oo argagixisanimada naaxiya. Wadaad khamiis iyo gardheer wuxuu helaa maalgelin carbeed wuxuuna kobciyaa colad iyo aargoosi qabiil. Arrintanu waxay faraxun ku haysaa Kenya iyo gobollada dhexe iyo kuwa koofur ee Soomaaliya, waana in si cad looga hortagaa.

Keydmedia Online Editorial 

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top