Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 16 December 2012

Jabuuti oo laga duqeeyo Soomaaliya!

Keydmedia Online (KON) - Waxaa Hawada Soomaaliya kusoo badanaya Diyaaradaha loo isticmaalo Basaasnimada iyo Dilka la shiisho oo aan Duulyaha laheyn loona yaqaano "Drones".

Teaser Image Jabuuti oo laga duqeeyo Soomaaliya!

Warbixin lagu soo daabacay Wargeysa Asbuuclaha ah ee "Der Spiegel" oo ugu afdheer Dalka Jarmalka ayaa wuxuu Akiday War ay soo Qortay KEYDMEDIA ONLINE Asbuuci lasoo dhaafay.

Warbixinta "Der Spiegel" waxey diirada saartay Dilalka ay fuliyaan Diyaaradaha aan Duulyaha laheyn oo loo yaqaano "Drones".

Qoraalkaan oo aad u dhuuxgalay Qaabka ay ku shaqeeyaan Diyaaradahaan iyo sida loo isticmaalo, tiradooda iyo Nuucyadooda iyo Dagaanada ay kala joogaan ayaa Warbixintu waxey tilmaamtay Horinta Drones-ka ah oo Afrika taala in Xaruntoodu tahay Dalka Jabuuti.

Warbixintu waxaa lagu sheegay in CIA-da Mareykanka ay Diyaaradahaas u adeegsato iney falal Militari ka fuliyaan Wadamada: Soomaaliya, Pakistaan iyo Yaman.

KEYDMEDIA ONLINE markii ey Warbixintaan "Der Spiegel" heshay ayeey waxey weydiisay Garyaqaan Cumar Xasan oo ku taqasusay Sharciga Caalamiga ah sida uu u arko Diyaaradahaan iyo Duqeymahaan loo geesanahayo Dadka iyo Dagaanka Soomaaliyeed. Wuxuu yiri:

"Saad u ogtihiinba Beesha Caalamka Soomaaliya waxey ku shabadeysay "Failed State" Dowlad fashilantay, waxaana walaayadii Wakiilnimada la wareegay oo ay Gacanta ugu jirtay United Nationka wixii ka horeeyay September 2002"

Cumar oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dalka waxaa heystay Kooxo hubeysan (Al-Shabaab) waxaana kasoo horjeeday mar Ciidamda Itoobiyaanka, marnah Ciidamda Itoobiyaanka, Ugaandeeska, Burundiga... oo Mareykanku siinayay Logistic-ga iyo Intelligence-ka wuxuuna ka dabooli jiray xaga Cirka"

"Marka waxaa la oron jiray Diyaaradahaas waxey duqeeyeen fariisimo Kooxaha Xagjireenka ah leeyihiin, duqeyn kasta sidaas baa Dadka loo tusin jiray ama loogu sheegi jiray, hase ahaatee waxaa dhacday in ay Goobo aysan joogin Argagixisadu Diyaaradahaas ay Duqeeyeen. Waxaa lasoo sheegay Dad reer Mii ah oo la laayay iyo Xoolo iyo Gurjo la baaba'shay."

Cumar Xasan oo ka Jawaabaya Su'aashii Wariyaha KEYDMEDIA ONLINE ayaa yiri:

"Hadaba Su'aashaadii aheyd Sharcigu maxuu ka qabaa, waaba iska cadahay oo ma jiro Sharci ogolaan kara in Dad la laayo hantidoodinah la baaba'sho, lagana dhigo sida wax aan dhicin oo kale. Waxaas oo dhan waa Xadgudub aan waafaqsaneyn International Low (Qeynuunka Caalamiga ah) laakiin Soomaaliya Caado looga dhigay"

Sidoo kale Diyaaradahaas waxaa laga hagaa Xarumo kale duwan oo ku kala yaala Tel Aviv (Isreal), Houston (Mareykanka) iyo Maraakiibta Dagaalka ee Mareykanka.

Soomaaliya waxaa lagu arkay Diyaarado Dul Heehaabaya iyo Duqeymo ay geesteen Diyaaradahaas, hase ahaatee Dadka Dagaanka ma garan karaan ama makala sooci karaan Diyaarada Duuliyahu saaranyahay iyo mida aan Duuliyaha laheyn oo laga hago meelo fog fog.

Hadaan Soomaali nahay waxaan maqalnaa "Diyaaradaa waxey duqeeyeen Kismaayo, Diyaaradaa waxey duqeeyeen Baraawe, Baardheere, Hobyo... " hase ahaatee ma jiraan wax isku taxalujiyay oo xaqiijiyay Khasaaraha ay geesteen iyo cida Mas'uulka ka aheyd.

Waqtigaan xaadirka ah Jabuuti iyo Soomaaliya waa Labo Wadan oo Mataana ah sida la sheego, hase ahaatee Dowlada Soomaaliya marnah kama aysan hadlin Diyaaradahaan kasoo duulaya Jabuuti oo duqeynaya Dalka Soomaaliya.

"Der Spiegel" Wuxuu kaloo Warbixintiisa ku muujiyay in Ciidamda Drones-ka haga ey Boqolkiiba Shan iyo toban la kulmaan Cudurada Sallal Maskaxeedka iyo Mugdiga Maskaxda gala, sidaa daraadeed madaama eysan u adkeesan karin Howshaan ku amreysa in ay dilaan Dad ka fog oo aan Badankood waxba galabsan Sadex bilood kadib waa la badalaa. Mustaqbilkoodunah ma wanaagsanaado sida Warbxiintu sheegeyso.

Jabuuti iyo Itoobiyaba waxaa ku yaala Saldhigyada Mareykanka ee Ciidamda Cirka kuwa ugu waaweyn. Waxaana jirta Airport-ka Jabuuti Qeyb (Qeybta bari) kamid ah oo laga mamnuucay Dadka Dagaanka u dhashay.

Sidoo kale Xeebta Jabuuti waxaa jirta Qeyb aysan soo gali karin Doonyo iyo Dadka Reer Jabuuti.

Waxaa la isweydiinayaa Soomaaliya ineysan Xor ahayn waa Muuqataa, Waayo Cirkii waa laga heystaa, badii waa laga heystaa oo waad araghteen inta Markab oo Dagaal iyo inta Markab oo kaluun, biriga waa laga heystaa oo waad aragteen Ciidamda Itoobiyaanka oo bari ilaa Koofur daadsan laakiin sidaas oo kale ma u muuqataa Jabuuti, Kenya, Itoobiya ayaguna ineysan Xor aheyn oo korka laga heysto!?

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


Ayuub A. Aden – Sana’a – Keydmedia Political Analyst - .(JavaScript must be enabled to view this email address)  

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top