Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 17 February 2013

Yaa Colaadda Ka Dhigta Agab Siyaasadeed?

Keydmedia Online | Nabad iyo Colaad waxaa laga warsadaa Qof labadaba usoo joogey. Tusale gaaban: Waxay u kala duwan yihiin sida jaannada iyo cadaabta. Nabadda waa lagu baraaraa, colaaddana waa lagu wiiqmaa.

Teaser Image Yaa Colaadda Ka Dhigta Agab Siyaasadeed?

Nabaddu waa macaan tahay, colaadduna waa xaraar tahay.

Inta dunida korkeeda ku nool, bulshada Yuhuudda mooyee, ma jirto cid kale oo Soomaalida uga waayo-aragsan barwaaqada nabaddu leedahay iyo ayaandarrada colaadda laga dhaxlo, waayo waxaan ku jirnaa sannadkii toddoba iyo labaatanaad oo dalka Soomaaliyeed ay ka taagnayd xasarad colaadeed-ha ahaadaan kuwo dawladu abuurtay iyo kuwo badan oo deegamada ka dhexdhashay; hadana bulsho-weynta Soomaaliyeed inteeda badani colaad bay isu-xambaarsan yhiin.

Haddaan la layska rogin baalkii xasaradaha colaadeed oo laysu tanaasulin, nabadu ma curan karto, colaaddu waa dahsoon tahay oo hadba meel ayay ksoo burqaan doontaa, cid walbana cidda dariskeeda ah ayay farta ku fiiqi doontaa.

Soomaalidu waa kala dhagar badan tahay ee ma kala caqli badna; nin walbana waa garan karaa waxa kan kale la hullaaban yahay.

Nabaddu waa hadiyo qaali ah oo u baahan in la kobciyo, in la koolkooliyo, in la bari kiintaaro oo marin habawga laga ilaaliyo. In kuwa seedda goynaya laga dhawro, kuwa xambaarsan oo u caleemo ruxayana lagu ammaano. Cadawga duullanka ku ah nabadda waa in laga yureeyo, kuwa uurdooxayana looga hortago sidii looga hortagi laha argagixisada iyo xag-jireenka.

Ifka iyo adduunyada waxaa ugu wanaagsan qofka nabadda xambaarsan oo kubcinteeda ku tusbiixsada; waxaana ugu aaya-xun kan colaadda huriya, waxdhibaalkeedana ku naaxa. Xasaradaha colaadeed ee maanta dalka ka aloosan waxay dibudhac iyo jahowareer ku noqon doonta jiilka naga dambeeya oo naga dhaxli doona hoog iyo ba'.

Colaad Maxaa Hurin Kara?

Sida badan colaadda waxay ku iman kartaa arrimha soo socda:

A - Keyd dhabiic ah oo dhulka ku jira, sida shidaalka, macdanta, haraha biyaha, wabiyada, dhul-beereedka, iwm.
B - Awood milatari oo gobol kusoo kororta oo uu mid kale ku muquuniyo
C - Derisnacab iyo aargoosasho
D - Loollan awood bursi, iyo
E -  Dal-ballaarsi.

Colaad Miyyi Ka Dhalata oo Siyaasadu Ku Maldahan tahay

Colaadda miyyi ka dhalata ma laha lahan raaga oo lagu kala fogaado. Marka shil dhaco, cuqaal, culumaauddiin iyo wax garad baa nabad marada u bitin jirey oo dhibaatada waa la xakameeyaa inta ayna sii fidin. Xilli qurah ma dhaafi jirin oo colaaddii nabad lagu soo dabbaali jirey. Si nabadda loo sii joogteeyo, waa lays xurmayn jirey oo gabdha ayaa lays wedaarsan jirey taasoo loola danlahaa in la gacaltoobo. “Meel xinjiru ku daadatay, xab baa lagu burburiyaa,” baa ahayd himilo weyn oo nabadda lagu joogteeyo.

Nolosha miyyi lama kala maarmo oo nabad baa lagu wada daaqi jirey. Cidna dan uma ahayn inay dariskooda geeska daraan oo xasarad colaadeed halkaas ka dhalato, waayo waa mid iyaga kusoo noqonaysa. Siyaasiga danaystaha ah ma tixgeliyo colaadda ka dhex-dhalata bulsha aan marna, mana ujeedo inuu burburinayo xeer bulsho oo soo jireen ah oo cid walba dan u ah. Dhulka deegaanka balad waa la kala leeyahay, hase yeeshee kan daaqsinta xoolaha waa la wadaagaa oo meesha raxmadda Eebbe hadba doojiso ayaa xilligaas la wada daaqaa.

Colaadda Siyaasigu Maleego

Colaadda siyaasigu curiyo lagama xafaaroobo. Lahan hore ayay soo kicisaa, laab lakac colaadeed bayna derisnimada bulshada kusoo kordhisaa. Ciil iyo calool-xumo hore leh baa is-biirsada oo bulshada ku abuurto uur-kutallo hore leh. Xiisaddaas colaadeed baa abuurta shaqaaqooyin nabadda gunta ka ridda. Colaadda siyaasigu maleego ma laha bilow iyo dhammaad midna, waxayna kala kaxaysaa busho deris ah oo is-hudhan oo dano badan wadaaga, noloshana ayana ku kala tagi karin. Waxaa magac iyo muuqaal baardheer leh yeesha siyaasiga abuura baaska, bulshaduna isaga ayay u afduuban tahay. Aqoonyahanka iyo indheer-garadka ayaa ka hortagi kara xeeladaha siyaasiga danaystaha ahu uu qabo oo bulshada dabka saara.

Caaqibo-xumada Colaadda

“Colaadda wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta,” waa xikmad fac weyn oo soo koobaysa dhibaatooyinka colaaddu keento. Colaadu waxay siiba usii u daran tahay bulshada derisnimada kula wadaagta oo kula qaybsata xigto iyo xigaalnimo, ha noqto midda colaadda hurinaysa ama midda colaadda lagu hurinayo. Nolosha dadka inta colaaddu saamayso ayaa dhalanteed noqota, horumarinta deegaanka iyo tanaadnimada bulshadana hakis baa ku yimaada.

Dhibaatada colaaddu waxay si gaar ah u taabanaysaa bulshda danyarteeda, sida: Dhallaanka, umulaha iyo dumarka uurka leh, naafada, waayeelka, agoonta, inta jirran, iwm. Colaadda raagta ama soo noqnota waxay dhaqanrogtaa xeerkii iyo haybaddii nabadda lagu sugi jirey. Intii colaadda damin jirtey, sida: Ugaasyada, nabadoonnada, salaadiinta, boqorrada, wabarrada, duubyada, malaaqyada, waxgardka, culumaauddinka iwm. way tabardhigaan markay ku hungoobaan xallinta colaadda soo noqnoqota. Colaadda aan damin waxay siyaasiga u tahay bandar laga hago himiladiisa. Waa u naas irmaan oo marna aan ka gurin.

Barwaaqooyinka nabaddu Kento

Nabaddu waa raaxo lagu tanaado. Waa halbowlaha nolosha waraabisa. Tacabka waxsoosaarka leh iyo talada dheellitiran ee bulshadu waxay ambaqaadaan xilliga nabad lagu daaqo. Reerku nabadda waa ku baraaraa oo ubadka dadka iyo kuwa duunyadba way ku calool-galaan wayna ku tarmaan.

Xiiso colaadeed nabad laguma dooni karo, hase yeeshee nabad baa colaad lagu damin karaa. Dhibaatada bulshada Soomaaliyeed kala fogaynsay waa qab qabdhaafsan iyo u hanqaltaag wax kororsi aan daawo loo heli karin. Colaaddu waxay kaa reebtaa tartanka horumarka iyo nimco ku noolaanshaha. Waxay bulshada baddaa halaag iyo dibu-dhac aan sahal looga soo kabsan karin. Intaba waa lasoo maray haddana laguma wano qaato.

Kii shalay nabad la'aan la gabidhaclaynayey baa laga yaabaa inuu maanta isagu yahay kan colaadda hurinaya. Hooyadii shalay colaadda ku balanbashay baa laga yaabaa inay hadda u mashxaradayso. Agoonkii shalaby abbihiis ku dhintay baa laga yaabaa inuu maanta colaad-huriyaha hubka u sido. Maalqabeenkii shalay ku xoolo beelay xasaradda colaadeed baa maanta huraya inuu ku beelo guntintii u baxsatay. Colaaddu waxay dhalan rog ku samayso waxaa u daran nuqsaanta soo gaarta dhimirka iyo maanka dadka! Taas baan sahal looga kabsan karin.

Yaa Colaadda Ka Dhigta Agab Siyaasadeed?

Waxay agab u tahay nin donaya inuu colaad wax ku noqdo. Dhiigga qubanaya iyo dhibka bulshadiisa buu sallaan ka dhigtaa, dantiisana sidaas buu ku gaaraa. Waa loo sacabbatumaa dhabarka ayaana lagu qaadaa. Ninka colaadda diiddan mid kale baa cadaw u arka oo farta ayaa lagu wada fiiqaa; colaad-ooguhuna waa kusii tanaadaa oo dhibkiisa ayuu sii badiyaa. Isagoon la rabin buu la wareegaa rabitaanka bulshadiisa, ciduna kuma dhacdo inay tiraahdo “War colaaddu dan nooma aha ee dhibka naga daa.” Xasaradaha colaadeed in tiro yar baa horumar ku gaarta, bulshada inteeda kalena geeri, dhaawac, burbur, barakac iyo nolol baaqata ayaa ku habsata.

Intaas waxaa kasii daran: “Haddii jiilkan af-Soomaaliga iyo dhaqan- wadaaggu ka dhexeeyo ay heshiin waayaan, ma kan dambe oo af iyo dhaqan-wadaag midna lahayn baa nabadayn waarta laga sugayaa???  

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net


By Keydmedia Online's Prof. Mohamoud Iman Adan - .(JavaScript must be enabled to view this email address).

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top