Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 5 November 2010

Riwaayada Waax iyo Waadi Al Shabaab ayaa Diiday in la Fiirsado??

(Dr. Ali.A.Hirabe) - Waxaa jira sharci dhahaya qofka dhaqtarka ah marka uu ka soo qalin jibiyo jaamacadaha ”haddii aadan dhayi karin ” daaweeynkarin ” cudurka ha uga darin”,waxaad moodaa intii ilaaheey ka soo badbaadiyay dagaalada foosha xumaa ee dalkeena ku habsaday kuna dhaqan qurbaha in eeyan diyaar u aheeyn damminta colaada socotaa iyo soo celinta nabada iyo wadanoolaansha.

Waxaa foolxuma ah in kuwa qurbaha aadka ugu raagay xiligaan in eey abuuraan siyaasada umada eeyan la jaan qaadi karin welina dhiigeeda uu socdo,waxaa naga dhummay hogaankii umada u horseedi lahaa nabada iyo wadanoolaansho dhaxdeena iyo mida shacuubta deriska aan nahay,sida manta muuqataa Somali waxaa eey u baahan yahay hogaan xalaal ah oo ka soo bilowda tuulo ilaa degmo ilaa gobol Grassroots democracy umadana ku hogaamiya cadaalad is-kaashi wada jir iyo in eey u dhaq-dhaqaaqaan maslaxada cida ay hogaaminaayaan una wadaan dhinaca khayrka iyo wanaaga kana hor istaagta Sharta iyo xumaha. (good leader) sabbabta oo ah hogaankii hore umada uma horseedin nabad iyo wadanoolaansho, colaada hada socotaana ayaga ayaa  masuuliyadeeda ugu badan leh sabbata oo ah dhaxal ama raad wanaagsan uguma eeyan tagain umada eey ka dhasheen balse gumaad iyo foolxumo, haddii aanan wax laga bedelin hogaanka umada Somali ee reer walba dhexdeeda ka taagan, shidada kama baxeeyno weligeed.


Waxa maanta socdaa ee gobolada Hiiraan,Dhuusamareeb,Mudug, iyo Xamar ee dowlad gobaleedka lagu magacaabaayo waxaa quman in dib loo fiiriyo sabbabta oo ah waxaan aragnaa in maamuladaa meesha laga soo maleegay in eey tahay qurbaha, qurbajoogana in uu xiligaan u soo tafo xeeytay siyaasad horseedi karta in lagu dagaalamo degmooyinka,tuulooyinka ceelasha iyo daaqa,sow ma qumana inta dadka dhulka iyo daaqa iyo ceelka ka dhaxeeyaa eey abuuraan hab-nololeed u hiiliya ee aanan laga soo dhoofin qurbaha balse ka yimaada umada dhexdeeda,Madarkicis waxaa uu ku dagaalamayaa Mudug asaga oo is diidan,Cadaado iyo Gaalkacayo ilama aha in laba dowlad kala yeelato,sida oo kale Hiiraan ilaa iyo hada waxaa ka jira laba dowlad laba madaxweeyne sow kaaf iyo kala dheri maaha iyo riwaayad qurba jooga dadka,dalka ku soo kordhiyay,sida oo kale Muduloodka qaarkiis ee qurbaha waxaa eey qaateen in la sameeyo dowlad goboleed balse qurba jooga Mudulood badankiisa waxaa uu  ku mashquulsan yahay ugu horeeyn in umada eey midowdo hal noqoto ama inta ugu badan qaadato hal mabdá Nabiliyoon waxaa uu dhahay (Ciidan Bakayleyaal ah oo uu hogaaminaayo libaax ayaa ka khayr badan ciidan libaaxyo ah oo uu hogaaminaayo Bakayle) socn meeyso xaq maaha balse waa xal,waxaa loo baahan yahay in la kala garto hogaanka dhaqanka iyo midka siyaasada,Dhaqanka waa mid jiray, jiridoona weligiis oo aan is bed bedel laheeyn, basle siyaasada iyo siyaasiga waa kan la jaan qaadi kara isbedelka siyaasda markaas socota ama saxansaxdeeda siyaasadeed ee soo socota, waxaad moodaa haddii mashruuc la rabo in la fushado in duubabka dhaqanka iyo kuwa siyaasada ku fashilmay in umada la horkeeno iyada oo la ogyahay in mashruucaani in uusan soconkarin.

Mudulood qaar waxuu ku jiraa al-shabab qaarkiis x.islaam kuwana dowlada midnimada qaran,sow riwaayad waax iyo waadi wadaan xagee lagu dhigayaa oo laga fiirsanayaa,jilaayaasha waa kuwee,riwaayada yaa alifay, abwaanka waam kee,qiimaha lagu galayo riwaayadaa waa imisa, xagee lagu iibiyaa biljetiga,waxaa loo baahan yahay Political Challenge, Isbedel siyaasadeed oo dhab ah midnimo iyo hogaamin xalaal ah,umad xor ah ayaa dowlad sameeysata.

Hogaamiye  waa qof ka leh awooda hogaamiyeed una isticmaala awoodiisa in uu saameeyo habdhaqanka ummadda uu hogaaminaayo o-goshahay kuna  jiheeyo ujeeddo siyaasadeeda hufan tahay oo la wada wadaago,sidaa darteed ummadina kama maarnato hogaamin kala nidaamisa kuna dhaqda cadaalad, sidaa darteed ayuu Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) nafteena ku amray in loo magacaabo hogaamiye isku-tag kasta oo ummaddeed ilaa kuwa ugu yaryar, wuxuuna dhahay  Rasuulku (Calayhi Salaatu Wa Salaam) (haddii saddex u baxaan safar midkood hogaan ha kadhigtaan).


"Nin walaayad la saaray oo loo wakiishay aqoon Weer fagaare timaada hadduu weyd ku ahaado wejigiisa la doori ummadii waddatay Walbahaar ku abuur”.


Dhulka inta ugu badan waxaa ka taliya al-shabab riwaayda waax iyo waadi haddii loo abuuray Mudulood dhulkaa ha la geeyo,sida oo kale Hiraan-state bal geeya Hiraan,waa riwaayado abwaanka alifay uu NGO yahay xaqiiqdiine aad ugu fog daruufta iyo siyaasada dhulka ka jirta,.weli waxaa nool oo umada horboodaya hogamiye kooxeedkii umada u diiday nabada iyo nolol,waxii loo keenana aanan diideeyn,wallaalayaal haddii umada eey doorato hogaamiye xun umada waa xumaataa shaki kuma jira in umada walbaa wanaageeda uu ku xiran yahay hadba hogaanka eey Doorato.

W/Q: Dr. Ali.A.Hirabe - .(JavaScript must be enabled to view this email address)

More Editorial

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top