Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 25 December 2012

Safaarad Dadkeeda gadanaysa! - Daawo

C/karii Cilmi Nuur - Magacoow yaa ku leh? Yaa ku mudan? Sidee lagugu mutaa? Maqaam in la gaaro waa fudud dahay, balse, in qaabkuu yahay looga soo dhalaalo yaa adag!

Teaser Image Safaarad Dadkeeda gadanaysa! - Daawo

Waxaad la socotaan warbixinta Bangiga Adduunka ka soo saaray Musuqa Soomaali la degay, halkan kuma faahfaahinayno, balse, waxay caddayn u tahay xaaraan ku naxyada xukunka haya, inay xilka u hayaan inay xoolo aruur sadaan.

 

Dhanka kale, waxaa jirta dhibaato guud oo Soomaalida qurbaha haysata, gaar ahaan kuwooda ku nool waxan loogu yeero Dunida Sadaxaad, gaar ahaan intooda ku nool Qaaradaha Afrika iyo Aasiya, Afrika dhibka intiisa badan wuxuu Soomaalida ku haystaa wadamada Bariga iyo Bartamaha, halka Aasiyana uu ku dhibku ka jiro wadammada Carabta iyo Aasiyada Koofureed.

 

Qormadan waxay ku saabsan tahay dhacdo xanuun badan, oo horay u dhacday, haddana wali taagan, ku saabsan Danjiraha Sasfaaradda Soomaalidu ku leedahay wadanka Tanzania, Safiirkaa magaciisa waxaa la yiraa: C/xakiim Cali Yaasiin, labadii sano ee dambaysay ayuu xilkaa hayey, waxaana xilkan u magacaabay Dawladdan Shariif ee gabaabsiga ah.

 

Inta aannan ka hadlin dhibka ka taagan Tanzania, aan in yar dib sooyaalka ugu laabanno, ninkan xilka Danjirenimo haya, ma ahan markii u horraysay ee xilkan oo kale loo magaacabo, C/laahi Yuusuf ayaa wuxuu u soo magacaabay safaaradda Soomaalidu ku leedahay Libyadii Qaddafi sanaddii 2006-dii, xilligaa wadanka Libya Soomaali badan kuma xirnayn, wayse jireen dad xiran oo xabsiyo kala duwan ku  jiray.


Ninkan markuu yimid, shaqadii u horraysay ee uu qabtay waxay ahayd, inuu shaqaalihii safaaradda kala shaqaynayey cuuryaamiyo, wax walbana isku koobay, dabadeedna Safaaradda dhexdeeda ka furtay Xawaalad, ma ahan mudanahii ugu horreeyey ee Xawaalad ganacsi ka dhex fura Safaaradda, oo waxaa ugu horreeyey Maxamed XuseenIlka Dahab”, oo hadda Xildhibaan ka ah Baarlamaankan is diiddan, si fiicanna uga dhex muuqday kooxdii ololaha ugu jirtay in xilka laga qaado Shariif Sakiin.


Sanaddii 2007-2008 waxay ahayd sanadihii ugu xumaa ee soo mara Soomaalida ku dhaqan Libya, si walba ha ku joogaane, Ardo, Qoysas iyo Tahriibayaal, dhibka ugu xooggan ee dhacay wuxuu ahaa; in Ninkan Danjiraha ka ahaa xilligaa Safaaradda waa C/xakiim Cali Yaasiin iminkana Tanzania ka ehe, uu u xiibsiibtay Mooryaan ka ganacsada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Xabsiyada Libya.

 

Sheekadu sidan ayey u dhacday:

 

Ugu horrayn, maadaama Libya ka waddan ahaan maamulkiisu adkaa, waxaa si xad dhaaf ah ugu baahsanaa Musuqa, Gabar Soomaaliyeed oo wadankaa daganeed oo magaceeda u ahaa: Muna Cabdi, ayaa suuragalisay in dad badan oo Xabsiyada ku jiray ka siidaysay, ka dib markii ay xiriir la samaysay qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka, gaar ahaan kuwooda qaabilsan soo galootiga iyo xabsiyada, dabcan hawsha gabadhu qabatay ma ahayn bilaash, oo waxaa la socotay in dadka la sii daynayo ay bixin jireen khidmad aan sidaa u badnayn, oo dabcan inteeda badan ay qaadan jireen Saraakiisha ciidanka Libyanka ah.


Gabadhan markii ay Xabsiyada laba kol dad ka sii daysay, ayaa maalintii dambe waxaa wacay C/xakiim Cali Yaasiin una sheegay inay arrimahan faraha kala baxdo, uguna gooddiyey in haddii kale tallaabo laga qaadi doono, oo ka dhigan in xabsi loo taxaabi doonno, xeer ahaan waa sax, balse, hadduu xilkiisii ka soo dhalaali waayey, ee gabari gudatay, muxuu u diidayaa? Ujeedkiisu dib ayuu ka soo baxay, waana midda aan doonayno inaad nala wadaagtaan, gabadhii iyadoo yaabban baqdinna ku jirto ayey hawshii joojisay, cabsida waxaa keenay inuu wiil dhallinyaro oo magaciisu ahaa Yuusuf Jeeri xabsigabu taxaabay, isagoo ku andacooday inuu yahay Alqacida, oo muddo sanad ku dhawaad ah uu u xirnaa ninkaa!


C/xakiim Cali Yaasiin wuxuu u qalab qaatay sidii uu lacag uga samayn lahaa Soomaalida xiran, wuxuu sheegay in qofkii lacag iska bixiya xabisga laga soo daynayo, qofkii aan lacag bixinna uu meeshiisa isaga jirayo, dabcan, warku suuqa ayuu galay, Soomaalida dhanna wada gaaray, qof walbana isku dayey sidii uu cadaabka uga bixi lahaa, ayna ka bixin karto oo kaliya lacagtiisa, oo afku loogu shubo ninkan danjiraha lagu sheegay.


Mabuus walba wuxuu u qaylodhaan saday Qaraabo, Saxiib iyo Qof Alla qofkuu wax ku tabayo, wuxuuna dalbaday in lacagta loogu soo xawilo Xawaalad Heblaayo, marka lacagtu timaaddo, waxaa C/xakiim Cali Yaasiin loo gayn jiray liis ay ku qoran yihiin inta lacag haysata ee awoodda inay madaxooda furtaan, liiskaa ayuu dirayaa, una gudbinayaa laanta xabsiyada, kana codsanayey in la sii daayo, Safaaradduna waraaq dammaanad qaad ah ku lifaaqayso magacyada dadkan xiran.


Qofkii aan lacag haysan, ama lacagtiisu soo daahdo xabsiguu ku sii jirayaa ama isagaba jirayaa, illeen ninkan qof aan lacag haysan Soomaali uma ehee! Haddaba, ma la dhihi karaa: qof wadan kale ka soo jeeda, oo aan Soomaali ahayn, balse, Soomaali sheegtay ee lacag iska baxshay in Soomaalinimu uu ku soo daynayo? Illeen isaga lacagta ayaa wax walba ugu muhimsane!  


Liiska qoran waxaa qaadaya nin magaciisu yahay Nuur Boosh, oo ahaa darawilkiisa qaaska ah, magacyada ayuu xabsiga la tagayaa, ugu gdubinayaa madaxa xabsiga, sidaana dadka lagu soo daynayaa, iyadoo waliba lagu soo qaadayo baaburka qaaska safiirka u leedahay, waa yaabe, maadaama uu lacag ka qaatay, maa u kireyo gaari kale, marka uu gaariga saraafadda ku soo qaadayo?!


Qiimaha uu dadka ka qaado waxaa ugu yareyd 750$ [Todo boqol iyo konton Dollar] ka yar haddaad kor u awdana lagaa qaadi mayo, ka ganacsiga Soomaalida wuxuu socday in ka badan sanad iyo bar, dakhliga soo galay xilligaa waxaan ku qiyaasi karnaa adduun gaaraya: 100.000$ [Boqol kun oo Dollar] intaa waxaa u sii dheer lacagta Xawaaladda uu ka qaato, mushaarka dawladda Libya siiso shaqaalaha Safaaradda oo isaga loo soo mariyo iyo shaxaadka uu ka helo madaxda imaanaysa wadanka.


Ka ganacsiga dadka waxaa u dheeraa qabyaalad iyo qabiil, qof Soomaali ah uu rabay ma jirin, aan ka ahayn reerkiisa oo qura, waxaa la yaab ahayd, markii uu waraaq cabasho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibabadda ee Libya, oo eedayn ugu soo jeediyey mudane Safaaradda ka shaqaynayey, oo magaciisa la oran jiray C/casiis, oo hayb ahaan iyo qabiil ahaan ba magaca kore la wadaaga, wax aan Mafiye ahayn laguma tilmaami karo.


Maanta wuxuu intii iyo ka daran ku hayaa Soomaalida ku dhibaataysan wadanka Tanzania, in badan ayaa laga hadlay dhibkaa, waxaa ka mid ahaa dadkii codkoodu ku daray C/qaasim Salaad Xasan, oo ku tilmaamay falal addoonsimo ah waxa ka dhacaya wadanka Tanzania, ee Soomaalida lagula kaco, ayaan darrada ayaa ah inaan ilaa hadda cid wax ka qabatay jirin, laba kolna Shariif safar ku tagay, wax is badalana aysan muuqan.


Haddaad intaa ku gaabinno C/xakiim Cali Yaasiin wixii uu safaaradda Libya ka sameeyey, aan gudagalno waxa uu iminka ku hayo safaaradda Tanzania ku taal, waa tii la yiri: “Mukulaal madax doolli lama xajisee” iyo “Ninna caadadi kama tagee” siduu Soomaalida u baaran jiray ayaa iminka u baartaa, malaha eraga Mooryaan waxaa lagu suntay dad gaar ah, balse, ninka Soomaalida ku furto dibadda, ninka hantida Soomaaliyeed booba, ninka lacagaha deeqaha ah cuna, ma ahan Mooryaan, waa lama garan.


Dhallinyaro fara badan uu laga soo daayey xabsiyo ku yaal Tanzania waxay caddeeyeen in, C/xakiim Cali Yaasiin oo iminka ah madaxa safaaradda Soomaalida, uu lacag madax furusha ah ka qaato dadka si looga soo daayo xabsiyada, qof walba laga qaaday lacag u dhaxaysa 800-1000 $ [siddeed ilaa kun Dollar] qofkii aan bixinna uusan hawo ka qabin rajana ka lahayn in xabsiga laga soo daayo.


La yaabka jira ayaa ah, in Shariif labadii safar uu ku tagay Tanzania uusan marna soo hadal qaadin Soomaalida ku xirxiran dalkaa, waliba ninka isaga u joogo meesha uu lacag baad ah ka qaato, waaba su’aale: lacagta miyey qaybsadaan? Maadaama uusan ilaa hadda wax hadal ah ka dhihin, ma filayno inuusan maqal, ama aan warbixintaasi soo gaarin.


Run ahaan shakigu wuu sii ballaaranayaa, maxaa yeelay ninkan safaaradda loo magacaabay, waxaa horay u soo deyriyey maamulkii Ghaddafi, oo sheegay inaan ninkan lala shaqayn karin, ayna bateen qaladaadkiisa ka baxsdan hawlaha Diblomaasiyadda, waana sababta looga soo cayriyey dalka Libya, haba lagu magacaabo wareejin iyo baddale.


Ugu dambayn, Soomaaliyeeyey haddii madaxda wadanka joogtaa hantidii lunsadeen, hadday shilinkii wadanka soo galay iyagu isku koobeen, haddii aysan nolol la doonayn wax iyaga ka baxsan, haddii kuwa dibadda Soomaalida ku maratalana ay dadkii gadanayaa, sidii Wanan baraare oo kale, xaggee loo ciirsadaa? Xaggee loo baxsadaa? Mid mid dhaama ma lahan. Allow magantaa.

 

C/kariim Cilmi Nuur - 2012-06-21


 

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top