Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 29 December 2012

Safaarad Danyarta U Diirnaxda & Mid Diiratah!

Keydmedia Exclusive - Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Tahriib ah tiradooduna kor u dhaaftay 50 ayaa Safaarada Soomaaliya u fadhida Dalka Liibiya waxey ku guuleysatay inay ka soodeyso Xabsiyada Dalka Liibiya.

Teaser Image Safaarad Danyarta U Diirnaxda & Mid Diiratah!

Dhalinyaradaan ayaa aad ugu cadibnaa Xabsiyada SARMAAN, QARYAN iyo MITIGA ee dalka Libya.

Waxa kaliya oo ay ku muteysteen Xabsigaas oo dambi cinqaabeed looga dhigay waa: "Tahriib ayaad tihiin".

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Liibiya oo Tifaftiraha KEYDMEDIA ONLINE uu kala xariiray Qadka Talefoonka Safiirka Abdiqani Maxamed Waeis iyo Qunsulka Aidarus Ahmed Kahie ayaa waxey KON u sheegeen in ay Dadaal ugu jiraan, kuna howlanyihiin in ku dhawaad Boqolaal Dhaliyaro ah oo isugu jira Dumar, Caruur iyo Rag oo Xabsiyada Libya ku jira dhawaan heli doonaan xuriyadooda.

Qunsulka Aidarus Ahmed Kahie ayaa Warbixintiisu wuxuu ku sheegay in Dhalinyaradaan Soomaaliyeed la qabtay dabadeedna ay xireen Ciidanka Amaanka ee Libya, ayaga oo markaas ku jiray tahriib xaga badda ah oo ay rabeen inay ku gaaraan xeebaha Dalka Talyaaniga iyo Jaziirada Malta.

"Dhibaatooyinka aan kala kulano soo deynta Dhalinyaradas waxaa ugu horeeya Waji Gabaxa aan kala kulano soo deyntooda, Warqadaan waxaan u Qornay Xafiisyada qaabilsan Maxaabiista, Telefoonaa dirnay, intaas kuma aanan ekaanin ee lug baan ugu tagnay Mas'uuliyiinta oo waxaan ula hadalnay Kafool-kafool kana Codsanay inay soo daayaan Dhalinyaradaas, markii naloo soo daayay oo ay baanaanka yimaadeen baa waxaa dhacday in Labo Asbuuc kabacdi Dib loosoo xiray ayagoo laga soo qabtay Goobtii Tahriibka" Ayuu yiri Safiirka Abdiqani Maxamed.

Safiirka wuxuu intaas raaciyay in ay Muhim tahay in la Wacyigaliyo Dhalinyarada Soomaaliyeed si aysan u halaagin Nafsadooda.

"Sanad kayar ayaan hayaa Howsha Qunsuliyada la ii soo Magacaabay, Xaalada aan Dalka Liibiya ugu nimidnah waa mid Tiiraanyo kugu beereysa, markii aad aragtit Boqolaalka Dhalinyarada ah oo Dacdareesan una baahan waxwalba oo gargaar ah oo aysan Safaaradi baahi tiri karin, waaxaana loo baahanyahay in Mashruuc gaar ah oo Labada Dowladood iska kaashadaan loo sameeyo." Ayuu yiri Qunsulka oo la hadla KON.

Kacdoonkii Dadweynaha Libya ee lagu riday Xukunkii 41 Sano ee Qadaafi February 2011 waxey dhalisay Isbedel Taariikheed ee Siyasadda, Dhaqaalaha iyo qaab Dhismeedkii Bulshada Dalka. Iskudhacyo hubeysan iyo maamul wadaag la'aan ayaa wali ka socda qeybo kamid ah Dalka Liibiya.

Dagaaladii Xooga badnaa ee lagu riday Xukunkii hore wuxuu dhaliyay Burbur, Qax iyo Fowdo, haba u badnaatee goobahii Dagaalka la isga hor yimid ee Xeebaha iyo Galbeedka Buuraleyda Gobolka Nafusa.

Waxey baqdin weyn ka jirtaa Hubka faraha badan ee waaweyn iyo yaryarba leh ee wali ku jira Gacanta Dadweynaha, taasnah waxey keentay kalsooni xuma dhex taala Qabaa'ilka Liibya oo si weyn looga dareemayo, sidoo ritaasi waxey dhalisay in wali Wadamada daneeya Libya in ay hakad galiyaan mada aanesan hubin Amaankooda inta ay ka howlgalayaan Dalka.

Lagaso bilaabo February 2011 ee Dagalku bilowday in kabadan 900.000 Kun ayaa Dalka ka Qaxay, inta badan Ajnabiyiin Caalamka Sadexaad ka yimid ayey ahaayeen.

Sidoo kale waxaa Qaxay in kabadan 660.000 oo KUN oo u dhashay Dalka Liibiya, ku dhawaad 200.000 oo Kun ayaa Dagaankoodi ka Qaxay oo Dalka Gudihiisa ku Firirsan.

Waqtigaan waxaa Moodaa inay Xaaladu soo Hagaageyso oo Dad badani Dalka dib ugu soo laabanayaan, inkastoo qaarkood aysan Awoodi karin inay Noloshoodi hore dib ugu soo laabtaan, maadaama ay Maantay Sabool yihiin. Ku dhawaad ilaa iyo 1500 oo Soomaali ah ayey Safaarada Soomaalida ee Liibiya Diwaan galisay oo ay ka warqabtaa in ay joogaan Dalka Liibya.

Sidaad wada ogsoontihiin Liibiya waxey xubin katahay Ururka OAU ee dhaqan Galinta heshiiskii 1969 ee daryelida Qaxootiga Afrika laakiinse kama mid ahan Saxiixayaashii 1951 ee Aduunka. Dalka Liibya malahan xeer Qarameed mana lahan Mamul maareeya Qaxootiga.

Madama Qaxootiga Liibya ku sugan ay wadamo badan ka kala yimaadeen, waxaa dalka soo galay ilaa 2.000.000 ayaga oo ka fa'ideysanaya xeerka Shaqo doonka Ajnabiga ee Albabka furan. Waxaa kaloo intaas dheer Hirarka Tahriibka oo maanka ku haya inay Yurub u gudbaan, maadaama ay Liibiya Xuduud Badeed la leedahay Malta iyo Lambardusa ee Talyaaniga.

Arimahaas aan kor kusoo xusnay ayaa keentay in Qaxootiga Soomaalida ee Dalka Liibya ku sugan ay la kulmaan dhibaatooyin farabadan sida: Xabis, Kufsi iyo xeryo lagu Xanibo laguna Cinqaabo, waxeyna wayaan Xuquuq badan oo ay lahaayeen.

Dadka ka Tahriiba Liibiya waxaa u badan Soomaalida waxeyna Naftooda halis u geliyaan Riyo u Sawireysa "NOLOL CUSUB", riyadaas oo Boqolkii 93% ay ku dhamaato Bartamaha Badda Mediterranea.

Nasiibdaro, intee Gabar, Intee Wiil oo aad Taqaaniin oo ay Baddu Qabri u noqotay...

Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top