Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 16 July 2010

Talada ha loo celiyo Ummadda Soomaaliyeed

Sida ay sheegeen culumada cilmiga bulshada iyo taariikhda, soomaalidii hore waxay lahayd hab abaabul bulsho ee ku salaysan dimuqraadiyad oo waxa ay lahaayeen hayado ay ka mid ahaa shirweyne ay kaga doodi jireen arrinmo muhiim ah ee la xiriiray nolosha iyo jiritaanka bulshoweynta.

Teaser Image Talada ha loo celiyo Ummadda Soomaaliyeed

Bulsho kasta ee soomaaliyeed waxay lahayd hoggaamiye lagu soo dooran juiray hab dimuqraadi ah. Xilka hoggamiyenimo waxa loo dooran  jiray qofba qofka uu ka garaad sarreyey kana baruud iyo karaamo badnaa.  

Gumeysigii reer Yurub, markii uu dhulka soomaaliyeed qabsaday, wuxuu nidaamkii doorashada hoggaaamiyaalka bulshooyinka u beddelay qaab magacaabis. Wixii markaa ka dambeeyey hoggaamiyaalkaasi waxay noqdeen dad mushaharo qaata  ee uu gumeystuhu u adeegsado xakamaynta dadweynaha hoos yimaada.  

markii xurriyadii la qaatay, waxaa dalka laga dhisay nidaam dastuuri ah ee ku salaysan dhaqankii dimuqraadiga ahaa iyo doorashada xorta ah, waxaana dalka laga hirgeliyey nidaam siyaasadeed ee ku dhisan  wadar xisbiilaha oo waxaa la qabtay doorashooyin guud ee lagu doortay Gole Shacbi oo isagana doorta Madaxweyne.

Nidaamkaas, inkasta uu curdun ahaa, wuxuu shaqayey muddo 9 sano ah, ayada oo aan wax weyn laga dhaxlin.

Nidaamkii Dastuuriga ah waxaa afgembiyey koox ka mid ahayd Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee la magac baxay Golaha Sare ee Kacaanka ee uu hoggaaminayey Jen. Maxamed Siyaad Barre.

Golihii Sare ee Kacaanku, markii uu talaga dalka la wareegay, wuxuu laalay dastuurkii dalka, isla markaana waxaa uu xabsiga u taxaabay madaxdii hayadihii Dastuuriga ahaa.

Golihii Sare ee Kacaanka  wuxuu ballanqaaday in uu dalka u dejin doono nidaam oggol wadar xisbi, ka dibna uu abaabuli doono doorashooyin guud ee xor ah.

Xukunkii caskariga ahaa ma fulinin ballaqaadkiisii ahaa inuu dalka ka abaabulo doorashooyin guud ee xor ah, bal waxaa uu caddeystay dictatooriyad iyo Inuu ku tunto xuquuqul Insaanka.

Kud ka guur oo qanje u guur

Markii ay burburtay xukuumaddii dhexe, waxaa dalka ka hanaqaaday hoggaamiye-kooxeedyo ama qabqablayaal dagaal oo dadka kadeeday isla markaana u diiday hurdo iyo hoyaad.Waxaad moodaa in kooxahaasi aysan lahayn hadaf siyaasadeed , bal ay ahaayeen burcad ujeeddadoodu ahayd  xoolo-aruursi  iyo inay is-hortaaggaan dadaal kasta oo loo galo soo celinta nidaam guud iyo kala dabeyn.

Ayada oo loo maaro láyahay qabqablayaalkii dagaalka ayaa waxaa  u soo baxay Maxaakimta Islaamiga ah oo Ihaahay guusha ka siiyey, meeshana ka saaray qabqablayaalkaasi.

Maxaakimta Islaamiga waxaa meesha ka saaray cadowgii labajeesoodka ahaa ee Itoobiya iyo Mareykanka oo isku bahaystay inay baqtiiyaan iftiinkii iyo rajadii lixda bilood ku sinnaa.

Khilaafkii soo kala dhexgalay Maxaakimtii Islaamiga iyo guud ahaan muqaawimada ayaa guushii hore ay soo hooyeen  Maxaakimta ka dhigay wax dhalanteed ahaa.

Ka dib markii uu dalka ka baxay cadawgii Xabashida, waxaa soo ifbaxay kooxo  sheeganaya magac diimeed oo dhammaan doonaya inay xukunka xoog ku qasadaan, hadalkoodana laga dhadhansanayo inay ayaga oo kaliya xaq u leeyihiin inay qabtaan talada dalka.

Marka la eego falalka waxshinnimada ah  oo ay ku kacayaan qaar ka mid ah kooxahaasi, waxaa caano iyo nabad noqanaaya wixii ay ku kici jireen qabqablayaalkii dagaalka.

Maanta waxaa la isku raacsan yahay ee Golaha Shacabku jideeyey in dalka iyo dadka lagu dhaqo Shareecada; waxaase muran ka taagan yahay: Yaa ku dhaqaya???

Koox kasta waxay qabtaa inay ayada oo kaliya xaq u leedahay inay Kitaabka wax ku dhaqdo oo dabaqdo Shareecada Islaamka. Miyuusan Shacabku xaq u lahayn inuu isagu doorta cidda hoggaanka u qabanaysa oo ku dhaqaysa Shareecada Islaamka?

Ma  is-diidayaan Shareecada Islaamka iyo doorasho xaq iyo xorba ah ee ka dhacda dalka Soomaaliyeed?

Talada oo dadweynaha loo celiyo ayaa ah xalka kaliya oo lagu soo afjari karo dagaallada iyo loollanka siyaasadeed ee ka socda dalkeenna. Taasina waxay ku suurto geli kartaa in kooxa ku hardamaya awoodda dalka ay:

  • Ka tanaasulaan dagaalka iyo fara ka-hadalka
  • Isku abaabulaan qaab xisbi
  • Kalsooni ka sameystaan dadweynaha soomaaliyeed
  • Isku diyaariyaan doorasho guud  ee xor ah oo dalka laga abaabulo.

Ra'yigaaga ku Qor meshaan.

keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top