Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 1 March 2011

TOP SECRET - Sulux, Manifesto & Dagaaladii Sokeeye ee Somalia (Daawo Video)

Ayuub A. Aden - Sana‘a (Keydmedia) - Qeybti 3aad - Fadlan Aqriso Qeytii Labaad - Curashadii USC. Loollankii dahsoonaa ee xukun-doonka Maxamuud Saleebaan. Xeeladihii hambaysiga xukunkii Maxamad S. Barre iyo Dawladdii ku-meelgaarka ahayd ee Manifesto iyo Sulux Dhisatay oo Cali Mahdi uu madaxweynaha ka noqday.

Teaser Image TOP SECRET - Sulux, Manifesto & Dagaaladii Sokeeye ee Somalia (Daawo Video)

USC oo hormuud ka ahaayeen maqaawiir Hawiye oo ay kamid ahaayeen Ismaaciil Jamcaale, Cali Wardhiigley, Xuseen Cali shiddo iyo rag kale oo badan ayaa urur siyaasadeed ku dhisay Roma, Italia sannadkii 1989, markaasoo xukunkii Maxamad Siyaadna uu liiqliiqad noqday.

Dhismada USC oo aan Qoto Daarood maskaxdooda iyo himiladooda midna ka muuqan baa waxay walwal badan ku keentay indheer-garadkii Maxamuud Saleebaan, sidaas darteedna waa laga dabaaqtamay oo si deg deg ah ayaa loo dhisay ururu siyaasadeed oo la magacbaxay Manifesto oo Ismaaciil Jamcaale uu halabuurkiisa lahaa. Hawiye rag kamid ah baa tirade xubnaha ku jirey, hase yeeshee aan lahayn culaab siyaasiin gaamurtay, Cali Shiddo Cabdi baana guddoomiye looga dhigay. Tirada xubnaha Manifesto waxaa la gaarsiiyey 114 oo u dhigma tirada aayadaha quraanka kariimka ah, sidaas darteedna dab badan oo Xamar deggenaa baa arrintaas abshir u arkay.

Hordhaca xubnaha Manifesto waxaa kamid ahaa: Baynax Barre, Ismaaciil Jamcaale Cossoble, Maxamad Abshir Muuse, Geentelmaan, Muuse Boqor, Xaashi Weheliye, iyo rag badan oo qubane ah.Tirada iyo magacyada xubnaha Manifesto kamid ahaa waxaad ku arki doontaa nuqulkii manifesto lagu dhisay oo lasoo shaacin doono marka ay ku habboonaato.

Manifesto waxaa seegtay inay jabhadihii soo dagaallamay la tixgeliyo oo lagu daro dawlaadda la dhisi doono, wixii khilaaf keeni karana laga fogaado si loo gaaro gogolxaar nabadeed oo ay ku dhalato dawladnimo aan laysku qabsan, dagaal sokeeyana u dhicin. Meel gaaban baa Sulux iyo Manifesto wax ka arkeen, qorshahoodiina waa gaabiyey, gaal sokeeyey baana dawlad-doonkii isu rogay.

Dhismada Manifesto dhiillo cusub baa Maxamad Siyaad u arkay waxayna ula muuqaatay in Maxamuud Saleebaan uu xukunkiisa duullaan ku yahay; hase yeeshee Maxamad Siyaad ma awoodi karin inuu Manifesto dhabarka u duwo, oo heshiis buu Mingistu Hayle Mariam kula soo galay Djibouti bishii Maarso 17dii 1988 in Dhafoor-qiiq Itoobia laga soo saaro isaguna uu meeleeyo.

Arrinta Manifestana labo arrimood bay ku keentay: Midda hore Dhafoor-qiiq buu la heshiiyey, Jeneraal Maxamad Siciid Moorgan baana la hoos keenay inuu kala meeleeyo. Qaar kamid ah waxaa Moorgan ka dhigtay ciidan ku hawlgala rabitaanka Qoto Bari, saraakiishiina jagooyin baa dawladdu meelaysay, xaqii ka baaqdayna waa loo magdhabay. Jen.

Moorgan oo wata Ciidankii Dhafoor-qiiq oo ku gaamuray  dagaal jabhadeed baa guluf colaadeed ku qaaday waqooyi-galbeed oo isugu jira dhac, xasuuq iyo barakicin bulsho rayad ah, wuxuuna  cagta soo mariyey Hargheysa, Barbara, Burco iyo deegaanno kale oo beelaha Isaaq ku sugnaayeen; bililiqadiina waxaa la keenay Gaalkacyo.

Sannadihii 89-90, Dawladdu ciidankii jabhadda Dhafoor-qiiq way soo dhaweysey waxaana Muqdisho laga siiyey dhul deegaan iyo gunno ay guryo ku dhistaan. Dhafoor-qiiq dib ayaa loo sii abaabulay, madaxdii iyo saraakiishii waa la hawlgeliey,mushaarkii ka baaqdayna waa loo magdhabay ciidankii harayna waa la meeleeyey waxaana loo xilsaaray.

Ciidankii Dhafoor-qiiq waxaa gacanta loo geliyey nabadgelyada Muqdisho oo uu gacanta ku ahyey Jen. Aadan Xirsi, kormeerka guud uu u xirsaarnaa Jen. Moorgan, hase yeeshee taasu labo waji bay lahayd: In Dhafoor-qiiq ay ciidan dahsoon dawladda u ahaato oo xukunka Maxamad Siyaad dheellitira, iyo inuu ahaato ciidan kayd ah oo difaaca dawladda dhalan doonta ee Sulux la wareegi doono.

Manifesto waxay Maxamad Siyaad ku boorisay inuu xukunka isaga dago iyadoon dhiig ku daadan; taasuna waxay ku noqotay dhiillo xukun-doon oo aan weli hore usoo marin. Shirkii waa laysku afgaran waayey oo Manifesto xubno kamid ayaa ayaamo la xirxiray.

Manifesto waxay beerdulucsi ka heshay safaaradaha dawladaha Italia, Masar, iyo Maraykanka, waxaana Maxamad Siyaad lagu xakameeyey inuu soo daayo xubnaha Manifesto, is-afgarad siyaasadeedna wax lagu wada qabsado. Maalmo kadib, raggi la xiray waa lasoo daayey, dib ayaana loo shiray, waxaana lasy ku afgartay in Maxamad Siyaad dhiniciisa uu ku darsado 25 xubnoond rag dhan oo uu si gaar ah ugu kalsoonaa  oo ay kamid ahaayeen: Cabdullaahi M. Siyaad Barre, Jen. Maxamad Siciid Moorgan, Mahad Dirir, Shiikh Cabdulle Maxamuud, iyo rag kale. Nasiibdarro, wada-xaajoodka Maxamad Siyaad iyo intii xukunkiisa u baratamaysey waxay kusoo abbarmeen bishii Dishembar iyo bilowgii Jannaayo 1990 oo ay caaradkii ciidamada USC Xamar soo galeen iyagoo labbisan drayskii koofiyad-casta iyo kii qalabkii ciidammada qarankaba.


Iyadoo la taabbagelinayo codsigii Maxamad S.Barre in la meeleeyo ragga uu watey, waxaa si deg deg ah loo dhisay Sulux oo ay ku jiraan Manifesto xubnihii ugu doorka roonaa oo 75 nin ka koobaa, wadarta guudna ay isku noqotay 100 xubnood. Qof dumar ah laguma darin, Maxamad S. Barre baana Sulux wax ka dhisay.

Si Qoto Bari muuqaal cusub u yeelato, waxaa la abaabulay in isirkii Jabarti Ismaaciil lagu xuso Muqdisho, taasoo ahayd dhacdo cusub oo ku slaysan is-ballaarinta Qoto Daarood, hase yeeshee xiisihii colaadda ee Muqdisho ka taagnaa iyo dulucda xuskaasu ka turjumayey baa dhaliyey xiiso cusub, waqtiguna uma saamixin in xuskaas la dhigo, hase yeeshee waxaa laysku afgartay in gogoldhig looga dhigo casuumadaha dawladda Sulux oo la dhisi doono.

USC waxay isu qaybisay ciidan labo madax ah oo midu qabsaday saldhigyadii ciidamada qalabka sida ay ku lahaayeen Gobollada Dhexe, halkaas oo ay ka heleen qalab dagaal, saanad fara badan iyo ciidan u caleemo ruxaya Jeneraal Caydiid. Fallaarta kale ee USCna waxay soo gashay Muqdisho, taasoo dawladda argaggax iyo qalalaaso ku riddo; dhammaadkii Dishembarna waxay la wada wareegtay xeryaha ciidammada qalabka, saldhigyada boliiska Xamar iyo inta ku hareeraysan, isla markaana waxay kuurka usoo gashay Villa Soomaaliya oo Maxamad Siyaad markaas go’doon ku noqday.

Bishu waxay ahayd caaradkii Jan.91, caydiidna Xamar buu soo galay, xaalad dagaal baana socota. Janannadii dawladuu ma dagaallamin oo nin walba wixii lacag uu gacanta ku hayey iyo carruurtiisii buu la baxsaday, lacagtii banuukta taalleyna intii maamulkaas gacanta ku haysey baa hore usii  bililiqaysatay. Intii Sade Daarood ku abtirsatay waxy afka saartay waddada Baydhabo, intii kalena waddada kisimaanyo ayaa la qaaday.

Iyadoon weli Maxamad Siyaad laga helin oggolaansho inuu xukunka ka dago ayaa Sulux dhisatay dawlad ku meel-gaar ah, Cumar Carte Qaalib baana loo doortay wasiirka 1aad. Arrintaas waxay Caydiid ula muuqatay baqalyo hilib la cararaysa gorgor kalena cayrsanayo. Waa uu ka gaabsaday, Suluxna lama soo xiriirin.

Arrimaha rahmanaa oo Manifesto iyo Maxamad Siyaad ay isla galeen waxaa kamid ahaa in Qaahira labada dhinac isugu tagaan oo shir labo-geesood ah lagu dhedhexaadiyo, xukunkana  la qaybsado, dawlaadda jirtana la caymiyo oo Maxamad Siyaad si sharaf leh xilka uga dago; waxaana arrintaas sidaas u daadihinayey safaaradaha dawladaha: Talyaaniga, Maraykanka iyo Masar. Caydiid lama soo hadalqaadin,isaguna waqti ku filan ma siin in Sulux keligeed wax noqoto.

Manifesto iyo Sulux Dar Illaahay laguma Dhisin

Manifesto dhexdeedu labo musharax oo qarsoodi oo aan is-ogayn bay kala wadatay-Ismaaciil Jamcaale iyo Xaaji Muuse Boqor, waxayse labadoodu isaga mid ahaayeen inay xukunka la wareegaan inta USC Muqdisho soo gelin.

Ismaaciil markuu geeriyooday Xaaji Muuse Boqor rajada uu madaxnimada u qabay waa labo-kaclaysay, tartankiisiina waa xoojiyey, hase ahaatee geeridiisii ayaa himilo Qoto Daarood hakad gelisey. Qoto Daarood waxay isu rogtay Qoto Bari, waayo Sade xukunka uu haystey buu ku yuurarsaday, Absamana gacansaar isir-raac lama lahayn wixii ka dambeeyey ballan-furkii Boqor Cusmaan uu u gaystay Sayid Maxamad Cabdulle Xasan marku Bari taageero iyo taakulayn u doontay, taasna waxay reebtay lahan is-bahaysi iyo isir-wadaag lays kaashado, waxaana markhaati cad u ah gabaygii Jiinley oo Sayidku arrintaas uga faallooday.

Geeridii Haaji Muuse boqor,waxay sii fududaysay tartankii is-reeb-reebka loogu galay jagada madaxweynenimada, hase yeeshee iyadoo la kaashanayo is-bahaysi beeleed oo maldahan iyo mataanayn siyaasadeed baa Cali Mahdi kusoo baxay caleemasaarka madaxweynenimo taasoo ku salaysnayd himilada Maxamuud Saleebaan maleegay oo ahayd, “Lafo-gari iyagaa laysku jabiyaa.” Iyo, “ushaada nin aad ka qaadan karto ayaa loo dhiibtaa.”


Caydiid xisaabta laguma darin oo waa lays tusaaleeyey in laga kaaftoomay mar haddii Cali Mahdi xoog iyo xeel ku muquunin karo, Hiraab inuu isku dhaco waaba waxa Caydiid loo takoray oo keentay in wadatashiga iyo xukun-qaybsigii laga qadiyo. Taasu talo-xumo Sulux baa hay oo laan aad fuushan tahay salka lagama jaro. Arrintaas waa midda ugu weyn oo bulshada Soomaaliyeed dhaxalsiisay burburka iyo anfariirka laoo maray. Dabka Sulux shidday weli waa nool yahay oo dhimbilihiisii dambaska ayay ku hoos nool yihiin, Sulux iyo intii ka aflaxday baana weli afuufaysa.

Bisha Jan.24dii waxaa lasoo qabtay rag dawladda Maxamad Siyaad ku jirey oo ku shirsanaa guri ka dambeeya Wakaaladda Horumarinta Biyaha Xamar, Caydiid baana loogu keenay guri Huriwaa ku yaal, raggaasna waxaa kamid ahaa: Maxamad Xawaadle Madar oo markaas ahaa wasiirka 1aad ee Dawladdii Maxamad S.Barre, Cumar Carte Qaalib oo ahaa musharaxa Sulux ee wasiirka 1aad iyo wiilkiisa, Maxamad Siciid Ciyow (Gentleman), Hiirad iyo Sarkhaan.

Caydiid waa soo dhaweeyey waana la wada fariistay. Dagaalka jooji bay wax badan raggii la keenay ku celceliyeen. Caydiid oo yaabban baa so’aal u jeedeiyey oo ku yiri, “Yaa madaafiicda nagu socota hadda soo ridaya?” Yaa bulshada rayadka ah madaafiic ku burburinaya? “Yaa dagaalka hadda wada?” Gentleman so’aal soo jeediyey baa yiri, “Cumar Carte Qaalib waxaa dooratay wasiirka 1aad ee dawladda cusub, waxaana dooratay bol nin. Talada naga qaado oo dagaalka jooji.” Caydiid wuxuu ugu jawaabay, “War nin bol nin oo keliya waddo miyaa ummadda Soomaaliyed madax u noqon kara?” “Ma dawlad Maxamad Siyaad dhisay baa ummadda Soomaaliyeed dani ugu jirtaa…?”

Waxaa Muqdisho markiiba laysla dhexqaaday in raggii dawlaadda dhismadeeda ku hawlanaa uu Caydiid soo afduubay oo maxaabiis u yihiin. Durba waxaa Caydii u yimid raacdo caraysan oo xubnihii Sulux kamid ahaa oo ay kamid yihiin: Cali Mahdi,  C/Qaasim S.Xasan oo ahaa ku-xigeenka wasiirka 1aad ee Dawaladda Siyaad Barre, Cumar Xaaji Bood, Ciise Faruurey oo la dhashay Xaashi Weheliye, Xuseen Dhimbil, Cumar Qoorey iyo Jen. Jilicow. Intuba waxay Caydiid ku booriyeen in Maxamad Siyaad xabbadda laga joojiyo.(Arag oo dhagayso doodda dhexmartay 2da dhinac oo maqal iyo muuqaal isugu jirta oo uu qabtay wartabiye goob-joog maalintaas ahaa oo maqaalkan la socota.   

Kulankaas ka’ma’da ku yimid wuxuu ahaa kii ugu horreeyey isla markaana ugu dambeeyey oo xubno Sulux ama  Maxamad Siyaad ka socda ay Caydiid la kulmaan oo dawlad dhisid iyo nabad-curin laga wada xaajoodo. Sulux waa is-mahadisay oo waxay isugu bogaadisay inay Caydiid xeelado iyo cudud ku muquuinin karto, taasna Sulux waa ku fashilay, Maxamad Siyaasna waa ku xukun-seegay.

Maxaa ka khaldamay manifesto & Sulux? Maxaa Qoto Daarood Qoto Bari isugu baddashay…? Maxaa Caydiid loo garab-maray oo talada looga qayb-gelin waayey…? Miyuusan talada dalka wax ku lahayn…? Miyuusan ahayn cudud la tixgeliyo…? Miyuuna soo halgamin oo soo wiiqin awooddii ciidan ee Dawladdu lahay…? Miyaan la doonayn dawladnimo lagu nagaado…? Miyuuna hayn ninkii dhabarka ka jabiyey maamulkii dawladnimo muddo maalmo ku siman…? Maxaa Caydiid gondaha loo qabsaday haddii laga maarmi karey…? Maxaa Caydiid farta loogu fiiqaa haddaan ciduba la tashan oo aan lagu soo darin dhismada dawladda…?

Intii la takoori lahaa, maxaa loo waayey in wax lala qaybsado…? Yaa Maxamad Siyaad Ka saaray Villa Soomaaliya 26dii Jannaayo 1991…? Yaa Maxaamad Siyaad dalka ka saaray…? ku danaystay isku dhacii Caydiid iyo Cali Mahdi…? Maxaa maqaawiirta Hawiye ka faa’iidday isku dhicii Hiraab…? Maxaa Qoto Bari ka faa’iidday isku dhicii Hawiye…?

Halgankii Caydiid uu Maxamad Siyaad xukunka uga riday ma xadgudub buu ku ahaa himilada Qoto Bari…? Maxaa Qoto Bari ugu kordhay hoosgalkii UN-ka iyo UNISOM…? Maxaa Sulux midnimada qaran xal ka gaartay…? Hiilladii dawladaha Masar iyo Talyaanigu maxay Sulux u kordhisay…? Caydiid dagaal sokeeye maxaa ku seegay? Maxaa ka khaldamay UNISOM,UN-ka, Talyaaniga & Masar? Yaa midnimada qaran salka ka jaray…?

La soco:
Maxamad Siyaad oo Villa Siimaaliya ka baxay. Dagaalkii Ruugcaddaagii soo Rogaalceli. Ushii Sulux Kismaanyo ku tuurtay. Huleelkii Qoto Bari...

AQRISO QEYBTII 4-AAD - RIIX MESHAAN - http://alturl.com/37bjs

Ayuub A. Aden - Sana‘a - Keydmedia.net Correspondent

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top