Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 9 January 2012

Top Secret Tape - Jen. Morgan “Waa Dagaal Daarood iyo Hawiye” - New Documentary

DAAWO VIDEO CUSUB (Keydmedia) - 20 Sano ayaa ka soo wareegtay Dacdadaan hada aad Daawaneysaan, waxaana moodaa in ay isku xiranyihiin arinta Maantay taagan. Shalay Morgan iyo Gabyoow, maantay Gaandi iyo Faroole.

Teaser Image Top Secret Tape - Jen. Morgan “Waa Dagaal Daarood iyo Hawiye” - New Documentary

Sheegidda ama sheegashada Magac Qabiil wax dhibaal ma laha oo waa soo jireen kamid ah hiddaha iyo dhaqanka ummadda. Hase ahaatee waxaa Xadgudub ah in Qabiilnimo lagu dhaarto oo magac Qabiil wax lagu bi'iyo-qaab kastaba haku yimaadee.

Sidoo kale, waxaan ogsoonahay inuusan jirin Qabiil wada fiican ama mid wada xun ee waxaa jira siyaasiin ficil xun oo Qabiilnimada ku ugaarata, bulshadana kala fogeeya.

DAAWO FILIMKA:


In yar oo fara-ku-tiris ah mooyee, middooda ayeyna ka hormariyaan danta guud ee Bulshada.

Haddii Kumayaal Dhimanayaan, haddii Kumayaal Cayrtoobayaan, haddii Kumayaal Barakacaayaan, haddii Kumayaal Aabaar u le'anayaan, ama Qaranka gunno yar shisheeye laga siisto waayo ummadduna waxay u tahay Jaranjaro ay ku miragurtaan.

Maanta ka hor, Soomaaliya sooma marin dagaal deegaan oo weliba lasoo adeegsaday taakulayn shisheeye iyo dhaqaale ay bixinayaan shirkado ajnabi ah oo Shidaal Doon ah. Waa dagaal deegaan; dagaal deegaanna waa dabadheeraadaa.

Waxa yar oo Daqaalaha ah ee ey bixiyaan Shirkadaha Fransiiska iyo Norway ama taakuleynta Xabashiyeed iyo tan Kenya waa olole socon doona muddo gaaban oo loo adeegsanayo Mr. Gaandhi. Khatarta Al-shabaab dalka ku haysana waa sii kobci doontaa.

Dab in la shido Soomaali Maantay uma bahna ee waxaa lo bahanyahay in la damiyo kann baxaya. Waxaa loo bahanyahay in loo gurmado oo loo gargaaro Malaayiinta ku solontay Xeryaha: Xagadheer, Dhadhaab, iyo Ceelasha Biyaha. 

Looma bahna in la sii barakiciyo malaayiin kale. Soomaaliyeey ka fiirsada oo u Fiirsada kuwa falkaas ku Naaxay. Ka Fiirsada: Jaga doon, jeeb doon iyo Jaajuus Shisheeye.

Keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top