► Video: Maxey Isku Khilaafeen Gen. Caydiid iyo Cali Mahdi? - Daawo Khudbada - Q. 2-aad
Daawo Video Cusub | Keydmedia Online Exclusive (KON) - Videoyahaan Documentryga ah waxaan kasoo qaadanay dhowr Eray oo soo koobaya Nuxurka Khudbada Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Ururka USC.
"Kal fadhigii Koowaad ee Golaha Dhexe ee Ururka USC waa Furanyahay" Ayuu yiri Caydiid.
"Waxaan dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee kasoo qeybgashay Kal-fadhigakan Ujeedinayaa Hambalyo aad u dhiiran oo aan ugu Hambalyenayo Doorashadii sida Domocratiga ah ku dhacday Bisha 5-teedi kuna ay guuleysteen in ay Nasiib u yeeshaan / in ay kamid noqdaan Golihii dhexe ee Ururka USC."
Caydiid intaas markuu yiri ayaa waxaa soo galay Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, Golaha dhexenah wuxuu kusoo dhaweeyay Sacab. Waxaa kaloo Video-ha ka arkeysaa Caydiid oo Kursiga u toosinaya inuu ku fariisto Cali Mahdi Maxamed.
Goobta uu Maxamed Faarax Caydiid Khudbada ka jeedinayo waa Golaha Shacabka oo aad Quruxdiisa halkaan ka dheehan kartaan, kadibnah ay Burburiyeen Ciidamadii Pakistaanka oo ay UNISOM horkacayeen, Hogaamiye Kooxeedyadii, Ciidamadii Itoobiyaanka iyo Kooxda Shabaab. Kuligood Qeyb bey ka ahaayeen Burburka loo geestay Guud ahaan Hantida Qaranka gaar ahaan Goloha Shacabka.
Waa Video Muhim ah, Dhuux oo dheeho Erayada Caydiid iyo Erayada Cali Mahdi ay isku Khilaafsanyihiin.
Keydmedia Online - http://www.keydmedia.net
Khudbadii Cali Mahdi Halkaan ka Daawo
Share this page
More Editorial
- M/weyne: Maandeeq Maalin Laguma Maalo!
- SYL - Sanadguuradii 70-aad | Daawo Video
- EXCLUSIVE: Madaxa Nabadsugidda Qatar Oo Lagu Dilay Muqdisho! // Qaraxii KM4
- Kenya: Maamulkii Ay Damacsaneed Inay Jubbooyinka Ka Hirgaliso Oo Fashilmay!
- Faalkii ShiIkhul Kulli // Felegow run sheeg – Fooxow run sheeg – Faalow run sheeg
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.