Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 18 February 2013

“Jubbaland” - Waxaa La Yari: “Jubbooyinku Waa Degaan Daarood” - Subxana Allah!

Najiib Cabdisamad - Arinta Dhulbalaarsiga iyo Xukun Xabad ku maroqsiga oo ayaantaan ka socda Gobolada Jubbooyinka waxay Waxgaradka Soomaaliyeed ku dhaliyeen Walaac horseeda Dagaalo Qabaa'il.

Teaser Image “Jubbaland” - Waxaa La Yari: “Jubbooyinku Waa Degaan Daarood” - Subxana Allah!

Waxaa si Cad Maalmahaan banaanka usoo baxday Qabyaaladd Qaawan oo aan geed loogu soo gamban.

Waa Cajiib: Qarnigaan 21-aad oo aan Maantay ku jirno waxaan Maalmahaan dambe Idaacadaha ka maqalnaa Erayo Soomaalida ka Fajiciyay (SAHAL) oo ka kooban Shan Xaraf.

S = Sadde Daarood (Mareexaan)
A = Absame (Ogaadeen iyo Adeerkiis)
H = Harti (Harti Daarood)
A = Awrtable
L = Laylkase

Waxaad marag ka tihiin in Soomaalidu Boqolkii 80 ay aad uga xishooto Qabiilka iyo Qabyaaladda Buumbuumintooda oo aan Muwaadinka Caadiga ah ku dhiiran karin in uu Xabadka u garaaco Qabyaaladda.

Waxaan Arintaan wax ka weydiiyay Prof. Liibaan Xasan Sababta ay Qarnigaan Dad Soomaali ah u Buumbuuninayaan wax aan moodnoh Qabyaaladd Qayaxan.

Prof-ka wuxuu yiri: "Horta waxaad ogaataa in Soomaaliya uu ka jiray Xukun Dikatari ah oo 22 Sano Xukunka Xoog ku haystay, taas waxaa ka dambeesay in Soomaali oo dhan ay kacday oo Rajiimkii oo Qolo walba ka koobnaa la Afgambiyay"

"Hadaba Maamulkaas Dad baa Sadbursi ku haystay inta kalenah wey ka oomaneed Qayraadka Dalka. Afgambigaas markuu dhacay Qolooyinkii loo burin jiray waxay u arkeen in ay Xukunkoodi soo ceshadaan, sidaas bayna Dagaaladii Sokeeye  uga qarxeen Koofurka Soomaaliya."

"Waxaad Xusuusataan 1991-dii in Ciidamo isku bahaystay Magaca Qabaa'ilka aad hada soo sheegtay ay dhowr goor isku dayeen inay Caasimada Muqdisho xoog iyo xabad dib ugu qabsadaan. Dagaaladaas waad Xasuusataan oo waxay soo jiitamayeen Ilaa 93-dii, Dagaaladu xoogaa yar bay Dalka ka hakadeen wixii aan Jubbooyinka ka ahayn oo murankeeda uusan waligiis dhamaanin"

Prof-ka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Waxaad ogtahay in dhowr goor la isku dayay dib u heshiisiin dhexmarta Bulshada Soomaaliyeed. Shirkii Carte (Jabuuti) waxaa naloo sheegay inay Soomaali heshiisay oo wixii dhexmaray laga dhigay Xalay dhalay, Shirkii Imbegaati (Kenya) sidoo kale waxaa naloo sheegay in lagu guulaystay Dib u heshiisiin oo Soomaali ay iscafisay. Hada waxaa muuqda wixii naloo sheegay wax ka duwan oo waxaa muuqda ifi-faale Qabyaaladd iyo Colaad"

"Waxaa dhalatay Dowlad Soomaaliyeed oo si Democratic ah Dalka looga soo doortay, waxaa jira Baarlamaan ka kooban Qabaa'ilka Soomaaliyeed oo dhan, waxaa haatan dhisan Dowlad Caalamka Ictiraaf ka haysata. Intaas oo dhan waxaa suutowda inay Jirto Koox aan ku qanacsanayn"

"Hadaan usoo noqono Arinta Maantay taagan oo la xariirta gacan ku haynta Jubbooyinka, waxaa muuqda in Kooxi doonayso in ay Cudud iyo Siyaasadd wax ku maquuniso. Waxaa iswaydiin mudan Suurtagal ma tahay inay saas wax u dhacaan? Tusaate: Dhiilada ay Abaabulayaan Qoxdaan aan horay usoo sheegnay, bal kawaran hadii ay hurdada ka kiciso, Soomaalida inteeda kale. Bal kawaran Qabiilka gare oo tirada badan, bal kawaran Dagoodi, bal kawaran Dir oo Soomaali barkeeda ah, bal kawaran Karanle, bal kawaran Xawaadle, bal kawaran Qabaa'ilka farahabadan ee Digil iyo Mirifle oo daga Degaanka Bay/Bakool/Gedo, bal kawan Ajuuraan, bal kawaran Qabaa'ilka la isku yiraahdo Hawiye, bal kawaran Xaskul Hawiye, bal kawaran Jareerweyn, bal kawaran Wagosha., bal kawaran Isaaq, bal kawaran Gudabiirsay, bal kawaran Ciise, masoo koobi karee raali ha la iga ahaado hadii aan ka tagay Qabaa'il kaloo farabadan…."

"Hadii Qabaa'ilkaas Dhiiladaas Colaadeed ay Kooxda aan horay usoo sheegnay ay ka Jawaabaan, soo Soomaaliya oo dhan ma noqonayso Bir iyo Holac!?"

Prof-ka ayaa yiri "Tusaale Axmed Madoobe, Gaandi, Cabdirixmaan Faroole, Maxamad Cabdi Yuusuf ama Morgan, dhamaantood waxay ku howlan yihiin sida uu Qabaa'ilka SAHAL ku bahoobay uu u xukumi lahaa Dagaamada Kheyraadka badan ee Jubbooyinka. Dadka Dagaanka Jubooyinkanah Arintaas ma doonayaan inay meel marto. Taas baa igu kaliftay inay ii muuqato Ifi-faale Colaadeed iyo Dagaal Sokeeye oo Dalka dib looga huriyo"

Prof-ku wuxuu kaloo yiri "Intaas waxaan ku dari lahaa in uusan Xalku ku jirin Qabyaaladd iyo Anaa Iri, ee Aaqirka la tagi doono Xaqiqada oo ah Ninwalba iyo Dagaankiisa. Waxaa kaloo loo baahanyahay inay Meesha ka muuqato Mas'uuliyadda Dowlada Soomaaliya oo aan Maantay loo jeedin ficilkeedi waxqabad"

Anigu waxaan Prof. Liibaan Xasan la wadaagaa  Fikriga ah inaan Xoog wax lagu maquunin karin. Ma soconayso Qabiil soo duula oo Qabaa'il kale qabsadah, waase dhici kartaa in wax la Kharibo, wax la dhaco, Dagaanka la barakiciyo ayadoo lagu rafanayo Qabyaaladda foosha xun.

Marna ma dhaci doonto "Aan kuu taliyo" waxaase suurtagal ah inay dhaco "Aan wada tashano" Aaqirkanah taas baa la iskugu imaan, oo micnaheedu yahay Xukun waxaad ka raadsan kartaa Dagaanka aad kasoo jeedid!

Waxaan filaynay in ay noqoto Qabyaaladdu wax laga xishoodo ee isma aanan lahayn Maantay ayaa Dad Aqoon isbidaya Qabyaaladd ku faanaya. Subhana'llah.

Ogaada: Runta lagama Xishoodo!!!

Wariye Najiib Cabdisamad (C/samad Cibaar) oo Keydmedia Online usoo diray Qoraalkaan!

Halkaan kala xiriir Wariye Najiib: .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top