Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Wednesday 3 June 2015

XASAN SHEEKHOOW MA PUNTLAND DARTEED BAAD MUDUG QABYAALAD UGU KALA GOOYNEYSAA?

(KON) - Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan"Cabdiboqor", Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Aqristoow shir loogu magacdaray “Madasha Wadatashiga” qeybtiisii 2-aad oo 30-kii April ilaa 1-dii May 2015-ka uga socday Garowe Dowlada Dhexee loowada dhanyahay iyo Maamul-Beeleedyada: Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ayaa 2-dii May 2-015-ka laga soo saaray “War-Murtiyeed” ka koobnaa 6-qodob.

Teaser Image XASAN SHEEKHOOW MA PUNTLAND DARTEED BAAD MUDUG QABYAALAD UGU KALA GOOYNEYSAA?

Warmurtiyeedkaa qodobkiisa 4-aad ee Dhismaha “Dowladaha Xubaha Kanoqonaya” Dowlada Federaalka gaar ahaan faraca (b) wuxuu udhignaa sidatan: Waxeey Madasha Wadatashigu iskuraaceen in dhismaha maamulka kumeelgaarka ah ee Gobollada Dhexe ee ay dowlada Federaalka hogaamineeyso, lagu saleeyo heshiiskii 14-ka Octoobar 2014-ka qodobkiisa 1.3 ee ay isla gaareen dowlada federaalka iyo [dowlada] Puntland.

Ogoow heshiiskaa 14-ka Octoobar 2014-ka ee la sheegayo waa kii uu ex RW Cabdiweli Sheekh “Yuulka” xiligii dagaalka uu kadhexeeyey isaga iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ee uu usoo xarxariiqay Maamul-Beeleedka Puntland, isagoo gaashaan-buursi qabyaaladeed raadinayey xiliga, kuna xumeeynayey [Beelo] Soomaaliyeed. Madaxweynaha iyo intabadan Baarlamaankaba xilligaa weey iska diideen, nasiibdarro! Maanta in madaxweyne Xassan Sheekh lamarsiiyo isla wixii xaalkooda sidaa ahaa, ma daciifnimo iyo dullinimo uga weyn baa jirta? Aqristoow bal si aad uga bogato xeshiis-kusheegaa war-murtiyeedka lagusoo xiganayo, iyo nuxurkiisaba wuxuu ahaa, fadlan aqri qormadii aan xillligaa kasameeyey ee ciwaankeedu ahaa: “Heshiis-ku-sheega Dowladda Dhexe & Maamul-Beeleedka Puntland waa Nikaaxii Mutcada!”

Sidoo kale “War-Murtiyeed-kaa” qodobkiisa 5-aad ee Amniga, faraciisa (b) wuxuu dhigayey isagana sidatan: Waxaa la isku raacay in la hirgaliyo is-afgaradkii 12-ka April 2015-ka ee Ra’isulwasaarada dowlada Federaalka Soomaaliya mudane: Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo madaxweynaha [Dowlada] Puntland mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kaasoo tilmaamayey in 3000 oo askari looga qoondeeyo ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Puntland iyo in Dowlada Dhexe lawareegto xuquuqda ciidankaas.

Soomaalidaa tiraahda, “Ma anigaa waalan, mise Cadan baa laga heesayaa!”. Waayaabe Madaxweyne Xassan Sheekh sidee ayuu Maamul-Beleedka Puntland uga ogolaaday in War-Murtiyeedka xitaa lagu daro, uqoondeynta 3000 oo askari, oo waliba dowlad dhexe waxkasta oo qarashaadkooda iyo xuquuqdooda ah dusha saaraneeyso! Waa su’aale dowlada Xassan Sheekh garwadeenka kayahay dhamaan Maamul-Beeleedyada kale iyana min 3000 oo askari ma uqoondeeyneysaa, qarashaadkooda iyo waxkastoo xuquuqdooda ahna dusha masaaraneysaa? Hadiise beesha caalamka aaneey Soomaaliya uba ogoleyn wax kabadan 10,000 oo askari, tani soow micnaheeda noqonmeeyso in Maamul-Beeleedka Puntland sadex-meeloodoo-meel (1/3) ciidanka Soomaaliya ka imaanayo “Beesha Puntland”? Ama Puntland tahay 1/3-ka Soomaaliya? Bal kawaran sida Puntland udhaqmi laheyd marka arintaa loosameeyo, mar hadii iyadoon ciidanka intaa la eg aaneey Dowlada Dhexe uqoondeen, qarashkeedana dusha saaran uu Maamul-Beeleedka Puntland ka dhamaan la’yahay in uu her-iyo-habeen ku luqluqdo: Dowlada dhexe xiriirka baan ujarney, kalsoonida baan kala noqonney, iyo in tillaabokastoo Dowlada Dhexe qaadaba eey kasoo horjeestaan, iyagoo kaduulaha in Dowlada Dhexe aaney waxba kaqaadi karin, maadaama dalka oo dhan aanu gacanta ugu wada jirin, ixtiraam warkiis daa’e?

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud markuu waxaa in meesha lagu qoro ogolaanayey wuxuu isku qanciyey in waxani aaneey “Heshiis” ubaahan saxiix iyo dhaqan galin qasab ah toona aheyne, eey yihiin oo kaliya “War-Murtiyeed”-Waloow ogolaashuhuba daciifnimo iyo khaladba ahaa. Wuxuu kadib shir jaraa'id uqabtay wariyeyaasha Arbacadii taariikhdu kubegneyd 6-dii May 2015 isagoo si cad carrabka ugu adkeeyay in wixii ubaahan fulin iyo qabanqaabin ee maamullada gobollada ah ay xukuumaddu kushaqo leedahay, dhanka sharciyadana uu Baarlamaanka Federal-ka ah udhisanyahay. Wuxuu uyiri sidatan:

"Muddooyinkan waxaan maqlayay, ama xataa fariimo la iigu soo dirayey dalku waxaa uu marayaa halkii uu taagnaa 2011-kii, wax heshiis ah oo dan gaar ah, oo aan la galay [Maamul Goboleed] majiro, kaliya waxaan isla fahannay in maleeyshiyaadka laqarameeyo, lana dhiso ciidan qaran oo uu dalku yeesho oo mideysan, waxa la leeyahay heshiis ayaa dhacayna waa wax kama jiraan, heshiis DFS ay la gashay [maamul goboleedyaduna] ma jiro".

Horta aan kuu qeexee waa maxay “War-Murtiyeed”? Sidiisaba War-Murtiyeedku wuxuu udhowyahay War-Saxaafadeed. Wuxuuna ka koobanyahay hal bog ama laba. Waxaana lagu qoraa xaalad markaa jirta, ama warbixin looga bixinayo arimo dhacay si uu ufaafo. Waxaa sidoo kale War-Murtiyeedka lagu qoraa ereyo diblomaasiyadeed, taasoo micnaheedu yahay in aan wax go’aan ah lagu gaarin. Tusaale ahaan “Waxaan ku heshiinay” laguma qoro. Inkastoo kii Garowe si khaldan looqoray, meel kadhacna uu kuwada ahaa Dowlada Dhexe iyo Labo ka mid ah sadexdii Maamul-Beeleed ee soowada saaray, nasiibdarrana! Aad loogu bahdilay, maadaama magacooda aanba lagu sooqaadan, iyadoo Punland dhowr jeer lagu magac-dhabay.

Aqristoow, bal ufiirso iyadoo Dastuurka dalka uyaal qodobkiisa 49-aad iyo kan 51-aadba dhigayaan in “laba gobol iyo wixii kabadan oo kaliya israacikaraan oo Maamul-Goboleed sameeysankaraan” ayuu ubareerey Madaxweyne Xassan Sheekh in uu si aan gambasho laheyn ugu tunto dastuurkii dalka uyaallay, oo ay aheyd in uu isaga ilaaliyo maadaama uu dastuurka kuyahay madaxweynihii dalka. Wuxuu sidaa madaxweyne Xasan usameeynayaa ookaliya rabitaanka madaxda Maamul-Beeleedka Puntland, oo eey ka go'antahay in eey gobolka Mudug qabyaalad ukala jaraan, dastuurkana hadba sida eey rabaan ugu Owr-kascsadaan, iyagoo kaduulaya mabda’a qabaliga ah ee dhahaya “Intii isku beel ah oo kaliya ayaa israacinkarta”, iyadoo sida saxda ahi tahay in ummada Soomaaliyeed wax la isugu daro, si aaneey qabyaalad ugu kala qoqobnaan waligeed, sidaana isudhexgal, isu soodhawaasho, iyo si walaaltinimo ah wax uwada qeeybsasho ugu udhexmarto.

Madaxweyne Xassan Sheekh wuxuu marmarsiiyo kadhiganayaa in waqooyiga Gaalkacyo Maamul-Beeleedka Puntland kajirey, balse wuxuu si macangagnimo ah isaga indhatirayaa in:

A-Dastuurka Maamul-Beeleedka Puntland uqoran maanta uu dhigayo in gobollada maamulkoodaa ka koobanyahay eey ku jirto Mudug, ee aaneey meelna uga qorneyn “Waqooyiga Gaalkacyo”, hadana xaqiiqda dhulka taallaahi weey kaduwantahay, oo Mudug kama wada taliyaan.

B-In saxiixayaashii Garowe wax kusaxiixay uu kujiray Maamul ladhoho “Gal-Mudug” oo ka kooban Galgaduud iyo Mudug, meelna iyana kuma qorneyn “Maamulka Galguduud iyo Koonfurta Gaalgacyo ama Mudug”, xaqiiqda dhulka taallaahi waxeey ahaataba.

C-Ugu dambeyn; wuxuu madaxweyne Xassan Sheekh iska indhatirayaa in meelna aaneey uga qorneyn dastuurka dalka uyaalla in hal gobol iyo xoogaa Maamul-Goboleed lagu jacburinkaro, ama intii isku qabiil ah oo kaliya israacikareeyso, hadii aan Dastuurka laga dhiganeyn, “lajiifiyaana banaan, lajoojiyaana banaan!”

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale intabadan kudoodaa, oo uu marmarsiiyo kadhigtaa marka uu Gobollada Dhexe kahadlayo, in maamulka laga dhisayo Gobollada Dhexe uuyahay oo kaliya mid kumeel gaar ah, oo aanu aheyn kii rasmiga ahaa, oo Gudiga Xuduudaha Federaalka qaabilsan eey maamullada rasmiga ah sameyndoonaan. Taasi micnaheenu waa xeeladeeysi uu kudoonayo in uu caqliga uga xado, isagana siijeediyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaana Ummada Gobollada Dhexe ee arintani sida tooska ah uquseeyso, si marka seeftu leefto, oo Xeero iyo Fandhaal kala dhacaanna loodhoho, “Adeerayaaloow meeshaad gaartaan miro ka gurta!”. Aqristoow; rumeeyso ama harumeeysan, mar hadii dadka Gobollada Dhexe la ogoleeysiiyo in eey aqbalaan in maamulkoodaasi noqdo wax aan dastuurkaba waafaqsaneyn, oo laba gobolba aan dhameyn, oo iska jacbur ah, waa sida looga guuleeystey, gobol iyo xoogaagaa ayeyna meesheey doonaan la aadayaan, wax mustaqbal dambe si rasmi ah isu badalidoonana majiraan. Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waa sidaa, hadeeyse taariikh xumidaa uu Xassan garan la’yahay saameynteeda fog kahortag iyo wax kaqabashaba leedahay.

Dhinaca kale, bal aanba dhahdo maamulka layagleelayo waa kumeelgaar, bal hade maxaa diidaya in Dastuurka dalka la raaco isagoo kumeel gaarkaaba ah? sidaana lagu dhiso maamul ka kooban dhamaan degmooyinka gobolka Galgaduud, sida: Cadaado, Cabudwaaq, Dhuusamareeb, Ceelbuur, iyo Ceeldheer), iyo dhinaca kale dhamaan degmooyinka gobolka Mudug kakooban yahay oo dhameeystiran sida: Jariban, Galdogob, Gaalkacyo, Hobyo iyo Xarardheere?

BBC-da ayaa 3-dii Maajo 2015 waxeey wareeysi layeelatey wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, haddana ah musharrax utaagan xilka madaxtinimada maamulka la doonayo in loo sameeyo Gobollada Dhexe: Mudane, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ah saaxiibka 2-aad ee Madaxweynaha, marka Faarax Sh. C/Qaadir lagasoo tago, iyo waliba dadka siyaasad ahaan aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ka hor yimid qodobbada heshiiskaas qaar ka mid ah.Wuxuu yiri, “Waxaan heshiiska uu Madaxweynuhu Garowe kusoo saxiixay uarkaa mid kahor imaanaya Dastuurka dalka uyaalla, gaar ahaan qodobada 49-aad iyo 51-aad. Sidaa daraadeed waa heshiis sharcidarro ah, liddi ku ah datuurka dalka, turunturana ku ah maamul usameynta Gobollada Dhexe”. Ogoow tani waxeey daliil cad utahay in Xassan Sheekh asxaabtiisii dad ugu dhawaa, ay xitaa furka si Public ah ugu tuureen, khaladka gunnimada ah ee uu galayo darteed.

Aqristoow, Bishii May ee 2015-ka ayaa waxeey VOA-da dood  culus oo taabatay nabarro qarsoon oo uu leeyahay Maamul usameynta Gobolada Dhexe ee dalka, ayaa dhexmartay guddoomiyihii Guddiga Dastuurka ee is casishay: Marwo, Caasho Geelle, xildhibaan Xoosh Jabriil iyo Eng. C/raxmaan Yariisoow, iyadoo doodaasi ay ka soo muuqdeen tacadiyo laga galay dastuurka dalka, dagaallo hor leh oo mustaqbalka dhexmarikara Maamullada Gobolada dalka ee la jacburinayo iyo arrimo kale. Eng. Yariisoow wuu gaabsanayey oo mowqif cad ma aanu istaagin, balse labada moowqif ee cad cadaa waxaa kala lahaa Caasho iyo Xoosh. Nuxurkooduna wuxuu kala ahaa sidatan:

Caasho Geelle, Gudoomiyihii iscasilay ee Gudiga Madaxa Bannaan ee Barlamaanka, waloow eey carrab laalaadineeysey, si eey waxmagaradka ukhalado hadana nuxurka hadalkeedu wuxuu ahaa wax ueg sidatan, ileyn Fiqi tolkii kama janno tagee: Maamulka tolkeey ee Puntland in qeybta waqooyiga Gaalkacyo laga hadlo iskaba daaye, waa in gobollada loosii kordhiyaa/badiyaa oo Mudug oo dhan ayaaba haboon, oo eeyba tahay in loogu wada daro! Galgaduud-na Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe hala iska raaciyo, hadii kale khad-cagaaran Gaalkacyo hala dhigo, inta beesheeyda ahna haloodaayo Puntlandteena oo sidii awalba aheyd ha usii raacsanaato. Ogoow hade qofka qaabkaa ufikiraya, ee nasiibdarro! Sidaa uhadlayaahi waa qofkaa lagu aaminay mas’uuliyadaa iyo jagadaa muhiimka u ah dhamaan Ummada Soomaaliyeed. Xaalku soow ma aha “Meeshii Cir laga filayey, ayaa Ceeyr yaamo katimid!”.

Dhinaca kale xildhibaan C/Raxmaan Xoosh Jabrii wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Arimaha Federaalka dalka, hadana ah xubin Baarlamaan, oo wadaniyad iyo Soomaalinimo eey ka muuqatey ayaa xalka abaaray isagoo yiri: "[Heshiiskii] Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Gaas ee dhigayey Gaalkacyo iyo Soomaali meel wadadagan in greenline ama khad-cagaaran ladhexdhigo xiligan 2015-ka lamarayo aad buu ukhaldanyahay, waliba khalad caadi ah ma aha'e waa mid asaasi ah, waana illegal ama sharcidaro, hadana nasiibdarro! In iyagoo Mas'uuliyiin Soomaaliyeed sheeganaya hadeey waxaa keeneen xaqiiqdii waa dad waalan, waana tii uu Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud madaxtinimadiisa kuweyn lahaa, ka Xildhibaanno ahaanna Xasan Sheekh waxaan kusameeyneeynaa impeachment ama xil-kaqaadis. Si dadka Soomaaliyeed aan loo kala qoqobin Puntland-na halaraaciyo Gobollada Dhexe, ama Gobollada Dhexe oo dhameeystiran hala israaciyo, laakiin Greenline ama khad-cagaaran hadda hor leh waa khalad aad uweyn".Waa hadalkii mas’uul siyaasadeed oo heer qaran ah looga baahnaa.

Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud wuxuu unacamleeynta Maamul-Beeleedka Puntland ku raadinayaa bal in uu kahelo wada shaqeyn wanaagsan, iyo in dhibka joogtada ah eey kadaayaan, Sida: In si joogta ah Mooshinno dabada eey ka riixeeyso Puntland ka abaabusho Baarlamaanka Federaalka dhexdiisa, gaar haan marka uu Ra’isulwasaare dalka kayahay muwaadin aan kasoo jeedin “beesha Puntland”, kumana sii jirto haduu Gedo iyo Garbahaareey kasoo jeedo’e, illaa lagu badalo mid Puntland dhalasho ahaan kasoo jeeda. In si joogta ah eey uga soo horjeestaan una mucaaradaan tillaabo kastoo dowladu qaado. In eey waraaqo cabasho, eedeyn iyo cambaareeyn ah si joogto ah ugu kala diraan bulshada caalamka. In eey si joogta ah oo aad usoo noqnoqota usheegaan in eey xiriirka ujareen Dowlada Dhexee Soomaaliya, kalsoonidana kala noqdeen, Xil-Madhibayaasha beeshana Garowe uga yeeraan, kuwaasoo iyana sii habjaqa…IWM Balse waxaanu ogeyn Xassan Sheekh hadafka istiraatiijiyada siyaasadeed ee Maamul-Beeleedka Puntland in uu yahayba diciifinta iyo dabandaabyeeynta Dowlada Dhexee fadhigeedu yahay Xamar. Waa hadafka eey dowladaha dariska iskashaabahaan, maxaa yeeley inta Dowlada Dhexe daciif tahay, Puntland sideey doonto ayey uhadlikareeysa, unadhaqmi kareeysaa. Dhaqankaa xunna ma istaagayo siduu rabo Xassan Sheikh ha ugu nacamleeyo’e, nasiibdarro! Dad kale oo kal-iyo-laab utaageersan ayuu si rakhiis ah isaga dilayaa.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Ugu dambeyn, sideedaba siyaasadu waxeey ubaahantahay aragti dheer, go’aan adeyg, iyo in mabaadi' eey ku qotonto, kunashaqeeyso, iyadoo dhinaca kalana danaha siyaasadeed oo eey kujiraan kuwa Istiraatiijiga ahna markasta lagu dheelitirayo mabaadi'daa, hadii kale weey indhabeeleeysaa, waana waxa Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud hada heeysta.

Carabta ayaa ku maahmaahda "Qofka lataliyeyaashu ka hallaabaan, waa sidii qof kaligii biyo ku hafanaya/maashoonaya!", Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waa nin Cali Maxamed Geedi uu lataliye unoqdey, oo maanta Villa Soomaaliya uu ladhexjiifo, sida kamuuqatana dhaqan siyaasadeedkaa wuu leeyahay, subxaankee!

Qoraa: C / Qaadir Maxamed Cismaan"Cabdiboqor"

Maamule-kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin ka ahaa. Minnesota, USA.

Al-Madinah International University .(JavaScript must be enabled to view this email address)

Keydmedia.Net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top