Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 26 June 2011

XUSUUSTA XORIYADA IYO XAALADA DALKA

Keydmedia - Shucuubta dowladaha adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo xaflado looga sheekaynayo qiimaha iyo qadarinta ay u leedahay ummadaasi.

Teaser Image XUSUUSTA XORIYADA IYO XAALADA DALKA

Hadaba Soomaaliya 51 sanadoon kadib waxay u dabaal dagi laheyd sanad guuradii ka soo wareegtay waqtigii calanka xornimada laga qaatay gumeestayaashii reer Galbeedka, 51 ka hor waxaa halkaas ku soo dhamaaday oo soo gabagaboobay halgankii gobonimo u diriirka Soomaaliyeed oo soo bilowday qarnigii 16aad.

Waxaana meesha ka baxay dhibaatooyinkii ay kula kici jireen gumeystayaasha dadka Soomaaliyeed, sida in dadka Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac, jir dil, baad ka qaadidi, xarig iyo waliba ihaanooyin farabadan, arintaasoo ay la qabeen dhamaan shucuubta Afrika iyo wadamadii la soo gumaystay ee Qaaradaha Aduunka.

Kulankii Magaalada Barliin ee Dalka Jarmalka sanadkii 1884 ay ku yeesheen Dowladihii Reer Yurub oo uu ugu tun weynaa Ingiriiska ayaa ku heshiiyay in Qaarada Afrika oo shucuubti markaa daganeed Siyaasada iyo cilmiguba ay ku yaraayeen in ay qeebsadaan qobadii ay ku heshiisyeen reer galbeedka waxaa ugu weynaa.

Dowlada Reer Yurub mid kasta inuu isagu shucuubta Dhulka uu qabsaday ku nool Heshiis la galo taas oo ugu muhiimsananeed in cudud Milatari lagu Maquuniyo Dowladaha kalana aanay soo fara galin Meeshii Dal Ree Yurub ah qabsady in aan loogu iman wixii aan ka aheyn xidhiid ganacsi oo xadidan Dowladaana looga amar qaadanayo.

Hase yeeshee Soomaaliya oo dhul baaxad weyn lahayd ayaa waxaa kala qeyb saday wadamadda kala ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxeyna kala jar-jareen dhulweynihii Soomaaliweyn.

Engiriisku wuxuu qabsaday Gobalada Waqooyi sanadkii 1884 inkastoo ay jireen sahamo badan oo waqtigaa ka horeeyay oo soo tixnaaa ilaa 1836 waqtigaas oo ahaa markii uu Engiriisku qabsaday xeebaha Cadmeed oo ku began gobalada waqooyi isagoo daneynayay Muhiimada ay u laheyd ciidamadiisii ku sugnaa dhamaan khaliijal cadam iyo gobalka Bariga dhexe oo waqooyga Afrikana Suudan iyo Masar kaga Jireen .

Meelihii ugu horeeyay ee uu Markaa ka soo dagay oo ahaa Magaalada qadiimiga ah ee Seylac iyo berbera labada wuxuu la galay odayaashii iyo aqoonyahankii markaas hogaaminayay heshiis taasoo uu leeyahay waxaan ka shaqeynayaa danahiina waxaan idinka wakiil noqonayaa Dunida oo aan idin fududeynayaa wixii aad u baahataan!

Ciidamada Engiriiska ee Dagaalkii Labaad ee Dunida uu ku soo galiyay Bariga Afrika iyo Bariga dhexe oo badankood ku sugnaa Cadan, Masar iyo Guud ahaan inta maanta loo yaqaan Khaliijal carab ayuu ugu daneynayay gabaadka heshiiskan ee uu yiri waxaan yeelanaynaa xidhiidh ganacsi, mid ilaalin iyo dhinaca amaanka ah si aanay Dowladaha kale dhulkiina idinka boobin taasoo markaa u hirgashay inkastoo qaarkood ahaaa heshiisyo adadag sida kii Seylac oo kale oo odayaashi markay ka heshiinayeen maqaar kaga saxiixdeen Heshiiskiisa .oo ilaa 6-qodob ka koobnaa :

  • In dhulka Soomaaliyeed uu hoos yimaado Dowladii Engiriiska ee Markaa jirtay iyo inuu ciidamadiisu dajin karo xeebaha Seylac ilaa saaxil.
  • In aanu dhex galin oo aanu faragalin ku sameynin arimaha hoose ee Dadka Soomaaliyeed.
  • Inuu odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Dhulkaas jooga uu bishii wax uun Mishaar ah Siiyo.
  • Inuu ganacsiga Soomaalida ahaado mid caalamka u furan isla markaana aanay Dowlad kale cagaha Soo dhigin waqtigii ay xuriyad u baahdaana gobanimadooda la siiyo.

Sidoo kale Faransiisku wuxuu qabsaday isagunga xeebaha Soomaaliya ee Jabuuti sanadkii 1848 isagoo sidii caadada aheyd  Heshiis ganacsi iyo balan qaad inuu ka ilaalinayo cadowga uu uu markaa ula jeeday Dowladaha reer Galbeedka, ayuu bishii November 15-keedii 1848  ilaa 20 Janaayo 1885 taariikhda Miiladiga Si rasmi ah ula wareegay xeebaha Jabuuti taasoo salka ku heysay Muhiimada balaaran ee ay u leedahay ciidamadiisa galbeedka qaarada Afrika ku sugnaa .

Faransiiska oo markaas ka shidaal qaadanayay heshiiskan ayaa la heshiiyay Odayaashii iyo waxgaradkii xeebahaa Daganaa oo uu hogaaminayay Xaaji Diide oo caan ka ah xeebaha Jabuuti isla markaana Noqday Duqii Magaalada Jabuuti ee ugu horeeyay.

Dhinaca kale Bishii Janaayo 1887 ayey si cad gacanta ugu dhigtay Itoobiya Gobalada Soomaali Galbeed iyadoo markaa ka helaysay taageero Milatari iyo Mid siyaasadeeda Dowadalii Engiriiska ee Markaa jirtay, taasoo ay ku heshiiyeen in ay mudo ciidamada Engiriisku Dhulkaas ilaaliyaan ugu danbeyntiina 1854 in gacanta laga Galiyo Itoobiya.

Intii ka horeysay 1516 Dalka Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid Nabdoon oo ay ka taliyaan Boqortooyooyin, hase yeeshee Boqorkii Bortaqiiska John Two wuxuu ergo u diray boqortooyadii Itoobiya xiligaa ka jirtay ergadaasoo uu madax ka ahaa nin la oran jiray Bedro fariintii uu wadayna waxa ay aheyd xukuumadii Soomaaaliyeed ee  ka jirtay Awdal muslimkana aheyd la go’doomiyo waxaanu bortaqiisku doonayay inuu noqdao xooga lama dhaafaanka ah ee badda cas .

Waqtigaas wuxuu ahaa xiligii ay Itoobiya dhul balaarsiga waday xagga waqooyi waxay gaartay Kasaala oo ah Xuduuda Suudaan iyo Itoobiya dhanka Koonfureed Dowladii Muslimka aheyd ee IFAAT Galbeedkana SIDAAMA. Itoobiya waxay qabsatay 1414-1419  Walaama xilgaasi waxay aheyd xiligii uu Nagaasha Itoobiya ka talinayay wuxuuna dhulkaas uu qabsaday oo dhan u diray Barasaabyo Xukunkiisa Hoose Yimaada.

Gobalka Loo yaqaano HADYA waxaa sanad walba ay ka  qaadan jirtay Boqortooyada Itoobiya SADO oo macna ahaan u dhiganta Canshuur iyo Gabar quxux badan, Gabadhaasi marka la bixinayo waxaa lagu tukan jiray Janaaso taasoo ka dhigneed in ay la mid tahay qof dhintay.

Arimahan iyaga ah waxa ay ahaayeen kuwii caragaliyay halgankana ku hogaaamiyay Amiir Axmed Ibraamih Binqaazi (Axmed Gurey ), sidaa daraadeed Axmed wuxuu bilaabay halgan uu kula dirirayo Boqortooyadii Itoobiya iyadoo bixitaankiisii ugu horeeyay uu ka alaab qaatay Magaalada Seylac uu markaa xarun u ahayd waxaanu halgankiisii waday ilaa uu ka gaaray halka loo yaqaano KAFA oo macnaheedu yahay afka Carabiga Kaafiya Anagu filan

Sidoo kale 2 bishii June 1901dii waxaa bilowday dagaalkii halganka ciidamadii daraawiishata ee uu horkacayay allah ha u naxariistee geesigii Soomaaliyeed Sayid Maxamed C/lle Xassan, iyadoo ciidamada daraawiishata ay dagaalo ba’an la galeen gumaystihii Ingiriiska waxayna isku heleen gobo badan, iyagoo adeegsanayay ciidamada Ingiriiska Hubkii ugu casri sanaa waqtigaa casriga ah iyo gaadiid cir iyo dhulba leh, halgangaasi oo ay wadeen ciidamaha daraawiishata Soomaaliyeed wuxuu ahaa kii ugu horeeyay uu gumaystuhu diyaarado u adeegsado intii ay socdeen dagaaladii gumeysi diidka ee qaarada Afrika..

Ha yeeshee halgankaasi wuxuu soo afjarmay sanadkii 1921 kadib markii  uu cudud Milatari oo aan waqtigaa caadi aheyn ku isticmaaalay Dagaaladii uu la galayay Daraawiishta taasoo aheyd in dayuuradu loo adeegsaday oo xagga cirka laga duqeeyay xaruntii daraawiishta ee Taleex halkaasoo aheyd keydkii ugu weynaa dhinaca hubka sahayada iyo degaankaba Daraawiishta.

Kadibna Sayadikii uu markaa isaga iyo Daraawiish uu watay ay u soo kaceen qeybaha Sare ee Wabi Shabelle ayaa ugu danbeyntii Shiikhu Wuxuu ku geeriyooday IIMEEY halkaas oo tilmaan loogu hayay qabrigii sayid Max’ed C/lle Xassan oo ka tirsan Soomaali galbeed oo iminka loo yaqaano kilinka shanaad.

Dhinaca kale Gobalada Waqooyi wixii ka danbeeyay Dagaalkii uu Sayid Max’ed C/lle Xassan La galay Engiriiska ka sokow wadniyiin Soomaaliyeed oo ku nafwaayay kicinta iyo abaabulida aydhiyaloojiyadii lagala soo horjeeday Engiriiska kuwaas oo caan ka ahaa Gobalada Waqooyi waxaana ka mid ahaa Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir iyo Shiikh Madar

AAS-AASKII SNM IYO SYC

Sanadkii  1945kii gobolada waqooyi waxaa ka hanna qaadey Xisbi siyaasi ah,oo ay dadku markii hore mucaaradeen una qaateen inuu ku saleysanyahay hab qabiil  hase yeeshee ka dib ayay dadkii fahmeen isla sanadkii 1956dii waxaa la badelay magacii Xisbiga iyo ujeedooyinkiisiiba.

Qodobadii ahdaaftii xisbbiga waxaa ka mid ahaa:

  1. Inay gobolada Waqooyi helaan xornimo taam ah oo  ayna wax shuruudihi
  2. Ku xirneyn
  3. In la mideeyo dhammaan gobolada soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyey
  4. In kor loo qaado Waxbarashada Diinta Islaamka iyo wax soo saarka dalka si looga maarmo gacan gumeysiga ku yeesho Soomaaliya.
  5. In ay soomaalidu qabyaada iyo nidaamka faasidka ah ee gumeysiga  la dagaalantoXisbigaasi oo la odhan jirey Raabidatu Soomaal.

Sanadkii 1958dii shacabka Soomaaliyeed ee gobolada Waqooyi wuxuu si dhab  ah u fahmey xaalada dalka ee gumeysigu gacanta ku dhigay waxayna u diyaar garoobeen geeri iyo nolol, waxayna qaateen hubkoodii, Xisbigii Raabidada oo ahaa xisbigii hogaaminayay halgankaasi Somaaliyeed wuxuu dhawaaqey inuusan ogoleyn inuu ku hoos noolaado gumeysigii Ingiriiska Wuxuuna garaacay albaabadii Xoriyada ee Engiriisku Xiray .

Intaa kadib waxaa sameesmay axzaabta ah SNL & USB oo labaduba ujeedadoodu ay ahayd in xornimo iyo madaxbanaani la helo lagana  hoos baxo Gumeysiga Ingiriiska oo isagu gacanta ku hayay gobolada waqooyi ee Soomaaliya.

Waxaana dhamaan dhulkii ay soomaalida ku nooleyd ee Somaaliya ku faafay, dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka  ee looga soo horjeeday gumeystayaasha reer Yurub.

Dhinaca gobolada koonfureed, dagaalkii  labaad ee Dunida markii uu Engiriisku ku tabar roonaaday Sanadkii 1941kii gacanta ku dhigay Gumeestihii Engiriiska taasoo aheyd dagaal uu ku jabiyey Talyaaaniga , wuxuuna ingiriisku ku guuleystay inuu ka taliyo dhammaan gobolada Soomaaliya oo dhan.

Sanadkii 1943 bishii may 15dii ayey 13 dhalinyaro Soomaaaliyeed ah waxay isu abaabuleen sameynta Naadi ay ku mideysanyihiin  dhalinyrada Soomaaliyeed  kuwaas oo kala ahaa:

   1. C/qaadir Saqawadiin
   2. Max’ed Xirsi Nuur
   3. Yaasiim Xaaji Cusmaan
   4. Xaaji Max’ed Xuseen
   5. Cusmaan Qariidi
   6. Dheere Xaaji Dheere
   7. Daahir Xaaji Cusmaan
   8. Cali Xasan Max’ud
   9. Max’ed Cali Nuur
  10. Max’ed Faarax Hilowle
  11. Xaaji Max’ed C/laahi
  12. Huudow Macalin C/lle
  13. Max’ed Cusmaan Baarba

Dhalinyaradaasi iyagoo garabsanaya shacbiga Soomaaliyeed ee dhinaca gobalada Koonfureed waxay hirgaliyeen in ay sameeyaan xisbigii SYL ee aabaha u ahaa halganka Gobalada Koonfureed waxayna xaruntii xisbiga ka dhigteen Magaalada Muqdisho. Iyagoo aas-aaaska Magacii hore xisbiga loo yaqiinay SYC (Somali Youth club).

Bishii April sanadkii 1947dii waxaa is badalay magacii naadigii KULUB wuxuuina u xuubsiibtay xisbiga Midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed, (SYL) kaasoo si rasmi ah u noqday xizbi siyaasi ah oo leh gudoomiye iyo hadaf cad  oo kala ahaa:

  1. Xoraynta Soomaaliya iyo Gaarsiinta xornimo Taam ah.
  2. Ka sifaynta gumeysiga guud ahaan gayiga Soomaaliya.
  3. Mideynta Gobolada Soomaaliya oo leh hal hogaan kaliya .
  4. Baabi’inta Qabyaaladda iyo kala soocida diinta iyo la dagaalanka kala qeybinta.bulshda somaaliyeed.
  5. Ilaalinta xuquuqda Soomaaliyeed iyo sare u qaadida heerkooda waxbarasho iyo ku faafinta afkaarta cusub dhammaan gobolada soomaalida..

Xizbigaasi wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee siyaasi ah lagana  sameeyo Somaaliya, wuxuuna isla durbadiiba wax qabadkiisa ku faafay guud ahaan gayiga  Soomaaliya, waxaana ka fircamay laamo oo uu ku yeeshay gobolada dalka, kuwaasoo aad u badnaa mid kastaa uu lahaa maamul maxali ah, oo ka shaqeynayey dhinaca wanaajinta laamahaasi kala duwan oo uu lahaa xizbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed waxey si toos ah u hoos imaanayeen maamulka guud  ee xarunta xizbigaasi oo ku taalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna  ahaa mid u heelan una daacad ah ujeedooyinka Xizbiga,balaarintiisa iyo isku dubarikiisa.

Xisbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ku soo biiray inta badan shacabka soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha ciidamada,  , wuxuuna ka  kasbaday taageero weyn maamulkii Ingiriisiga, isagoo dajiyay Qorshe habeysan oo loogu hawlgalayo wax u qabashada dalka iyo ku mintidida wadan jaceelka, wuxuuna noqday  astaan taagan oo matalaya dhaqdhaqaaqa wadaniyada Soomaliyeed,

Xisbigan wuxuuna shacabka ka kiciyay hurdada, isagoo ku abuuray xamaasad wadaninimo, kuwaasoo bilaabay inay raadiyaan xuquuqdooda la duudsiiyay, waxeyna talaabadaasi ahayd kacaan guud oo ay ka qeybgaleen shacabka soomaaliyeed dhamaantiis haween iyo ragba isugu jiray si libin looga keeno mabaadi’da xizbiga iyo ujeedooyinkiisa .

Waxaa loo galay ka libin keenida arintaasi dadaal badan iyo nafhurnimo oo uu shacbiga quwadiisa isugu geeyay si uu u hanto xuquuqdiisa sharciga islamarkaana isaga tuuray heeryada gumeysiga, si uu u gaaro gobonimo, arintaasina ma ahayn mid dhib yar oo si fudud loogu gaaray xurnimada maanta aynu harasanayno balse waxaa u shahiiday oo naftooda qaaliga u huray  muwaadiniin badan oo soomaali ah kuwaasoo gobonimada dalkooda dartii u waayay  naftooda qaaliga ah.,waxayna ugu danbeystii higsadeen yoolkii ay ku riyoonayeen oo dhibka badan u soo mareen.

Sanadkii 1946-dii wuxuu xisbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed wada xaajood la galay xukuumadii Ingiriiska wada hadaladaasi oo ku saabsanaayeen inay xaliso mushkiladda soomaaliya ayna gaarsiiso xurnimo,natiijadii waxay noqotay in qadiyada Soomaaliya loo banadhigo Qaraamada midoobay iyadoo  loo marsiyay   wasaaradda arrimaha Dibadda Ingiriiska waxaana  loo diray wafddi soomaaliya  si uu xunaha qaraamada midoobay ugu sharxao  qadiyadda Soomaaliya.

Wafdigaasi waxay qaraamada midoobay ka codsadeen in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ,in si deg deg ah waddankooda xurnimo loo siyo,maamulkii Ingiriiska ayaa ogolaaday codsigii wafdigaasi Soomaalida ah,wuxuuna wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska  daboolka ka qaaday siyaasada xukuumadiisa eek u wajahan xurnima gaarsiinta Soomaaliya,wuxuuna ka hor sheegay qaramada midoobay inay  xukuumadda ingiriiska ay shacabka soomaaliyeed ka saacidayso xaqiijinta madaxbanaanidooda iyo mideynta dalkooda hadii aay  ogol yihiin wasaayadda  Ingiriiska.

Sanadkii 1947 waxay go.aamisay Jamciyadda Qaraamumaha  midoobay  in la soo diray guddi xaqiiqi raadin oo ka kooban afar dal  oo dawladaha waaweyn ka socoday,kuwaasoo kala ahaa , M idawgii Sofiyeeti,Ingiriiska,Fransiiska  iyo Mareykanka si ay u qaban qaabiyaan afti  si ay u ogaadaan doonista shacabka soomaaliyeed ee dawlafdii ay rabaan inay wasiyad u noqoto dalkooda taasoo daryeelaysa dhamaanba xaaladooda guud ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.

Markii ay guddigaasi  afar geesoodka ah ay Muqdisho soo gaareen 11kii bishii Janaayo sanadkii 1948dii, waxaa soo ifbaxay mu’.aamarad ay wadeen shakhsiyaad madiidin u ahaa  fashiistihii Taliyaaniga kuwaasoo sameeyay abaabul ay dadka ku wacyigelinayaan inay sameeyan banaanbaxyo ay ku muujinayaan sidii ay u rabaan in dalka soomaaliya gacanta loo geliyo aaya talinta Somaaliya Talyaaniga.

Shakhsiyaadkaasi waxay si qarsoodi ugu jireen Xisbiga Midnimada Dhallinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali youth Congress).kuwaasoo isu ekeysiinayay inay daacad u yihiin ahdaafta Xisbigaasi  waxaana qorshahaasi shirqoolka ah watey Mustacmaradii Talyaaniga.Tabahaasi waaxaa si geesinimo leh uga hortegay Shacabka Somaaliyeed waxayna bilaabeen halgan ay dalkooda uga saarayaan

Bishii Janaayo 11-keedii sanadkii 1948 waxaa dagaal qaraari uu dhex maray ciidamadii gumeysataha Talyaaniga oo adeegsanayay hub casri ah iyo taageerayaashii ururka SYL, waxaana dagaalkaasi lagu magacaabay {Soomaali Ha noolaato} oo ah ereygii hal ku dhiga ay ka dhigaaneyeen markii ay dadka Soomaalida bilaabeen banana baxyada , waxaa ku nafwaayay dagaalkaasi dad Soomaaliyeed oo ay ka mid aheyd Xaawa Cusmaan (Xaawo Taako) taladeedii caanka aheydna lagu xasuusan jiray inkastoo hada ay meesha ka baxday oo la  baliilaqeestay  hadana meeshii  ka maqantahay, waxaana gumesytihii Talyaaniga looga dilay 53 Askar iyagoo tiro ka badana looga dhaawacay islamarkaana looga furtay hub iyo saanadba

.Talyaaniga waxaa  gaarey jab iyo halaag weyn dhacdadaasi waxaa goob joog u ahaa Guddigii afar geesoodka ahaa waxayna ogaadeen waxay xaqiiqadu tahay iyo rabitaanka shacbiga soomaaliyeed.

Markaasi guddigii waxay bilaabeen aftidii dad weynaha iyagoo ku  soo wareegaan dhawr maalmood gaar ahaan magaalooyinka ugu waaweynaa gobolada dalka

dhinaca kale Xisbigii SYL waxay iyaguna bilaabeen inay dhammaan noocyadii gumeysi ee Ingiriiska,Talyaaniga iyo Faransiiska ay kala furfuran

Taasoo keentay in ay guddigii afar geesood ay u cadaatey in aqlibiyada xaqiiqada ah ee shacabka soomaaliyeed  inayna ku kalsooneyn dhammaan dalalkani wax soo gumeysan jirey, qaramada Midoobey maahee. Guddoomiyihii Xisbiga SYL Alla u naxariistee Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu guddigii gacanta uga dhiibey warqad ku saabsaneyd dalabaadkoodii oo ahaa:

   1. In muddo 10 sanno aan ka badney qaramada Midoobey ggaccanta ku hayso lana diyaariyo mudadaasi Dastuur u googol xaaraya dhismaha xukuumada soomaaliyeed oo madax banaan afarta dal ee guddigu ka socdeyna ayy kormeeraan
   2. In xurnimo taamah la siiyo somaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan iyaddoo aan wax shuruud ah lau xirin
   3. In la israaciyo 5ta qeybood ee Somaalliyeed iyagoo hal dal ooh al calan leh
   4. In aan nooc kasta oo isticmaar aan mar dambe ku soo laaban Karin ciida soomaaliyeed..

Sidoo kale 5 bishii October  sanadkii 1948dii  dagaal qaraar ayaa waxa uu dhex maray ciidamada gumesytahay Talyaaniga oo adeegsanaya hub culus iyo taageerayaashii SYL oo ku dirirayay Tooriyo, Faasas, Seefaf iyo Dhagaxan, waxaana loogu magacdaray dagaal dhagaxtuur  xusuustii Taaladii dheereed ee Dhagaxtuur kuna taaalay agagaarka Masaajidka Isbahaysiga ka soo horjeedka Guriga Umada waxay raacday kacdoonkii Xamar.

Hayeeshee shirkii Q/M ee sanadkii 1948dii ee lagu qabtay magaalada Baaris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa tagay wafdi uu horkacayay allah ha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo halkaas ka aqriyay khudbad aad u gil gishay jawigii shirkaasi, arintaasi waxey keentay aaqirkii la ogaado in gobolada koonfureed ee Soomaaliya mudan yihiin in la siiyo xukun daaqili ah oo uu Talyaanigu kor ka maamulo, si uu ugu sii diyaariyo dowladnimo la siin doono 1960ka iyadoo dalka ay joogaan wakiilo Q/M ka socda.

Bishii may Sanadkii 1959 waxaa socdaala ku yimiday Gobalada Waqooyi  wasiirkii mustacmaraadka ee dawladda Engiriiskamagaalada Hargeeysa  oo ahayd maagaalo madaxda gobooladaasi si uu ogaado mawqifkooda siyaasadeed markii ay soo cagga dhigatey dayuuradii sidey waxay indhahiisu qabteen dad aad u badan oo madaxa ku soo xirtey gabal yar oo maaro madow ah.

Su’aashii ugu horeysey ee uu waydiiyey waxay ahayd waa maxay calaamadani aad madaxa ku wadataan, waxaayna ugu jawaabeen waa asstaanta dadka dulmanmeel kasatoo uu tego wuxuu ku arkey calankaa madow oo meel walba suran iyo shacabkii oo tiiraanyeysan, ayna ka muuqan wax soo dhaweyn ah oo isaga loo hayo.

Maalintii labaad ayuu wuxuu wasiirkii mustacmaaraadka ee ingiriisku tagaymagaalooyinkii waaweynaa ee goboladaasi waqooyi isagoo baabuurkiisii wata meel kasta oo uu tegana wuxuu ku arkey sdad  Gobanima doon oo diyaar u ah xoreynta dalkooda waxyna ku dhawaaqayeen gobanimadayadu waa lixdanka.kamana dambeyn karto

Sanadkii 1959kii wuxuu soo saarey wasiirkii mustacmaraadka ee Ingiriisku bayaan cad oo ay ku xusnad, sanadkii 1959 bishii oktoober waxaa aasaasmey Xisbi sadexaad oo ka go’ay Xisbigii ururka dhallinta.

Bishii Fabaraayo 17dii sanadkii 1960kii xuxuumadii Ingiriisku waxay bilawdey qabanqaabada doorashadii xibnihii baarlamaanka oo tiradoodu ahayd 32.sidoo kale waxaa laa qorey qawaaniintii doorashada waxaana ka qeyb galay laba USB/SNL Xisbi waxaana halkaasi ka soo baxay  baarlamaan uu hogaaminayey allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal.

Markaasi waxaa bilaabantay in maamulkii Gobaladii Waqooyi ee uu Gumeysan jiray Engiriiski Maamulkoodii lagu wareejiyo dad soomaali ah. Ka dib 26kii bishii June 1960 ayay gobolada waqooyi Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa kaasoo ahaa calankii ugu horeeyey ee asagoo xor ah ciidiisa lagu qotomiyo.   

Waxaa sii xoogaystay xiriirkii halganka gobonimo doonka ee ka dhaxeeyay gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee dalka Soomaaliya, sidaas darteed, ayaa gumeystahay Ingiriiska waxa uu go’aan saday inuu xornimo siiyo goboladii waqooyi oo loo yaqiinay xiligaas British Somaliland.

bishii June 26keedi oo ku abaarneyd Afar maalmood ka hor xiligii uu ku buuxay Balanqaadkii QM ee Gobalada Koonfureed in 1960-ka xornimo la siiyo ayuu ku dhawaaqay Engiriisku Xornimo gaarsiinta Gobalada Waqooyi.

Habeenkii 26-june Soo galayay ayaa Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa oo aheyd  Magaaala madaxdii Gobalada Waqooyi, wax laga sheekeyn karo wey ka badneyd sifihii ay ku sugnaayaan dadkii markaas calanka Qotamiyay hase yeeshee qodob yar aan is xusuusino  Alle ha u naxariistee Halgaamagii Soomaaliyeed C/laahi Suldaan Tima cadde ayaa Gabaygii ugu Mudnaa ka tiriyay halkaasi waxaana ereygii ugu xusuuta badnaa Gabaygiisa uu ahaa.

Taasoo uu  uga jeeday in calanka gumeysiga Engiriiska la siibo lana saaro badalkiisa calanka curtay ee Soomaalida KAA ereyga ah wuxuu ku tilmaaamay calan shisheeya KANA wuxuu ula danlahaa calanka SOomaalida sidaas ayaa qof walba looga fadhiyaa inuu u kala ogaado calanka shisheeyaha iyo kan sokeeyaha

4 Maalmood kadib xornimadii Gobalada Waqooyi oo aheyd 1 Luuliyo 1960 waxaa sidii balantu aheyd lagu dhawaaqay xornimadii Gobalada Koonfureed Habeenimadii ay soo galaysay 1 Luliyo ayaa Soomaali oo dhan waxay isugu soo uruurtay halkii xaruntii Dowaldii xiligaasi jirtay aheyd oo  aheyd FISHA GOVERNO oo ku taal Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho ka soo horjeedka Masaasidka Arbaca Rukun .

Abaarihii Saqdii  dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo waqtigii ay saacadu kala wareegaysay ayaa calanka Buluuga ah ee Maanta Dalkaba aragtidiisa ku yartahay laga taagay FIISHA GOVERNA dusheeda, halkaa waxaa isugu soo uruuray malaayiin dad ah oo u dabaal dagayay xoriyadii loo soo halgamayay mudada dheer waxaa la siibay calankii gumeysiga Talyaaniga waxaana la saaray calankii Soomaaliya, mar kale ayuu halgaamaga weyn ee xurnima u dirirka ahaa C/laahi Suldaan Tima cade halkaasi ka tiriyay Gabaygiisii ahaa.

Munaasabada 1 Luuliyo  ayaa sidaa ku noqotay mid kulmisa laba munaasbadood oo kala ahaa xornimadii Gobalada Koonfureed iyo israacii Gobalada waqooyi iyo Koonfur markaa waxaa halkaas ka aas aasmay Jamhuuriyadii Somaliyeed ee ka koobneed Gobalada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed.

MIDOWGII KADIB MAXAA DHACAY?

Markii la mideeyay labadii Baarlamaan ee Gobalada waqooyi iyo Koonfur waxa ay tiradooda isku gaadhay 122 taaas oo aheyd tiradii qiyaaasta xigmadeesneed ee ku saleesneed dhameestirka halgankii Soomaaliyeed ee aan ku qotamin kursi doon maal dadow qaadasho.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya waxaa loo doortay allah ha u naxariistee Aadan C/dulle Cusmaan {Aadan Cadde}, iyadoo dhinaca kalana dhab ahaantii ay qaadeen talaabo  aad iyo aad u qaali ah Ragii uu horkacayay allah ha u naxariistee Max’ed xaaji  Ibraahim cigaal, kuwaasoo Hargeysa kala soo safray calankii si ay ula midoobaan walaalahooda koonfureed .

waxaana Soomaaliya lagu xusuustaa inay ahayd dowladii ugu horeysay Afrika oo nidaamka dimuquraadiga ku dhaqanta oo ay dhacday madaxweynihii ugu horeeyay soomaaliya si nabad ah oo doorasho ah xilka ku wareejiyay.

Waxaana doorashadii labaad madaxweynihii Soomaaliya loo doortay C/rashiid Cali sharma’arke oo si doorasha xor ah ugu guulestay 7 sano kadib 1967, hase yeeshee alle ha u naxariistee 15 october 1969 ayaa  marxuum C/rshiid Cali Sharma’arke gacan ka gardarneed ku disahay Magaalada laascaanood ee Gobalka Sool .

Kadib geeridii Madaxweynahii C/rashiid Cali Sharmar’ake alle ha u naxariistee waxaa suurta gali weyday in  si nabad ah loo badalo lana doorto Madaxweyne Dalka hogaamiya .

Sidaa darted ciidamada Qalbka siday oo uu hogaaminayay Janaraal Max’ed Siyaad Barre alle ha u naxariistee ayaa hogaanka Dalka kula wareegay afganbi aanu dhiig ku daadan, waxaana halkaa ku dhamaatay Dowladii rayidka aheyd oo mudo sagaal sanadood ah Dalka ka talin jirtay xoriyad qaadashadii 1960-kii kadib.

AWOODII MILATARIGA IYO CURASHADII KACAANKA

21-kii  october sanadkii 1969 kii waxaa si rasmi ah Dalka gacanta ugu dhigay ciidankii qalabka siday xubnihii ka tirsanaa ee uu hogaaminayay Max’ed Siyaad Barre

Magacyada Golihii Sare ee Kacaanka waxa ay kala ahaayeen

1 Sareeye Gaas . Maxamed Siyaad Barre
2. Sareeye Gaas. Jaamac Cali Qoorsheel
3. Sareeye Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed
4. Gashaanle sare. Xuseen Kulmiye Afrax
5 .G/Le Dhexe. Maxamed Sheekh Cusmaan
6. G/Le Dhexe. Maxmuud Maxamed Mire
7. G/Le Dhexe. Maxamed Cali Samatar
8. G/le Dhexe. Maxamed Cabdalla Faadil
9. G/Le Dhexe. Maxmuud Geelle Yuusuf
10. G/Le Dhexe. Salaad Gabeyre Kediye
11. G/Le Dhexe. Axmed Maxmuud Cabdulle
12. Gaashaanle. Axmed Maxuud Faarax
13. Gaashaanle. Ismaaciil Cali Abokor
14. Gaashaanle. Maxamed Cali Shire
15. Gaashaanle. Cali Mataan Xaashi
16. Gaashaanle. Muuse Rabiile Good
17. Gaashaanle. Faarax Wacays Dhuule
18. Gaashaanle. Axmed Suleymaan Cabdalla
19. Dhame . Cabdi Warsame Isaaq
20. Dhame. Bashiir Cilmi Yuusuf
21. Dhame. Cabdirisaaq Maxamuud Abokor
22. Dhame. Cabdulqadir Xaaji Maxamed
23. Dhame. Maxamed Cumar Jees
24. Dhame. Axmed Xasan Muuse
25. Dhame. Cusmaan Maxamed Jeelle

24tii Oktoobar 1969 waxay soo saareen bayaankoodii ugu horeeyey oo ka koobnaa 13 qodob oo khuseeya Siyasaasada Gudaha iyo Siyaasadda Dibedda ayna isku raaceen in Dalka lagu xukumo Waxayna kala ahayeen sidan : -

Qodobbada Siyaaasada Gudaha

1. In la dhiso Ummad u siman Shaqada oon lakal soocin, iyadoo loo tixgalinayo waxkasta oo samaynaya nolosha dadweynaha Soomaliyeed

2. In dadka lagu hanuunsho horuumarinta dhaqaalaha, nolosha guud Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida wadanku horay ugu maro

3. In la cidhib tiro aqoon darrada, dadkana loo iftiimiyo qiimaha dhaxal galka ah eehidaha iyo dhaqanka Soomaaliyedd.

4. In la sameeyo sida ugu haboon saldhigii qorista iyo horuumarinta Af-soomaliga

5. In la dhameeyo musuqmasuqoo idil, qaraabo kiilka, qabyaalada iyo wixii kale ee kharibay bulshada

6. In la baab’iyo asxaabta siyasadeed oo dhan.   

7. In la sameeyo doorasho wakhtigii ay haboonaato doorasho madax banaan doorasho madax banaan.

Qodabadda Siyaasadda Dibedda

1. In la taagero ururrada Gobanimo-doonka ah, iyo iskaashiga Caalamiga

1. In la horjoogsado dagaalna lagu qaado gumaysiga iyo gumaysiga cusub

3. In lagu dadaalo sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed laysugu keeni lahaa

4. In la ogolaado mabaadi’da nabadgelyada iyo wada noolaanshaha Addunka

5. In lagu socdo siyaasad cad ee dhexdhexaadka ah

6. In la aqoonsado mabaadi’da Ummadaha Midoobay iyo Ururka Midowga Africa.

6dii Maajo 1971dii Waaxaa Radio Muqdsiho si lama filaana uga hadlay Xogahaya Wasaaradda Warfaafinta & Danuuninta Dadweynaha: Gaashaanle Dhexe : Ismaacill Cali Obokor Wuxuuna shaaca ka qaday in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sarakiishan.

   1. S. Guute Salaad Gabeyre Kadiye
   2. S.Guute Max’ed Ceynaanshe Guuleed
   3. G.Sare C/qaadir  Max’ed Guuleed (Dheel Dheel)

Saddexdan Sarkaal waxa lagu xumumay Diltoogasho ah 1luulyo 1970 waxaana Lagu toogtay fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska Xamar jajab Muqdisho. Waana maalintii Generaal Maxamed Siad Barre neeftuurey uuna ku jimicsaday xukunka.

Waxaana lagu eedeeyey inay qabanqabinayeen afgambi waxaana ku jirray 22 Sarkaal iyo hal qof oo rayada oo aah dadka siyaasada Soomalida ku guura.Waxaa amakaag iyo yaab ku noqotay xadhiga Korneel Dheel-dheel oon dambiga Shaqo kunlahayn ama aan la tuhmi karin. Badankoodana waxaa lagu xukumay xabsi da’iim iyo 1sanno ilaa 30 sannadood oo xadhiga sarakiishan.

Dhamaanteen wan ka dharagsanahay fa’íido iyo khasaare wixii dawladaasi gaysatey Halkana kuma soo koobi karno , laakiin hadan yara taabano dhowr qodob oo ka midyihiin sida.

11kii Janaayo 1972dii Golihii sare ee Kacanku wuxuu go’aamiyey in luqadiihii shisheeye La cidhib tiro waxaana la go, aamiyey in xuruufta latiiniga Af-Soomaliga af-soomaali laga dhigo Dhamaana manhajka waxbarashada dalka oo dhan laga dhigo afsoomali.

Dadka Soomaaliyeed waxay markii ugu horeysay aad ugu bogeen talaabadii ciidamada xooga Dalku ay qaadeen taasoo aheyd mid dalka iyo dadku ay u baahnaayeen kadib markii 9 sanadood dowladii rayidka aheyd ee soo maamulaysay ay qabyaaaladi ragaadisay waqtiyada doorashooyinkana dadku aad dhibaato ugu qabeen tusaale ahaan doorashadi ugu danbeysay waxaa ka qeyb galay 83 xisbi taasoo aheyd wax aad iyo aad looga yaabo fool xumo iyo wax laga xishoodana aheyd, .

Shantii sanadood ee ugu horeysay ee kacaanku gacanta ku qabtay Hogaanka Dalka waxay aheyd mid la mahdiyay marka aad dib u raacno taariikhda guulihii ugu waaweynaa ee shantaa sanadood la gaaro waxaa ka mid ahaa talaabadii bulshada laga badbaadiyay Abaartii daba  dheer, ololihii tiritirada akhris qoris la’aanta oo kumanaan Soomaali ahi ka faa’ideesteen.

 waxaa waagaas kacaanku Dalka ka hirgaliyay ilaa 38 wasrahadood oo ay ugu waa weynaayeen Warshadii Sonkorta Jawhar Isnaay Biyaasa, warshadii Sonkorta Mareerey, warshadii baastada, warshadii Sigaarka iyo taraqa, warshada Saliida Shiida , warshadii laabanka Afgooye kuwaasoo ahaa warshadihii ugu waa weynaa ee Dalka ka jiray dhamaantood waxaa lagu xaabqaaday kacdoonkii dadweynaha ee lagu baa’binayay hogaankii Siyaad Barre .

Si kastoo ay ahaataba maamulkii kacaanka ayaa waxaa laga tuuray xukunka dalka 1991kii iyadoo loo adeegsaday qori caaradii, wixii ka dambeeyay maamulkaasina waxaa dalka la wareegay maamul urureed. Kaaso laga dhaxlay dhibaatooyin farabadan.

Keydmedia.net


Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top