Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 30 December 2010

DHACDO UGUB AH - XASILOONIDARO HOR LEH!! SARACEN INTER. - (XOG MUHIIM AH)

Bisha Disembar 6dii, ciidamo reer Puntland ayaa dagaal kusoo qaadday deegaan xolo-dhaqato ah oo ku sugnaa Degaanka Bitaale oo Galmudug katirsan, halkaasoo ay ku laayey kuna dhaawacay dad iyo duunyaba. Iyadoo dhacdadasu ka duwn tahay xeerkii dagaallada reer miyyiga ka dhex-dhici jirey, waxaa dagaal kedis ah soo qaaday ciidan carbiyaysan oo kasoo weerar tagey fariisin ciidan oo katirsan deegaanka Puntland, iyagoo adeegsanaya gaadiid hub culus saaran yihiin.

Teaser Image DHACDO UGUB AH - XASILOONIDARO HOR LEH!! SARACEN INTER. - (XOG MUHIIM AH)

Gulufkaas ciidan wuxuu olole Dagaal ballaaran kusoo qaaday dad iyo duunyo ku sugnaa deegaamo hoos yimaada Bitaale Galmudug oo la yiraahdo: Godad, Dameercad, Harar Dhaaban, Buq Raas, Laasa Dhaa-Dheere iyo Docole Ooman. Goobahaas waxaa lagu xasuuqay 35 qof oo xoolo-dhaqato ah waxaana lagu dhaawacay 46 kale iyo xoolo badan oo ishkin u badan yahay. Dhimashada iyo dhaawaca waxaa kamid ah dumar iyo carruur. Dad halkaas ku le'day waxay ahaayeen xool-dhaqato Galmudug katirsan oo halkaas daaqsin iyo waraaba u jooga.

Xoolo-dhaqatadii is-abaabushay Maamulka Galmudug baa xakameeyey oo difaac bay uga jiraan goobahoodii, halkoodii bayna weli ku sugan yihiin.

Weerarkasu wuxuu xambaarsanaa ujeeddada ah in roobku reer Puntland u da'ay, sidaas darteedna aan la wada daaqi karin, sida maamulka Puntland uu ku doodayo. Taasu waa dhacdo yaab leh oo amakaag ku noqotay xeerkii la xurmayn jirey oo ahaa in daaqa iyo xareedda si qulqulato la'aan ah loo wadaago.

Waxaa xoolo-dhaqatada xeer soo-jireen u ah in loo roob-raaco meel alle meeshii roob ka da'o iyadoon loo arkin xuduud beeleed, deegaaan degmo iyo mid goboleedba. Barwaaqada Eebbe ciduna ma shaagan karto oo meeshii roob ka da'o baa la wada daaqaa. Waxaa dhacdo kale oo cusub ah in Puntland sheegato deegaaan daaqsin xoolaad oo ayna lahayn, haddana damacsan tahay inay ku hanato qoriga caaraddiisa.          

Waxaa kaloo aan weli Gamlmudug hore usoo marin dagaal dhacay- ha ahaado miyyii ama mid magaalo- oo aan laysaga garaabin, layska xaal-marin, laysu dhibtirsan ama aan diyo la kala qaadan.

Waxaa intaas kasii daran, dhoollatuska iyo guluf-wareeggga colaadeed ee ciidama reer Puntland ay ku hayaan bulshada deggen Koofurta Magaalada Galkacyo iyo jiidda daaqsinta ee labada Dawlad-goboleedyad u dhexaysa taasuna barakicisay xoolo-dhaqato, in badan oo reer beledka kamid ah, iyadoo  weliba ay taagan tahay xaalad abaareed oo culus.

Dhacdo kale oo ugub ah waxay ahayd markii dagaal dhaco dhibbanaha iyo dhiblowgaba waxaa u garsoorin jirey, nabaddana xasilin jirey wax garadka ka socda labada beelood oo dhibku kala gaaray, nabad iyo is-afgarad baana dhibkaas lagu xallin jirey. Arrintanu sidaas wey ka duwan tahay oo ciddii dhibka geysatay uma hoggaansamini xeerkii soo-jireenka oo lagu garqaybsan jirey laguna heshiin jirey oo Puntland ay ganafka taagtay, waayo diyaar uma aha inay xasiliso xasaradda colaadeed oo lay la kulmaan cuqasha Galmudug oo heshiika u taagan.

Sidoo kale, wafdigii Dawladda Dhexe usoo dirtay inay nabad ka-dhex curiyo labada dhinac oo colaaddu dhexmartay, dhinicii Puntland way diidday in daaqsinta xoolaha la wada daaqo, nabaddana la wada qaato. “Daaqsin la wada daaqo annagu ma oggolin,” bay noqotay mowqifka dhinaca Puntland. Ilaa haddana dhinaca Galmudug difaac ba ku jirtaa oo waxay doorbiday in nabad arrinta lagu xalliyo dabadeedna dhibkii dhacay laga wada xisaabtamo, raxmadda Eebana la wada daaqo.

Maxaa Curiyey Gulufka colaadeed ee Reer Puntland?

Xudunta xasaraddaha colaadeed ee reer Puntland waxaa saldh u ah hubka iyo tababarka Shirkadda SARACEN ay u fidisay Dawladda Puntland. Waxaa kaloo taas kabaya maalgelinta 10ka milyan oo Doolar ah oo Puntland ka heshay Abu Dhabi, taasoo heshiisku ahaa in lagu dabargooyo burcad-badeedda. Dhabnimadu waxay tahay in lacagtaas SARACEN ay hub kusoo iibisey kaasoo qayb kamid ah hadda gacanta ugu jiro beelaha Puntland ku abtirsada, kuwaasoo ku wajahan in lagu qaroorto daaqsin xolaad oo ay leeyihiin Gamudug iyo Somaliland iyadoo loo adeegsanayo malyshiyo lasoo hubeeyey oo hoos yimaada beelaha Puntland, hase yeeshee Dowladda Puntland ayna jeclayn inay sawirkaas ka muuqato .

WAXAY TAHAY SARACEN INTERNATIONAL?

SARACEN waa shirkad rayad ah oo la kiraysto oo tababarta ciidamada qalabka sida, hubkana waa soo iibiyaan marka loo dirsado. SARACEN waxaa sheegta Generaal Caleb Abandwanaho, oo lagu magacaabo Salim Saleh oo ah sarkaal hawlgab oo la dhashay Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Museveni, isla markaana Dawladda Uganda u ah lataliye sare.

Waxaa SARACEN maamule guud ka ah nin la yiraahdo Bill Pelser, waxaana kaloo dullaaliin ka ah labo sarkaal oo mid kamid ah uu hore uga tirsanaan jirey ciidamada sirta "CIA" Central Intelligence Agency oo la yiraahdo Micheal Shanklin, iyo nin hore Safiir u ga ahaan jirey maamulkii Maraykanka ee George W. Bush oo la yiraahdo Pierre Prosper. Labadaba waxaa loo haystaa dacwad dambi dagaal ah oo aan weli maxkamad la hor-keenin.

HAWGALKA SARACEN YUU DHABAR-JAB KU YAHAY?

A - Wuxuu dhabar-jab ku yahay Jamciyadda Qaramada Madoobay oo in badan ku hawl-jirtey inay Soomaaliya nabad kusoo dabbaasho. Muddo labo bilood ku siman durba hukii waxaa loo adeegsaday  xasuuq dad iyo mid xoolaadba, barakicin bulsho reer miyyi iyo mid magaalaba.

B - Wuxuu dhabar-jab ku yahay Dawladaha Midowga Africa oo hadda u xilsaaran inay Soomaaliya nabad ka abuuraan kuwaasoo aan diyaar u ahay in gobol kasta oo Soomaaliyeed uu helo hub, tababar ciidan iyo taakulayn milatari oo cid kale lagu weeraro. Haddii taasu dhacdana nabadda hadda ka jirta maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Somaliland waxay isu rogi doonaan goobo colaadeed.

UN-ku SIDEE SARACEN IYO HUBKA PUNTLAND U ARKAAN?

UN-ku wuxuu muddo hore go'aan ku gaaray inaan Soomaaliya ciduna keenin Hub, saanad iyo qalab Milatari toona, kaasoo sii fogaynaya nabadaynta Soomaaliyeed. Khiyaamadan hadda soo if-baxday waxay dharbaaxyo-quursimaad ku tahay UN-ka oo hadda kusoo baraarugay aayaha-xumada hubkanu deegaamada deriska la ah Puntland uu ku keeni karo, iyadaana taqaan sidii UN-ku arrintan uga dabaalan lahayd.

MUXUU NOQON KARAA MAWQIFKA DAWLADDA UGANDA?

Uganda waxay daddaaminaysaa labo arrimood oo aan is-dheelli tiri karin. Waa arrin Uganda ku ah labo daran mid dooro. Isma raaci karaan in Madaxweyne Yaweri Museveni walaakiis uu yeesho ciidan aan UN-ka iyo AU midna ayna sharciyayn oo Soomaaliya ka kiciya Xasarad colaadeed iyo barakicin cusub. Dhinaca kalena in Uganda horbooddo ciidan nabadeed oo Muqdisho xasiliya, cid walbana u riyaaqdo.

Museveni ayay u taal sidii uu arrinta uga dabbaalan lahaa; hase yeeshee waxaa wiiqmi doonta kalsooni weynidii USA, Au, UN-ka iyo EU ay ku qabeen kartida iyo hawlgalka Yaweri Museveni. Waxaa hardan cusub laga filaya Dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, sida Kenya iyo Ethiopia oo doonaya inay door muuqda ku yeeshaan maamulidda arrimaha Soomaaliya. Gaar ahaan, waxaa Ethiopia ku baaqi doontaa inay keento ciidamo cusub ku si ay wax uga qayb-qaadato dhaqaalaha ciidanka ku baxa.

Askariga reer Uganda iyo kan Buruundiba waxaa loo qondeeyey mushaar dhan USD 750-kiiba. Dawladda Uganda waxay kala hartaa USD 200 askarigiiba, kan reer Burundina USD 100 askarigiiba. Dhawaan Uganda waxaa loo gudbiyey qarashkii mushaarka ciidankeed lacag dhan USD 28 Malyan. Ciidanka Afrika ee Soomaaliya u jooga waa ganacsi, maamulka hoggaamiya dalalkooda ayaana mushaarkooda qayb ku leh.

ABU-DHABI IYO DAWLADAHA ISLAAMKA AH

Marka lasoo booqdo dhaawca yaalla Isbitaalada Gaalkacyo koofureed, marka loo kuurgalo xabaalaha dadkii lagu xasuuqay daaqsinta xoolaha iyo qaxootiga cusub oo hadda kasoo barakacay koofurta magaalada Gaalkacyo, way cadahay in hubka SARACEN keentay loo adeegsaday reer miyyi xoolo-dhaqato ah, isla markaana lagu barakicyey bulsho-weyn rayad ah oo tuulooyinka iyo miyyigaba kasoo ququlay. Sheekadii ciribtirka burcad-badeedda lagu soo maldahay hadda waa banjartay, dad badan baana been-abuuridda ku caano-waayi doona.

Waxaa la waayi doonaa jajabnaantii iyo deeqsinimadii Abu-Dhabi u haysey Maamul-goboleedyada is-xukuma. Dhacdadanu waxay kaloo gaagixinaysaa Dawladaha Gacanka Carbeed deeqdii dahsoonayd oo ay u fidin jireen TFG iyo dawlad goboleeddada Soomaaliyeed.

MAWQIFKA DAWLADDA USA

Mukhaabaraadka USA bay arrintanu amakaag ku tahay inay yaraysatay ama ay jiritaankeeda ka gaabsatay. Hadda oo arrintii qarsoodiga ahayd soo shaacbaxday, Dawladda Maraykan mawqif adag ba ka istaagi doontaa. Hawlgalka UNDP ee ku wajahan Puntland wax baa iska beddeli doona. Madaxweyne Yoweri Museveni kalsooni badan buu seegi doonaa, taakulaynta ciidankiisana hakad baa geli doona.

Uganda iyo SARACEN waxaa ka lumi doonta qaddarin iyo kasab ilo-dhaqaale. Dawladda Ethiopia muuqaal siyaasadeed oo cusub bay Somaaliya ku yeelan doontaa, faragelin bayna kusoo samayn doontaa gobollada Jubbada Hoose, haddii ay kuwaaso isu taagaan madaxbannaani goboleed.

DAWLADAHA AFRICAN UNITY

Waxay arki doonaan in Dawladda Uganda arrimaha Soomaaliya ay labagacmoodinayso taasuna ay baajin doonto in la helo dawlado kale oo diyaar u ah inay Muqdisho u diraan ciidan kaba kuwa hadda halkaas jooga. Waxay cambaarayn dusha uga ridi doonaan hawgalka aan sharciyaysnayn ee  SARACEN Puntland ka waddo, waxayna dhaleecayn doonaan ciddii ka dambaysa qandaraaskooda. Waxaa dhici karta in AU ay UN-ka ka codsadaan in Puntland la xakameyo, gobollada dariskeeda ahna la kabo.

MOWQIFKA TFG-da

Xiisad cusub baa ka dhex-aloosmi doonta ciddii SARACEN keentay Dalka iyo ciddii la sixiixatay heshiiska tababaridda ciidanka loo carbin doono madaxtooyada TFG-da. Barlamaanka waxaa arrintanu u noqon doontaa mid leh xiiso cusub oo ay dawladda ku gees-garaacaan. Waxay miiska u garaaci doonaan in farta lagu fiiqo ciddii ka dambaysey in Puntland SARASEN la geeyo. Ciddii Abu-Dhabi kasoo dhammaysay lacagta hubla lagu soo iibiyey iyo tan ciidamada Puntland hadda lagu tababarayo. Waa arrin qarsoodi lagu meelmariyey oo in yaru isla- ogtahay. Waxaa miisaanka ceebta saaran: Madaxweynaha TFG, Afhayeenka Barlamaanka, Wasiirkii 1aad oo shaqada ka tegey iyo wasiir ama wasiirro TFGda kamid ah ama hore uga tirsanaan jirey.

MAAMULKA PUNTLAND

Kalsooni badan, tixgelin heer caalami iyo qaddarin goboleed baa Puntland ka lumi doonta. Cunoqabataynta hubka oo Puntland jabisay ba so'aalo badan iyo mixnado la iman doona, kuwaasoo aan loo heli doonin jawaabo lagu qaanaco. Waxaa shiiqin doona kasnaantii Puntland ku heshay sugidda ammaanka iyo nabadgelyada deegaankeeda, siiba markay ku caddaato weerarradii ay Galmudug ku qaadday iyo dhibkii ay halkaas ka gaysatay. Waxaa kalsooni darro dhexmari doontaa maamulka Puntland iyo bulsho-weynta inteeda kale oo arkaya dibu-dhaca goboleed ee ku iman kara horumarka iyo adeegyada bulshada markay gabaabsi noqdaan taasoo muujinayso hoggaan-xumada maamulka hadda jira.

HADDII DAGAAL PUTLAND SOO QAADDO

Wax badan baa ku seegi kara haddii Puntland iyo Gamudug dagaal dhexmaro, kaasoo aan ciduna ku guulaysan. Dagaalkaas muddo badan ayay sii jiitami doonaa, waxaana laga dhaxli doonaa: Xiiso colaadeed oo aan damin, dhimasho xad-dhaaf ah, dhaawac farabadan, handti burburta, mid dayacanta iyo barakac hor leh.

Nolosha bulshada labada dhinac way wiiqmi doontaa. Mashaariicda socotana way joogsan doonaan markii baaqato maalgelintii lagu waday. Waxaa gabaabsi noqon doona waxbarashadii iyo adeegyada bulshada. Qaar kamid ah ardada iyo macallimiintu waxay aadi doonaan gobollo kale oo nabadu ka jirto. Xoolo-dhaqatadu way sii fogaan doontaa oo reer magaalku ma heli doono hilib iyo caano toona.

Ganacsiga isku xiriiriya Dekedda Bosaaso iyo dalka intiisa kale waa hakan doonaa oo qofkii maalqaabeenka ahaa lacagtii wuxuu u wareejin doonaa goobo kale oo nabadu ka jirto.

Deeqkii dunida inteeda kale noo fidin jireen gacmaha ayay laaban doonaan oo waxay sugi doonaan marka gobolladaas nabadu ka dhacdo. Burcadnimada baddu way labo-lixaadsan doontaa oo dhallin yaro fara badan oo shaqo la'aan ah baa halkaas ku biiri doonta. Aamin darro ayaa dhexmari doonta bulshada dagaallamaysa, madax dagaalka curisayna way carari doontaa oo lacagahooda iyo carruurtooda ayay fugaysanayaan, dabkii ay huriyeenna dhabarka ayay u duwi doonaan. Marka gobolladaadu isku-wiiqmaan, Al-shabaab baa si fudud dalkooda ula wareegi doona, Gobollada Puntland iyo Galmudugna al-Qaida ayaa ka talin doona, magacyo cusubna u bixin doonta. Arrinuba gacanta ka baxdaye maxaa layku qabsaan doonaa?      

www.keydmedia.net

Share this page

More Editorial

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top